Somali

Pyhä Raamattu

Song of Solomon

8

1Haddaad ahaan lahayd walaalkay Oo naasihii hooyaday nuugay, Markaan dibadda kaa helaba waan ku dhunkan lahaa. Oo innaba layma quudhsadeen.
1Neito: Olisitpa oma veljeni, äitini imettämä! Saisin suudella sinua kun kohtaamme, eikä kukaan moittisi minua.
2Waan ku soo kaxayn lahaa oo waxaan ku gelin lahaa guriga hooyaday, Wax baadna i bari lahayd. Oo waxaan ku cabsiin lahaa khamriga xawaashka leh Ee biyaha rummaankayga laga sameeyey.
2Saisin ottaa sinut mukaani, saisin viedä sinut äitini taloon. Siellä sinä opastaisit minua ja minä antaisin juodaksesi maustettua viiniä ja granaattiomenoitteni mehua.
3Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosayn lahayd, Oo gacantiisa midigna way isku kay duubi lahayd.
3Hänen vasen kätensä on pääni alla, hänen oikea kätensä hyväilee minua.
4Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin, Ilaa uu doono.
4Minä vannotan teitä, Jerusalemin tytöt: älkää häiritkö rakkauttamme, älkää häiritkö, ennen kuin itse haluamme herätä!
5Waa tuma tan cidlada ka soo baxaysa, Ee gacaliyeheeda ku tiirsanu?
5Muut: Kuka tuolta tulee? Kuka saapuu autiolta kedolta rakastettuunsa nojaten? Neito: Omenapuun alla minä herätin rakkautesi, siellä, missä sinä sait alkusi, siellä, missä äitisi alkoi sinua odottaa.
6Qalbigaaga korkiisa ii dhig sida shaabad oo kale, oo gacantaada korkeeda ii dhig sida shaabad oo kale, Waayo, jacaylku wuxuu u xoog badan yahay sida geeri oo kale, Oo masayrkuna wuxuu u nac weyn yahay sidii She'ool oo kale. Belbelkiisu waa sida belbel dab ah, Oo waa ololka ugu wada kulul ee Rabbiga.
6Paina minut sinetiksi sydäntäsi vasten, pane sinetiksi ranteesi nauhaan. Rakkaus on väkevä kuin kuolema, kiivas ja kyltymätön kuin tuonela. Sen hehku on tulen hehkua, sen liekki on Herran liekki.
7Biyo badanu jacayl ma demin karaan, Oo daadadkuna innaba ma qarqin karaan. Haddii nin damco inuu jacayl soo siisto maalka gurigiisa oo dhan, Haddana dhammaan waa la quudhsan lahaa.
7Suuret vedet eivät voi sitä sammuttaa, virran tulva ei vie sitä mukanaan. Jos joku tarjoaisi talot ja tavarat rakkauden hinnaksi, hän saisi vain toisten pilkan.
8Annagu waxaannu leennahay walaal yar, Oo aan innaba naaso lahayn. Haddaba bal maxaannu walaashayo u samayn doonnaa Maalintii iyada guur loo soo doonto?
8Muut: Meillä on pikkusisar, jolla ei vielä ole rintoja. Mitä me teemme sisarellemme, kun häntä aletaan kysellä?
9Hadday derbi tahay waxaannu korkeeda ka dhisi doonnaa munaarad lacag ah, Oo hadday albaab tahayna waxaannu iyada ku hareerayn doonnaa alwaaxyo kedar ah.
9Jos hän olisi muuri, hopeasakaroin sen varustaisimme! Jos hän olisi ovi, vahvistaisimme sen setrilaudoin.
10Anigu waxaan ahay derbi, oo naasahayguna waa sida munaaradaha oo kale. Oo markaas waxaan hortiisa ku ahaa sidii mid nabad heshay.
10Neito: Muuri minä olenkin, ja rintani ovat kuin tornit! Mutta kun rakastettuni tulee, olen antautumaan valmis.
11Sulaymaan beercanab buu Bacal Hamoon ku lahaa; Oo beercanabkii wuxuu ka kireeyey kuwa dhawra, Oo midkood kastaaba wuxuu midhaheeda uga keeni jiray kun xabbadood oo lacag ah.
11Mies: Salomolla oli viinitarha Baal-Hamonissa. Sen hedelmistä maksaisi kuka vain tuhat sekeliä hopeaa, ja siksi kuningas pani sinne vartijat.
12Beercanabkayga ah kan aan iska leeyahay, hortayduu ku yaal, Haddaba Sulaymaanow, adigu waxaad heli doontaa kun, Kuwa midhihiisa dhawraana laba boqol.
12Minun yksin on oma viinitarhani. Pidä tuhantesi, Salomo! Vartijoillekin anna parisataa!
13Taada beeraha dhexdooda degganay, Rafiiqyadaadu waxay dhegaystaan codkaaga, Haddaba, bal i maqashii.Gacaliyahaygow, dhaqso, Oo waxaad ahaataa sida cawl ama deer qayrab ah Oo buuraha dhirta udgoon kor jooga.
13Mies: Rakkaani, puutarhan kukka, kaikki odottavat kutsuasi. Kutsu minut!
14Gacaliyahaygow, dhaqso, Oo waxaad ahaataa sida cawl ama deer qayrab ah Oo buuraha dhirta udgoon kor jooga.
14Neito: Tule, rakkaani! Riennä kuin gaselli, kuin nuori peura tuoksuville vuorille!