Somali

Pyhä Raamattu

Numbers

7

1Maalintii Muuse dhammeeyey dhisiddii taambuugga, oo uu subkay oo quduus ka dhigay isagii iyo alaabtiisii oo dhan iyo meeshii allabariga iyo weelasheedii oo dhan, oo uu subkay oo quduus ka dhigay iyagii,
1Kun telttamaja oli saatu pystytetyksi, Mooses pirskotti öljyä sen ja alttarin päälle pyhittäen ne ja kaikki niihin kuuluvat varusteet. Kun hän oli voidellut ja pyhittänyt ne,
2ayay amiirradii reer binu Israa'iil oo madaxda u ahaa reerahood wax bixiyeen. Kuwanu waxay ahaayeen amiirradii qabiilooyinka, oo iyagu waa kuwii ka sarreeyey kuwii la tiriyey.
2saapuivat paikalle Israelin päälliköt, sukukuntien johtajat, jotka olivat heimojen päämiehiä ja johtivat katsastettuja joukkoja.
3Oo waxay Rabbiga hortiisa keeneen qurbaankoodii oo ah lix gaadhi oo dedan, iyo laba iyo toban dibi. Labadii amiirba waxay keeneen gaadhi, amiir kastaana dibi, oo waxay geeyeen taambuugga hortiisii.
3He toivat uhrilahjanaan Herralle kuudet katetut vaunut ja kaksitoista härkää, yhdet vaunut aina kahta päämiestä kohti ja yhden härän kultakin päämieheltä. He toivat lahjansa telttamajan eteen.
4Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse oo wuxuu ku yidhi,
4Herra sanoi Moosekselle:
5Ka qaad iyaga inay u ahaadaan wax hawsha teendhada shirka lagu sameeyo, oo waxaad siisaa reer Laawi, nin walba sidii hawshiisu tahay.
5"Ota vastaan heidän lahjansa käytettäviksi pyhäkköteltan palvelutoimissa ja anna ne leeviläisille sen mukaan, kuin he niitä tehtävissään tarvitsevat."
6Markaasaa Muuse gaadhiyaashii iyo dibidii qaaday oo reer Laawi siiyey.
6Mooses otti vaunut ja härät ja antoi ne leeviläisille.
7Laba gaadhi iyo afar dibi wuxuu siiyey reer Gershoon, sidii hawshoodu ahayd.
7Kahdet vaunut ja neljä härkää hän antoi Gersonin jälkeläisille avuksi heidän palvelutehtävässään.
8Oo afar gaadhi iyo siddeed dibina wuxuu siiyey reer Meraarii, sidii hawshoodu ahayd, oo wuxuu ugu dhiibay gacantii wadaadkii Haaruun ahaa wiilkiisii Iitaamaar.
8Merarin jälkeläisille hän antoi neljät vaunut ja kahdeksan härkää avuksi siinä palvelutehtävässä, jota he suorittivat Aaronin pojan Itamarin johdolla.
9Laakiinse reer Qohaad waxba kama uu siin, maxaa yeelay, iyagaa lahaa hawshii meesha quduuska ah, oo waxay ku qaadi jireen garbahooda.
9Kehatin jälkeläisille hän ei antanut mitään, koska heidän tehtävänään oli huolehtia pyhistä esineistä, joita heidän kuului kantaa olallaan.
10Oo maalintii meesha allabariga la subkay ayay amiirradii bixiyeen qurbaankii daahirinta, oo waxay qurbaankoodii ku bixiyeen meesha allabariga horteeda.
10Päämiehet toivat vihkiäislahjoja myös alttaria varten sinä päivänä, jona se voideltiin. Kun he toivat uhrilahjojaan alttarin eteen,
11Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Iyagu qurbaankooda waa inay u bixiyaan meesha allabariga daahirinteeda, oo amiir kastaaba maalintiisa ha bixiyo.
11Herra sanoi Moosekselle: "Käske päämiesten tuoda uhrilahjansa alttarin vihkiäisjuhlaan yksitellen, kunkin omana päivänään."
12Oo kii maalintii kowaad qurbaankiisii bixiyey wuxuu ahaa Naxshoon oo ahaa ina Cammiinaadaab oo reer Yahuudah ah.
12Ensimmäisenä päivänä toi uhrilahjansa Juudan heimon päällikkö Nahson, Amminadabin poika.
13Oo qurbaankiisuna wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
13Hän toi 130 sekeliä painavan hopeakulhon, hopeisen vihmontamaljan, joka painoi 70 sekeliä pyhäkkösekelin painon mukaan laskettuna, molemmat täynnä ruokauhriksi tarkoitettua parhaista vehnäjauhoista ja öljystä tehtyä taikinaa,
14iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
14kymmenen sekelin painoisen kultaisen kupin, joka oli täynnä suitsuketta,
15Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
15polttouhriksi nuoren sonnin, pässin ja vuoden vanhan karitsan,
16oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
16syntiuhriksi pukin
17Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Naxshoon ina Cammiinaadaab.
17sekä yhteysuhriksi kaksi nautaa, viisi pässiä, viisi pukkia ja viisi vuoden vanhaa karitsaa. Nämä olivat Nahsonin, Amminadabin pojan, uhrilahjat.
18Oo maalintii labaadna waxaa bixiyey Netaneel ina Suucaar oo amiir u ahaa reer Isaakaar.
18Toisena päivänä toi uhrilahjansa Isaskarin päällikkö Netanel, Suarin poika.
19Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
19Hän toi 130 sekeliä painavan hopeakulhon, hopeisen vihmontamaljan, joka painoi 70 sekeliä pyhäkkösekelin painon mukaan laskettuna, molemmat täynnä ruokauhriksi tarkoitettua parhaista vehnäjauhoista ja öljystä tehtyä taikinaa,
20iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
20kymmenen sekelin painoisen kultaisen kupin, joka oli täynnä suitsuketta,
21Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
21polttouhriksi nuoren sonnin, pässin ja vuoden vanhan karitsan,
22oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
22syntiuhriksi pukin
23Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Netaneel ina Suucaar.
23sekä yhteysuhriksi kaksi nautaa, viisi pässiä, viisi pukkia ja viisi vuoden vanhaa karitsaa. Nämä olivat Netanelin, Suarin pojan, uhrilahjat.
24Oo maalintii saddexaadna waxaa bixiyey Elii'aab ina Xeelon, oo amiir u ahaa reer Sebulun.
24Kolmantena päivänä tuli Sebulonin heimon päällikkö Eliab, Helonin poika.
25Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
25Hän toi uhrilahjanaan 130 sekelin painoisen hopeakulhon, hopeisen vihmontamaljan, joka painoi 70 sekeliä pyhäkkösekelin painon mukaan laskettuna, molemmat täynnä ruokauhriksi tarkoitettua parhaista vehnäjauhoista ja öljystä tehtyä taikinaa,
26iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
26kymmenen sekelin painoisen kultaisen kupin, joka oli täynnä suitsuketta,
27Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
27polttouhriksi nuoren sonnin, pässin ja vuoden vanhan karitsan,
28oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
28syntiuhriksi pukin
29Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Elii'aab ina Xeelon.
29sekä yhteysuhriksi kaksi nautaa, viisi pässiä, viisi pukkia ja viisi vuoden vanhaa karitsaa. Nämä olivat Eliabin, Helonin pojan, uhrilahjat.
30Oo maalintii afraadna waxaa bixiyey Eliisuur ina Shedeeyuur oo amiir u ahaa reer Ruubeen.
30Neljäntenä päivänä tuli Ruubenin heimon päällikkö Elisur, Sedeurin poika.
31Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
31Hän toi uhrilahjanaan 130 sekelin painoisen hopeakulhon, hopeisen vihmontamaljan, joka painoi 70 sekeliä pyhäkkösekelin painon mukaan laskettuna, molemmat täynnä ruokauhriksi tarkoitettua parhaista vehnäjauhoista ja öljystä tehtyä taikinaa,
32iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel oo foox ka buuxo.
32kymmenen sekelin painoisen kultaisen kupin, joka oli täynnä suitsuketta,
33Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
33polttouhriksi nuoren sonnin, pässin ja vuoden vanhan karitsan,
34oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
34syntiuhriksi pukin
35Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Eliisuur ina Shedeeyuur.
35sekä yhteysuhriksi kaksi nautaa, viisi pässiä, viisi pukkia ja viisi vuoden vanhaa karitsaa. Nämä olivat Elisurin, Sedeurin pojan, uhrilahjat.
36Oo maalintii shanaad waxaa bixiyey Shelumii'eel ina Suuriishadday, oo amiir u ahaa reer Simecoon.
36Viidentenä päivänä tuli Simeonin heimon päällikkö Selumiel, Surisaddain poika.
37Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
37Hän toi uhrilahjanaan 130 sekelin painoisen hopeakulhon, hopeisen vihmontamaljan, joka painoi 70 sekeliä pyhäkkösekelin painon mukaan laskettuna, molemmat täynnä ruokauhriksi tarkoitettua parhaista vehnäjauhoista ja öljystä tehtyä taikinaa,
38iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
38kymmenen sekelin painoisen kultaisen kupin, joka oli täynnä suitsuketta,
39Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
39polttouhriksi nuoren sonnin, pässin ja vuoden vanhan karitsan,
40oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
40syntiuhriksi pukin
41Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Shelumii'eel ina Suuriishadday.
41sekä yhteysuhriksi kaksi nautaa, viisi pässiä, viisi pukkia ja viisi vuoden vanhaa karitsaa. Nämä olivat Selumielin, Surisaddain pojan, uhrilahjat.
42Oo maalintii lixaadna waxaa bixiyey Eliyaasaaf ina Decuu'eel, oo amiir u ahaa reer Gaad.
42Kuudentena päivänä tuli Gadin heimon päällikkö Eljasaf, Deuelin poika.
43Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaankii hadhuudhka aawadiis,
43Hän toi uhrilahjanaan 130 sekelin painoisen hopeakulhon, hopeisen vihmontamaljan, joka painoi 70 sekeliä pyhäkkösekelin painon mukaan laskettuna, molemmat täynnä ruokauhriksi tarkoitettua parhaista vehnäjauhoista ja öljystä tehtyä taikinaa,
44iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
44kymmenen sekelin painoisen kultaisen kupin, joka oli täynnä suitsuketta,
45Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
45polttouhriksi nuoren sonnin, pässin ja vuoden vanhan karitsan,
46oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
46syntiuhriksi pukin
47Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Eliyaasaaf ina Decuu'eel.
47sekä yhteysuhriksi kaksi nautaa, viisi pässiä, viisi pukkia ja viisi vuoden vanhaa karitsaa. Nämä olivat Eljasafin, Deuelin pojan, uhrilahjat.
48Oo maalintii toddobaadna waxaa bixiyey Eliishaamaac ina Cammiihuud oo amiir u ahaa reer Efrayim.
48Seitsemäntenä päivänä tuli Efraimin heimon päällikkö Elisama, Ammihudin poika.
49Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
49Hän toi uhrilahjanaan 130 sekelin painoisen hopeakulhon, hopeisen vihmontamaljan, joka painoi 70 sekeliä pyhäkkösekelin painon mukaan laskettuna, molemmat täynnä ruokauhriksi tarkoitettua parhaista vehnäjauhoista ja öljystä tehtyä taikinaa,
50iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
50kymmenen sekelin painoisen kultaisen kupin, joka oli täynnä suitsuketta,
51Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
51polttouhriksi nuoren sonnin, pässin ja vuoden vanhan karitsan,
52oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
52syntiuhriksi pukin
53Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Eliishaamaac ina Cammiihuud.
53sekä yhteysuhriksi kaksi nautaa, viisi pässiä, viisi pukkia ja viisi vuoden vanhaa karitsaa. Nämä olivat Elisaman, Ammihudin pojan, uhrilahjat.
54Oo maalintii siddeedaadna waxaa bixiyey Gamalii'eel ina Fedaahsuur oo amiir u ahaa reer Manaseh.
54Kahdeksantena päivänä tuli Manassen heimon päällikkö Gamliel, Pedasurin poika.
55Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
55Hän toi uhrilahjanaan 130 sekelin painoisen hopeakulhon, hopeisen vihmontamaljan, joka painoi 70 sekeliä pyhäkkösekelin painon mukaan laskettuna, molemmat täynnä ruokauhriksi tarkoitettua parhaista vehnäjauhoista ja öljystä tehtyä taikinaa,
56iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
56kymmenen sekelin painoisen kultaisen kupin, joka oli täynnä suitsuketta,
57Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
57polttouhriksi nuoren sonnin, pässin ja vuoden vanhan karitsan,
58oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
58syntiuhriksi pukin
59Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Gamalii'eel ina Fedaahsuur.
59sekä yhteysuhriksi kaksi nautaa, viisi pässiä, viisi pukkia ja viisi vuoden vanhaa karitsaa. Nämä olivat Gamlielin, Pedasurin pojan, uhrilahjat.
60Oo maalintii sagaalaadna waxaa bixiyey Abiidaan ina Gidconii, oo amiir u ahaa reer Benyaamiin.
60Yhdeksäntenä päivänä tuli Benjaminin heimon päällikkö Abidan, Gideonin poika.
61Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
61Hän toi uhrilahjanaan 130 sekelin painoisen hopeakulhon, hopeisen vihmontamaljan, joka painoi 70 sekeliä pyhäkkösekelin painon mukaan laskettuna, molemmat täynnä ruokauhriksi tarkoitettua parhaista vehnäjauhoista ja öljystä tehtyä taikinaa,
62iyo malqacad dahab ah ee miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
62kymmenen sekelin painoisen kultaisen kupin, joka oli täynnä suitsuketta,
63Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
63polttouhriksi nuoren sonnin, pässin ja vuoden vanhan karitsan,
64oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
64syntiuhriksi pukin
65Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Abiidaan ina Gidconii.
65sekä yhteysuhriksi kaksi nautaa, viisi pässiä, viisi pukkia ja viisi vuoden vanhaa karitsaa. Nämä olivat Abidanin, Gideonin pojan, uhrilahjat.
66Oo maalintii tobnaadna waxaa bixiyey Axiiceser ina Cammiishadday oo amiir u ahaa reer Daan.
66Kymmenentenä päivänä tuli Danin heimon päällikkö Ahieser, Ammisaddain poika.
67Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
67Hän toi uhrilahjanaan 130 sekelin painoisen hopeakulhon, hopeisen vihmontamaljan, joka painoi 70 sekeliä pyhäkkösekelin painon mukaan laskettuna, molemmat täynnä ruokauhriksi tarkoitettua parhaista vehnäjauhoista ja öljystä tehtyä taikinaa,
68iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
68kymmenen sekelin painoisen kultaisen kupin, joka oli täynnä suitsuketta,
69Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
69polttouhriksi nuoren sonnin, pässin ja vuoden vanhan karitsan,
70oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
70syntiuhriksi pukin
71Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Axiiceser ina Cammiishadday.
71sekä yhteysuhriksi kaksi nautaa, viisi pässiä, viisi pukkia ja viisi vuoden vanhaa karitsaa. Nämä olivat Ahieserin, Ammisaddain pojan, uhrilahjat.
72Oo maalintii kow iyo tobnaadna waxaa bixiyey Fagcii'eel ina Cokraan oo amiir u ahaa reer Aasheer.
72Yhdentenätoista päivänä tuli Asserin heimon päällikkö Pagiel, Okranin poika.
73Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
73Hän toi uhrilahjanaan 130 sekelin painoisen hopeakulhon, hopeisen vihmontamaljan, jonka paino oli 70 sekeliä pyhäkkösekelin painon mukaan laskettuna, molemmat täynnä ruokauhriksi tarkoitettua parhaista vehnäjauhoista ja öljystä tehtyä taikinaa,
74iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
74kymmenen sekelin painoisen kultaisen kupin, joka oli täynnä suitsuketta,
75Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
75polttouhriksi nuoren sonnin, pässin ja vuoden vanhan karitsan,
76oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
76syntiuhriksi pukin
77Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Fagcii'eel ina Cokraan.
77sekä yhteysuhriksi kaksi nautaa, viisi pässiä, viisi pukkia ja viisi vuoden vanhaa karitsaa. Nämä olivat Pagielin, Okranin pojan, uhrilahjat.
78Oo maalintii laba iyo tobnaadna waxaa bixiyey Axiirac ina Ceynaan oo amiir u ahaa reer Naftaali.
78Kahdentenatoista päivänä tuli Naftalin heimon päällikkö Ahira, Enanin poika.
79Oo qurbaankiisiina wuxuu ahaa saxan weyn oo lacag ah oo miisaankiisu yahay boqol iyo soddon sheqel, iyo maddiibad lacag ah oo miisaankeedu yahay toddobaatan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo labadoodaba waxaa ka buuxay bur saliid lagu daray qurbaanka hadhuudhka aawadiis,
79Hän toi uhrilahjanaan 130 sekelin painoisen hopeakulhon, hopeisen vihmontamaljan, jonka paino oli 70 sekeliä pyhäkkösekelin painon mukaan laskettuna, molemmat täynnä ruokauhriksi tarkoitettua parhaista vehnäjauhoista ja öljystä tehtyä taikinaa,
80iyo malqacad dahab ah oo miisaankeedu yahay toban sheqel, oo foox ka buuxo.
80kymmenen sekelin painoisen kultaisen kupin, joka oli täynnä suitsuketta,
81Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,
81polttouhriksi nuoren sonnin, pässin ja vuoden vanhan karitsan,
82oo qurbaan dembina wuxuu u keenay orgi.
82syntiuhriksi pukin
83Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Axiirac ina Ceynaan.
83sekä yhteysuhriksi kaksi nautaa, viisi pässiä, viisi pukkia ja viisi vuoden vanhaa karitsaa. Nämä olivat Ahiran, Enanin pojan, uhrilahjat.
84Intaasu waxay ahayd wixii amiirradii reer binu Israa'iil ay maalintii meesha allabariga la subkay daahirinteeda u bixiyeen, waxayna ahaayeen laba iyo toban saxan oo waaweyn oo lacag ah, iyo laba iyo toban maddiibadood oo lacag ah, iyo laba iyo toban malqacadood oo dahab ah.
84Nämä olivat ne lahjat, jotka Israelin päämiehet toivat alttarin vihkimistä varten silloin, kun se voideltiin: kaksitoista hopeakulhoa, kaksitoista hopeista vihmontamaljaa, kaksitoista kultaista kuppia.
85Oo miisaanka saxan kastaa oo lacag ah wuxuu ahaa boqol iyo soddon sheqel, oo kan maddiibad kastaana wuxuu ahaa toddobaatan sheqel, oo weelasha oo dhan lacagtoodu waxay ahayd laba kun iyo afar boqol oo sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.
85Kukin hopeakulho painoi 130 sekeliä ja kukin vihmontamalja 70 sekeliä; näissä astioissa oli siis kaikkiaan 2400 sekeliä hopeaa pyhäkkösekelin painon mukaan laskettuna.
86Oo laba iyo tobanka malqacadood oo dahabka ahna waxaa ka wada buuxay foox, oo mid kastaaba waxay ahayd toban sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo malqacadaha oo dhan dahabkoodu wuxuu ahaa boqol iyo labaatan sheqel.
86Suitsukkeella täytettyjä kultaisia kuppeja oli kaksitoista; ne painoivat kymmenen sekeliä kukin ja niissä oli kultaa kaikkiaan 120 sekeliä.
87Oo dibidii qurbaanka la gubo loo bixiyey oo dhammu waxay ahaayeen laba iyo toban dibi, wanankuna waxay ahaayeen laba iyo toban wan oo waaweyn, iyo laba iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah, waxaana la keenay qurbaankoodii hadhuudhka ahaa. Oo qurbaankii dembigana orgidii loo bixiyey waxay ahaayeen laba iyo toban,
87Polttouhrieläimiä oli kaikkiaan kaksitoista nuorta sonnia, kaksitoista pässiä ja kaksitoista vuoden vanhaa karitsaa. Lisäksi tuotiin näiden kanssa annettavat ruokauhrit. Syntiuhriksi oli kaksitoista pukkia.
88oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinada dibidii loo bixiyey oo dhammu waxay ahaayeen afar iyo labaatan, wananka waaweynuna waxay ahaayeen lixdan, orgiduna waxay ahaayeen lixdan, wananka yaryar oo wada gu jirka ahuna waxay ahaayeen lixdan. Intaasu waa wixii daahirinta meesha allabariga loo bixiyey markii la subkay dabadeed.Oo markii Muuse u galay teendhadii shirka inuu Rabbiga la hadlo, wuxuu maqlay Codka isaga la hadlaya oo ka yeedhaya daboolkii saarnaa sanduuqii maragga iyo labadii keruub dhexdooda, oo isaguna wuu la hadlay isagii.
88Yhteysuhrieläimiä oli kaikkiaan 24 nuorta sonnia, 60 pässiä, 60 pukkia ja 60 vuoden vanhaa karitsaa. Nämä olivat ne vihkiäislahjat, jotka annettiin alttarin voitelemisen jälkeen.
89Oo markii Muuse u galay teendhadii shirka inuu Rabbiga la hadlo, wuxuu maqlay Codka isaga la hadlaya oo ka yeedhaya daboolkii saarnaa sanduuqii maragga iyo labadii keruub dhexdooda, oo isaguna wuu la hadlay isagii.
89Kun Mooses meni pyhäkkötelttaan puhumaan Herralle, hän kuuli liitonarkun kannen yläpuolelta kerubien välistä äänen, joka puhutteli häntä. Sieltä Herra puhui hänelle.