Somali

Hebrew: Modern

Matthew

14

1Waagaas taliye Herodos ayaa warkii Ciise maqlay,
1בעת ההיא שמע הורדוס שר רבע המדינה את שמע ישוע׃
2oo wuxuu midiidinyadiisii ku yidhi, Kanu waa Yooxanaa Baabtiisaha. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, sidaa darteed shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan.
2ויאמר אל נעריו זה הוא יוחנן המטביל והוא קם מן המתים על כן הגבורות פעלות בו׃
3Waayo, Herodos baa Yooxanaa qabtay oo intuu xidhay ayuu u xabbisay, walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed.
3כי הורדוס תפש את יוחנן ויאסרהו וישימהו בבית הסהר בגלל הורודיה אשת פילפוס אחיו׃
4Waayo, Yooxanaa wuxuu ku yidhi, Xalaal kuuma aha inaad haysatid,
4כי יוחנן אמר אליו לא נכון היתה לך לאשה׃
5oo goortuu doonay inuu dilo, dadkii badnaa ayuu ka baqay, maxaa yeelay, waxay u haysteen sidii nebi oo kale.
5ויבקש המיתו אך ירא את ההמון כי לנביא חשבו אתו׃
6Goortii maalintii la xusuustay dhalashadii Herodos timid, gabadhii Herodiya ayaa dadkii dhexdiisa ku cayaartay, oo Herodos ayay ka farxisay.
6ויהי ביום הלדת הורדוס ותרקד בת הורודיה בתוכם ותיטב בעיני הורדוס׃
7Kolkaasuu dhaar ku ballanqaaday inuu siiyo wixii ay weyddiisatoba.
7וישבע לה ויאמר מה תשאל נפשך ואתן לך׃
8Iyadoo hooyadeed hore ula soo talisay ayay tidhi, Halkan xeedho igu soo sii madaxa Yooxanaa Baabtiisaha.
8ואמה שמה את הדברים בפיה ותשאל לאמר תנה לי פה בקערה את ראש יוחנן המטביל׃
9Boqorkii waa calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuu ku amray in la siiyo.
9ויעצב המלך אך בעבור השבועה והמסבים עמו צוה לתת לה׃
10Markaasuu cid diray oo Yooxanaa xabsigaa madaxa lagaga gooyay.
10וישלח וישא את ראש יוחנן מעליו בבית הסהר׃
11Madaxiisiina waxaa lagu keenay xeedho, oo gabadhii la siiyey, iyaduna hooyadeed bay u keentay.
11ויביאו את ראשו בקערה ויתנו לנערה ותביאהו אל אמה׃
12Markaasaa xertiisii timid, oo meydkiisay qaadeen oo aaseen, kolkaasay tageen oo Ciise u warrameen.
12ויגשו תלמידיו וישאו את גויתו ויקברוה וילכו ויגידו לישוע׃
13Ciise goortuu taas maqlay, ayuu halkaas doonni kaga soo noqday, oo meel cidla ah ayuu keligiis tegey. Dadkii badnaana goortay warkaas maqleen, ayay magaalooyinka lug kaga soo raaceen.
13ויהי כשמעו את זאת ויסר משם באניה אל מקום חרבה לבדד וישמעו המון העם וילכו אחריו ברגליהם מן הערים׃
14Goortuu degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, oo kuwoodii bukay ayuu bogsiiyey.
14ויצא ישוע וירא המון עם רב ויהמו מעיו עליהם וירפא את החלשים אשר בהם׃
15Goortii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, wakhtigiina waa dhammaaday, haddaba dadka dir si ay tuulooyinka u tagaan oo cunto u soo iibsadaan.
15ויהי לפנות ערב ויגשו אליו תלמידיו ויאמרו המקום חרב וגם נטה היום שלחה את המון העם וילכו אל הכפרים לקנות להם אכל׃
16Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Uma ay baahna inay tagaan, idinku siiya waxay cunaan.
16ויאמר אליהם אינם צריכים ללכת תנו אתם להם לאכל׃
17Waxay ku yidhaahdeen, Halkan waxba kuma hayno shan kibsood iyo laba kalluun maahee.
17ויאמרו אליו אין לנו פה כי אם חמשת ככרות לחם ושני דגים׃
18Markaasuu wuxuu ku yidhi, Halkan iigu keena.
18ויאמר הביאום אלי הלם׃
19Kolkaasuu dadkii badnaa ku amray inay cawska ku fadhiistaan. Isaguna wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay ayuu barakeeyey oo kibistii kala jejebiyey oo xertiisii siiyey, xertiina dadkii badnaa bay siiyeen.
19ויצו את העם לשבת על הדשא ויקח את חמשת ככרות הלחם ואת שני הדגים וישא עיניו השמימה ויברך ויפרס ויתן את הלחם לתלמידים והתלמידים נתנו לעם׃
20Dhammaantood way wada cuneen oo ka dhergeen, oo waxay soo gureen jajabkii hadhay oo laba iyo toban dambiilood ka buuxa.
20ויאכלו כלם וישבעו וישאו מן הפתותים הנותרים שנים עשר סלים מלאים׃
21Kuwii cunayna waxay ku dhowaayeen shan kun oo nin oo aan naagaha iyo carruurtu ku jirin.
21והאכלים היו כחמשת אלפי איש מלבד הנשים והטף׃
22Kolkiiba wuxuu xertiisii ku amray inay doonnida fuulaan oo ay hortiis tagaan dhanka kale, intuu dadkii badnaa dirayo.
22ויאץ ישוע בתלמידיו לרדת באניה לעבר לפניה אל עבר הים עד אשר ישלח את העם׃
23Goortuu dadkii badnaa diray ayuu keligiis buurta fuulay inuu ku tukado, oo goortii makhribka la gaadhay keli ahaantiis ayuu halkaas joogay.
23ואחרי שלחו את העם עלה ההרה בדד להתפלל ויהי ערב והוא לבדו שמה׃
24Doonniduse durba wax badan ayay dhulka ka fogaatay oo hirarku waa dhibeen, waayo, dabaysha ayaa ka gees ahayd.
24והאניה הלכה בתוך הים ותטרף מן הגלים כי הרוח לנגדה׃
25Wakhtiga gaadhkii afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda.
25ויהי באשמרת הרביעית ויבא אליהם ישוע מתהלך על פני הים׃
26Oo xertiisii goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, way nexeen oo waxay yidhaahdeen, Waa muuqasho, oo baqdin bay la qayliyeen.
26והתלמידים בראתם אותו מתהלך על פני הים נבהלו לאמר מראה רוח הוא ויצעקו מפחד׃
27Markiiba Ciise waa la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina.
27וידבר ישוע פתאם אליהם חזקו כי אני הוא אל תיראו׃
28Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Sayidow, haddaad tahay adiga, igu amar inaan biyaha kuugu dul imaado.
28ויען פטרוס ויאמר אליו אם אתה הוא אדני צוה נא כי אבא אליך על המים׃
29Wuxuu ku yidhi, Kaalay. Oo Butros markuu doonnida ka degay ayuu biyaha ku dul socday inuu Ciise u tago.
29ויאמר בוא וירד פטרוס מן האניה ויתהלך על המים לבוא אל ישוע׃
30Laakiin goortuu dabayshii arkay ayuu baqay, oo markuu bilaabay inuu dego ayuu qayliyey oo ku yidhi, Sayidow, i badbaadi,
30ויהי כראתו את הרוח כי חזקה היא ויירא ויחל לטבע ויצעק לאמר אדני הושיעני׃
31oo markiiba Ciise gacantiisuu u taagay oo qabtay oo ku yidhi, Rumaysadyare yahow, maxaad u shakiday?
31וימהר ישוע לשלח את ידו ויחזק בו ויאמר אליו קטן האמונה למה לחק לבך׃
32Oo markay doonnida fuuleen, dabayshu waa joogsatay.
32הם עלו אל האניה והרוח שככה׃
33Kuwii doonnida ku jirayna way caabudeen isaga, oo waxay ku yidhaahdeen, Runtii, waxaad tahay Wiilka Ilaah.
33ואנשי האניה נגשו וישתחוו לו לאמר באמת בן אלהים אתה׃
34Oo markay gudbeen waxay yimaadeen dalka Gennesared.
34ויעברו את הים ויבאו ארצה גניסר׃
35Oo nimankii halkaas degganaa goortay garteen isaga, waxay cid u direen dalkaas ku wareegsan oo dhan, oo waxay u keeneen kuwa buka oo dhan,oo waxay ka baryeen inay faraqa maradiisa keliya taabtaan, oo kuwii taabtayna way bogsadeen.
35ויכירו אתו אנשי המקום ההוא וישלחו אל כל סביבותיהם ויביאו אליו את כל החולים׃
36oo waxay ka baryeen inay faraqa maradiisa keliya taabtaan, oo kuwii taabtayna way bogsadeen.
36ויבקשו ממנו כי יגעו רק בציצת בגדו וכל הנגעים נושעו׃