1Oo markii Yeremyaah uu wada dhammeeyey dadka oo dhan lahadliddiisii uu u sheegayay erayadii Rabbiga Ilaahooda ah oo dhan, ee Rabbiga Ilaahooda ahu uu ugu soo dhiibay, kuwaasoo ah erayadan oo dhan,
1Kun Jeremia oli puhunut luokseen kokoontuneelle kansalle kaiken, mitä Herra, heidän Jumalansa, oli lähettänyt hänet sanomaan,
2ayaa waxaa hadlay Casaryaah ina Hooshacyaah, iyo Yooxaanaan ina Qaaree'ax, iyo raggii kibirsanaa oo dhan, oo waxay Yeremyaah ku yidhaahdeen, Been baad sheegaysaa. Rabbiga Ilaaheenna ahu kuuma soo dirin inaad tidhaahdid, Masar ha tegina inaad halkaas joogtaan,
2niin Asarja, Hosajan poika, ja Johanan, Kareahin poika, sekä muut julkeat miehet sanoivat hänelle: "Älä valehtele! Ei Herra, meidän Jumalamme, ole lähettänyt sinua ilmoittamaan, ettemme saa mennä Egyptiin ja asettua sinne.
3laakiinse Baaruug ina Neeriiyaah ayaa nagu soo kaa diray, si uu gacanta reer Kaldayiin noogu rido inay na laayaan, oo ay maxaabiis ahaan Baabuloon noogu kaxaystaan.
3Baruk, Nerian poika, yllyttää sinua meitä vastaan! Hän haluaa meidän joutuvan babylonialaisten käsiin, jotta he surmaisivat meidät tai veisivät meidät pakkosiirtolaisina Babyloniaan."
4Markaasay Yooxaanaan ina Qaaree'ax, iyo saraakiishii ciidammada oo dhan, iyo dadkii oo dhammuba addeeci waayeen codkii Rabbiga inay dalkii Yahuudah degganaadaan.
4Johanan, muut sotapäälliköt ja kansa kieltäytyivät tottelemasta, vaikka Herra oli käskenyt heidän jäädä Juudaan.
5Laakiinse dadkii Yahuudah ee hadhay oo dhan oo ka soo noqday quruumihii loo kala kaxaystay oo dhan si ay dalkii Yahuudah u degganaadaan waxaa kexeeyey Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiisha ciidammada oo dhan.
5Johanan ja muut sotapäälliköt päättivät lähteä ja ottaa mukaansa kaikki ne, jotka olivat paenneet vieraiden kansojen keskuuteen mutta sitten palanneet takaisin Juudaan ja asettuneet sinne asumaan.
6Dadkaasu waxay ahaayeen raggii, iyo naagihii, iyo carruurtii, iyo gabdhihii boqorka, iyo qof kasta oo Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii waardiyayaashu uu kaga tegey Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan, iyo Nebi Yeremyaah, iyo Baaruug ina Neeriiyaah.
6Lähtijöihin kuului miehiä, naisia ja lapsia; mukana olivat lisäksi kuninkaan tyttäret ja kaikki, jotka henkikaartin päällikkö Nebusaradan oli jättänyt Gedaljan, Ahikamin pojan, Safanin pojanpojan, huostaan. Myös profeetta Jeremia ja Baruk, Nerian poika, pakotettiin mukaan.
7Oo waxay yimaadeen dalkii Masar, waayo, ma ay addeecin codkii Rabbiga, oo waxay yimaadeen ilaa Taxfanxees.
7Näin kansa lähti kohti Egyptiä vastoin Herran kieltoa ja saapui Tahpanhesiin Egyptin puolelle. Egyptiin
8Markaas Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah ugu yimid Taxfanxees, oo wuxuu ku yidhi,
8Tahpanhesissa tuli Jeremialle tämä Herran sana:
9Dhagxan waaweyn gacanta ku qaad, oo iyadoo ay dadka dalka Yahuudah u wada jeedaan waxaad ku dhex qarisaa meesha lebenku yaal ee iridda laga galo guriga Fircoon ee Taxfanxees ku yaal.
9"Ota suuria kiviä ja kaiva ne täällä Juudan miesten nähden faraon hallintorakennuksen sisäänkäynnin edustalle pengertasanteeseen.
10Oo waxaad iyaga ku tidhaadaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan soo kaxayn doonaa addoonkayga Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo carshigiisaan ka dul qotomin doonaa dhagaxantan aan qariyey, oo isna wuxuu ku dul fidin doonaa taambuuggiisa boqornimo.
10Sano heille: Näin puhuu Herra Sebaot, Israelin Jumala: Minä kutsun tänne palvelijani Nebukadnessarin, Babylonian kuninkaan, ja asetan hänen valtaistuimensa näiden kivien päälle, jotka sinä kaivoit maahan. Hän levittää valtaistuimensa katoksen niiden ylle.
11Oo isagu wuu iman doonaa oo wax buu dalka Masar ku dhufan doonaa, oo kuwii dhimasho ku waajibtay dhimashuu siin doonaa, kuwii maxaabiisnimo ku waajibtayna maxaabiis ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo kuwii seefu ku waajibtayna seef buu ku layn doonaa.
11Nebukadnessar hyökkää Egyptiin ja kukistaa sen. Joka on ruton oma, se kuolee ruttoon, joka vankeuden, se joutuu vankeuteen, joka miekan, se kaatuu miekkaan.
12Oo waxaan dab ku dayn doonaa guryaha ilaahyada Masar, oo isna wuu gubi doonaa, oo maxaabiis ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo isagu wuxuu dalka Masar u huwan doonaa sida adhijir uu dharkiisa u huwado oo kale, oo halkaasna nabad buu kaga bixi doonaa.Oo weliba wuxuu wada burburin doonaa tiirarka Beytshemesh oo dalka Masar ku dhex taal, oo guryaha ilaahyada Masarna dab buu ku wada gubi doonaa.
12Minä sytytän tuleen Egyptin jumalien temppelit, Nebukadnessar polttaa jumalankuvat tai vie ne mukanaan. Niin kuin paimen nyppii vaatteistaan täitä, niin Nebukadnessar puhdistaa Egyptin jumalankuvista. Sitten hän lähtee sieltä kenenkään estämättä.
13Oo weliba wuxuu wada burburin doonaa tiirarka Beytshemesh oo dalka Masar ku dhex taal, oo guryaha ilaahyada Masarna dab buu ku wada gubi doonaa.
13Hän särkee Egyptissä Heliopoliin pyhät patsaat ja polttaa Egyptin jumalien temppelit."