Somali

Hebrew: Modern

Jonah

2

1Markaasaa Yoonis Rabbigii Ilaahiisa ahaa baryay, isagoo ku dhex jira calooshii kalluunka.
1ויתפלל יונה אל יהוה אלהיו ממעי הדגה׃
2Oo wuxuu yidhi, Dhibaatadayda aawadeed ayaan Rabbiga ugu yeedhay, Isna wuu ii jawaabay. Waxaan ka dhex qayliyey She'ool uurkiisa, Adna codkaygaad maqashay.
2ויאמר קראתי מצרה לי אל יהוה ויענני מבטן שאול שועתי שמעת קולי׃
3Waayo, waxaad igu dhex tuurtay moolka iyo badda uurkeeda. Hareerahaygana waxaa ku wareegsanaa daad, Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammuna way i dul mareen.
3ותשליכני מצולה בלבב ימים ונהר יסבבני כל משבריך וגליך עלי עברו׃
4Kolkaasaan idhi, Indhahaaga hortooda waa layga tuuray; Welise waxaan mar kale eegayaa macbudkaaga quduuskaa.
4ואני אמרתי נגרשתי מנגד עיניך אך אוסיף להביט אל היכל קדשך׃
5Biyihii way i hareerayeen xataa naftayda, Moolkiina wuu igu wareegsanaa; Madaxaygana waxaa ku duudduubnaa caws badeed.
5אפפוני מים עד נפש תהום יסבבני סוף חבוש לראשי׃
6Waxaan hoos ugu dhaadhacay buuraha guntooda; Oo weligay waxaa i awday dhulkii iyo gudbayaashiisiiba; Laakiinse, Rabbiyow, Ilaahayow, noloshaydii waxaad ka soo bixisay yaamayskii.
6לקצבי הרים ירדתי הארץ ברחיה בעדי לעולם ותעל משחת חיי יהוה אלהי׃
7Markii naftaydu itaal darnaatay ayaan ku xusuustay, Rabbiyow; Oo baryadaydii adigay kuu timid, oo waxay kuugu soo gashay macbudkaaga quduuskaa.
7בהתעטף עלי נפשי את יהוה זכרתי ותבוא אליך תפלתי אל היכל קדשך׃
8Kuwa waxyaalaha beenta ah oo aan micne lahayn ku fikiraa Waxay ka tagaan naxariistoodii.
8משמרים הבלי שוא חסדם יעזבו׃
9Aniguse codka mahadnaqidda ayaan allabari kuugu bixin doonaa; Wixii aan nidrayna waan bixinayaa. Badbaado waxaa leh Rabbiga.Markaasuu Rabbigu kalluunkii amray, kalluunkiina wuxuu Yoonis ku mantagay berriga.
9ואני בקול תודה אזבחה לך אשר נדרתי אשלמה ישועתה ליהוה׃
10Markaasuu Rabbigu kalluunkii amray, kalluunkiina wuxuu Yoonis ku mantagay berriga.
10ויאמר יהוה לדג ויקא את יונה אל היבשה׃