Somali

Pyhä Raamattu

Ezekiel

24

1Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid sannaddii sagaalaad, bisheedii tobnaad, maalinteedii tobnaad, isagoo leh,
1Oli yhdeksäs vuosi, kymmenennen kuun kymmenes päivä, ja minulle tuli tämä Herran sana:
2Wiilka Aadamow, maalintan, xataa isla maantadan qudheeda magaceeda qor, waayo, boqorkii Baabuloon isla maantadan qudheeda ayuu Yeruusaalem ku soo dhowaaday.
2"Ihminen, kirjoita muistiin tämä päivämäärä, juuri tämä. Tänä päivänä on Babylonian kuningas käynyt hyökkäykseen Jerusalemia vastaan.
3Oo reerka caasiyoobay waxaad kula hadashaa masaal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dheriga dabka saara, saara oo biyo ku shuba.
3Esitä uppiniskaiselle kansalleni vertaus, sano sille: "Näin sanoo Herra Jumala: -- Ota pata, pane se tulelle ja kaada siihen vettä.
4Oo waxaad ku gurtaan cadcadka, xataa cadcadka wanwanaagsan oo dhan, oo ah bowdada iyo garabka, oo waxaad ka buuxisaan lafaha ugu wacan.
4Lisää keittolihat, kaikki hyvät palat, reidet ja lavat. Lisää mehukkaat luut,
5Waxaad soo wadataan adhiga jarkiisa, oo waxaad hoostiisa ku gurtaan lafaha, oo si wanaagsan u kariya, oo lafihiisana ku dhex kariya.
5ota parasta lampaanlihaa. Lado padan alle puut ja keitä lihat, keitä lihat ja luut.
6Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogtay magaalada dhiigga qabta, taasoo ah dheriga miridhkiisu ku jiro, oo aan miridhkiisu ka bixin! Cadcad u soo bixiya, iyadoo aan saami lagu bixin.
6Sillä näin sanoo Herra Jumala: -- Voi kaupunkia, joka on veressä, voi pataa, joka on ruosteessa eikä ruosteestaan pääse! Ota lihat pala palalta pois, arpomatta, valikoimatta.
7Waayo, dhiiggeedii dhexdeeduu yaal. Waxay kor saartay dhagax diiran, oo dhulkana kuma ay daadin si ay ciid ugu daboosho aawadeed.
7Kaupunki on veren tahraama. Se vuodatti veren kalliolle, se ei vuodattanut sitä maahan pölyn peitettäväksi.
8Inay cadho ugu soo kacdo oo ay ka aarsato ayaan dhiiggeedii dhagax diiran dul saaray si uusan u daboolmin.
8Siksi minä vihastuin ja päätin rangaista kaupunkia. Minä vuodatan sen oman veren paljaalle kalliolle, niin ettei se peity.
9Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogtay magaalada dhiigga qabta! Aniguna tuulmada waan weynayn doonaa.
9Näin sanoo Herra Jumala: -- Voi veren tahraamaa kaupunkia! Minäkin tuon lisää puita,
10Qoryo ku sii gur, oo dabka sii shid, oo hilibka aad u kari, oo maraqana xawaash ku shub, oo lafuhuna ha gubteen.
10ladon niitä päällekkäin ja sytytän tulen. Keitän lihat pehmeiksi, keitän liemen kuiviin, niin että luut palavat karrelle.
11Markaas dheriga oo madhan dhuxusha shidan saar si uu u kululaado, oo ay naxaastiisu u gubato, oo ay wasakhdiisu gudihiisa ugu dhalaasho oo uu miridhkiisuna u baabba'o.
11Ja tyhjän padan minä jätän tulelle, että se kuumenisi ja alkaisi hehkua, että sen kuona sulaisi, ruoste palaisi pois.
12Iyadu si aan waxba tarayn ayay isu daalisay, oo miridhkeeda badanna iyada kama uu baxo, oo miridhkeeda dabka kagama baxo.
12Turhaa kaikki! Pata on paksussa ruosteessa, tuli ei siihen pysty.
13Wasakhdaada shar baa ku jira, maxaa yeelay, waan ku nadiifiyey laakiinse waad nadiifsanaan weyday, haddaba innaba wasakhdaada kama aad nadiifsami doontid jeeraan cadhadayda kugu dhammaystiro.
13Sinä, yltä päältä saastainen, et liastasi puhdistunut, vaikka minä sinua puhdistin. Puhdas ja saastaton sinusta tulee vasta sitten, kun puran vihani sinuun.
14Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay. Saasay noqon doontaa, oo taasaan samayn doonaa. Innaba dib ugama aan noqon doono, mana tudhi doono, oo innaba kama aan soo noqon doono. Siday jidadkaagu ahaayeen iyo siday falimahaagu ahaayeen ayay kuu xukumi doonaan ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
14Minä, Herra, olen puhunut. Niin käy, niin minä teen, minä en päätöstäni muuta, en sääli enkä säästä. Tekojesi mukaan saat tuomiosi. Näin sanoo Herra Jumala."
15Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
15Minulle tuli tämä Herran sana:
16Wiilka Aadamow, bal ogow, waxaan darbad qudha kaaga qaadayaa tii ay indhahaagu jecel yihiin, laakiinse ha u barooran, hana u ooyin, oo ilmadaaduna innaba yaanay u daadan.
16"Ihminen, minä otan sinulta äkisti silmiesi ilon, mutta älä osoita suruasi, älä itke, älä vuodata kyyneleitä.
17Taah, laakiin si aamusan u taah, oo baroorasho kuwii dhintay loo baroorto ha u barooran. Duubkaaga madaxa ku duubo, oo kabaha gasho, oo bushimahaagana ha daboolin, oo kibista dadkana innaba ha cunin.
17Vaienna huokauksesi, älä järjestä valittajaisia, kiedo päähine päähäsi ja pane kengät jalkaasi niin kuin muulloinkin, älä peitä kasvojasi äläkä syö suruleipää."
18Markaasaan aroortii dadkii la hadlay, makhribkiina naagtaydii way dhimatay, oo aniguna sidii laygu amray ayaan subaxdii yeelay.
18Minä puhuin aamulla kansalle, ja illalla vaimoni kuoli. Seuraavana aamuna tein saamani käskyn mukaan,
19Oo markaasaa dadkii waxay igu yidhaahdeen, War maad noo sheegtid waxan aad samaynaysid ulajeeddadooda?
19ja ihmiset sanoivat minulle: "Miksi teet noin? Onko se jokin merkki meille?"
20Markaasaan ugu jawaabay, Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
20Minä sanoin heille: "Minulle tuli tämä Herran sana:
21Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, meeshayda quduuska ah ayaan nijaasayn doonaa, taasoo ah faankii xooggiinna iyo waxa ay indhihiinnu jecel yihiin, iyo waxa ay naftiinnu u naxdo; oo wiilashiinna iyo gabdhihiinna aad ka tagteenna seef bay ku le'an doonaan.
21"Sano Israelin kansalle: Näin sanoo Herra Jumala: Minä annan saastuttaa temppelini, teidän turvanne ja ylpeytenne, teidän silmienne ilon ja kaipauksenne kohteen. Teidän poikanne ja tyttärenne, jotka te jätitte jälkeenne, saavat surmansa.
22Oo idinkuna sidaan yeelay oo kale ayaad yeeli doontaan. Bushimihiinna ma aad dabooli doontaan, oo kibista dadkana ma aad cuni doontaan.
22Silloin te teette niin kuin minä nyt teen. Te ette peitä kasvojanne ettekä syö suruleipää,
23Oo duubabkiinnu madaxay idiinku duubnaan doonaan, oo kabihiinnuna cagahay idiinku jiri doonaan. Ma aad barooran doontaan, mana aad ooyi doontaan, laakiinse xumaatooyinkiinna baad la macaluuli doontaan, oo midkiinba kan kaluu ku musannaabi doonaa.
23te pidätte päähineen päässä ja kengät jalassa, te ette itke ettekä järjestä valittajaisia vaan riudutte syntienne tähden ja huokaatte omissa oloissanne.
24Sidaasuu Yexesqeel calaamad idiinku ahaan doonaa, oo wax alla wixii uu sameeyey ayaad idinkuna samayn doontaan. Oo markay waxaasu dhacaan ayaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.
24Hesekiel on teille merkkinä: niin kuin hän tekee, niin teette myös te. Kun se tapahtuu, te tiedätte, että minä olen Herra, Jumala.
25Oo weliba Wiilka Aadamow, maalinta aan iyaga ka qaado xooggooda, iyo farxadda sharaftooda, iyo waxa ay indhahoodu jecel yihiin, iyo waxa uu qalbigoodu raaco, iyo wiilashooda iyo gabdhahoodaba, soo noqon maayo
25"Ja sinä, ihminen! Sinä päivänä, jona minä otan heiltä turvapaikan pois ja riistän heidän kalleimman aarteensa, heidän silmiensä ilon ja kaipauksensa kohteen, ja otan heidän poikansa ja tyttärensä,
26in kii soo baxsaday uu maalintaas kuu iman doono inuu dhegahaaga wixii dhacay oo dhan kugu maqashiiyo?Oo maalintaas qudheeda ayaa afkaagu kii soo baxsaday u furmi doonaa, oo waad hadli doontaa, oo mar dambena ma aad carrab la'aan doontid. Sidaasaad calaamad u noqon doontaa, oo iyaguna waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
26sinä päivänä saapuu luoksesi eräs pakoon päässyt ja kertoo sinulle kaiken tämän.
27Oo maalintaas qudheeda ayaa afkaagu kii soo baxsaday u furmi doonaa, oo waad hadli doontaa, oo mar dambena ma aad carrab la'aan doontid. Sidaasaad calaamad u noqon doontaa, oo iyaguna waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
27Sinä päivänä, silloin kun tuo pakolainen tulee, sinun suusi aukeaa jälleen, sinä puhut etkä enää ole mykkä. Sinä olet heille merkkinä, ja he tulevat tietämään, että minä olen Herra."