1Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan guriga Rabbiga iyo gurigiisiiba dhisayay,
1Salomolta meni kaksikymmentä vuotta Herran temppelin ja oman palatsinsa rakentamiseen.
2ayuu Sulaymaan dhisay magaalooyinkii Xuuraam isaga siiyey, oo wuxuu halkaas dejiyey reer binu Israa'iil.
2Hän myös varusti ne kaupungit, jotka Hiram oli hänelle antanut, ja siirsi niihin israelilaisia.
3Oo haddana Sulaymaan wuxuu tegey Xamad Soobaah, wuuna ka adkaaday.
3Sen jälkeen Salomo hyökkäsi Hamat-Sobaan ja valloitti sen.
4Oo cidladiina ayuu Tadmor ka dhisay, oo weliba wuxuu Xamaad ka dhisay magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray oo dhan.
4Hän linnoitti myös autiomaassa sijaitsevan Tadmorin ja varastokaupungit, jotka hän rakensi Hamatiin.
5Oo weliba wuxuu kaloo dhisay Beytxooroontii sare iyo Beytxooroontii hooseba, wuxuuna ka dhigay magaalooyin deyr leh oo ay derbiyo ku wareegsan yihiin oo irdo iyo qataarroba leh,
5Hän rakensi ylemmän ja alemman Bet- Horonin ja varusti ne muureilla ja salvoin suljettavilla porteilla.
6iyo weliba Bacalad, iyo magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray oo uu Sulaymaan lahaa oo dhan, iyo magaalooyinkii gaadhifardoodkiisa oo dhan, iyo magaalooyinkii fardooleydiisa, iyo wixii uu Sulaymaan jeclaaday inuu ka dhisto Yeruusaalem, iyo Lubnaan, iyo dalkii uu boqorka ka ahaa oo dhan.
6Samoin hän linnoitti Baalatin ja kaikki kaupungit, joissa hän piti varastojaan, vaunujaan ja hevosiaan. Hän rakensi myös kaikkea muuta, mitä näki hyväksi, Jerusalemiin, Libanoniin ja koko sille alueelle, jota hän hallitsi.
7Oo weliba dadkii ka hadhay reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus oo aan reer binu Israa'iil ahayn,
7Salomo määräsi, että kaikkien jäljelle jääneiden heettiläisten, amorilaisten, perissiläisten, hivviläisten ja jebusilaisten, kaikkien, jotka eivät olleet israelilaisia, oli tehtävä verotyötä.
8kuwaas farcankoodii dalka ku hadhay, oo aanay reer binu Israa'iil baabbi'in, Sulaymaan wuxuu ka dhigtay addoommo ilaa maantadan la joogo.
8Israelilaiset eivät olleet pystyneet tuhoamaan heitä kaikkia, ja niin heidän jälkeläisiään oli yhä maassa. Heidän on tehtävä verotyötä vielä tänäkin päivänä.
9Laakiinse reer binu Israa'iil Sulaymaan shuqulkiisii addoommo ugama uu dhigan, waxayse ahaayeen rag dagaalyahan ah iyo madaxdii saraakiishiisa, iyo taliyayaashii gaadhifardoodkiisa iyo fardooleydiisaba.
9Israelilaisista Salomo ei pannut ketään orjan töihin, vaan he olivat sotilaita ja sotapäälliköitä, sotavaunujen ja vaunumiesten päälliköitä.
10Oo kuwanu waxay ahaayeen saraakiishii Boqor Sulaymaan oo ahaa laba boqol iyo konton nin oo dadka u taliya.
10Töiden valvojina kuningas Salomolla oli kaksisataaviisikymmentä virkamiestä.
11Markaasaa Sulaymaan gabadhii Fircoon ka soo kaxeeyey magaaladii Daa'uud oo wuxuu keenay gurigii uu iyada u dhisay, waayo, wuxuu yidhi, Naagtaydu degganaan mayso gurigii Daa'uud oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, meelihii sanduuqa Rabbigu yimid waa wada quduus.
11Faraon tyttären Salomo vei Daavidin kaupungista häntä varten rakentamaansa palatsiin. Salomo sanoi: "Kukaan vaimoistani ei saa asua Daavidin, Israelin kuninkaan, palatsissa. Se on pyhä, koska Herran liitonarkku on ollut sillä paikalla."
12Oo haddana Sulaymaan wuxuu Rabbiga qurbaanno la gubo ugu bixiyey meeshii allabariga ee Rabbiga oo uu isagu ka dhisay balbalada horteedii.
12Salomo uhrasi Herralle polttouhreja alttarilla, jonka hän oli rakentanut temppelin eteishallin edustalle.
13Wuxuu bixiyey wixii Muuse amray in la bixiyo maalin kasta, iyo Sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo iidaha sannaddiiba saddex jeer loo amray, kuwaasoo ahaa Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyo Iiddii Toddobaadyada, iyo Iiddii Taambuugyada.
13Hän toimitti uhrit sapatinpäivinä, uudenkuun päivinä ja kolmen vuotuisen juhlan, happamattoman leivän juhlan, viikkojuhlan ja lehtimajanjuhlan, aikana, kunakin päivänä sen mukaan kuin Mooseksen laissa oli säädetty.
14Oo kooxihii wadaaddadu ku adeegi jireen iyo kuwii reer Laawi shuqulkooda loo amray ku samayn jireenba wuxuu ka dhigay si waafaqsan amarkii aabbihiis Daa'uud inay Rabbiga ammaanaan oo ay wadaaddada hortooda ka adeegaan sidii maalin kasta hawsheedii loo doonayay, oo weliba iridjoogayaashii ayuu kooxahoodii irid kasta ku taagay, waayo, sidaas waxaa amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah.
14Isänsä Daavidin määräyksen mukaisesti hän järjesti pappien palvelusvuorot ja jakoi leeviläisille tehtävät määräten, minä päivänä minkin osaston piti olla ylistämässä Herraa ja avustamassa pappeja. Hän järjesti myös portinvartijoiden osastot eri porteille. Tästä kaikesta oli Daavid, Jumalan mies, antanut määräykset.
15Oo iyana kama ay tegin amarkii boqorku ku amray wadaaddada iyo reer Laawi oo ku saabsanaa xaal kasta iyo xaggii khasnadahaba.
15Missään kohden ei poikettu pappeja ja leeviläisiä, aarrekammioita ja muita seikkoja koskevista kuninkaan käskyistä.
16Haddaba Sulaymaan shuqulkiisa oo dhammu diyaar buu u ahaa maalintii guriga Rabbiga aasaaskiisa la dhigay iyo ilaa maalintii la dhammeeyey. Oo sidaasaa guriga Rabbiga loo ebyey.
16Näin saatettiin päätökseen Salomon koko työ, aina Herran temppelin perustusten laskemisesta sen valmistumiseen saakka. Herran temppeli oli valmis.
17Markaasaa Sulaymaan wuxuu tegey xagga Cesyoon Geber iyo Eelood oo ku yaal xeebta badda ee dalka Edom.Oo Xuuraamna wuxuu gacanta addoommadiisii ugu sii dhiibay doonniyo iyo addoommo badda aqoon u leh, oo iyagu waxay addoommadii Sulaymaan u soo raaceen Oofir, oo halkaasayna Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo konton talanti oo dahab ah.
17Salomo meni myös Esjon-Geberiin ja Eilatiin, jotka ovat meren rannalla Edomin maassa.
18Oo Xuuraamna wuxuu gacanta addoommadiisii ugu sii dhiibay doonniyo iyo addoommo badda aqoon u leh, oo iyagu waxay addoommadii Sulaymaan u soo raaceen Oofir, oo halkaasayna Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo konton talanti oo dahab ah.
18Hiram lähetti palvelijansa tuomaan hänelle laivoja ja miehiä, jotka olivat kokeneita merenkulkijoita. Nämä purjehtivat Salomon miesten kanssa Ofiriin ja toivat sieltä kuninkaalle neljäsataaviisikymmentä talenttia kultaa.