1Reer Efrayim waxay quutaan dabayl oo waxay daba galaan dabaysha bari. Had iyo goorba been iyo baabba' bay badiyaan, oo waxay axdi la dhigtaan dadka dalka Ashuur, saliidna Masar bay u qaadaan.
1אפרים רעה רוח ורדף קדים כל היום כזב ושד ירבה וברית עם אשור יכרתו ושמן למצרים יובל׃
2Oo weliba Rabbigu dacwad buu la leeyahay dadka Yahuudah, oo wuxuu reer Yacquub u ciqaabi doonaa si waafaqsan jidadkooda, oo wuxuu u abaal marin doonaa si waafaqsan falimahooda.
2וריב ליהוה עם יהודה ולפקד על יעקב כדרכיו כמעלליו ישיב לו׃
3Yacquub markuu uurka ku jiray walaalkiis buu cedhibta ku dhegay, oo markuu nin noqdayna Ilaah buu la dagaallamay.
3בבטן עקב את אחיו ובאונו שרה את אלהים׃
4Haah, oo wuxuu la dagaallamay malaa'igtii, wuuna ka adkaaday, wuuna ooyay oo baryay. Wuxuu isagii ka helay Beytel, oo halkaasuu nagula hadlay.
4וישר אל מלאך ויכל בכה ויתחנן לו בית אל ימצאנו ושם ידבר עמנו׃
5Rabbigu waa Ilaaha ciidammada. Rabbigu waa magiciisa lagu xusuusto.
5ויהוה אלהי הצבאות יהוה זכרו׃
6Haddaba sidaas daraaddeed Ilaahaaga u soo jeeso, oo naxariista iyo garsooridda xaji, oo had iyo goorna Ilaahaaga sug.
6ואתה באלהיך תשוב חסד ומשפט שמר וקוה אל אלהיך תמיד׃
7Dadkaygu waa baayacmushtari, oo waxaa gacanta ugu jira kafadihii khiyaanada, waxay jecel yihiin inay wax dulmaan.
7כנען בידו מאזני מרמה לעשק אהב׃
8Oo reer Efrayim wuxuu yidhi, Sida xaqiiqada ah taajir baan noqday, oo maal baan helay, oo innaba hawlahayga oo dhan lagama heli doono xumaan dembi ah.
8ויאמר אפרים אך עשרתי מצאתי און לי כל יגיעי לא ימצאו לי עון אשר חטא׃
9Laakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa inaad mar kale teendhooyin degganaataan sidii wakhtigii iidda.
9ואנכי יהוה אלהיך מארץ מצרים עד אושיבך באהלים כימי מועד׃
10Oo weliba waxaan la hadlay nebiyadii, oo waxaan badiyey waxyaalo aan tusay, oo nebiyadana waxaan u soo dhiibay masaalooyin.
10ודברתי על הנביאים ואנכי חזון הרביתי וביד הנביאים אדמה׃
11Reer Gilecaad waa xumaan miidhan oo iyagu dhammaantood waa wax aan waxtar lahayn. Waxay Gilgaal ku allabaryaan dibiyo, oo weliba meelahooda allabarigu waa sida tuulmooyin ku dhex yaal jeexjeexyada beerta oo kale.
11אם גלעד און אך שוא היו בגלגל שורים זבחו גם מזבחותם כגלים על תלמי שדי׃
12Yacquub wuxuu ku dhex cararay beertii Aram, oo Israa'iil inuu naag helo buu u shaqeeyey oo ido u ilaaliyey.
12ויברח יעקב שדה ארם ויעבד ישראל באשה ובאשה שמר׃
13Oo Rabbigu reer binu Israa'iil nebi buu kaga soo bixiyey dalkii Masar, oo nebi baa iyagii lagu ilaashay.Reer Efrayim si qadhaadh bay Rabbiga uga xanaajiyeen, haddaba dhiiggoodu korkooduu ku hadhi doonaa, oo ceebtoodana Sayidkoodu waa ku soo celin doonaa.
13ובנביא העלה יהוה את ישראל ממצרים ובנביא נשמר׃
14Reer Efrayim si qadhaadh bay Rabbiga uga xanaajiyeen, haddaba dhiiggoodu korkooduu ku hadhi doonaa, oo ceebtoodana Sayidkoodu waa ku soo celin doonaa.
14הכעיס אפרים תמרורים ודמיו עליו יטוש וחרפתו ישיב לו אדניו׃