Somali

Estonian

Proverbs

22

1Magac wanaagsan baa laga doortaa maal badan, Oo nimcana waa ka wanaagsan tahay lacag iyo dahab.
1Aus nimi on kallim kui suur rikkus, hea kuulsus on parem kui hõbe ja kuld.
2Taajirka iyo miskiinku way wada kulmaan, Oo Rabbigu waa kii kulligood sameeyey.
2Rikas ja vaene kohtuvad, Issand on loonud need mõlemad.
3Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, waana la taqsiiraa.
3Tark näeb hädaohtu ja poeb peitu, aga rumalad lähevad edasi ja saavad nuhelda.
4Is-hoosaysiinta iyo Rabbiga ka cabsashadiisa abaalgudkoodu Waxaa weeyaan hodantinimo iyo sharaf iyo nolol.
4Alandlikkuse ja Issanda kartuse tasu on rikkus, au ja elu.
5Qodxan iyo dabinnaba waxay yaalliin jidka ninka qalloocan, Laakiinse kii naftiisa dhawraa waa ka fogaan doonaa iyaga.
5Okkad ja paelad on valeliku teel: kes jääb neist eemale, hoiab oma hinge.
6Ilmo u rabbee siduu ku socon lahaa, Oo isna xataa markuu gaboobo kama leexan doono.
6Juhata poiss ta tee peale, siis ta ei lahku sellelt ka vanas eas!
7Taajirku masaakiintuu u taliyaa Oo kii wax amaahdaana midiidin buu u yahay kii wax amaahiya.
7Rikas valitseb vaeste üle ja laenaja on laenuandja ori.
8Kii xumaan beeraa wuxuu goosan doonaa belaayo, Oo usha cadhadiisuna way dhammaan doontaa.
8Kes külvab ülekohut, lõikab viletsust ja tema viha vits saab otsa.
9Kii il deeqsiya lahu wuu barakoobi doonaa, Waayo, isagu wuxuu cuntadiisa wax ka siiyaa masaakiinta.
9Kes on helde, seda õnnistatakse, sest ta annab oma leivast kehvale.
10Kan wax quudhsada eri, oo muranku wuu bixi doonaa, Dirirta iyo cayduna way dhammaan doonaan.
10Aja pilkaja ära, siis lakkab riid, lõpeb tüli ning teotus!
11Kii daahirsanaanta qalbiga jecel, Oo bushimihiisu nimco leeyihiin, xataa boqorka ayaa saaxiibkiis ahaan doona.
11Kes armastab südamepuhtust ja kelle huuled on armsad, selle sõber on kuningas.
12Indhaha Rabbigu waxay dhawraan ka aqoonta leh, Laakiinse isagu wuxuu afgembiyaa erayada khaayinka.
12Issanda silmad valvavad tunnetust, aga ta kummutab petise sõnad.
13Kii caajis ahu wuxuu yidhaahdaa, Libaax baa dibadda jooga, Oo jidka dhexdiisa ayaa laygu dili doonaa.
13Laisk ütleb: 'Väljas on lõvi. Tapab mind viimaks keset turgu.'
14Naago qalaad afkoodu waa god dheer, Oo waxaa ku dhici doona kii xagga Rabbiga laga nacay.
14Võõraste naiste suu on sügav haud: keda Issand on hukka mõistnud, see langeb sinna.
15Nacasnimadu waxay ku xidhan tahay qalbiga ilmaha. Laakiinse usha edbintu way ka fogayn doontaa.
15Meeletus on seotud poisi südamesse, aga karistusvits saadab selle temast kaugele.
16Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.
16Kes rõhub viletsat, et rikkaks saada, ja kes annab rikkale, sellele tuleb vaesus.
17Dhegta u dhig, oo erayada kuwa caqliga leh maqal, Oo qalbigana aqoontayda u jeedi.
17Pööra kõrv ja kuule tarkade sõnu ja pangu su süda tähele minu tundmist:
18Waayo, waa wax wanaagsan haddii aad uurka ku haysatid, Oo hadday dhammaantood bushimahaaga diyaar ku ahaadaan.
18sest see on armas, kui sa neid eneses säilitad, kui need kõik su huultel on valmis.
19Bal eeg, adigaan maanta iyaga ku ogeysiiyey, Inaad Rabbiga aaminsan tahay.
19Et Issand võiks olla su lootus, selleks ma õpetan täna sind, just sind.
20Miyaanan waxyaalo wanaagsan kuugu qorin Talooyinka iyo aqoonta,
20Kas ma ei ole sulle kirjutanud kolm korda nõuandeid ja teadmisi,
21Si aan kuu ogeysiiyo hubaasha erayada runta, Inaad erayada runta uga jawaabtid kuwii ku soo diray?
21et õpetada sulle tõde, tõe sõnu, et võiksid vastata oma läkitajale tõe sõnu?
22Miskiinka ha dhicin, waayo, isagu waa miskiin, Oo kan dhibaataysanna meesha iridda ha ku dulmin,
22Ära riisu viletsat, sellepärast et ta on vilets, ja ära rõhu vaest väravas,
23Waayo, Rabbiga ayaa dacwadooda u qaadi doona, Oo kuwa iyaga dhaca naftoodana wuu dhici doonaa.
23sest Issand lahendab nende asja ja röövib nende röövijailt hinge.
24Ha la saaxiibin nin xanaaq badan, Oo nin cadho kululna waa inaanad la socon,
24Ära pea sõprust vihastujaga ja ära käi läbi raevutseva mehega,
25Waaba intaas oo aad jidkiisa baratid, Oo aad naftaadana dabin ku riddid.
25et sa ei harjuks tema viisidega ega valmistaks püüdepaela oma hingele.
26Ha noqonin sida kuwa gacanta dhaar ugu dhiiba, Ama sida kuwa deyman u dammiinta.
26Ära ole nende seas, kes kätt löövad, kes hakkavad käendajaks võlgade eest!
27Haddaanad haysan wax aad bixiso, Bal muxuu sariirtaada hoostaada uga la bixi?
27Kui sul ei ole, millega maksta, miks peaks võetama su voodi su alt?
28Soohdinta hore oo ay awowayaashu dhigeen Innaba ha durkin.Miyaad aragtaa nin shuqulkiisa ku dadaala? Isagu wuxuu istaagi doonaa boqorro hortood. Oo kuwa hoose hortoodana ma istaagi doono.
28Ära nihuta igivana piirimärki, mille su esiisad on seadnud!
29Miyaad aragtaa nin shuqulkiisa ku dadaala? Isagu wuxuu istaagi doonaa boqorro hortood. Oo kuwa hoose hortoodana ma istaagi doono.
29Kui näed meest, kes oma töös on tubli, siis on ta koht kuningate, mitte alama rahva teenistuses.