1Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino ah, oo uu lo'da ka bixinayo, lab ama dhaddig midduu yahayba, waa inuu Rabbiga hortiisa ku bixiyaa neef aan iin lahayn.
1Ja kui kellegi ohvriand on tänuohver ja ta toob selle veistest, siis olgu see veatu isane või emane loom, kelle ta viib Issanda palge ette!
2Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu ku ag gowracaa iridda teendhada shirka, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.
2Ta pangu oma käsi oma ohvrianni pea peale ja tapku see kogudusetelgi ukse ees; ja Aaroni pojad, preestrid, piserdagu verd altarile ümberringi!
3Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,
3Tänuohvrist ta toogu Issandale tuleohvriks sisikonda kattev rasv, kõik rasv, mis on sisikonna küljes,
4iyo labada kelyood iyo xaydha dushooda ku taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado.
4mõlemad neerud ja rasv, mis on nende küljes nimmetel, ja maksarasv, mis ta eraldagu neerude juurest!
5Oo wiilasha Haaruun waa inay ku dul gubaan meesha allabariga iyo qurbaanka la gubayo oo kor saaran qoryaha dabka, waayo, taasu waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
5Ja Aaroni pojad süüdaku see altaril põlema põletusohvri peal, mis on puude peal tules, kui healõhnaline tuleohver Issandale!
6Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino ah oo uu adhiga ka bixinayo, lab iyo dhaddig miduu yahayba, waa inuu bixiyaa neef aan iin lahayn.
6Aga kui tema ohvriand on lammastest või kitsedest, tänuohvriks Issandale, siis olgu see veatu isane või emane loom, kelle ta toob!
7Oo hadduu qurbaankiisa wan yar ku bixinayo, Rabbiga hortiisa ha ku bixiyo.
7Kui see on lambatall, kelle ta toob oma ohvrianniks, siis ta toogu see Issanda ette,
8Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu teendhada shirka horteeda ku gowracaa, oo wiilashii Haaruun waa inay neefka dhiiggiisa ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.
8pangu oma käsi ohvrianni pea peale ja tapku see kogudusetelgi ees; ja Aaroni pojad piserdagu selle verd altarile ümberringi!
9Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydhiisa iyo badhidiisa oo dhan, taasoo uu ka gooyo meesha ay lafta dhabarka ka haysato, iyo xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,
9Ja ta toogu tänuohvrist Issandale tuleohvriks selle rasv, kogu rasvane saba, ta peab selle eraldama sabaluu juurest, ja sisikonna katterasv, kõik rasv, mis on sisikonna küljes,
10iyo labada kelyood, iyo xaydha dushooda ku taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado.
10mõlemad neerud ja rasv, mis on nende küljes nimmetel, ja maksarasv, mis ta eraldagu neerude juurest!
11Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaanka Rabbiga dabka loogu sameeyo.
11Ja preester süüdaku see altaril põlema kui tuleohvri roog Issandale!
12Oo haddii qurbaankiisu neef riyo ah yahayna, Rabbiga hortiisa ha ku bixiyo.
12Ja kui tema ohvrianniks on kits, siis ta toogu see Issanda ette,
13Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka, oo teendhada shirka horteeda waa inuu ku gowracaa, oo wiilasha Haaruunna neefka dhiiggiisa waa inay ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.
13pangu oma käsi selle pea peale ja tapku see kogudusetelgi ees; ja Aaroni pojad piserdagu selle verd altarile ümberringi!
14Oo isagu ha bixiyo qurbaankiisii, kaasoo ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo oo ah xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,
14Ja ta toogu sellest oma ohvriannina Issandale tuleohvriks sisikonda kattev rasv, kõik rasv, mis on sisikonna küljes,
15iyo labada kelyood, iyo xaydha ku dul taal oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado.
15mõlemad neerud ja rasv, mis on nende küljes nimmetel, ja maksarasv, mis ta eraldagu neerude juurest!
16Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaankii dabka loogu sameeyo caraf udgoon. Xaydha oo dhan Rabbigaa iska leh.Tan iyo ab ka ab waa inuu qaynuun joogto ah ku ahaadaa meel kastoo aad deggan tihiinba inaydaan cunin xaydh iyo dhiig midnaba.
16Ja preester süüdaku see altaril põlema kui healõhnaline tuleohvri roog; kõik rasv kuulub Issandale!
17Tan iyo ab ka ab waa inuu qaynuun joogto ah ku ahaadaa meel kastoo aad deggan tihiinba inaydaan cunin xaydh iyo dhiig midnaba.
17See olgu teie sugupõlvedele igaveseks seaduseks kõigis teie asupaigus: te ei tohi süüa mitte mingisugust rasva ja verd!'