1Waxyaalahan oo dhan qalbigaygaan kaga fiirsaday si aan u baadho in kuwa xaqa ah iyo kuwa xigmadda leh, iyo shuqulladooduba ay gacanta Ilaah ku jiraan. Binu-aadmigu garan maayo inay jacayl tahay iyo inay nacayb tahay toona. Wax waluba iyagay ka horreeyaan.
1Kaiken tämän olen ottanut sydämelleni, tätä punninnut mielessäni: millä tavoin hurskaat ja viisaat ja heidän tekonsa ovat Jumalan kädessä. Ei ihminen itse tiedä, käykö hän kohti vihaa vai rakkautta. Kaikki, mikä hänen eteensä tulee, on turhuutta,
2Wax kastaaba isku si bay dadka oo dhan ugu yimaadaan, oo isku wax baa ku dhaca ka xaqa ah iyo ka sharka ahba, ka wanaagsan iyo ka xunba, ka nadiifta ah iyo ka aan nadiifta ahaynba, ka allabariga bixiya iyo ka aan allabariga bixinba. Sida kan wanaagsanu yahay ayaa dembiluhuna yahay, oo ka dhaartaana waa la mid kan dhaarta ka cabsada.
2koska kaikkien kohtalo on sama: niin jumalisen kuin jumalattoman, niin hyvän kuin pahan, puhtaan ja saastaisen, uhraajan ja sen joka ei uhraa. Hyvän käy samoin kuin syntisen, valan vannojan samoin kuin vannomista karttavan.
3Wax xun baa ku jira waxa qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, waana in isku wax ay dadka oo dhan ku dhacaan. Oo weliba qalbiga binu-aadmiga shar baa ka buuxa, oo qalbigoodana intay nool yihiin waalli baa ku jirta, oo taas dabadeedna kuwii dhintay ayay u tagaan.
3Kaikessa, mikä auringon alla tapahtuu, on lohdutonta juuri se, että jokaisen kohtalo on sama, niin kuin sekin, että ihmisen sydän on pahuutta täynnä ja että hänen sisimmässään asuu mielettömyys koko hänen elinaikansa, ja sen jälkeen -- suoraa päätä vainajien joukkoon!
4Kii kuwa nool oo dhan la jira rajuu leeyahay, waayo, eeygii noolu waa ka wanaagsan yahay libaax dhintay.
4Niin kauan kuin ihminen elää, hänellä on toivoa. "Elävä koira on parempi kuin kuollut leijona."
5Waayo, kuwa noolu way og yihiin inay dhiman doonaan, laakiinse kuwa dhintay waxba ma oga, oo innaba abaalgud dambe ma heli doonaan, waayo, iyaga waa la illoobay.
5Elävät tietävät sen, että heidän on kuoltava, mutta kuolleet eivät tiedä mitään. Heillä ei ole enää palkkaa saatavana, ja heidän muistonsa on unohdettu.
6Oo weliba jacaylkoodii iyo nacaybkoodii iyo hinaasiddoodiiba way wada baabbe'een, oo innaba qayb dambe kuma lahaan doonaan waxa qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan.
6Heidän rakkautensa ja vihansa ja kiihkonsa on mennyt, eikä heillä enää koskaan ole osaa missään, mikä tapahtuu auringon alla.
7Orod oo tag, oo kibistaada farxad ku cun, oo khamrigaagana qalbi istareexsan ku cab, waayo, Ilaah shuqulladaadii horuu u aqbalay.
7Syö siis leipäsi iloiten ja juo viinisi hyvillä mielin, sillä jo kauan sitten Jumala on hyväksynyt nuo tekosi.
8Had iyo goorba dharkaagu wax cad ha ahaado, oo madaxaaguna yuusan saliid waayin.
8Olkoot vaatteesi aina valkeat ja olkoon pääsi runsaasti voideltu.
9Naagtaada aad jeceshahay farxad kula noolow intaad ku nooshahay cimrigaaga aan waxba tarayn ee Ilaah qorraxda hoosteeda kugu siiyey oo dhan, waayo, taasu waa qaybtaadii aad ku heshay noloshan iyo hawshaadii aad qorraxda hoosteeda ku dhibtootay.
9Nauti elämästä rakastamasi vaimon kanssa kaikkina turhina elinpäivinäsi, jotka Jumala on antanut; se on osasi tässä elämässä auringon alla, kaiken vaivannäkösi keskellä.
10Wax alla wixii gacantaadu hesho inay samayso xooggaaga oo dhan ku samee, waayo, She'ool oo aad tegaysid shuqul iyo hindiso iyo aqoon iyo xigmad toona laguma arko.
10Tee voimiesi mukaan se mikä tehtävissä on, sillä tuonelassa, jonne olet matkalla, ei ole tekoja, ei ajatuksia, ei tietoa, ei viisautta.
11Markaasaan mar kale fiirsaday, oo waxaan qorraxda hoosteeda ku arkay inaan kuwa dheereeyaa mar kasta tartanka ku badin, ama aan kuwa xoogga badanu mar kasta dagaalka adkaan, ama aan kuwa xigmadda lahu mar kasta kibis helin, ama aan kuwa garaadka ahu mar kasta hodan noqon, ama aan saanacyada mar kasta raalli laga ahayn, laakiinse waxaa kulligood hela wakhti iyo nasiib.
11Vielä tämän minä havaitsin auringon alla: Juoksu ei ole nopeiden vallassa eikä sota sankareiden, ei leipä viisaiden, ei rikkaus kyvykkäiden eikä menestys älykkäiden. Kaikki on ajan ja kohtalon vallassa.
12Waayo, ninna wedkiisa ma yaqaan. Sida kalluun shabag xun lagu qabto, iyo sida shimbirro dabin ku dhaca, saasoo kalaa binu-aadmigana wakhti xun lagu dabaa, markii wedku si kedis ah ugu yimaado.
12Ihminen ei tiedä aikaansa niin kuin eivät kalatkaan, jotka tarttuvat verkkoon, eivätkä linnut, jotka takertuvat paulaan. Niiden tavoin joutuu myös ihminen saaliiksi, kun hänen hetkensä koittaa.
13Oo xigmad caynkan ah ayaan qorraxda hoosteeda ku arkay, iyana way ila weynayd.
13Minä havaitsin, että viisaudelle, suurellekin, saattoi käydä näin auringon alla:
14Waxaa jirtay magaalo yar oo ay dad tiro yaru dhexdeeda joogaan, oo waxaa iyadii ku soo duulay boqor weyn. Wuu hareereeyey oo dhufayso waaweyn hareereheeda ka dhistay.
14Oli pieni kaupunki, jossa oli vähän asukkaita. Sitä vastaan hyökkäsi mahtava kuningas. Hän saartoi kaupungin ja pystytti suuria piirityslaitteita sen ympärille.
15Haddana waxaa laga dhex helay nin miskiin ah oo xigmad leh, oo isna xigmaddiisii ayuu magaaladii ku samatabbixiyey, laakiinse haddana ninkaas miskiinka ah ciduna ma xusuusan.
15Kaupungissa asui köyhä mutta viisas mies. Hän olisi voinut pelastaa kaupungin viisaudellaan, mutta kukaan ei tullut ajatelleeksi sitä köyhää miestä.
16Markaasaan idhi, Xigmaddu xoogga way ka fiican tahay, hase ahaatee ninkii miskiin ah xigmaddiisa waa la quudhsadaa, oo erayadiisana lama dhegaysto.
16Niinpä minä sanon: Viisaus on parempi kuin voima, mutta köyhän viisautta vähätellään eikä hänen sanojaan kuunnella.
17Kuwa xigmadda leh erayadoodii xasilloonaan lagu maqlaa waa ka sii wanaagsan yihiin qaylada kan nacasyada ka dhex taliya.Xigmaddu waa ka fiican tahay hubka dagaalka, laakiinse dembile qudha ayaa wax badan oo wanaagsan baabbi'iya.
17On parempi kuunnella viisaan hiljaisia sanoja kuin houkkien johtajan huutoa.
18Xigmaddu waa ka fiican tahay hubka dagaalka, laakiinse dembile qudha ayaa wax badan oo wanaagsan baabbi'iya.
18Viisaus on sota-aseita parempi.