1Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Yoo'eel ina Fetuu'eel.
1דבר יהוה אשר היה אל יואל בן פתואל׃
2Odayaashow, kan maqla, oo dadka dalka degganow, dhammaantiin dhegta u dhiga. War tanu ma waxay dhacday wakhtigiinnii mase wakhtigii awowayaashiin?
2שמעו זאת הזקנים והאזינו כל יושבי הארץ ההיתה זאת בימיכם ואם בימי אבתיכם׃
3Haddaba idinku carruurtiinna u sheega, oo carruurtiinnuna carruurtooda ha u sii sheegeen, oo carruurtooduna qarni kale ha u sii sheegeen.
3עליה לבניכם ספרו ובניכם לבניהם ובניהם לדור אחר׃
4Wixii koronkorrada ka hadhay ayax baa cunay, oo wixii ayaxa ka hadhayna laddaa baa cunay, oo wixii laddaaga ka hadhayna diir baa cuntay.
4יתר הגזם אכל הארבה ויתר הארבה אכל הילק ויתר הילק אכל החסיל׃
5Kuwiinna sakhraamiinta ahow, toosa, oo ooya, kuwiinna khamriga cabta oo dhammow, khamrigii macaanaa aawadiis u baroorta, waayo, waa idinka go'ay.
5הקיצו שכורים ובכו והיללו כל שתי יין על עסיס כי נכרת מפיכם׃
6Waayo, dalkaygii waxaa ku soo kacay quruun xoog badan oo aan tiro lahayn, oo ilkahoodu waa sida ilko libaax oo kale, oo waxay leeyihiin miciyo gool libaax oo kale.
6כי גוי עלה על ארצי עצום ואין מספר שניו שני אריה ומתלעות לביא לו׃
7Geedahaygii canabka ahaa way baabbi'iyeen, oo dhirtaydii berdaha ahaydna way diirteen, wayna mudhxiyeen oo kala tuurtuureen, oo laamahoodiina waa qayax cad.
7שם גפני לשמה ותאנתי לקצפה חשף חשפה והשליך הלבינו שריגיה׃
8Haddaba u musannaaba sidii gabadh joonyad xidhatay oo u barooranaysa arooskeedii ka dhintay.
8אלי כבתולה חגרת שק על בעל נעוריה׃
9Qurbaankii hadhuudhka iyo qurbaankii cabniinku waa ka go'een gurigii Rabbiga, oo wadaaddada ah Rabbiga midiidinnadiisa way barooranayaan.
9הכרת מנחה ונסך מבית יהוה אבלו הכהנים משרתי יהוה׃
10Beertii way ba'day oo dhulkii wuu barooranayaa, waayo, hadhuudhkii wuu baabba'ay, oo khamrigii cusbaana waa engegay, oo saliiddiina way cidlaanaysaa.
10שדד שדה אבלה אדמה כי שדד דגן הוביש תירוש אמלל יצהר׃
11Kuwiinna beerreyda ahow, isku naxa, oo kuwiinna beeraha canabka ah ka shaqeeyow, u ooya sarreenka iyo shiciirka aawadood, waayo, beerta midhaheedii way baabbe'een.
11הבישו אכרים הילילו כרמים על חטה ועל שערה כי אבד קציר שדה׃
12Canabkii wuu engegay, oo berdihiina wuu dhaday, oo geedkii rummaanka, iyo geedkii timirta, iyo geedkii tufaaxa, iyo xataa dhirtii berrinka ku tiil oo dhammu way wada engegeen, oo farxaddiina way ka dhammaatay binu-aadmiga.
12הגפן הובישה והתאנה אמללה רמון גם תמר ותפוח כל עצי השדה יבשו כי הביש ששון מן בני אדם׃
13Kuwiinna wadaaddada ahow, joonyado guntada oo ooya, oo kuwiinna meesha allabariga ka adeegow, baroorta. Ilaahayga midiidinnadiisow, kaalaya oo habeenka oo dhan joonyado ku jiifa, waayo, qurbaankii hadhuudhka iyo qurbaankii cabniinkaba waa laga joojiyey gurigii Ilaahiinna.
13חגרו וספדו הכהנים הילילו משרתי מזבח באו לינו בשקים משרתי אלהי כי נמנע מבית אלהיכם מנחה ונסך׃
14Haddaba soon naadiya, oo shir ku dhawaaqa, oo soo wada ururiya odayaasha iyo dadka dalka deggan oo dhan, oo waxaad isugu keentaan guriga Rabbiga Ilaahiinna ah, oo markaas Rabbiga u qayshada.
14קדשו צום קראו עצרה אספו זקנים כל ישבי הארץ בית יהוה אלהיכם וזעקו אל יהוה׃
15Waxaa hoogtay maalintaas! Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay, oo waxay u imanaysaa sida halligaad ka timid xagga Ilaaha Qaadirka ah.
15אהה ליום כי קרוב יום יהוה וכשד משדי יבוא׃
16War cuntadii sow kama go'in indhahayaga hortooda, farxaddii iyo rayrayntiina sow kama baabbi'in gurigii Ilaahayaga?
16הלוא נגד עינינו אכל נכרת מבית אלהינו שמחה וגיל׃
17Abuurkii la beeray wuxuu ku qalalay ciidda hoosteeda, oo maqsinnadiina way baabbe'een, oo bakhaarradiina waa la dumiyey, maxaa yeelay, hadhuudhkii baa qalalay.
17עבשו פרדות תחת מגרפתיהם נשמו אצרות נהרסו ממגרות כי הביש דגן׃
18Xayawaanku aad iyo aad bay u cabaadaan, oo sofyada lo'da ahu waxay la welwelsan yihiin daaqla'aan, oo xataa xeryaha idaha ahu waa dhibaataysan yihiin.
18מה נאנחה בהמה נבכו עדרי בקר כי אין מרעה להם גם עדרי הצאן נאשמו׃
19Rabbiyow, adigaan kuu qayshanayaa, waayo, dab baa laastay daaqii cidlada, oo dhirtii duurka ku tiilna olol baa wada gubay.Haddaba xayawaankii duurku biyahay kaa doonayaan, waayo, durdurradii biyuhu way engegeen, oo daaqii cidladana dab baa laastay.
19אליך יהוה אקרא כי אש אכלה נאות מדבר ולהבה להטה כל עצי השדה׃
20Haddaba xayawaankii duurku biyahay kaa doonayaan, waayo, durdurradii biyuhu way engegeen, oo daaqii cidladana dab baa laastay.
20גם בהמות שדה תערוג אליך כי יבשו אפיקי מים ואש אכלה נאות המדבר׃