Somali

Pyhä Raamattu

Amos

9

1Waxaan arkay Sayidka oo ag taagan meesha allabariga, oo wuxuu yidhi, Fayaaradaha garaac ilaa meelahooda sare gariiraan, oo dadka oo dhan madaxooda ku wada jejebi, oo intii ka hadhana seef baan ku layn doonaa. Midkoodna ma carari doono, oo midkoodna ma baxsan doono.
1Minä näin Herran seisovan alttarin ääressä. Hän sanoi: -- Iske pylväänpäihin, niin että portinpielet vapisevat! Lyö ne murskaksi heidän päähänsä! Viimeiset minä surmaan miekalla. Yksikään heistä ei pääse pakoon, ei kukaan selviä hengissä.
2Oo xataa hadday hoos u qodaan ilaa She'ool, gacantaydaa halkaas ka soo saari doonta, oo xataa hadday samada fuulaan anigaa ka soo dejin doona halkaasna.
2Jos he tunkeutuvat tuonelaan, sieltäkin minun käteni tavoittaa heidät. Jos he nousevat taivaisiin, sieltäkin minä noudan heidät.
3Oo xataa hadday ku dhuntaan Buur Karmel dhaladeeda anigaa halkaas ka baadhi doona oo ka soo bixin doona, oo xataa hadday badda gunteeda iga dhuntaan, halkaasna waan ka amri doonaa mas, oo isna wuu qaniini doonaa.
3Jos he kätkeytyvät Karmelin rinteille, sieltäkin minä etsin heidät käsiini. Jos he piiloutuvat minulta meren pohjaan, siellä minä käsken meripedon purra heitä.
4Oo xataa hadday cadaawayaashooda maxaabiis ahaan u hor socdaan, halkaasna seef baan ka amri doonaa, iyana way layn doontaa, oo waxaan indhahayga iyaga ugu taagi doonaa inaan belaayo ku sameeyo oo aanan wanaag u samayn.
4Jos viholliset vievät heidät vankeuteen, käsken miekan tappaa heidät siellä. Minä käännän katseeni heihin onnettomuudeksi, en onneksi.
5Oo Sayidka Rabbiga ciidammada ahu waa kan dhulka taabta oo dhulkuna wuu dhalaalaa, oo kuwa deggan oo dhammuna way wada barooran doonaan, oo dhammaantiis wuxuu u kici doonaa sida Webiga, dabadeedna wuxuu u degi doonaa sida Webiga Masar.
5Hän on Herra Jumala Sebaot. Hän koskettaa maata, ja se vavahtelee ja kaikki sen asukkaat valittavat. Se nousee kaikkineen kuin Niilin vesi, se laskee kuin Egyptin virta.
6Waa isaga kan qolladihiisa sare samada ka dhistay, oo hoygiisa hoose ee isku qabtana dhalka ku aasaasay, oo intuu biyaha badda u yeedha dhulka korkiisa ku daadiya, magiciisuna waa Rabbi.
6Hän on rakentanut asumuksensa taivaisiin, perustanut holvisalinsa maan ylle. Hän kutsuu vedet merestä ja kostuttaa niillä maan. Hänen nimensä on Herra.
7Dadka Israa'iilow, sow aniga ilama mid ahidin sida reer Itoobiya? ayaa Rabbigu leeyahay. Sow anigu reer binu Israa'iil kama soo bixin dalkii Masar? Reer Falastiinna sow kama soo bixin Kaftoor, reer Suuriyana sow kama soo bixin Qiir?
7-- Oletteko te israelilaiset minulle sen kummempia kuin nubialaiset? kuuluu Herran sana. -- Enkö minä tuonut Israelin Egyptistä niin kuin toin filistealaiset Kaftorista ja syyrialaiset Kiristä?
8Bal eega, Sayidka Rabbiga ah indhihiisu waxay fiirinayaan Boqortooyadii dembi badan, oo dhulkaan ka baabbi'in doonaa, laakiinse reer Yacquub ma aan wada baabbi'in doono, ayaa Rabbigu leeyahay.
8Katso, Herra Jumala on kääntänyt katseensa tätä syntistä valtakuntaa vastaan. Minä hävitän sen maan päältä. Mutta kaikkia Jaakobin jälkeläisiä minä en hävitä, kuuluu Herran Jumalan sana.
9Waayo, bal eega, anigu waan amri doonaa, oo dadka Israa'iil waan ku kala haadin doonaa quruumaha oo dhan, sida hadhuudh xaadhin loogu haadiyo, laakiinse xabbad yaruna dhulka kuma dhici doonto.
9-- Ei, vaan minä annan käskyn ravistella Israelia kaikkien kansojen keskuudessa niin kuin jauhoja ravistellaan seulassa, jota yksikään hiekkajyvä ei läpäise.
10Dembilayaasha dadkayga oo dhan oo leh, Belaayo na soo gaadhi mayso nana heli mayso, dhammaantood seef bay ku dhiman doonaan.
10Kansani syntiset kaatuvat miekkaan, kaikki nuo, jotka sanovat: "Meille et onnettomuutta tuota, et anna sen meitä kohdata!"
11Wakhtigaas waxaan sare kicin doonaa taambuuggii Daa'uud oo dhacay, waanan awdi doonaa daldaloolkiisa, oo jajabkiisana waan sare kicin doonaa, oo waxaan u dhisi doonaa sidii waagii hore,
11-- Sinä päivänä minä rakennan jälleen Daavidin sortuneen majan. Minä muuraan umpeen sen halkeamat, korjaan sen luhistumat ja saatan sen entiseen loistoonsa.
12inay iyagu dhaxlaan kuwii ka hadhay reer Edom iyo quruumaha magacayga loogu yeedho oo dhan, ayaa Rabbiga waxan sameeya leeyahay.
12Ja niin Israel saa hallittavakseen Edomin jäännöksen ja kaikki ne kansat, jotka on julistettu minun omikseni, sanoo Herra. Hän on tämän tekevä.
13Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti kan beerta falaa uu soo gaadhi doono kan gooya, oo kan canabka ku tuntaana wuxuu soo gaadhi doonaa kan iniinaha beera, oo buurahana waxaa ka soo daadan doona khamri macaan, oo kuraha oo dhammuna way wada dhalaali doonaan.
13-- Katso, tulee aika, sanoo Herra, jolloin kyntäjä kulkee leikkaajan kannoilla ja rypäleiden polkija kylväjän kintereillä. Silloin vuoret pursuavat nuorta viiniä ja kukkulat lainehtivat rehevyyttään.
14Oo anigu waxaan soo celin doonaa maxaabiistii dadkayga Israa'iil, oo iyana way dhisi doonaan magaalooyinkii baabba'ay, wayna degi doonaan, oo beercanabyo way beeran doonaan, khamrigoodana way cabbi doonaan, oo weliba waxay samaysan doonaan beero, oo midhahooda way cuni doonaan.Oo Rabbiga Ilaahaaga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan iyaga ku beeri doonaa dalkoodii, oo mar dambena lagama rujin doono dalkooda aan siiyey.
14Minä käännän kansani Israelin kohtalon. He rakentavat jälleen hävitetyt kaupunkinsa ja asettuvat niihin asumaan. He istuttavat viinitarhoja ja nauttivat niiden viinin. He istuttavat puutarhoja ja nauttivat niiden hedelmän.
15Oo Rabbiga Ilaahaaga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan iyaga ku beeri doonaa dalkoodii, oo mar dambena lagama rujin doono dalkooda aan siiyey.
15Minä istutan heidät maahansa, eikä heitä enää revitä irti maasta, jonka minä olen heille antanut, sanoo Herra, sinun Jumalasi.