Somali

Pyhä Raamattu

Ezekiel

7

1Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
1Minulle tuli tämä Herran sana:
2Wiilka Aadamow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu dalka reer binu Israa'iil ku leeyahay, Waa kaa dhammaadkii, dalka afartiisa geesood dhammaadkii baa gaadhay.
2-- Ihminen, näin sanoo Herra Jumala Israelin maalle: Loppu on tullut. Se kohtaa maan, kaikki sen neljä äärtä.
3Dhammaadkii haddeer buu kugu soo degay, oo cadhadaydaan kugu ridi doonaa, oo siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kuu xukumi doonaa, oo waxaan kaa abaal marin doonaa waxyaalihii karaahiyada ahaa oo dhan.
3Sinun loppusi on nyt tullut, Israel, minä syöksen sinuun vihani. Minä tuomitsen sinut vaelluksesi mukaan, käännän iljettävät tekosi sinua itseäsi vastaan.
4Oo indhahaygu kuuma tudhi doonaan, oo innaba kuuma aan nixi doono, laakiinse siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kaa abaal marin doonaa, oo waxyaalahaaga karaahiyada ahuna way ku dhex oolli doonaan, oo idinkuna waad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
4Minun katseessani ei ole sääliä, minä en sinulle armoa anna. Minä rankaisen sinua vaelluksesi mukaan, omat iljettävät tekosi saat osaksesi. Näin te tulette tietämään, että minä olen Herra.
5Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Belaayo! Belaayo gooni ah! Bal fiiriya, way soo socotaaye!
5Näin sanoo Herra Jumala: -- Onnettomuuksien onnettomuus! Se on tullut,
6Dhammaad baa yimid, dhammaadkii waa yimid, bal eeg, wuu kugu soo toosayaa, oo haddana waa soo socdaaye!
6loppu on tullut. Sinä kohtaat loppusi, se on nyt tullut.
7Kan dalka dhex degganow, masiibadaadii waa kuu timid! Wakhtigii waa yimid, oo maalintuna way soo dhow dahay, taasoo ah maalin dhibeed oo aan ahayn dhawaaqa faraxa badan ee buuraha korkooda.
7Nyt on sinun tuhosi hetki, maan asukas. Aika on tullut, päivä on lähellä. Sekasorto vallitsee, vuorilta ei ilohuutoja kuulu.
8Goor dhow baan cadhadayda kugu kor shubi doonaa, oo xanaaqaygaan kugu kor dhammaystiri doonaa, oo siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kuu xukumi doonaa, oo waxaan kaa abaal marin doonaa waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo dhan.
8Minun suuttumukseni tulvii ylitsesi, minä tyhjennän kaiken vihani sinuun. Minä tuomitsen sinut vaelluksesi mukaan, käännän iljettävät tekosi sinua itseäsi vastaan.
9Oo indhahaygu kuuma tudhi doonaan, oo innaba kuuma aan nixi doono, oo waxaan kaa abaal marin doonaa siday jidadkaagu ahaayeen, oo waxyaalahaaga karaahiyada ahuna way ku dhex oolli doonaan, oo idinkuna waad ogaan doontaan inaan anigoo Rabbiga ahu wax idinku dhufto.
9Minun katseessani ei ole sääliä, minä en sinulle armoa anna. Minä rankaisen sinua vaelluksesi mukaan, omat iljettävät tekosi saat osaksesi. Näin te tulette tietämään, kuka teitä lyö: se olen minä, Herra.
10Bal maalinta eega, bal eega way imanaysaa, masiibadaadii waa soo baxday, ushii way magooshay, oo kibir waa ubxiyey.
10Nyt on se päivä. Nyt on tullut, nyt on ehtinyt tuhon hetki. Vääryys kukoistaa, julkeus rehottaa,
11Dulmigii wuxuu u kacay sidii ul shareed. Midkoodna ma hadhi doono badnaantooda iyo maalkooda badan toona, oo looma barooran doono.
11jumalattomien väkivalta versoo. Ei jää heistä jäljelle mitään, ei heidän korskeasta joukostaan, ei heidän remuisista juhlistaan.
12Wakhtigii waa yimid, oo maalintii way soo dhow dahay. Kan wax iibsadaa yuusan waxba rayrayn, kan wax iibiyaana yuusan waxba murugoon, waayo, dadkooda badan oo dhanba cadhaa dul saaran.
12Se aika on tullut, se päivä on nyt! Älköön ostaja iloitko, älköön myyjä murehtiko. Kaikkea kohtaa Herran viha.
13Waayo, kan wax iibiyey uma uu soo noqon doono wixii uu iibiyey in kastoo uu weli kuwa noolnool ku dhex jiro, waayo, waxyaalihii la tusay waxay ku saabsan yihiin dadkooda badan oo dhan, oo midkoodna innaba sooma noqon doono, xumaanta noloshiisana kuma xoogaysan doono.
13Myyjä ei palaa myymälleen maalle, vaikka vielä olisikin elossa. Näin käy heille, tämä ennustus ei raukea. Kukaan ei voi turvata elämäänsä, sillä he ovat rikkoneet minua vastaan.
14Turumbadii bay ku dhufteen, oo wax kastaba way sii diyaariyeen, laakiinse midna dagaalka uma baxo, waayo, dadkooda badan cadhadaydii baa dul saaran.
14Puhaltakoot torveen, sonnustautukoot sotaan, kukaan ei kuitenkaan taisteluun lähde, sillä minun vihani hehku kohtaa koko tuon joukon.
15Seeftii dibadday joogtaa, oo belaayadii iyo abaartiina gudahay ku jiraan. Kii berrinka joogaa seef buu ku dhiman doonaa, oo kii magaalada joogaana abaar iyo belaayo ayaa baabbi'in doona.
15Ulkona miekka, sisällä rutto ja nälkä. Joka on kedolla, kaatuu miekkaan, joka on kaupungissa, nääntyy nälkään ja ruttoon.
16Laakiinse kuwoodii baxsadaa way cayman doonaan, oo waxay joogi doonaan buuraha dushooda sida qoolleyda dooxooyinka iyagoo kulligood barooranaya oo mid kastaaba xumaantiisii aawadeed u ooyaya.
16Ja jos jotkut heistä pelastuvat ja lähtevät vuorille pakoon, he ovat siellä peloissaan kuin laakson kyyhkyt, vaikertavat kaikki syntiensä tähden.
17Gacmaha oo dhammu way taag gabi doonaan, oo jilbaha oo dhammuna sida biyo oo kale ayay u tabaryaraan doonaan.
17Heidän kätensä käyvät hervottomiksi, heidän polvensa tutisevat pelosta.
18Oo weliba iyagu waxay guntan doonaan dhar joonyad ah, oo naxdin baa liqi doonta, oo wejiyada oo dhammuna way ceeboobi doonaan, oo madaxyada oo dhammuna way xiirnaan doonaan.
18He vyöttäytyvät katujan karkeaan pukuun ja ajavat päänsä paljaaksi. Kauhu saa heidät vapisemaan, ja kaikkien kasvoilla kuvastuu häpeä.
19Lacagtooda jidadkay ku xoori doonaan, oo dahabkooduna wuxuu noqon doonaa sida wasakh oo kale. Maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooduba ma ay samatabbixin kari doonaan. Naftooda ma ay dhergin doonaan, oo calooshoodana kama ay buuxin doonaan, maxaa yeelay, kuwaasu waxay ahaayeen dhagaxii turunturada ee xumaantooda.
19He viskaavat hopeansa kadulle, heidän kullastaan tulee arvotonta rojua. Ei heitä pelasta kulta, ei hopea Herran vihan päivänä. Ei niistä ole tyydyttämään heidän nälkäänsä, ei täyttämään heidän vatsaansa. Juuri niiden tähden he ovat langenneet.
20Quruxdii sharraxaaddiisa kibir bay u beddeleen, oo waxay ka sameeyeen sanamyada waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo la nacay, sidaas daraaddeed waxaan iyaga uga dhigay sida wasakh oo kale.
20Prameat korut ovat olleet heidän ylpeytensä, kullasta ja hopeasta he ovat tehneet iljettävät patsaansa. Sen tähden minä muutan heidän kalleutensa rojuksi.
21Oo booli ahaan ayaan shisheeyayaal gacanta ugu gelin doonaa oo sida wax la soo dhacay oo kalena ayaan sharrowyada dunida u siin doonaa, oo iyaguna way nijaasayn doonaan.
21Minä annan ne vieraiden ryöstettäviksi, annan ne jumalattomien saaliiksi, ja ne saastuvat muukalaisten käsissä.
22Oo weliba wejigaygana iyagaan ka sii jeedin doonaa, oo iyana meeshayda qarsoon bay nijaasayn doonaan, oo kuwa wax dhaca ayaa gudaheeda geli doona oo nijaasayn doona.
22Minä käännän kasvoni heistä pois, ja muukalaiset saastuttavat ihanan huoneeni, rosvot astuvat sisään ja häpäisevät sen.
23Silsilad samee, waayo, dalka waxaa ka buuxda gacankudhiiglenimo, oo magaaladana waxaa ka buuxa dulmi.
23He panevat toimeen verilöylyn -- tässä maassa, joka jo on täynnä verta, tässä kaupungissa, joka on täynnä väkivaltaa.
24Sidaas daraaddeed waxaan u keeni doonaa kuwa ugu liita ee quruumaha, oo iyana guryahooda way hantiyi doonaan, oo weliba waxaan joojin doonaa kuwa xoogga badan kibirkooda, oo meelahooda quduuska ahna waa la wada nijaasayn doonaa.
24Minä tuon kansoista pahimmat, ja ne valtaavat heidän talonsa. Minä teen lopun heidän voimantunnostaan, ja heidän pyhät paikkansa häväistään.
25Halligaad baa imanaysa, oo iyagu nabad bay doondooni doonaan, laakiinse innaba ma ay jiri doonto.
25Ahdinko tulee, turhaan ihmiset etsivät turvaa.
26Belaayaba belaayay ku soo kor degi doontaa, war belef ahuna war belef ah buu ka kor iman doonaa, oo markaasay wax nebi la tuso doondooni doonaan, laakiinse sharcigu wadaaddada wuu ka baabbi'i doonaa, oo taladuna odayaasha way ka dhammaan doontaa.Boqorku wuu barooran doonaa, oo amiirkuna cabsi buu huwan doonaa, oo dadka dalka deggan gacmahooduna way gariiri doonaan, oo anigu siday jidadkoodu ahaayeen ayaan ku samayn doonaa, oo siday galabsadaanna waan u xukumi doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
26Tulee onnettomuus onnettomuuden perään, tuhon viesti tuhon viestin perään. Turhaan ihmiset anelevat profeetalta näkyä, papista ei ole opastajaksi, vanhimmilta loppuvat neuvot.
27Boqorku wuu barooran doonaa, oo amiirkuna cabsi buu huwan doonaa, oo dadka dalka deggan gacmahooduna way gariiri doonaan, oo anigu siday jidadkoodu ahaayeen ayaan ku samayn doonaa, oo siday galabsadaanna waan u xukumi doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
27Kuningas menettää toivonsa, ruhtinas on kauhun vallassa, pelko herpaannuttaa kansalaisten kädet. Minä annan heille heidän vaelluksensa mukaan, minä tuomitsen heidät niin kuin he ovat toisia tuominneet. He tulevat tietämään, että minä olen Herra.