1Oo haddana bishii toddobaad maalinteedii kow iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo wuxuu yidhi,
1בשביעי בעשרים ואחד לחדש היה דבר יהוה ביד חגי הנביא לאמר׃
2Hadda waxaad la hadashaa Serubaabel ina Salaatii'eel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ah wadaadka sare, iyo dadka intiisa hadhayba, oo waxaad ku tidhaahdaa,
2אמר נא אל זרבבל בן שלתיאל פחת יהודה ואל יהושע בן יהוצדק הכהן הגדול ואל שארית העם לאמר׃
3Yaa hadhay oo idin dhex jooga oo gurigan ammaantiisii hore arkay? Haatanse sidee buu idiinla eg yahay? Sow meel aan waxba ahayn idiinlama eka?
3מי בכם הנשאר אשר ראה את הבית הזה בכבודו הראשון ומה אתם ראים אתו עתה הלוא כמהו כאין בעיניכם׃
4Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, xoog yeelo. Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo wadaadka sare ahow, xoog yeelo. Dadkiinna dalka jooga oo dhammow, xoog yeesha oo shaqeeya, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan idinla joogaa,
4ועתה חזק זרבבל נאם יהוה וחזק יהושע בן יהוצדק הכהן הגדול וחזק כל עם הארץ נאם יהוה ועשו כי אני אתכם נאם יהוה צבאות׃
5sidaan idiin ballanqaaday waagii aad Masar ka soo baxdeen, oo ruuxaygiina wuu idin dhex joogaa, haddaba ha cabsanina.
5את הדבר אשר כרתי אתכם בצאתכם ממצרים ורוחי עמדת בתוככם אל תיראו׃
6Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Weli wakhti yar oo gaaban baa ii hadhay, oo dabadeedna waxaan gariirin doonaa samooyinka, iyo dhulka, iyo badda, iyo berrigaba.
6כי כה אמר יהוה צבאות עוד אחת מעט היא ואני מרעיש את השמים ואת הארץ ואת הים ואת החרבה׃
7Oo quruumaha oo dhanna waan gariirin doonaa, oo waxa ay quruumaha oo dhammu jeclaystaan way iman doonaan, oo anna gurigan waxaan ka buuxin doonaa ammaan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.
7והרעשתי את כל הגוים ובאו חמדת כל הגוים ומלאתי את הבית הזה כבוד אמר יהוה צבאות׃
8Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Lacagta anigaa leh, oo dahabkana anigaa leh.
8לי הכסף ולי הזהב נאם יהוה צבאות׃
9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaanta gurigan dambe waa ka sii weynaan doontaa tan kii hore. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan dhexdeeda ayaan nabad ku siin doonaa.
9גדול יהיה כבוד הבית הזה האחרון מן הראשון אמר יהוה צבאות ובמקום הזה אתן שלום נאם יהוה צבאות׃
10Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii sagaalaad, maalinteedii afar iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo wuxuu ku yidhi,
10בעשרים וארבעה לתשיעי בשנת שתים לדריוש היה דבר יהוה אל חגי הנביא לאמר׃
11Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba wadaaddada waxaad weyddiisaan wax sharciga ku saabsan, oo waxaad ku tidhaahdaan,
11כה אמר יהוה צבאות שאל נא את הכהנים תורה לאמר׃
12Haddii mid darafka maradiisa ku qaato hilib quduusan, oo uu darafkiisu taabto kibis, ama fuud, ama khamri, ama saliid, ama wax kale oo cunta ah, miyey waxaasu quduus noqonayaan? Kolkaasaa wadaaddadii waxay ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen. Maya.
12הן ישא איש בשר קדש בכנף בגדו ונגע בכנפו אל הלחם ואל הנזיד ואל היין ואל שמן ואל כל מאכל היקדש ויענו הכהנים ויאמרו לא׃
13Kolkaasaa Xaggay yidhi, Haddii mid ku nijaasoobo meyd oo uu taabto wax kuwan ka mid ah, miyaa kaasuu nijaasoobayaa? Oo wadaaddadiina waxay ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Wuu nijaasoobayaa.
13ויאמר חגי אם יגע טמא נפש בכל אלה היטמא ויענו הכהנים ויאמרו יטמא׃
14Markaasaa Xaggay jawaabay oo wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkanu waa saasoo kale, oo quruuntanuna saasoo kalay hortayda ku tahay, oo shuqul kasta oo ay gacmahooda ku qabtaanna waa saasoo kale, oo wixii ay halkaas ku bixiyaanna waa nijaas.
14ויען חגי ויאמר כן העם הזה וכן הגוי הזה לפני נאם יהוה וכן כל מעשה ידיהם ואשר יקריבו שם טמא הוא׃
15Haddaba waan idin baryayaaye, maanta intii ka bilaabata iyo wixii ka dambeeyaba ka fiirsada intaan dhagaxna dhagax la dul saarin macbudka Rabbiga,
15ועתה שימו נא לבבכם מן היום הזה ומעלה מטרם שום אבן אל אבן בהיכל יהוה׃
16iyo tan iyo wakhtigaas oo dhan markii la doonto tulmo ah labaatan, waxaa laga helay toban keliya, oo markii loo yimaado in macsarada khamriga laga soo dhaansado konton weel, waxaa ku jiray labaatan weel oo keliya.
16מהיותם בא אל ערמת עשרים והיתה עשרה בא אל היקב לחשף חמשים פורה והיתה עשרים׃
17Anigu shuqulka gacmihiinna oo dhan waxaan ku dhuftay beera-engeeg iyo cariyaysi iyo roobdhagaxyaale, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
17הכיתי אתכם בשדפון ובירקון ובברד את כל מעשה ידיכם ואין אתכם אלי נאם יהוה׃
18Haddaba waan idin baryayaaye maanta intii ka bilaabata iyo wixii ka dambeeyaba ka fiirsada, oo bishii sagaalaad maalinteedii afar iyo labaatanaad oo ahayd maalintii la dhigay aasaaska macbudka Rabbiga, aad uga fiirsada.
18שימו נא לבבכם מן היום הזה ומעלה מיום עשרים וארבעה לתשיעי למן היום אשר יסד היכל יהוה שימו לבבכם׃
19Maqsinka iniino ma ku jiraan? Hubaal canabka iyo berdaha iyo rummaanka iyo saytuunka midkoodna midho ma dhalin, laakiinse maanta inta ka bilaabata waan idin barakayn doonaa.
19העוד הזרע במגורה ועד הגפן והתאנה והרמון ועץ הזית לא נשא מן היום הזה אברך׃
20Markaasaa mar labaad eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, taasuna waxay ahayd bisha maalinteedii afar iyo labaatanaad, oo wuxuu ku yidhi,
20ויהי דבר יהוה שנית אל חגי בעשרים וארבעה לחדש לאמר׃
21La hadal Serubaabel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaan gariirin doonaa samooyinka iyo dhulkaba,
21אמר אל זרבבל פחת יהודה לאמר אני מרעיש את השמים ואת הארץ׃
22waanan afgembiyi doonaa carshiga boqortooyooyinka, oo waan baabbi'in doonaa xoogga boqortooyooyinka quruumaha, waanan afgembiyi doonaa gaadhifardoodyada iyo kuwa fuushanba, oo fardaha iyo kuwa ku joogaaba way dhici doonaan, oo mid kastaaba wuxuu ku dhiman doonaa seefta walaalkiis.Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, Addoonkaygiiyow, ina Salaatii'eelow, maalintaas waan ku qaadan doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan kaa dhigi doonaa sidii shaabad oo kale, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan ku doortay.
22והפכתי כסא ממלכות והשמדתי חזק ממלכות הגוים והפכתי מרכבה ורכביה וירדו סוסים ורכביהם איש בחרב אחיו׃
23Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, Addoonkaygiiyow, ina Salaatii'eelow, maalintaas waan ku qaadan doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan kaa dhigi doonaa sidii shaabad oo kale, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan ku doortay.
23ביום ההוא נאם יהוה צבאות אקחך זרבבל בן שאלתיאל עבדי נאם יהוה ושמתיך כחותם כי בך בחרתי נאם יהוה צבאות׃