Somali

Pyhä Raamattu

Genesis

5

1Kanu waa buuggii farcankii Aadan. Maalintii Ilaah ninkii abuuray, ekaanta Ilaah buu ka sameeyey isagii;
1Tämä on luettelo Aadamin jälkeläisistä. Luodessaan ihmisen Jumala teki hänet kaltaisekseen.
2wuxuu abuuray iyagoo lab iyo dhaddig ah; wuuna barakeeyey iyagii, magacoodiina wuxuu u bixiyey Aadan maalintii iyagii la abuuray.
2Hän loi ihmisen mieheksi ja naiseksi. Ja hän siunasi heidät ja antoi heille nimeksi ihminen silloin kun heidät luotiin.
3Aadanna wuxuu jiray boqol iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay wiil isagii u eg oo araggiisii leh; magiciisiina wuxuu u bixiyey Seed.
3Kun Aadam oli elänyt 130 vuotta, hänelle syntyi poika, joka oli hänen näköisensä, hänen kaltaisensa, ja hän antoi pojalle nimen Set.
4Aadanna markuu Seed dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood; wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
4Setin syntymän jälkeen Aadam eli vielä 800 vuotta, ja hänelle syntyi sinä aikana lisää poikia ja tyttäriä.
5Wakhtigii Aadan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo soddon sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
5Aadam eli kaikkiaan 930 vuotta, ja sitten hän kuoli.
6Seedna wuxuu jiray boqol iyo shan sannadood, wuxuuna dhalay Enoos.
6Kun Set oli elänyt 105 vuotta, hänelle syntyi Enos.
7Seedna markuu Enoos dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo toddoba sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
7Enosin syntymän jälkeen Set eli vielä 807 vuotta, ja hänelle syntyi lisää poikia ja tyttäriä.
8Wakhtigii Seed noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo toban sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
8Set eli kaikkiaan 912 vuotta ja kuoli sitten.
9Enoosna wuxuu jiray sagaashan sannadood, wuxuuna dhalay Qaynaan.
9Kun Enos oli elänyt 90 vuotta, hänelle syntyi Kenan.
10Enoosna markuu Qaynaan dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo shan iyo toban sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
10Kenanin syntymän jälkeen Enos eli vielä 815 vuotta, ja hänelle syntyi lisää poikia ja tyttäriä.
11Wakhtigii Enoos noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo shan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
11Enos eli kaikkiaan 905 vuotta ja kuoli sitten.
12Qaynaanna wuxuu jiray toddobaatan sannadood, wuxuuna dhalay Mahalale'el.
12Kun Kenan oli elänyt 70 vuotta, hänelle syntyi Mahalalel.
13Qaynaanna markuu Mahalale'el dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo afartan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
13Mahalalelin syntymän jälkeen Kenan eli vielä 840 vuotta, ja hänelle syntyi lisää poikia ja tyttäriä.
14Wakhtigii Qaynaan noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo toban sannadood, dabadeedna wuu dhintay.
14Kenan eli kaikkiaan 910 vuotta ja kuoli sitten.
15Mahalale'elna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Yaared.
15Kun Mahalalel oli elänyt 65 vuotta, hänelle syntyi Jered.
16Mahalale'elna markuu Yaared dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
16Jeredin syntymän jälkeen Mahalalel eli vielä 830 vuotta, ja hänelle syntyi lisää poikia ja tyttäriä.
17Wakhtigii Mahalale'el noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa siddeed boqol iyo shan iyo sagaashan sannadood, dabadeedna wuu dhintay.
17Mahalalel eli kaikkiaan 895 vuotta ja kuoli sitten.
18Yaaredna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Enoog.
18Kun Jered oli elänyt 162 vuotta, hänelle syntyi Henok.
19Yaaredna markuu Enoog dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
19Henokin syntymän jälkeen Jered eli vielä 800 vuotta, ja hänelle syntyi lisää poikia ja tyttäriä.
20Wakhtigii Yaared noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo lixdan sannadood; wuuna dhintay.
20Jered eli kaikkiaan 962 vuotta ja kuoli sitten.
21Enoogna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Metushelax.
21Kun Henok oli elänyt 65 vuotta, hänelle syntyi Metuselah.
22Enoogna wuxuu la socday Ilaah saddex boqol oo sannadood markuu Metushelax dhalay ka dib, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
22Metuselahin syntymän jälkeen Henok eli vielä 300 vuotta vaeltaen aina Jumalan tahdon mukaisesti, ja hänelle syntyi lisää poikia ja tyttäriä.
23Wakhtigii Enoog jiray oo dhammuna wuxuu ahaa saddex boqol iyo shan iyo lixdan sannadood.
23Henok eli kaikkiaan 365 vuotta.
24Enoogna Ilaah buu la socday; waana la waayay; maxaa yeelay, Ilaah baa qaatay isagii.
24Hän vaelsi kuuliaisena Jumalalle. Sitten häntä ei enää ollut, sillä Jumala otti hänet luokseen.
25Metushelaxna wuxuu jiray boqol iyo toddoba iyo siddeetan sannadood, wuxuuna dhalay Lameg.
25Kun Metuselah oli elänyt 187 vuotta, hänelle syntyi Lemek.
26Metushelaxna wuxuu noolaa markuu Lameg dhalay ka dib toddoba boqol iyo laba iyo siddeetan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
26Lemekin syntymän jälkeen Metuselah eli vielä 782 vuotta, ja hänelle syntyi lisää poikia ja tyttäriä.
27Wakhtigii Metushelax noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo sagaal iyo lixdan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.
27Metuselah eli kaikkiaan 969 vuotta ja kuoli sitten.
28Lamegna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo siddeetan sannadood; wuxuuna dhalay wiil:
28Kun Lemek oli elänyt 182 vuotta, hänelle syntyi poika.
29magiciisiina wuxuu u bixiyey Nuux, isagoo leh, Kanu waa inooga raaxayn doonaa shuqulkeenna iyo hawsha gacmaheenna, xagga dhulka Ilaah habaaray.
29Hän antoi pojalle nimen Nooa ja sanoi: "Tämä poika on antava meille lohtua työssämme ja vaivannäössämme, kun viljelemme maata, jonka Herra on kironnut."
30Lamegna markuu Nuux dhalay ka dib wuxuu noolaa shan boqol iyo shan iyo sagaashan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
30Lemek eli Nooan syntymän jälkeen vielä 595 vuotta, ja hänelle syntyi lisää poikia ja tyttäriä.
31Wakhtigii Lameg noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa toddoba boqol iyo toddoba iyo toddobaatan sannadood; dabadeedna wuu dhintay.Nuuxna wuxuu jiray shan boqol oo sannadood; wuxuuna dhalay Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed.
31Lemek eli kaikkiaan 777 vuotta ja kuoli sitten.
32Nuuxna wuxuu jiray shan boqol oo sannadood; wuxuuna dhalay Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed.
32Kun Nooa oli elänyt 500 vuotta, hänelle syntyivät Seem, Haam ja Jafet.