Somali

Pyhä Raamattu

Ezekiel

2

1Oo isna wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal istaag, waan kula hadlayaaye.
1Hän sanoi: "Ihminen, nouse. Minä tahdon puhua sinulle."
2Oo markuu ila hadlay ayaa ruuxii i soo galay, oo cagahayguu igu taagay, waanan maqlay kii ila hadlay.
2Hänen puhuessaan minuun tuli henki, se nosti minut seisomaan, ja minä kuulin hänen puhuvan minulle.
3Oo isaguna wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxaan kuu dirayaa reer binu Israa'iil oo ah dad caasiyiin ah oo iga caasiyoobay. Ilaa maantadan iyaga iyo awowayaashoodba way igu xadgudbayeen.
3Hän sanoi: "Ihminen, minä lähetän sinut israelilaisten luo, noiden kapinallisten pariin, jotka ovat nousseet minua vastaan. Alusta alkaen he ja heidän isänsä ovat olleet minulle uskottomia.
4Iyagu waa dad weji adag oo qalbi qallafsan. Iyagaan kuu dirayaa, waxaanad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wax buu idinku leeyahay.
4Minä lähetän sinut ihmisten luo, joilla on kovat kasvot ja taipumaton sydän. Sinun tulee sanoa heille: 'Näin sanoo Herra Jumala.'
5Oo iyagu hadday maqlaan iyo hadday diidaanba, weli way ogaan doonaan in nebi iyaga dhex joogay (waayo, iyagu waxa weeye reer caasiyoobay).
5Kuulkoot tai olkoot kuulematta -- he ovat uppiniskaista kansaa -- he tulevat kuitenkin tietämään, että heidän keskellään on ollut profeetta.
6Wiilka Aadamow, iyaga ha ka baqin, erayadoodana ha ka baqin, in kastoo yamaarug iyo qodxan ay kugu wareegsan yihiin oo aad hangarallayaal dhex deggan tahay, erayadooda ha ka cabsan oo aragtidooda ha ka baqin, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.
6Älä sinä, ihminen, pelkää heitä, älä kauhistu heidän sanojaan, vaikka olet heidän keskellään kuin piikkipensaikossa ja skorpionien seassa. Älä pelkää heidän puheitaan, älä säiky heitä -- he ovat uppiniskaista kansaa.
7Oo adigu waa inaad erayadayda iyaga u sheegtaa, hadday maqlaan iyo hadday diidaanba, waayo, iyagu waa kuwa aad iyo aad u caasiyoobay.
7Sinun tulee puhua minun sanani heille, kuulkoot tai olkoot kuulematta -- he ovat uppiniskaisia.
8Laakiinse adigu, Wiilka Aadamow, waxaan kugu idhaahdo maqal, oo caasi ha noqon sida reerkaas caasiyoobay oo kale. Afkaaga kala qaad oo waxaan ku siiyo cun.
8Mutta sinä, ihminen, kuuntele mitä sinulle sanon. Älä niskoittele, niin kuin tämä niskuroiva kansa. Avaa suusi ja syö, mitä sinulle annan."
9Oo intaan wax fiirinayay waxaan arkay gacan la ii soo diray, oo bal eeg, waxaa ku jiray qorniin duudduuban.Oo isna hortayduu ku kala bixiyey, oo dusha iyo hoostaba wax baa kaga qornaa, oo waxaa ku qornaa baroorasho iyo oohin iyo hoog.
9Minä näin, kuinka minua kohti ojentui käsi, ja kädessä oli kirjakäärö.
10Oo isna hortayduu ku kala bixiyey, oo dusha iyo hoostaba wax baa kaga qornaa, oo waxaa ku qornaa baroorasho iyo oohin iyo hoog.
10Se avattiin minun eteeni, ja minä näin, että se oli kirjoitettu täyteen molemmin puolin: valituksia ja huokauksia, huutoa ja tuskaa.