1Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
1Minulle tuli tämä Herran sana:
2Wiilka Aadamow, waxaad dhex deggan tahay reer caasiyoobay, oo leh indho ay wax ku fiiriyaan laakiinse aan waxba arkin, oo leh dhego ay wax ku dhegaystaanna laakiinse aan waxba maqlin, waayo, waa reer caasiyoobay.
2"Ihminen, sinä asut uppiniskaisen kansan parissa. Vaikka heillä on silmät, he eivät näe, vaikka heillä on korvat, he eivät kuule, sillä he ovat uppiniskaista kansaa.
3Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, alaabtaada inaad guurtid u diyaarso, oo maalin cad guur iyagoo indhaha kugu haya, oo waa inaad meeshaada ka guurtaa oo aad meel kale u guurtaa iyagoo indhaha kugu haya; waxay noqon kartaa inay ka fiirsadaan, in kastoo ay reer caasiyoobay yihiin.
3Ihminen, kokoa sinä tavarasi, niin kuin pakkosiirtolainen kokoaa, päiväsaikaan ja heidän nähtensä, ja lähde pois. Lähde asunnostasi kuin pakkosiirtolainen, siirry heidän nähtensä muualle asumaan. Kenties he silloin huomaavat, miten uppiniskaista kansaa he ovat.
4Oo waa inaad alaabtaada maalin cad soo bixisaa sida alaab lala guurayo iyagoo indhaha kugu haya, oo waa inaad makhribkii ambabbaxdaa sida kuwo masaafuris u bixitimaya iyagoo indhaha kugu haya.
4Vie tavarasi ulos niin kuin pakkosiirtolaiset vievät, päiväsaikaan ja heidän nähtensä, ja illalla, heidän nähtensä, lähde. Lähde matkaan niin kuin pakkosiirtolainen.
5Oo iyagoo indhaha kugu haya derbiga dalooli oo alaabta halkaas ka soo bixi.
5Revi heidän nähtensä seinään aukko ja mene tavaroinesi siitä ulos.
6Iyagoo indhaha kugu haya waa inaad alaabta garbaha ku qaadataa oo la ambabbaxdaa markay gudcur tahay. Oo wejigaagana waa inaad deddaa si aadan dhulka u arag, waayo, calaamad baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay.
6Nosta kantamuksesi heidän nähtensä harteillesi ja vie se ulos pimeän aikaan. Sinun tulee peittää kasvosi, niin ettet näe maata jonka jätät. Minä panen sinut merkiksi Israelin kansalle."
7Oo aniguna sidii laygu amray ayaan sameeyey, oo alaabtaydii maalin cad baan soo bixiyey, sidii alaab lala guurayo oo kale, oo markay makhribkii ahayd ayaan derbigii gacantayda ku dalooliyey, oo iyadoo gudcur ah ayaan dibadda u soo saaray, oo iyagoo indhaha igu haya ayaan garbaha ku qaatay.
7Minä tein niin kuin Herra oli minua käskenyt. Vein päivällä tavarani ulos niin kuin pakkosiirtolainen vie tavaransa, illalla revin käsin seinään aukon, ja kun pimeä tuli, menin tavaroineni siitä ulos ja nostin kantamukseni heidän nähtensä harteilleni.
8Oo subaxdii dambe ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
8Aamulla tuli minulle tämä Herran sana:
9Wiilka Aadamow, reerkii caasiyoobay oo reer binu Israa'iil ah sow kuguma ay odhan, War maxaad samaynaysaa?
9"Ihminen, ovathan israelilaiset, nuo niskoittelijat, kysyneet sinulta, mitä teet?
10Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Warkan culusu wuxuu ku saabsan yahay amiirka Yeruusaalem jooga iyo reer binu Israa'iilka dhexdeeda jooga oo dhanba.
10Sano heille: 'Näin sanoo Herra Jumala: Tämä ennustus on osoitettu ruhtinaalle, joka hallitsee Jerusalemissa, ja kaupungin kaikille israelilaisille.'
11Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Anigu calaamad baan idiin ahay. Sidaan sameeyey oo kale ayaa iyaga lagu samayn doonaa. Iyagu masaafurisyo bay noqon doonaan oo maxaabiisnimay geli doonaan.
11Sano heille: 'Minä olen teille merkki. Niin kuin minä tein, niin tehdään Jerusalemin asukkaille. Heidät vangitaan ja viedään pakkosiirtolaisuuteen,
12Oo amiirka iyaga dhex joogaana iyadoo gudcur ah ayuu garbaha wax ku qaadan doonaa, wuuna ambabbixi doonaa. Derbigay daloolin doonaan si ay halkaas alaabta ugala baxaan aawadeed, oo isna wejiguu dedan doonaa si uusan indhihiisa dhulka ugu arag.
12ja ruhtinas on heidän joukossaan. Kun pimeä tulee, hänkin nostaa kantamuksensa harteilleen ja lähtee. He repivät muuria päästäkseen taakkoineen siitä läpi, ja ruhtinas peittää kasvonsa, jotta ei näkisi maataan.'
13Oo weliba aniguna shabaggaygaan ku kor kala bixin doonaa, oo dabinkaygaa lagu soo qaban doonaa, oo waxaan isaga keeni doonaa Baabuloon iyo dalka reer Kaldayiin, oo weliba ma uu arki doono, in kastoo uu halkaas ku dhiman doono.
13"Minä levitän verkkoni hänen ylleen, ja hän takertuu pyydykseeni. Minä vien hänet Babyloniaan, kaldealaisten maahan, ja siellä hän kuolee, sitä maata lainkaan näkemättä.
14Oo kuwa hareerihiisa u jooga inay isaga caawiyaan oo dhanna waan u kala firdhin doonaa xagga dabaylaha oo dhan iyaga iyo guutooyinkiisa oo dhanba, oo seef baan ka daba qaadan doonaa.
14Kaikki, jotka ovat häntä puolustaneet, hänen seuralaisensa ja sotilaansa, minä hajotan maailman tuuliin, ja minä nostan miekan ajamaan heitä takaa.
15Oo iyaguna waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan iyaga quruumaha ku kala dhex eryi doono, oo aan waddammada ku kala firdhin doono.
15He tulevat tietämään, että minä olen Herra, kun minä hajotan heidät toisten kansojen sekaan, kun sirotan heidät erilleen muihin maihin.
16Laakiinse wuxoogaa yar oo iyaga ka mid ah ayaan ka caymin doonaa seefta, iyo abaarta, iyo belaayada si ay waxyaalahooda karaahiyada ah oo dhan uga dhex sheegaan quruumaha oo dhan meel alla meeshay tagaanba, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
16Mutta muutamat heistä minä säästän. Heidät minä pelastan miekalta, nälältä ja rutolta, jotta he kertoisivat inhottavista teoistaan kansoille, joiden keskeen ovat joutuneet. Näin tulee julki, että minä olen Herra."
17Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
17Minulle tuli tämä Herran sana:
18Wiilka Aadamow, kibistaada naxdin ku cun, oo biyahaagana gariirid iyo welwel ku cab,
18"Ihminen, syö ruokasi vavisten, juo juomasi ahdistus ja kauhu kasvoillasi.
19oo dadka dalka degganna waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu dadka deggan Yeruusaalem iyo dalka reer binu Israa'iilba ka leeyahay, Iyagu kibistooda welwel bay ku cuni doonaan, oo biyahoodana yaab bay ku cabbi doonaan, si uu dalkoodu uga cidloobo waxa dhexdiisa jooga oo dhan, waana dulmiga kuwa dhexdiisa deggan oo dhammu ay sameeyaan aawadiis.
19Sano maanmiehillesi tämä Herran Jumalan sana: 'Näin käy Jerusalemin asukkaiden ja Israelin maan. Vavisten he syövät ruokansa, kauhun vallassa he juovat juotavansa. Perin pohjin hävitetään heidän maansa sen asukkaiden veritekojen tähden.
20Oo magaalooyinka la deggan yahay way baabbi'i doonaan, oo dalkuna wuu cidloobi doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
20Asutut kaupungit revitään hajalle, ja maa tyhjenee väestä. Silloin te tulette tietämään, että minä olen Herra.'"
21Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
21Ja minulle tuli tämä Herran sana:
22Wiilka Aadamow, waa maxay hadalkan aad dalka reer binu Israa'iil ku haysataan, kaasoo leh, Wakhtigii waa sii dheeraaday oo muujin kastaaba way beenowday?
22"Ihminen, mitä puhutaankaan Israelin maassa! Siellä on tullut sananparreksi: 'Aika kuluu, näky unohtuu.'
23Oo haddaba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu hadalkaas waan joojin doonaa, oo mar dambena dalka reer binu Israa'iil sidaas loogama dhex hadli doono, laakiinse waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Wakhtigii waa soo dhow yahay, oo muujin kastaaba way rumoobi doontaa.
23Sen tähden sano heille: 'Näin sanoo Herra Jumala: Minä teen lopun tästä sananparresta, sitä ei Israelissa enää lausuta.' Sano sinä heille toisin: 'Aika tulee, näky käy toteen.'
24Waayo, innaba mar dambe reer binu Israa'iil lagama dhex heli doono muujin been ah iyo faal sasab ah.
24Enää ei Israelissa nähdä näkyä, joka ei toteudu, ei ennusmerkkiä, joka ei täyty.
25Maxaa yeelay, anaa Rabbiga ah. Anigu waan hadli doonaa, oo eraygii aan ku hadlaana wuu oofi doonaa. Mar dambena dib looma sii dhigi doono waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reerka caasiyoobayow, wakhtigiinna ayaan erayga odhan doonaa, oo weliba waan oofin doonaa.
25Minä, Herra, puhun, ja minkä puhun, se toteutuu, se ei enää viivy. Vielä teidän aikananne, te niskoittelijat, minä toteutan sen minkä teille puhun. Näin sanoo Herra Jumala."
26Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
26Ja minulle tuli tämä Herran sana:
27Wiilka Aadamow, bal eeg, kuwa reer binu Israa'iil waxay yidhaahdaan, Muujinta uu arkaa waa mid wakhtiyo badan ka dambaysa, oo isagu wuxuu wax ka sii sheegayaa wakhtiyo fog.Sidaas daraaddeed bal waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Erayadayda midkoodna mar dambe dib looma sii dhigi doono, laakiinse eraygii aan ku hadlaaba wuu oofi doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
27"Ihminen, kuule, mitä israelilaiset sanovat: 'Kaukana meistä ovat tuon miehen näyt, hän ennustaa etäisistä ajoista.'
28Sidaas daraaddeed bal waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Erayadayda midkoodna mar dambe dib looma sii dhigi doono, laakiinse eraygii aan ku hadlaaba wuu oofi doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
28Sen tähden sano heille: 'Näin sanoo Herra Jumala: Yhdenkään sanani täytäntöönpano ei viivy. Minkä puhun, se toteutuu. Näin sanoo Herra Jumala.'"