1Maalmahaas dadkii aad buu u badnaa oo waxay cunaanna ma haysan, markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi,
1ויהי בימים ההם בהקבץ עם רב ואין להם מה יאכלו ויקרא אל תלמידיו ויאמר אליהם׃
2Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan.
2נכמרו רחמי על העם כי זה שלשת ימים עמדו עמדי ואין להם לחם לאכל׃
3Haddii aan guryahooda u diro, iyagoo sooman, jidkay ku itaalbeeli doonaan, waayo, qaarkood waxay ka yimaadeen meel fog.
3והיה בשלחי אותם רעבים לבתיהם יתעלפו בדרך כי יש מהם אשר באו ממרחק׃
4Kolkaasaa xertiisii u jawaabtay, oo waxay ku yidhaahdeen, Meeshan cidlada ah xaggee looga heli karaa kibis dadkanu ka dhergaan?
4ויענו אתו תלמידיו מאין יוכל איש להשביע את אלה פה במדבר לחם׃
5Goortaasuu weyddiiyey, Immisa kibsood baad haysaan? Waxay ku yidhaahdeen, Toddoba.
5וישאל אותם כמה ככרות לחם יש לכם ויאמרו שבע׃
6Kolkaasuu dadkii badnaa ku amray inay dhulka fadhiistaan. Markaasuu toddobadii kibsood soo qaaday, oo goortuu ku mahad naqay ayuu kala jejebiyey oo xertiisii siiyey inay hortooda dhigaan. Markaasay dadkii badnaa hor dhigeen.
6ויצו את העם לשבת לארץ ויקח את שבע ככרות הלחם ויברך ויפרס ויתן אותם לתלמידיו לשום לפניהם וישימו לפני העם׃
7Waxay haysteen in yar oo kalluun yaryar ah. Oo intuu barakeeyey, wuxuu ku amray inay kuwaasna hortooda dhigaan.
7ויהי להם מעט דגים קטנים ויברך ויאמר לשום לפניהם גם את אלה׃
8Markaasay cuneen oo dhergeen; kolkaasay soo ururiyeen toddoba dambiilood oo ka buuxa jajabkii hadhay.
8ויאכלו וישבעו וישאו מן הפתותים הנותרים שבעת דודים׃
9Kuwii cunayna waxay ku dhowaayeen afar kun, markaasuu diray.
9והאכלים היו כארבעת אלפי איש וישלחם׃
10Kolkiiba xertiisii ayuu doonni la fuulay, oo wuxuu yimid dhinacyada Dalmanuuta.
10אז ירד באניה עם תלמידיו ויבא אל גלילות דלמונתא׃
11Markaasaa Farrisiintu u soo baxday, oo waxay bilaabeen inay wax weyddiiyaan, oo waxay ka doonayeen inuu calaamo cirka ka tuso, si ay u jirrabaan.
11ויצאו הפרושים ויחלו להתוכח אתו וישאלו מעמו אות מן השמים והם מנסים אתו׃
12Intuu ruuxiisa ka taahay ayuu yidhi, Qarnigan muxuu calaamo u doondoonayaa? Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarnigan calaamo lama siin doono.
12ויאנח ברוחו ויאמר מה הדור הזה מבקש לו אות אמן אמר אני לכם אם ינתן אות לדור הזה׃
13Markaasuu ka tegey oo haddana doonniduu fuulay oo dhanka kale u kacay.
13ויעזב אותם וירד באניה וישב ויעבר אל עבר הים׃
14Xertii waxay illoobeen inay kibis soo qaataan, oo doonnida kibis kuma ay haysan mid keliya maahane.
14וישכחו לקחת אתם לחם ולא היה להם באניה בלתי אם ככר לחם אחת׃
15Markaasuu wuxuu ku amray, oo ku yidhi, Iska eega oo iska jira khamiirka Farrisiinta iyo khamiirka Herodos.
15ויזהר אותם לאמר ראו השמרו לכם משאר הפרושים ומשאר הורדוס׃
16Markaasay isla wada hadleen, oo isku yidhaahdeen, Sababtaasu waa kibistii aannan haysan aawadeed.
16ויחשבו ויאמרו איש אל רעהו על כי לחם אין אתנו׃
17Ciise oo gartay ayaa ku yidhi, Maxaad isu la hadlaysaan? Ma kibistii aydnaan haysan aawadeed ba? Miyaydnaan weli arkin oo aydnaan garanaynin? Qalbigiinnu weli ma engegan yahay?
17וידע ישוע ויאמר להם מה תחשבו על כי לחם אין לכם העוד לא תשכילו ולא תבינו ולבכם עודנו מטמטם׃
18Indho baad leedihiin, miyaydnaan waxba arkaynin? Dhegona waad leedihiin, miyaydnaan waxba maqlaynin oo aydnaan xusuusnayn?
18עינים לכם ולא תראו ואזנים לכם ולא תשמעו ולא תזכרו׃
19Goortii aan shantii kibsood shantii kun u kala jejebiyey, immisa dambiilood oo jajab ka buuxa ayaad soo ururiseen? Waxay ku yidhaahdeen, Laba iyo toban.
19כאשר פרסתי את חמשת ככרות הלחם לחמשת אלפי איש כמה סלים מלאי פתותים נשאתם ויאמרו אליו שנים עשר׃
20Oo goortii aan toddobadii kibsood afartii kun u kala jejebiyey, immisa dambiilood oo jajab ka buuxa ayaad soo ururiseen? Waxay ku yidhaahdeen, Toddoba.
20ובשבע לארבעת אלפי איש כמה דודים מלאי פתותים נשאתם ויאמרו אליו שבעה׃
21Wuxuuna ku yidhi, Miyaydnaan weli garanaynin?
21ויאמר אליהם איך לא תבינו׃
22Markaasay yimaadeen Beytsayda. Oo waxay u keeneen nin indha la' oo ay ka baryeen inuu taabto.
22ויבא אל בית צידה ויביאו אליו איש עור ויתחננו לו לגעת בו׃
23Markaasuu ninkii indhaha la'aa gacanta qabtay, oo tuulada dibadda uga saaray, oo goortuu indhaha kaga tufay oo gacmihiisii saaray, wuxuu weyddiiyey, Wax ma arkaysaa?
23ויאחז ביד העור ויוליכהו אל מחוץ לכפר וירק בעיניו וישם את ידיו עליו וישאלהו לאמר הראה אתה דבר׃
24Kor buu u eegay oo yidhi, Waxaan arkayaa niman, oo waxay ii le'eg yihiin sida geedo socda.
24ויבט ויאמר אראה את בני האדם כי מתהלכים כאילנות אני ראה׃
25Kolkaasuu mar kale gacmihiisii indhaha ka saaray. Markaasuu aad iyo aad wax u eegay, wuuna bogsaday, oo wax walba bayaan buu u arkay.
25ויוסף לשום את ידיו על עיניו ותפקחנה עיניו וירפא וירא הכל היטב עד למרחוק׃
26Kolkaasuu gurigiisii u diray, oo wuxuu ku yidhi, Tuulada ha gelin.
26וישלחהו אל ביתו לאמר אל תבא בתוך הכפר ואל תדבר לאיש בכפר׃
27Markaasaa Ciise iyo xertiisii waxay tageen oo galeen tuulooyinka Kaysariya Filibos. Xertiisii ayuu jidka ku weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Dadku yay igu sheegaan?
27ויצא ישוע ותלמידיו ללכת אל כפרי קיסרין של פילפוס ויהי בדרך וישאל את תלמידיו ויאמר אליהם מה אמרים עלי האנשים מי אני׃
28Waxay yidhaahdeen, Yooxanaa Baabtiisaha, qaarna, Eliyaas, qaar kalena, Nebiyada midkood.
28ויענו ויאמרו יוחנן המטביל ויש אמרים אליהו ואחרים אמרים אחד מן הנביאים׃
29Markaasuu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Idinkuse yaad igu sheegtaan? Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad tahay Masiixa.
29וישאל אתם לאמר ואתם מה תאמרו עלי מי אני ויען פטרוס ויאמר אליו אתה הוא המשיח׃
30Markaasuu ku amray inayan ninna isaga u sheegin.
30ויצו אתם בגערה לבלתי דבר עליו לאיש׃
31Kolkaasuu bilaabay inuu baro inay waajib ugu tahay Wiilka Aadanahu inuu wax badan ku xanuunsado, oo ay waayeellada iyo wadaaddada sare iyo culimmadu diidaan, oo la dilo, oo saddex maalmood dabadeed uu soo sara kaco.
31ויחל ללמדם כי צריך בן האדם לענות הרבה וימאס על ידי הזקנים והכהנים הגדולים והסופרים ויומת ומקצה שלשת ימים קום יקום׃
32Hadalkaas bayaan buu ugu hadlay. Markaasaa Butros gees u waday oo bilaabay inuu canaanto.
32והוא בגלוי דבר את הדבר הזה ויקחהו פטרוס ויחל לגער בו׃
33Laakiin Ciise markuu soo jeestay oo xertiisii eegay, ayuu Butros canaantay, oo wuxuu ku yidhi, Gadaal iga mar, Shayddaan yahow, waayo, waxyaalaha Ilaah kama fikirtid, waxaadse ka fikirtaa waxyaalaha dadka.
33ויפן אחריו ויבט את תלמידיו ויגער בפטרוס לאמר סור מעל פני השטן כי אין לבך לדברי האלהים כי אם לדברי האדם׃
34Goortaasuu dadkii badnaa u yeedhay iyo xertiisiiba oo wuxuu ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco.
34ויקרא אל העם ואל תלמידיו ויאמר אליהם החפץ ללכת אחרי יכחש בנפשו וישא את צלבו וילך אחרי׃
35Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday iyo injiilka aawadii, kaasaa badbaadin doona.
35כי כל אשר יחפץ להושיע את נפשו תאבד נפשו ממנו וכל אשר תאבד לו נפשו למעני ולמען הבשורה הוא יושיענה׃
36Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu naftiisa lumiyo?
36כי מה יסכן לאדם כי יקנה את כל העולם ונשחתה נפשו׃
37Nin muxuu u bixiyaa naftiisa beddelkeeda?Haddaba ku alla kii qarnigan dembiga iyo sinada leh kaga xishooda aniga iyo hadalkaygaba, Wiilka Aadanaha ayaa ka xishoon doona isaga markuu ammaantii Aabbihiis kula yimaado malaa'igaha quduuska ah.
37או מה יתן איש פדיון נפשו׃
38Haddaba ku alla kii qarnigan dembiga iyo sinada leh kaga xishooda aniga iyo hadalkaygaba, Wiilka Aadanaha ayaa ka xishoon doona isaga markuu ammaantii Aabbihiis kula yimaado malaa'igaha quduuska ah.
38כי כל איש אשר הייתי אני ודברי לו לחרפה בדור הנאף והחוטא הזה אף הוא יהיה לחרפה לבן האדם בבואו בכבוד אביו עם המלאכים הקדושים׃