Somali

Hebrew: Modern

Malachi

4

1Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maalintii waa imanaysaa oo waxay u qaxmaysaa sidii foorno oo kale, oo kuwa kibirka leh oo dhan iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhammuba waxay ahaan doonaan jirrido jajab ah, oo maalinta imanaysa ayaa iyaga gubi doonta, taasuna iyaga uma reebi doonto xidid iyo laan toona.
1כי הנה היום בא בער כתנור והיו כל זדים וכל עשה רשעה קש ולהט אתם היום הבא אמר יהוה צבאות אשר לא יעזב להם שרש וענף׃
2Laakiinse kuwiinna magacayga ka cabsada waxaa idiin soo bixi doonta qorraxdii xaqnimada oo baallaheeda bogsiinta ku sidda, oo intaad baxdaan ayaad u boodboodi doontaan sida weylaha edegga ka baxa oo kale.
2וזרחה לכם יראי שמי שמש צדקה ומרפא בכנפיה ויצאתם ופשתם כעגלי מרבק׃
3Oo waxaad ku tuman doontaan kuwa sharka ah oo dhan, waayo, maalinta aan saas sameeyo iyagu waxay ahaan doonaan sida dambas cagihiinna ka hooseeya, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.
3ועסותם רשעים כי יהיו אפר תחת כפות רגליכם ביום אשר אני עשה אמר יהוה צבאות׃
4Xusuusta addoonkaygii Muuse sharcigiisii, kaasoo aan ku amray isagoo jooga Buur Xoreeb oo aan u siiyey reer binu Israa'iil oo dhan daraaddood, waxaana weeye qaynuunno iyo xukummo.
4זכרו תורת משה עבדי אשר צויתי אותו בחרב על כל ישראל חקים ומשפטים׃
5Bal eega, maalinta weyn oo cabsida badan oo Rabbigu intaanay iman waxaan idiin soo diri doonaa Nebi Eliiyaah.Oo isagu aabbayaasha qalbigooda ayuu u soo jeedin doonaa carruurta xaggooda, oo carruurta qalbigoodana wuu u soo jeedin doonaa aabbayaasha xaggooda, si aanan u iman oo dhulka inkaar ugu dhufan.
5הנה אנכי שלח לכם את אליה הנביא לפני בוא יום יהוה הגדול והנורא׃
6Oo isagu aabbayaasha qalbigooda ayuu u soo jeedin doonaa carruurta xaggooda, oo carruurta qalbigoodana wuu u soo jeedin doonaa aabbayaasha xaggooda, si aanan u iman oo dhulka inkaar ugu dhufan.
6והשיב לב אבות על בנים ולב בנים על אבותם פן אבוא והכיתי את הארץ חרם׃