1Aroortii kolkiiba wadaaddadii sare waxay la wada hadleen waayeelladii iyo culimmadii iyo shirkii oo dhan. Ciisena way xidheen oo kaxeeyeen oo waxay u dhiibeen Bilaatos.
1וישכימו ראשי הכהנים עם הזקנים והסופרים וכל הסנהדרין בבקר ויתיעצו ויאסרו את ישוע ויוליכהו משם וימסרהו אל פילטוס׃
2Bilaatos wuxuu weyddiiyey, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi.
2וישאל אותו פילטוס האתה מלך היהודים ויען ויאמר אליו אתה אמרת׃
3Markaasaa wadaaddadii sare wax badan ku ashtakeeyeen.
3וראשי הכהנים הרבו לשטנו׃
4Bilaatos baa kol dambe wax weyddiiyey isagoo leh, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Bal eeg intii ay kugu ashtakaynayaan.
4ויוסף פילטוס וישאלהו לאמר האינך משיב דבר ראה כמה הם מעידים בך׃
5Laakiin Ciise weli waxba ugama jawaabin, sidaa darteed Bilaatos waa la yaabay.
5וישוע לא השיב עוד אף דבר אחד ויתמה פילטוס׃
6Iiddaas wuxuu iyaga u sii dayn jiray maxbuuskay doonayeen.
6ובכל חג היה דרכו לפטר להם אסיר אחד את אשר יבקשו׃
7Markaasaa waxaa jiray nin Baraabbas la odhan jiray oo ahaa mid lala xidhay kuwii kula kacay oo wax dilay markii fidmaddu dhacday.
7ויהי איש הנקרא בשם בר אבא אסור עם המורדים אשר רצחו רצח בעת המרד׃
8Dadkii badnaa ayaa Bilaatos u kacay oo bilaabay inay doonaan inuu u sameeyo siduu u samayn jiray.
8וישא ההמון את קולו ויחלו לבקש שיעשה להם כפעם בפעם׃
9Bilaatos baa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad doonaysaan inaan idiin sii daayo Boqorka Yuhuudda?
9ויען אתם פילטוס ויאמר התחפצו כי אפטר לכם את מלך היהודים׃
10Waayo, wuxuu ogaa wadaaddadii sare inay hinaaso ugu soo dhiibeen.
10כי ידע אשר רק מקנאה מסרוהו ראשי הכהנים׃
11Laakiin wadaaddadii sare ayaa dadka kiciyey, oo waxay yidhaahdeen inay u roon tahay inuu Baraabbas u sii daayo iyaga.
11וראשי הכהנים הסיתו את ההמון לבלתי פטר להם כי אם בר אבא׃
12Bilaatos baa mar kale u jawaabay oo ku yidhi, Haddaba maxaad doonaysaan inaan ku sameeyo kan aad ugu yeedhaan Boqorka Yuhuudda?
12ויסף פילטוס ויען ויאמר להם ומה אפוא חפצתם ואעשה לאשר אתם קראים מלך היהודים׃
13Iyaguna mar kale ayay ku qayliyeen, Iskutallaabta ku qodob.
13ויוסיפו לצעק הצלב אותו׃
14Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ku qodob.
14ויאמר אליהם פילטוס מה אפוא עשה רעה והם הרבו עוד לצעק הצלב אותו׃
15Bilaatos wuxuu doonayay inuu sameeyo waxa dadku raalli ka yahay, sidaa darteed ayuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.
15ויואל פילטוס לעשות כרצון העם ויפטר להם את בר אבא ואת ישוע הכה בשוטים וימסר אותו להצלב׃
16Markaasaa askartii isaga geeyeen barxaddii dhexdeeda, taasoo la odhan jiray Baraytoriyon, waxayna isugu yeedheen askartii oo dhan.
16ויוליכהו אנשי הצלב אל החצר הפנימית הוא בית המשפט ויזעיקו את כל הגדוד׃
17Waxay u geliyeen dhar guduudan, oo taaj ayay qodxan uga texeen, oo madaxiisay saareen.
17וילבישהו ארגמן וישרגו עטרת קצים ויעטרהו׃
18Markaasay salaameen oo waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow.
18ויחלו לברכו לאמר שלום לך מלך היהודים׃
19Madaxana ayay cawsduur kaga dhufteen, oo wayna ku candhuufeen, oo u jilba joogsadeen, oo u sujuudeen.
19ויכו על ראשו בקנה וירקו בו ויכרעו על ברכיהם וישתחוו לו׃
20Goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii guduudnaa ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.
20ואחרי התלוצצם בו הפשיטו אותו את הארגמן וילבישהו את בגדיו ויוציאהו לצלב אותו׃
21Waxaa ag marayay nin beeraha ka yimid, oo reer Kuranaya ah, oo Simoon la odhan jiray, oo ahaa aabbihii Aleksanderos iyo Rufus, kan ay ku qasbeen inuu iskutallaabtiisa u qaado.
21ויאנסו איש עבר אחד הבא מן השדה ושמו שמעון הקוריני אבי אלכסנדרוס ורופוס לשאת את צלבו׃
22Oo waxay u soo wadeen meel Golgota la odhan jiray, taasoo micneheedu yahay meeshii dhakada.
22ויביאהו אל מקום גלגלתא הוא מקום הגלגלת׃
23Waxay siiyeen inuu cabbo khamri xammeeti lagu daray, laakiin ma uu qaadan.
23ויתנו לו יין מזוג במר והוא לא קבל׃
24Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami ku riteen mid kasta wuxuu qaadan lahaa.
24ויהי כאשר צלבו אותו ויחלקו בגדיו להם בהפילם עליהם גורל מה יקח איש איש׃
25Waxayna ahayd saacaddii saddexaad oo iskutallaabta ay ku qodbeen.
25ותהי השעה השלישית ויצלבהו׃
26Waxaa lagu qoray meel ka korraysa isaga qorniinkii ashtakadiisii oo leh, BOQORKA YUHUUDDA.
26ומכתב דבר אשמתו כתוב למעלה מלך היהודים׃
27Markaasaa waxaa iskutallaabo lagula qodbay laba tuug, mid midigtiisa, midna bidixdiisa.
27ויצלבו אתו שני פריצים אחד לימינו ואחד לשמאלו׃
28Oo waxaa rumoobay Qorniinkii yidhi, Waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha.
28וימלא הכתוב האמר ואת פשעים נמנה׃
29Oo kuwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen, waxay yidhaahdeen, Kaaga macbudka duminayow oo saddex maalmood ku dhisayow,
29והעברים גדפו אותו ויניעו ראשם לאמר האח אתה ההורס את ההיכל ובונה אותו בשלשת ימים׃
30isbadbaadi oo iskutallaabta ka soo deg.
30הושע את עצמך ורדה מן הצלב׃
31Sidaas oo kalena ayaa wadaaddada sare dhexdooda ugu majaajiloodeen, iyaga iyo culimmadaba, oo waxay yidhaahdeen, Kuwa kale ayuu badbaadiyey, qudhiisa isma badbaadin karo.
31וכן לעגו לו גם ראשי הכהנים עם הסופרים באמרם איש אל רעהו את אחרים הושיע ואת עצמו לא יוכל להושיע׃
32Masiixa oo ah Boqorka Israa'iil haddeer iskutallaabta ha ka soo dego si aannu u aragno oo u rumaysanno. Kuwii iskutallaabaha lagula qodbayna ayaa caayay.
32המשיח מלך ישראל ירד נא מן הצלב למען נראה ונאמין וגם הנצלבים אתו חרפוהו׃
33Goortii saacaddii lixaad la gaadhay, dhulka oo dhammu gudcur buu ahaa ilaa saacaddii sagaalaad.
33ובהיות השעה הששית היה חשך על כל הארץ עד השעה התשיעית׃
34Saacaddii sagaalaad Ciise ayaa cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Eloy, Eloy, lama sabakhtani? taasoo micneheedu yahay, Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?
34ובשעה התשיעית ויצעק ישוע בקול גדול אלהי אלהי למה שבקתני אשר פרושו אלי אלי למה עזבתני׃
35Kuwa ag taagnaa qaarkood ayaa goortay maqleen yidhi, Eeg, wuxuu u yeedhayaa Eliyaas.
35ומקצת העמדים אצלו בשמעם את זאת אמרו הנה אל אליהו הוא קורא׃
36Mid baa orday, oo geed isbonji la yidhaahdo khal uga soo buuxshay, oo intuu cawsduur saaray ayuu siiyey inuu cabbo, wuxuuna yidhi, Daaya aannu aragnee inuu Eliyaas yimaado oo soo dejiyo.
36וירץ אחד מהם וימלא ספוג חמץ וישם על קנה וישקהו ויאמר הניחו ונראה אם יבא אליהו להורידו׃
37Markaasaa Ciise cod weyn ku dhawaaqay oo ruuxii bixiyey.
37וישוע נתן קול גדול ויפח את נפשו׃
38Markaasaa daahii macbudka kor ilaa hoos laba u kala dillaacay.
38ופרכת ההיכל נקרעה לשנים קרעים מלמעלה למטה׃
39Kolkaasaa boqol-u-taliyihii oo meel ku toosan taagnaa markuu arkay inuu sidaas ruuxiisii u baxshay, wuxuu yidhi, Runtii, ninkanu wuxuu ahaa Wiilkii Ilaah.
39וירא שר המאה העמד לנגדו כי בזעקו כן נפח את נפשו ויאמר אכן האיש הזה היה בן האלהים׃
40Waxaana joogay dumar meel fog ka eegayay, oo waxaa ku dhex jirtay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub Yare iyo Yoosee hooyadood, iyo Saloome,
40וגם נשים היו שם ראות מרחוק ובתוכן גם מרים המגדלית ומרים אמו של יעקב הצעיר ושל יוסי ושלמית׃
41oo ah kuwa xataa intuu Galili joogay raaci jiray oo u adeegi jiray, iyo qaar kale oo badan oo Yeruusaalem u sii raacay.
41אשר גם הלכו אחריו ושרתהו בהיותו בגליל ואחרות רבות אשר עלו אתו ירושלים׃
42Haddaba waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, taas oo ah maalinta sabtida ka horraysa, oo markii makhribkii la gaadhay,
42ועת הערב הגיע ומפני אשר ערב שבת היה הוא היום שלפני השבת׃
43waxaa yimid Yuusuf kii reer Arimataya oo ahaa taliye murwad leh, oo isna boqortooyadii Ilaah ayuu sugayay. Isagu wuxuu dhiranaan ugu galay Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii.
43ויבא יוסף הרמתי יועץ נכבד אשר היה מחכה גם הוא למלכות האלהים ויתחזק ויבא אל פילטוס וישאל את גופת ישוע׃
44Bilaatos waa yaabay inuu hadda dhintay. Markaasuu wuxuu u yeedhay boqol-u-taliyihii oo weyddiiyey, Durba miyuu dhintay?
44ויתמה פילטוס על אשר הוא כבר מת ויקרא אל שר המאה וישאלהו הגוע כבר׃
45Goortuu ka gartay boqol-u-taliyihii, ayuu meydkii Yuusuf siiyey.
45וידע מפי שר המאה כי כן ויתן את גופתו מתנה ליוסף׃
46Markaasaa Yuusuf wuxuu soo iibsaday kafan, wuuna soo dejiyey isaga, oo kafantii ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn.Maryan tii reer Magdala iyo Maryan oo ahayd hooyadii Yoosee waxay arkeen meeshii la dhigay.
46והוא קנה סדין ויורד אתו ויכרכהו בסדין וישימהו בקבר חצוב בסלע ויגל אבן על פתח הקבר׃
47Maryan tii reer Magdala iyo Maryan oo ahayd hooyadii Yoosee waxay arkeen meeshii la dhigay.
47ומרים המגדלית ומרים אם יוסי היו ראות את המקום אשר הושם שמה׃