Somali

Hebrew: Modern

Habakkuk

3

1Tanu waa salaaddii Xabaquuq, oo lagu luuqeeyo Shigyonood.
1תפלה לחבקוק הנביא על שגינות׃
2Rabbiyow, waxaan maqlay warkaagii, waanan cabsanayaa. Rabbiyow, shuqulkaaga soo noolee sannadaha dhexdooda, Sannadaha dhexdooda ogeysii, Oo markii aad cadhootid naxariis soo xusuuso.
2יהוה שמעתי שמעך יראתי יהוה פעלך בקרב שנים חייהו בקרב שנים תודיע ברגז רחם תזכור׃
3Ilaah wuxuu ka yimid Teemaan, Kii Quduuska ahaana wuxuu ka yimid Buur Faaraan. (Selaah) Sharaftiisii waxay ku fidday samooyinka, Oo dhulkiina waxaa ka buuxsamay ammaantiisii.
3אלוה מתימן יבוא וקדוש מהר פארן סלה כסה שמים הודו ותהלתו מלאה הארץ׃
4Oo dhalaalkiisiina wuxuu ahaa sida nuurka, Wuxuuna lahaa iftiin gacantiisa ka soo baxaya. Oo waxaa halkaas ku qarsoonaa xooggiisa.
4ונגה כאור תהיה קרנים מידו לו ושם חביון עזה׃
5Waxaa hortiisa socday belaayo, Oo waxaa daba socday xummad.
5לפניו ילך דבר ויצא רשף לרגליו׃
6Wuu istaagay, oo dhulkuu qiyaasay, Wax buu fiiriyey, oo quruumihii buu kala eryay. Kolkaasaa buurihii weligood ahaa kala firdheen, Oo kurihii daa'imiska ahaana way wada foororsadeen. Socodkiisuna wuxuu ahaa sidii waagii hore.
6עמד וימדד ארץ ראה ויתר גוים ויתפצצו הררי עד שחו גבעות עולם הליכות עולם לו׃
7Waxaan arkay teendhooyinkii reer Kushan oo dhib ku dhex jira. Daahyadii dalka reer Midyaanna way gariireen.
7תחת און ראיתי אהלי כושן ירגזון יריעות ארץ מדין׃
8Rabbigu ma wuxuu u cadhooday webiyaasha? Ma waxaad u xanaaqday webiyaasha Mase waxaad u cadhootay badda? Ma saas aawadeed baad u soo fuushay fardahaaga, Iyo gaadhifardoodyadaadii badbaadinta?
8הבנהרים חרה יהוה אם בנהרים אפך אם בים עברתך כי תרכב על סוסיך מרכבתיך ישועה׃
9Qaansadaadii daaha baad ka qaadday, Dhaartii aad qabiilooyinka ugu dhaaratayna waxay ahayd eray run ah. (Selaah) Dhulka waxaad ka dillaacisay webiyaal.
9עריה תעור קשתך שבעות מטות אמר סלה נהרות תבקע ארץ׃
10Buurihii way ku arkeen, oo way cabsadeen. Biyaha xoogga lahuna way iska gudbeen, Moolkii codkiisuu ku hadlay, Gacmihiisiina kor buu u taagay.
10ראוך יחילו הרים זרם מים עבר נתן תהום קולו רום ידיהו נשא׃
11Qorraxdii iyo dayaxiiba waxay istaageen rugtoodii, Markay fallaadhahaaga nuuraya lalayeen, Iyo markuu warankaaga dhalaalaya birbirqay.
11שמש ירח עמד זבלה לאור חציך יהלכו לנגה ברק חניתך׃
12Dalkii xanaaq baad kula dhex socotay, Quruumihiina cadho baad ku tuntay.
12בזעם תצעד ארץ באף תדוש גוים׃
13Waad u soo baxday inaad dadkaaga badbaadiso daraaddeed, Iyo inaad badbaadiso kaaga subkan. Reerka sharrowga madaxiisa waad dhaawacday. Aasaaskiina waad soo ban dhigtay. (Selaah)
13יצאת לישע עמך לישע את משיחך מחצת ראש מבית רשע ערות יסוד עד צואר סלה׃
14Madaxii dagaalyahanyadiisa waxaad ku mudday ulihiisii, Waxay u yimaadeen sidii dabayl cirwareen ah inay i kala firdhiyaan daraaddeed. Rayrayntoodu waxay ahayd inay masaakiinta qarsoodi u dhammeeyaan.
14נקבת במטיו ראש פרזו יסערו להפיצני עליצתם כמו לאכל עני במסתר׃
15Fardahaagii waad kula tumatay baddii, Taasoo ahayd biyaha aad u badan oo iskor taallaysan.
15דרכת בים סוסיך חמר מים רבים׃
16Anigu waan maqlay, kolkaasaan caloosha ka naxay, Oo codkii aawadiis ayaa bushimahaygu la qadhqadheen, Lafahaygiina way qudhmeen, oo meeshaydaan ku gariiray, Inaan iska nasto intaan sugayo maalinta dhibka Oo ay ciidammadu ku soo kici doonaan dadka.
16שמעתי ותרגז בטני לקול צללו שפתי יבוא רקב בעצמי ותחתי ארגז אשר אנוח ליום צרה לעלות לעם יגודנו׃
17Waayo, in kastoo berduhu uusan ubxin, Ama aan midho ku oollin geedaha canabka ah, Oo hawsha saytuunka lagu khasaaro, Ama aan beeraha quud ka bixin, Oo adhigu xerada ka baabbo'o, Oo golahana aan xoolo lagu arag,
17כי תאנה לא תפרח ואין יבול בגפנים כחש מעשה זית ושדמות לא עשה אכל גזר ממכלה צאן ואין בקר ברפתים׃
18Haddana Rabbiga waan ku rayrayn doonaa, Oo Ilaaha badbaadadayda ah waan ku farxi doonaa.Rabbiga Sayidka ah ayaa xoog ii ah, Cagahaygana wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu socodsiin doonaa meelahayga sarsare. Tan waxaa lagu tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaabtayda xadhkaha leh.
18ואני ביהוה אעלוזה אגילה באלהי ישעי׃
19Rabbiga Sayidka ah ayaa xoog ii ah, Cagahaygana wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu socodsiin doonaa meelahayga sarsare. Tan waxaa lagu tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaabtayda xadhkaha leh.
19יהוה אדני חילי וישם רגלי כאילות ועל במותי ידרכני למנצח בנגינותי׃