Somali

Estonian

Proverbs

13

1Wiilkii caqli lahu wuxuu maqlaa edbinta aabbihiis, Laakiinse kii wax quudhsadaa canaanta ma maqlo.
1Tark poeg kuulab isa õpetust, aga pilkaja ei kuula sõitlustki.
2Nin wuxuu wax wanaagsan ku cuni doonaa midhaha afkiisa, Laakiinse khaayinnada naftoodu waxay cuni doontaa midhaha dulmiga.
2Oma suu viljast sööb mees head, aga autute igatsuseks on vägivald.
3Kii afkiisa dhawraa wuxuu dhawraa naftiisa, Laakiinse kii bushimihiisa aad u kala qaadaa wuu baabbi'i doonaa.
3Kes valvab oma suud, hoiab oma hinge, aga huulte ammuliajajat tabab hukatus.
4Kii caajis ah naftiisu wax bay damacdaa, mana hesho, Laakiinse nafta kii dadaala waa la barwaaqaysiin doonaa.
4Laisa hing igatseb asjata, aga virkade hing kosub.
5Ninkii xaq ahu beenta wuu neceb yahay, Laakiinse ninkii shar lahu waa karaahiyo, wuuna ceeboobaa.
5Õige vihkab valelikkust, aga õel toimib vastikult ja häbiväärselt.
6Xaqnimadu kii jidkiisu qumman yahay ayay ilaalisaa, Laakiinse sharnimadu dembilaha ayay afgembidaa.
6Õigus kaitseb seda, kelle tee on laitmatu, aga õelus kukutab patuse.
7Waxaa jira nin hodan iska dhiga laakiinse aan waxba haysan, Oo waxaa jira mid miskiin iska dhiga laakiinse maal badan leh.
7Üks näib rikkana, aga tal ei ole midagi, teine näib vaesena, aga tal on palju vara.
8Nin wuxuu noloshiisa ku furtaa maalkiisa, Laakiinse miskiinku canaanta ma maqlo.
8Mehe hinge lunahind on tema rikkus, aga vaesel pole vaja sõitlust kuulda.
9Iftiinka kuwa xaqa ahu weligii wuu reyreeyaa, Laakiinse laambadda kuwa sharka leh waa la bakhtiin doonaa.
9Õigete valgus paistab rõõmsasti, aga õelate lamp kustub ära.
10Isqabasho oo keliya ayaa kibir ka timaada, Laakiinse kii waanada qaata waxaa la jirta xigmad.
10Ülbusest tõuseb riid, aga kes nõu kuulda võtavad, on targad.
11Maalkii degdeg lagu helaa wuu dhinmi doonaa, Laakiinse kan hawl wax ku soo urursadaa waa sii korodhsan doonaa.
11Hõlpsalt saadud varandus kahaneb, aga kes kogub vähehaaval, kasvatab seda.
12Rajadii raagtaa qalbigay bukaysiisaa, Laakiinse markii wixii la doonayay la helo waa geed nololeed.
12Pikk ootus teeb südame haigeks, aga täideläinud igatsus on elupuu.
13Ku alla kii erayga quudhsadaa halligaad ayuu isu keenaa, Laakiinse kii amarka ka cabsada waa loo abaalgudi doonaa.
13Kes põlgab sõna, teeb enesele kahju, aga kes kardab käsku, saab tasu.
14Ninkii caqli leh waxbariddiisu waa il nololeed, In dabinnada dhimashada laga leexdo.
14Targa õpetus on eluallikas surmapaeltest pääsemiseks.
15Waxgarashadii wanaagsan raalli baa laga noqdaa, Laakiinse jidka khaayinnadu waa xun yahay.
15Peenetundelisus toob poolehoidu, aga hoolimatute tee on hukatus.
16Nin kasta oo miyir lahu aqoon buu ku shaqeeyaa, Laakiinse nacasku nacasnimuu fidiyaa.
16Taibukas teeb kõike teadlikult, aga alp näitab oma rumalust.
17Wargeeyihii shar lahu xumaan buu ku dhex dhacaa, Laakiinse ergadii aamin ahu waa caafimaad.
17Õel käskjalg toob õnnetuse, aga ustav saadik toob tervise.
18Caydhnimo iyo ceebba waxaa lahaan doona kii edbinta diida, Laakiinse kii canaanta maqla waa la murwayn doonaa.
18Vaesus ja häbi on sellel, kes ei hooli õpetusest, aga kes noomimist tähele paneb, seda austatakse.
19Wixii la doonayay oo la gaadhay nafta way u macaan tahay, Laakiinse nacasyadu aad bay u karhaan inay sharka ka fogaadaan.
19Täideläinud igatsus on hingele armas, kurjast hoidumine on alpide meelest hirmus.
20Kii kuwa caqliga leh la socdaa, caqli buu yeelan doonaa, Laakiinse kii nacasyada raacaa waa baabbi'i doonaa.
20Kes tarkadega läbi käib, saab targaks, aga kes alpidega seltsib, selle käsi käib halvasti.
21Dembilayaasha waxaa eryada shar, Laakiinse kuwa xaqa ah abaal wanaagsan baa loo gudi doonaa.
21Õnnetus ajab taga patuseid, aga õiged saavad palgaks õnne.
22Ninkii wanaagsanu dhaxal buu uga tagaa carruurta carruurtiisa, Oo maalka dembilahana waxaa loo kaydiyaa kuwa xaqa ah.
22Hea inimene jätab pärandi lastelastelegi, aga patuse vara talletatakse õigele.
23Beerta masaakiinta waxaa ku taal cunto badan, Laakiinse gardarro aawadeed in baa loo baabbi'iyaa.
23Kehvade uudismaa annab palju leiba, aga mõni hukkub ülekohtu tõttu.
24Kii ushiisa ceshadaa wiilkiisuu neceb yahay; Laakiinse kii wiilkiisa jecelu aad buu u edbiyaa.Kan xaqa ahu wax buu cunaa ilaa naftiisu dheregto, Laakiinse caloosha kuwa sharka lahu way baahnaan doontaa.
24Kes vitsa ei tarvita, vihkab oma poega, aga kes teda armastab, karistab teda aegsasti.
25Kan xaqa ahu wax buu cunaa ilaa naftiisu dheregto, Laakiinse caloosha kuwa sharka lahu way baahnaan doontaa.
25Õige sööb nii palju, kui ta süda kutsub, aga õelate kõht on tühi.