Somali

Pyhä Raamattu

Ecclesiastes

12

1Haddaba wakhtiga dhallinyaranimadaada Abuurahaaga xusuuso intaan maalmaha xumu kuu iman, ama ayan kuu soo dhowaan sannadaha aad odhan doonto, Sannadahan kuma istareexo,
1Muista Luojaasi nuoruudessasi, ennen kuin pahat päivät tulevat ja joutuvat ne vuodet, jotka eivät sinua miellytä,
2iyo intaan qorraxda, iyo iftiinka, iyo dayaxa, iyo xiddiguhuba ay wada madoobaan, ama intaan daruuruhu roobka ka daba noqon,
2ennen kuin auringon valo, kuu ja tähdet himmenevät ja sadetta seuraavat yhä uudet pilvet.
3iyo inta kuwa guriga dhawraa ay gariiraan, oo nimanka xoogga badanuna ay soo gotaan, oo kuwa wax shiidaana ay tiradooda yar aawadeed shuqulka u joojiyaan, oo kuwa daaqadaha wax ka fiiriyaana ay madoobaadaan,
3Silloin talon vartijat vapisevat, soturit painuvat kumaraan ja jauhajanaiset, vähiin käyneet, ovat jouten. Ikkunoista kurkistelijat jäävät pimeään,
4iyo inta albaabbada jidadka lagu xidho, iyo inta sanqadha shiididdu ay gaaban tahay, oo shimbirta cideeda lagu tooso, oo gabdhaha muusikaduna ay wada taag darnaadaan.
4kadun kaksoisportit suljetaan, myllyn ääni heikkenee ja ohenee linnunlaulun kaltaiseksi ja laulun kaikki kaiut vaimenevat.
5Waxa sarreeya ayay ka baqi doonaan, oo jidadka dhexdoodana waxyaalo cabsi ah ayaa jiri doona, oo geedka yicibtu waa ubxin doonaa, oo koronkorraduna way isculaysin doonaan, oo damacuna wuu baabbi'i doonaa, maxaa yeelay, binu-aadmigu wuxuu tagaa hoygiisa daa'imka ah, oo kuwa baroortaana jidadkay warwareegaan.
5Silloin myös pelätään mäkiä ja tie on täynnä kauhuja. Mantelipuu kukkii ja heinäsirkka ahmii vatsansa täyteen ja kapriksen nuput puhkeavat, mutta ihminen menee iäiseen majaansa ja valittajat kiertävät kujia.
6Abuurahaaga xusuuso intaan xadhigga lacagta ahu kala go'in, ama aan maddiibadda dahabka ahu kala jabin, ama aan jalxaddu isha biyeed agteeda ku burburin, ama aan giraangirta ceelku jabin,
6Muista Luojaasi nuoruudessasi, ennen kuin hopealanka katkeaa ja kultamalja särkyy, ennen kuin vesiastia rikkoutuu lähteellä ja ammennuspyörä putoaa särkyneenä kaivoon.
7iyo intaan ciiddu dhulka ku noqon siday horeba ahayd, oo ruuxuna ku noqon Ilaahii horeba siiyey.
7Tomu palaa maahan, josta se on tullut. Henki palaa Jumalan luo, joka on sen antanut.
8Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.
8Turhuuksien turhuus, sanoi Saarnaaja, kaikki on turhuutta.
9Oo haddana wacdiyuhu xigmad buu lahaa, oo weliba dadkuu aqoon baray. Wuxuu aad uga fikiray, oo baadhay, oo isku hagaajiyey maahmaahyo badan.
9Saarnaaja oli viisas, eikä siinä kyllin: hän myös opetti tietoa kansalle. Hän punnitsi mielessään ja sommitteli monia sananlaskuja.
10Wacdiyuhu wuxuu doonay inuu soo helo erayo la aqbalo iyo wixii si qumman loo qoray oo ahaa hadal run ah.
10Hän pohdiskeli sattuvia sanontoja ja kirjoitti vilpittömiä totuuden sanoja.
11Erayada kuwa xigmadda lahu waa sida wax wax muda oo kale, oo maahmaahyada la soo ururshayna waa sida musmaarro la adkeeyey; adhijir qudha ayaa bixiyey.
11Viisaiden sanat ovat teräviä kuin häränajajan piikki, mietelauselmat kuin lujia nauloja. Nämä sanat ovat kaikki saman paimenen antamia.
12Oo weliba, wiilkaygiiyow, waxyaalahan ku waano qaado. Buugag badan samayntoodu innaba dhammaad ma leh, oo waxbarashada badanuna jidhkay daalisaa.
12Ja vielä: Poikani, paina varoitus mieleesi. Paljolla kirjojen tekemisellä ei ole loppua, ja alituinen tutkistelu väsyttää ruumiin.
13Xaalkan soo koobiddiisii waa tan. Waa la wada maqlay. Ilaah ka cabso, oo amarradiisana dhawr, waayo, taasu waa waxa binu-aadmiga oo dhan u gudboon.Waayo, Ilaah wuu xukumi doonaa shuqul kasta, iyo wax kasta oo qarsoon, ha fiicnaadeen ama ha xumaadeene.
13Tässä on lopputulos kaikesta, mitä nyt on kuultu: pelkää Jumalaa ja pidä hänen käskynsä. Tämä koskee jokaista ihmistä.
14Waayo, Ilaah wuu xukumi doonaa shuqul kasta, iyo wax kasta oo qarsoon, ha fiicnaadeen ama ha xumaadeene.
14Jumala vaatii tuomiolle kaikista salatuistakin teoista, niin hyvistä kuin pahoista.