1Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
1Herra sanoi Moosekselle:
2Waxaad la hadashaa Haaruun, iyo wiilashiisa, iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxanu waa wixii Rabbigu amray, oo uu yidhi,
2"Sano Aaronille, hänen pojilleen ja kaikille israelilaisille: Näin on Herra käskenyt:
3Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah, oo xerada gudaheeda ama dibaddeeda ku gowraca dibi ama wan yar ama orgi,
3Jos joku israelilainen teurastaa sonnin, lampaan tai vuohen joko leirissä tai sen ulkopuolella
4isagoo aan iridda teendhada shirka keenin inuu Rabbiga qurbaan ahaan ugu bixiyo taambuugga Rabbiga hortiisa, ninkaas waxaa lagu xisaabi doonaa mid uu dhiig saaran yahay, waayo, isagu dhiig buu daadiyey, oo qofkaas waa in dadkiisa dhexdooda laga gooyaa,
4eikä tuo sitä pyhäkköteltan ovelle luovuttaakseen sen uhrilahjana Herralle telttamajan edessä, hänet on katsottava verivelan alaiseksi. Hän on vuodattanut verta, ja hänet on poistettava kansansa keskuudesta.
5oo sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waa inay keenaan allabaryadooda ay berrinka bannaan ku bixiyaan, oo iyagu waa inay Rabbiga ugu keenaan iridda teendhada shirka, waana inay wadaadka guddoonsiiyaan, oo ay Rabbiga ugu bixiyaan allabaryo qurbaanno nabaadiino ah.
5Israelilaiset eivät siis enää saa teurastaa eläimiään missä tahansa ulkosalla, vaan heidän on tuotava ne papille Herran eteen pyhäkköteltan ovelle ja teurastettava ne siellä Herralle omistettuina yhteysuhreina.
6Oo wadaadkuna waa inuu dhiigga ku saydhsaydhaa meesha allabariga ee Rabbiga oo ag yaal iridda teendhada shirka, oo xaydhana waa inuu gubaa si ay Rabbiga u ahaato caraf udgoon.
6Pappi vihmokoon veren Herran alttarille pyhäkköteltan oven luona ja polttakoon rasvan tuoksuvana uhrina, joka on Herralle mieluisa.
7Oo iyagu waa inayan mar dambe allabaryadooda u bixin orgiyada ay caabudaan sida naagu ninkeeda uga dhillowdo. Kaasu qaynuun weligiis ah buu ab ka ab u ahaan doonaa iyaga.
7Israelilaiset eivät enää eläimiä teurastaessaan saa omistaa niitä aavikon paholaisille, joita he ovat minusta luopuneina palvoneet. Tämä on heille pysyvä määräys sukupolvesta toiseen.
8Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari,
8"Sano heille: Jos joku israelilainen tai israelilaisten keskuuteen asumaan tullut siirtolainen uhraa polttouhrin tai teurasuhrin
9isagoo aan keenin iridda teendhada shirka inuu Rabbiga u bixiyo daraaddeed, ninkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.
9eikä tuo eläintään pyhäkköteltan ovelle Herralle uhrattavaksi, hänet on poistettava kansansa keskuudesta.
10Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan oo cuna cayn kasta oo dhiig ah, aniga ayaa ka gees noqon doonaa qofkaas dhiigga cuna, oo dadkiisaan isaga ka gooyn doonaa.
10"Jos joku israelilainen tai israelilaisten keskuudessa asuva siirtolainen syö verta, missä muodossa tahansa, minä vihastun häneen ja poistan hänet kansansa keskuudesta.
11Waayo, jiidhka noloshiisii waxay ku dhex jirtaa dhiigga; oo anna waxaan meesha allabariga dusheeda idiinku siiyey in nafihiinna loogu kafaaro gudo, waayo, waa dhiigga waxa loogu kafaaro gudaa nolosha daraaddeed.
11Veressä on elävän olennon elämänvoima. Minä itse olen määrännyt, että veri on tuotava alttarille teidän puolestanne tapahtuvaa sovitusta varten, sillä veressä oleva elämänvoima tuottaa sovituksen.
12Haddaba sidaas daraaddeed waxaan reer binu Israa'iil ku idhi, Qof idinka mid ahu waa inuusan dhiig cunin, oo shisheeyaha idin dhex degganuna waa inuusan dhiig cunin.
12Sen tähden minä sanon israelilaisille: yksikään teistä ei saa syödä verta, eikä sitä myöskään saa syödä kukaan teidän keskuudessanne asuva siirtolainen.
13Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan hadduu ugaadhsasho ku helo neef amase haad ugaadh ah oo la cuno, waa inuu dhiiggiisa daadiyaa oo ciid ku daboolaa.
13"Kun joku israelilainen tai heidän keskuudessaan asuva siirtolainen pyydystää syötäväksi kelpaavan eläimen tai linnun, hänen tulee valuttaa sen veri maahan ja peittää veri hiekalla,
14Waayo, jiidh kastaba naftiisa iyo dhiiggiisu waa isku mid qudha, oo sidaas daraaddeed ayaan reer binu Israa'iil ku idhi, Waa inaydaan jiidhnaba dhiiggiisa cunin cayn kastoo uu yahayba, waayo, jiidh kastaba noloshiisu waa dhiiggiisa, oo qof alla qofkii dhiig cunaba waa la gooyn doonaa.
14sillä veressä on jokaisen elävän olennon elämänvoima. Siksi minä sanon israelilaisille: Älkää syökö minkään elävän olennon verta, sillä veressä on sen elämänvoima. Jokainen, joka syö verta, on poistettava kansansa keskuudesta.
15Oo qof kasta oo cuna neef iska bakhtiyey amase neef dugaagu bakhtiistay, hadduu yahay waddani iyo hadduu shisheeye yahayba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkana nijaas buu ahaanayaa, oo dabadeedna daahir buu ahaan doonaa.Laakiinse hadduusan dharkiisa maydhin ama uusan jidhkiisa maydhin, markaasuu dembigiisa qaadan doonaa.
15"Jos joku, olipa hän israelilainen tai siirtolainen, syö itsestään kuollutta tai kuoliaaksi raadeltua eläintä, hän pesköön vaatteensa ja peseytyköön; hän on epäpuhdas iltaan saakka. Sitten hän on jälleen puhdas.
16Laakiinse hadduusan dharkiisa maydhin ama uusan jidhkiisa maydhin, markaasuu dembigiisa qaadan doonaa.
16Mutta ellei hän pese vaatteitaan ja peseydy, hän jää syynalaiseksi."