1Haddaba Fashxuur ina Immeer oo ahaa wadaadkii iyo taliyihii sare ee guriga Rabbiga ayaa maqlay Yeremyaah oo waxyaalahaas sii sheegaya.
1Pappi Pashur, Immerin poika, Herran temppelin ylivalvoja, kuuli, mitä Jeremia sanoi.
2Markaasaa Fashxuur garaacay Yeremyaah, oo wuxuu geliyey jeebbooyinkii ku yiil iridda sare oo reer Benyaamiin, oo ku tiil guriga Rabbiga.
2Silloin hän löi profeettaa ja pani hänet jalkapuuhun Benjaminin yläportille, josta tullaan temppelin alueelle.
3Oo maalintii dambe Fashxuur ayaa Yeremyaah jeebbooyinkii ka soo bixiyey. Markaasaa Yeremyaah isagii ku yidhi, Rabbigu magacaaga uguma yeedhin Fashxuur, laakiinse wuxuu kugu magacaabay Maagoor Misaabiib.
3Kun Pashur seuraavana päivänä päästi Jeremian vapaaksi, Jeremia sanoi hänelle: "Herra ei kutsu sinua enää nimellä Pashur vaan nimellä Magor- Missabib, Kauhua kaikkialla!
4Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan cabsi kaaga dhigi doonaa nafsaddaada iyo saaxiibbadaa oo dhanba. Iyana waxay ku dhiman doonaan seefta cadaawayaashooda, oo indhahaaguna taas bay arki doonaan. Oo dadka dalka Yahuudah oo dhanna waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuxuu iyaga maxaabiis ahaan ugu kaxaysan doonaa ilaa Baabuloon, oo seef buu ku layn doonaa.
4Näin sanoo Herra: Minä saatan sinut ja kaikki sinun ystäväsi kauhun valtaan. Näet omin silmin, kun he kaatuvat vihollisen miekkaan. Minä annan koko Juudan Babylonian kuninkaan käsiin. Hän vie sen asukkaat Babyloniaan ja surmaa heidät.
5Oo weliba magaaladan maalkeeda oo dhan, iyo waxyaalihii ay ku hawshootay oo dhan, iyo waxyaalaheeda qaaliga ah oo dhan, iyo khasnadaha boqorrada dalka Yahuudah oo dhanba, waxaan u gacangelin doonaa cadaawayaashooda, oo iyana way boobi doonaan, oo intay kaxaystaan ayay Baabuloon wareejin doonaan.
5Minä annan kaikki tämän kaupungin rikkaudet sen vihollisten käsiin, kaiken, mitä sen asukkaat ovat työllään hankkineet, kaikki sen kalleudet ja kaikki Juudan kuninkaiden aarteet. Ne ryöstetään ja viedään Babyloniaan.
6Fashxuurow, adiga iyo inta gurigaaga deggan oo dhanba maxaabiis ahaan baa laydiin wada kaxaysan doonaa, oo waxaad tegi doontaa Baabuloon, oo halkaasaad ku dhiman doontaa, oo halkaasaa lagugu xabaali doonaa, adiga, iyo saaxiibbadaadii aad wax been ah u sii sheegi jirtay oo dhanba.
6Myös sinä, Pashur, ja koko sinun perheesi joudutte vankeuteen. Babyloniaan sinut viedään, siellä sinä kuolet ja sinne sinut haudataan -- sinut ja kaikki ystäväsi, joita olet johtanut harhaan valheellisin puhein."
7Rabbiyow, waad i khiyaanaysay, oo waa lay khiyaaneeyey, adigu waad iga xoog badan tahay, oo waad iga adkaatay. Maalin kasta waa laygu qoslaa, oo mid kastaaba waa i yaraystaa.
7-- Herra, sinä olet taivutellut minua, ja minä olen suostunut! Sinä olet tarttunut minuun ja ottanut minut valtaasi. Päivästä päivään minä olen naurun aiheena, kaikki pilkkaavat minua.
8Waayo, mar alla markaan hadlaba waan qayliyaa, oo waxaan ku dhawaaqaa, Waa dulmi iyo kharribaad, maxaa yeelay, eraygii Rabbigu wuxuu ii noqday sabab ay maalinta oo dhan igu caayaan oo iigu qoslaan.
8Aina kun avaan suuni, minun täytyy huutaa, minun täytyy kuuluttaa väkivaltaa ja sortoa! Herran sana tuo minulle pilkkaa ja herjaa joka päivä.
9Oo haddaan idhaahdo, Isaga ka hadli maayo, oo mar dambe magiciisa wax ku sheegi maayo, waxaa qalbigayga ku jira wax dab ololaya la moodo oo lafahayga ku dheggan, oo waxaan la daalay hadalka.
9Mutta kun sanoin: "Enää en halua ajatella häntä enkä puhua hänen nimissään", tuntui kuin sisimmässäni olisi palanut liekehtivä tuli ja luuni olisivat hehkuneet. Viimeiseen saakka minä yritin tätä kestää, mutta enää en jaksa.
10Waayo, waxaan maqlay kuwa badan oo i caayaya, iyo cabsi dhan kasta iga wareegsan. Oo waxay yidhaahdaan, Soo ashtakeeya oo annana waannu ashtakaynaynaa. Kuwii ila nabad ahaa oo dhammu waxay sugayaan dhiciddayda, oo waxay yidhaahdaan, Mindhaa isaga waa la khiyaanayn doonaa, oo waannu ka adkaan doonnaa, oo waannu aargudan doonnaa.
10Nyt kuulen monien kuiskivan: "Näettekö, kauhua kaikkialla!" "Antakaa ilmi!" "Annetaan hänet ilmi!" Jopa ystävät vaanivat heikkoa hetkeäni: "Ehkä saamme houkutelluksi hänet ansaan! Silloin hän on vallassamme, ja totisesti me kostamme!"
11Laakiinse Rabbigu waa ila jiraa isagoo ah sidii mid xoog badan oo cabsi leh, oo sidaas daraaddeed kuwa i silciyaa way turunturoon doonaan, oo igama ay adkaan doonaan. Ma ay liibaanin oo taas daraaddeed aad iyo aad bay ugu ceeboobi doonaan ceeb weligeed ah oo aan marnaba la illoobi doonin.
11Mutta Herra on kanssani kuin väkevä sankari, vihamieheni kaatuvat eivätkä voi minulle mitään. Heidän aikeensa epäonnistuvat, niin tyhmiä ne ovat, eikä sitä koskaan unohdeta, alinomaa he saavat kantaa häpeäänsä.
12Laakiinse Rabbiga ciidammadow, waxaad tahay kan kii xaqa ah imtixaama, oo waxaad fiirisaa kelyaha iyo qalbigaba, haddaba bal i tus aargudashadaada oo iyaga ku kor dhacaysa, waayo, adigaan dacwadaydii ku soo ban dhigay.
12Herra Sebaot, sinä tunnet oikeamielisen, sinä koettelet sydämen ja ajatukset -- kunpa näkisin, että kostat heille! Sinun haltuusi olen uskonut asiani.
13Rabbiga u gabya, oo Rabbiga ammaana, waayo, isagaa naftii miskiinka ka samatabbixiyey gacantii xumaanfalayaasha.
13Laulakaa Herralle, ylistäkää Herraa! Hän pelastaa avuttoman pahantekijöiden käsistä.
14Ha inkaarnaato maalintii aan dhashay, oo maalintii hooyaday i dhashayna yaanay barakoobin.
14-- Kirottu olkoon päivä, jona synnyin, vailla siunausta päivä, jona äitini minut synnytti!
15Ha inkaarnaado ninkii aabbahay u bishaareeyey, oo isagoo ka farxinaya ku yidhi, Wiil baa kuu dhashay!
15Kirottu se mies, joka toi isälleni ilosanoman ja onnitteli häntä: "Sinulle on syntynyt poika!"
16Oo ninkaasu ha noqdo sidii magaalooyinkii Rabbigu afgembiyey oo uusan u qoomamoon. Oo aroortii oohin ha maqlo, oo hadhkiina qaylo digtooneed ha maqlo,
16Käyköön sille miehelle, niin kuin kävi kaupungeille, jotka Herra armotta kukisti! Kuulkoon hän valitushuudon aamulla, hälytyksen keskellä päivää,
17maxaa yeelay, isagu iguma dhex dilin uurkii hooyaday, si ay hooyaday igu ahaato qabrigaygii, oo uu uurkeeduna u weynaado weligiisba.Bal maxaan uurkii hooyaday uga soo baxay si aan hawl iyo murug u arko, oo uu cimrigaygu ceeb ugu dhammaado?
17kun ei surmannut minua kohtuun! Äitini olisi saanut olla minun hautani ja pysyä raskaana koko loppuikänsä!
18Bal maxaan uurkii hooyaday uga soo baxay si aan hawl iyo murug u arko, oo uu cimrigaygu ceeb ugu dhammaado?
18Miksi minun pitikään tulla äidinkohdusta näkemään pelkkää vaivaa ja tuskaa! Koko elämäni kuluu häpeässä.