Somali

Pyhä Raamattu

Psalms

111

1Rabbiga ammaana. Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugaga mahad naqi doonaa Guddiga kuwa qumman dhexdiisa iyo ururka dhexdiisaba.
1Halleluja! Koko sydämestäni minä ylistän Herraa oikeamielisten joukossa, seurakunnan keskellä.
2Shuqullada Rabbigu way waaweyn yihiin, Oo waxaa doondoona kuwa ku faraxsan oo dhan.
2Suuret ovat Herran teot! Joka niitä rakastaa, tutkii niitä.
3Shuqulkiisu waa sharaf iyo haybad, Oo xaqnimadiisuna weligeedba way waartaa.
3Mahtavat ja ihmeelliset ovat hänen työnsä, iäti pysyy hänen vanhurskas valtansa,
4Wuxuu ka dhigay in la sii xusuusto shuqulladiisa yaabka badan, Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad.
4iäti muistettavia ovat ihmeet, jotka hän on tehnyt. Anteeksiantava ja laupias on Herra!
5Wuxuu cunto siiyey kuwa isaga ka cabsada, Oo weligiisna wuxuu xusuusnaan doonaa axdigiisii.
5Hän ravitsee ne, jotka häntä pelkäävät, hän muistaa liittonsa ikuisesti.
6Wuxuu dadkiisii tusay xooggii shuqulladiisa, Markii uu iyaga siiyey quruumaha dhaxalkoodii.
6Hän on teoillaan osoittanut kansalleen voimansa, hän on antanut sille omaksi toisten kansojen maat.
7Shuqullada gacmihiisu waa run iyo garsoorid, Oo amarradiisa oo dhammuna waa hubaal.
7Kaikki, mitä hän tekee, on oikein, ja se pysyy, hänen säädöksensä eivät muutu.
8Way sii adag yihiin weligood iyo weligoodba, Oo waxaa lagu sameeyey run iyo qummanaan.
8Hän on vahvistanut ne ikuisiksi ajoiksi, ne ovat oikeat ja lujat.
9Wuxuu dadkiisa u soo diray furasho, Oo wuxuu amray in axdigiisu ahaado mid weligiisba waara, Magiciisu waa quduus, waana mid laga cabsado.Rabbiga ka cabsashadiisu waa bilowga xigmadda, Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan, Ammaantiisu way waartaa weligeedba.
9Hän vapautti kansansa, hän sääti liittonsa ikuiseksi. Hän on pelottava, hän on pyhä!
10Rabbiga ka cabsashadiisu waa bilowga xigmadda, Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan, Ammaantiisu way waartaa weligeedba.
10Herran pelko on viisauden alku, viisas se, joka hänen tahtonsa täyttää. Kaikukoon Herran ylistys ajasta aikaan!