1Dadka Israa'iilow, Rabbiga eraygiisa maqla, waayo, Rabbigu dacwad buu la leeyahay dadka dalka deggan, maxaa yeelay, dalka dhexdiisa laguma arko run, ama naxariis, ama aqoonta Ilaah toona.
1שמעו דבר יהוה בני ישראל כי ריב ליהוה עם יושבי הארץ כי אין אמת ואין חסד ואין דעת אלהים בארץ׃
2Innaba wax kale laguma arko dhaarasho been ah, iyo axdijebin, iyo dilid, iyo xadid, iyo sino mooyaane. Way soo fara baxsadaan, oo dhiiggelid baa dhiiggelid ku xigsata.
2אלה וכחש ורצח וגנב ונאף פרצו ודמים בדמים נגעו׃
3Oo sidaas daraaddeed ayaa dalku u barooran doonaa, oo mid kastoo dhexdiisa degganuba waa macaluuli doonaa, oo xayawaanka duurka iyo haadda samada, iyo xataa kalluunka badduna way wada baabbi'i doonaan.
3על כן תאבל הארץ ואמלל כל יושב בה בחית השדה ובעוף השמים וגם דגי הים יאספו׃
4Laakiinse ninna yuusan murmin, oo ninna yuusan mid kale canaanan, waayo, dadkaagu waa sida kuwa wadaadka la murma.
4אך איש אל ירב ואל יוכח איש ועמך כמריבי כהן׃
5Oo adna maalinnimo waad turunturoon doontaa, oo habeennimona nebigu waa kula turunturoon doonaa, oo anna hooyadaa waan baabbi'in doonaa.
5וכשלת היום וכשל גם נביא עמך לילה ודמיתי אמך׃
6Dadkaygu waxay u baabba'aan aqoondarro daraaddeed. Aqoonta aad diidday aawadeed ayaan adiga kuu diidi doonaa, oo innaba wadaad ii ahaan maysid, maxaa yeelay, waxaad illowday sharcigii Ilaahaaga, oo aniguna waxaan illoobi doonaa carruurtaada.
6נדמו עמי מבלי הדעת כי אתה הדעת מאסת ואמאסאך מכהן לי ותשכח תורת אלהיך אשכח בניך גם אני׃
7Sidii ay u tarmeen si le'eg ayay igu dembaabeen, haddaba sharaftoodii ayaan ceeb u beddeli doonaa.
7כרבם כן חטאו לי כבודם בקלון אמיר׃
8Iyagu waxay quutaan dembigii dadkayga, wayna jeclaystaan xumaantoodii.
8חטאת עמי יאכלו ואל עונם ישאו נפשו׃
9Oo waxay ahaan doontaa in wadaadku noqdo sida dadka oo kale, oo jidadkooda waan ciqaabi doonaa, oo falimahoodana waan ka abaal marin doonaa.
9והיה כעם ככהן ופקדתי עליו דרכיו ומעלליו אשיב לו׃
10Wax bay cuni doonaan, kamana dhergi doonaan, way sinaysan doonaan, mana tarmi doonaan, maxaa yeelay, waxay ka tageen inay Rabbiga dhegaystaan.
10ואכלו ולא ישבעו הזנו ולא יפרצו כי את יהוה עזבו לשמר׃
11Sinada iyo khamriga iyo khamriga cusububa qalbigay la tagaan.
11זנות ויין ותירוש יקח לב׃
12Dadkaygu waxay talo weyddiistaan waxooda qoriga ah, oo ushooduna wax bay u sheegtaa, waayo, damaca sinada ayaa iyaga qalday, oo Ilaahoodii way ka tageen sida naag ninkeeda ka dhillowda.
12עמי בעצו ישאל ומקלו יגיד לו כי רוח זנונים התעה ויזנו מתחת אלהיהם׃
13Waxay allabari ku bixiyaan buuraha dhaladooda, oo foox bay ku shidaan kuraha korkooda iyo geedaha alloon iyo libneh iyo eelaah la yidhaahdo hoostooda, maxaa yeelay, waxay leeyihiin hoos wanaagsan, haddaba gabdhihiinnu way dhilloobaan oo aroosadihiinnuna way sinaystaan.
13על ראשי ההרים יזבחו ועל הגבעות יקטרו תחת אלון ולבנה ואלה כי טוב צלה על כן תזנינה בנותיכם וכלותיכם תנאפנה׃
14Anigu ma aan ciqaabi doono gabdhihiinna markay dhilloobaan amase aroosadihiinna markay sinaystaan, waayo, ragga qudhooduba waxay raacaan dhillooyin, oo waxay allabari la bixiyaan sharmuutooyin, oo dadkii aan wax garanaynna waa la wada afgembiyi doonaa.
14לא אפקוד על בנותיכם כי תזנינה ועל כלותיכם כי תנאפנה כי הם עם הזנות יפרדו ועם הקדשות יזבחו ועם לא יבין ילבט׃
15Dadka Israa'iilow, in kastoo aad dhillowdaan, yaan dadka Yahuudah isla dembigaas ku eedaysnaan, oo Gilgaal ha imanina, oo Beytaawen ha tegin, hana ku dhaaranina Rabbiga noloshiisa.
15אם זנה אתה ישראל אל יאשם יהודה ואל תבאו הגלגל ואל תעלו בית און ואל תשבעו חי יהוה׃
16Dadka Israa'iil waxay u madax adkaadeen sidii qaalin lo'aad oo madax adag. Haddaba Rabbigu miyuu iyaga u daajinayaa sidii neef baraar ah oo berrin bannaan jooga?
16כי כפרה סררה סרר ישראל עתה ירעם יהוה ככבש במרחב׃
17Reer Efrayim wuxuu raacay sanamyo, haddaba iska daa.
17חבור עצבים אפרים הנח לו׃
18Cabniinkoodii waa dhanaanaaday. Had iyo goorba way sinaystaan. Taliyayaashooduna aad bay ceebta u jecel, yihiin.Dabayshu waxay iyaga ku soo duudduubtay baallaheedii, oo iyana allabaryadooda ayay u ceeboobi doonaan.
18סר סבאם הזנה הזנו אהבו הבו קלון מגניה׃
19Dabayshu waxay iyaga ku soo duudduubtay baallaheedii, oo iyana allabaryadooda ayay u ceeboobi doonaan.
19צרר רוח אותה בכנפיה ויבשו מזבחותם׃