Somali

Estonian

Psalms

74

1Ilaahow, bal maxaad weligaaba noo xoortay? Oo bal maxaa cadhadaadu ugu kululaataa idaha daaqsintaada?
1Aasafi õpetuslaul. Miks sa, Jumal, oled meid ära heitnud jäädavalt? Miks suitseb su viha su karjamaa lammaste vastu?
2Bal soo xusuuso ururkaaga aad waa hore soo iibsatay, Oo aad u soo furatay inay ahaadaan qabiilkaad dhaxashay, Oo weliba Buur Siyoon oo aad degganaatana soo xusuuso.
2Mõtle oma kogudusele, mille sa muiste oled enesele asutanud ja oma pärandi jaoks lunastanud, Siioni mäele, kus sina asud!
3Tallaabooyinkaaga u soo qaad xagga baabba'a weligiis ah, Iyo xagga xumaanta uu cadowgu meesha quduuska ah ku sameeyey oo dhan.
3Tõsta oma sammud nendele igavestele varemetele, vaenlane on kõik rikkunud pühamus!
4Cadaawayaashaadii waxay ka qayliyeen shirkaaga dhexdiisa, Oo waxay calaamad ahaan u qotonsadeen calammadoodii.
4Su vastased möirgasid su kohtumishoones, nad on oma tähised pannud tähisteks.
5Waxay u ekaadeen sidii niman faasas u qaatay hawd jiq ah.
5Näis, nagu oleksid nad kirveid kõrgele tõstnud metsarägastikus.
6Haddaba shuqulkiisii la qoray oo dhan Waxay ku wada dumiyaan gudmo iyo dubbayaal.
6Nii lõid nad puruks kiinide ja haamritega kõik selle nikerdused.
7Meeshaada quduuska ah dab bay ku dhejiyeen, Oo waxay wada nijaaseeyeen meeshii magacaaga hoyga u ahayd.
7Nad on su pühamu süüdanud tulega põlema, su nime eluaseme on nad reostanud maani.
8Waxay qalbigooda iska yidhaahdeen, Kaalaya aan dhammaantood baabbi'innee, Waxay wada gubeen sunagogyadii Ilaah oo dalka ku dhex yiil oo dhan.
8Nad ütlesid oma südames: 'Hävitagem need täielikult!' Nad põletasid maha kõik Jumala kogudusekojad kogu maal.
9Annagu calaamadahayagii ma aragno, Oo innaba mar dambe nebi ma jiro, Dhexdayadana ma joogo mid garanaya ilaa goorma.
9Oma tähiseid me ei näe, prohvetit ei ole enam, ja meie seas ei ole kedagi, kes teaks, kui kaua.
10Ilaahow, ilaa goormaa cadowgu caytamayaa? Cadowgu miyuu magacaaga caayayaa weligiisba?
10Kui kaua, oh Jumal, saab tagakiusaja teotada? Kas vaenlane võib sinu nime laimata jäädavalt?
11Bal maxaad gacantaada midig dib ugu celisaa? Laabtaada ka soo bixi oo iyaga baabbi'i.
11Miks sa tõmbad tagasi oma käe, oma parema käe? Tõmba see välja oma põuest, hävita!
12Laakiinse Ilaah waa boqorkayga tan iyo waa hore, Isagoo badbaadin ka dhex samaynaya dhulka.
12Jumal on muistsest ajast mu kuningas, kes maailmas teostab päästmise.
13Xooggaagaad badda ku kala qaybisay, Oo masbadeedyada ku dhex jirana madaxaad ka jebisaa.
13Sina lõhestasid oma võimusega mere kaheks, sina lõid katki lohede pead vete peal.
14Waxaad kala burburisay madaxyada bahalbadeedyada oo Lewiiyaataan la odhan jiray, Oo cunto ahaan ayaad u siisay dadkii cidlada degganaa.
14Sina purustasid Leviatani pead, sa andsid need söögiks meresõitjale rahvale.
15Waxaad kala furtay ilo iyo durdurro, Oo waxaad qallajisay webiyo waaweyn.
15Sina lõhkusid allikad ja jõed, sina tegid voolavad jõed kuivaks.
16Maalinta adigaa iska leh, habeenkana adigaa iska leh, Oo adigaa diyaariyey iftiinka iyo qorraxdaba.
16Sinu päralt on päev ja öögi on sinu päralt, sina oled valmistanud valguse ja päikese.
17Adigu waxaad samaysay dhulka soohdimihiisa oo dhan, Oo adigaa sameeyey diraac iyo xagaaba.
17Sina oled seadnud kõik ilmamaa rajad, suve ja talve oled sina teinud.
18Rabbiyow, xusuuso in cadowgu caytamay, Iyo in dad nacas ahu magacaaga caayay.
18Mõtle sellele! Vaenlane teotab Issandat ja jõle rahvas laimab su nime.
19Qoolleydaada nafteeda ha u gacangelin dugaagga, Weligaaba ha illoobin nafta masaakiintaada,
19Ära anna oma tuvikese hinge kiskjate kätte, ära unusta oma viletsate elu jäädavalt!
20Bal soo fiiri axdigaaga, Dhulka meelihiisa gudcurka ah waxaa ka buuxa hoyaalka dulmiga.
20Vaata oma lepingule! Sest pimedad maanurgad on täis vägivalda.
21Kuwa la dulmay yaanay dib u noqon iyagoo ceeboobay, Miskiinka iyo kan baahanu magacaaga ha ammaaneen.
21Ära lase rõhutuid tulla häbiga tagasi, viletsad ja vaesed kiitku sinu nime!
22Ilaahow, sara joogso, oo dacwadaada u muddac. Bal xusuuso siday dadka nacaska ahu maalinta oo dhan kuu caayaan.Ha illoobin codka cadaawayaashaada, Kuwa kugu kaca buuqoodu had iyo goorba wuu soo kacaa.
22Tõuse, Jumal, seleta oma riiuasi, mõtle teotamisele, mis kogu päeva tuleb jõledalt mehelt!
23Ha illoobin codka cadaawayaashaada, Kuwa kugu kaca buuqoodu had iyo goorba wuu soo kacaa.
23Ära unusta oma vastaste kisa, nende möll, kes sulle vastu hakkavad, kohub suuremaks alatasa!