Somali

Hebrew: Modern

Matthew

5

1Markuu dadkii badnaa arkay ayuu buur fuulay, markaasuu fadhiistay oo xertiisa ayaa u timid.
1ויהי כראותו את המון העם ויעל ההרה וישב שם ויגשו אליו תלמידיו׃
2Kolkaasuu afkiisa kala qaaday oo wax baray, isagoo leh.
2ויפתח את פיהו וילמד אותם לאמר׃
3Waxaa barakaysan kuwa xagga ruuxa ka masaakiin ah, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh.
3אשרי עניי רוח כי להם מלכות השמים׃
4Waxaa barakaysan kuwa baroorta, waayo, waa la qalbiqabowjin doonaa.
4אשרי האבלים כי הם ינחמו׃
5Waxaa barakaysan kuwa camal qabow, waayo, dhulkay dhaxli doonaan.
5אשרי הענוים כי המה יירשו הארץ׃
6Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada u gaajaysan oo u harraadsan, waayo, way dhergi doonaan.
6אשרי הרעבים והצמאים לצדקה כי הם ישבעו׃
7Waxaa barakaysan kuwa naxariista leh, waayo, waa loo naxariisan doonaa.
7אשרי הרחמנים כי הם ירחמו׃
8Waxaa barakaysan kuwa qalbiga ka daahirsan, waayo, Ilaah bay arki doonaan.
8אשרי ברי לבב כי הם יחזו את האלהים׃
9Waxaa barakaysan kuwa nabadda ka shaqeeyaa, waayo, waxaa loogu yeedhi doonaa wiilashii Ilaah.
9אשרי רדפי שלום כי בני אלהים יקראו׃
10Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada aawadeed loo silciyo, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh.
10אשרי הנרדפים על דבר הצדקה כי להם מלכות השמים׃
11Waad barakaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday.
11אשריכם אם יחרפו וירדפו אתכם וידברו בשקר עליכם כל רע בעבורי׃
12Farxa oo reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay, waayo, sidaasay u silcin jireen nebiyadii idinka horreeyey.
12שמחו וגילו כי שכרכם רב בשמים כי כן רדפו את הנביאים אשר היו לפניכם׃
13Idinku waxaad tihiin cusbadii dhulka, laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho, maxaa lagu cusbaynayaa? Dabadeed waxba tari mayso in dibadda loo tuuro oo dadku ku tunto maahee.
13אתם מלח הארץ ואם המלח היה תפל במה ימלח הן לא יצלח עוד לכל כי אם להשליך חוצה והיה מרמס לבני אדם׃
14Idinku waxaad tihiin iftiinkii dunida. Magaalo buur ku taallu ma qarsoomi karto.
14אתם אור העולם עיר ישבת על ההר לא תוכל להסתר׃
15Ilays looma shido in la hoos geliyo weel, laakiin waxaa la saaraa meeshii ilayska, oo wuu u iftiimaa kuwa guriga ku jira oo dhan.
15גם אין מדליקים נר ושמים אותו תחת האיפה כי אם על המנורה ויאר לכל אנשי הבית׃
16Sidaas oo kale iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan.
16כן יאר אורכם לפני בני האדם למען יראו מעשיכם הטובים ושבחו את אביכים שבשמים׃
17Ha u malaynina inaan u imid inaan sharciga ama qorniintii nebiyada baabbi'iyo; uma aan iman inaan baabbi'iyo, laakiin waxaan u imid inaan wada oofiyo
17אל תחשבו כי באתי להפר את התורה או את דברי הנביאים לא באתי להפר כי אם למלאת׃
18Runtii waxaan idinku leeyahay, Intaan cirka iyo dhulku idlaan, xaraf ama dhibic keliya ka idlaan mayso sharciga ilaa ay wada noqdaan.
18כי אמן אמר אני לכם עד כי יעברו השמים והארץ לא תעבר יוד אחת או קוץ אחד מן התורה עד אשר יעשה הכל׃
19Sidaa darteed kii jebiya qaynuunnadan kuwa ugu yar midkood, oo sidaas dadka u bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan uga yar boqortooyadii jannada, laakiin kii yeela oo bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan weyn boqortooyadii jannada.
19לכן מי אשר יפר אחת מן המצות הקטנות האלה וכן ילמד את בני האדם קטון יקרא במלכות השמים ואשר יעשה וילמד אותן הוא גדול יקרא במלכות השמים׃
20Waayo, waxaan idinku leeyahay, Xaqnimadiinnu haddaanay ka badnaan tan culimmada iyo Farrisiinta, geliba maysaan boqortooyadii jannada.
20כי אני אמר לכם אם לא תרבה צדקתכם מצדקת הסופרים והפרושים לא תבאו אל מלכות השמים׃
21Waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad dhiig qabin; kii dhiig qabaa wuxuu galabsadaa xukunka.
21שמעתם כי נאמר לקדמונים לא תרצח ואשר ירצח מחיב הוא לבית דין׃
22Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo walaalkiis u cadhoodaa wuxuu galabsadaa xukunka, oo kii walaalkiis ku yidhaahda, Nacas yahow, wuxuu galabsadaa in shirka la geeyo, oo kii yidhaahda, Doqon yahow, wuxuu galabsadaa jahannamada dabka ah.
22אבל אני אמר לכם כל אשר יקצף על אחיו חנם מחיב הוא לבית דין ואשר יאמר אל אחיו רקא מחיב הוא לסנהדרין ואשר יאמר אתה הנבל מחיב לאש גיהנם׃
23Haddaba haddaad hadiyaddaada meesha allabariga keento, oo meeshaas aad ku xusuusatid in walaalkaa wax kuu haysto,
23לכן אם תקריב קרבנך אל המזבח ושם תזכר כי יש לאחיך דבר עליך׃
24hadiyaddaada ku dhaaf meeshii allabariga horteeda, tag, oo horta walaalkaa la soo heshii, dabadeed kaalay oo hadiyaddaada bixi.
24עזוב תעזב שם את קרבנך לפני המזבח וקדם ללכת לכפר פני אחיך ואחרי כן בוא הקרב את קרבנך׃
25Dhaqso cadowgaaga ula heshii intaad jidka kula socoto, si aan cadowgu xaakinka kuugu dhiibin, xaakinkuna askariga kuugu dhiibin, oo xabsi lagugu tuurin.
25מהר התרצה לאיש ריבך בעודך בדרך אתו פן יסגיר אתך איש ריבך אל השפט והשפט יסגירך לשוטר והשלכת את בית הכלא׃
26Runtii waxaan kugu leeyahay, Halkaas ka soo bixi maysid ilaa aad siisid beesadda ugu dambaysa.
26אמן אמר אני לך לא תצא משם עד אשר שלמת את הפרוטה האחרונה׃
27Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaanad sinaysan.
27שמעתם כי נאמר לקדמונים לא תנאף׃
28Laakiin waxaan idinku leeyahay, Nin walba oo qof dumar ah damac u eegaa, durba qalbigiisuu kaga sinaystay.
28אבל אני אמר לכם כל אשר יביט באשה לחמד אותה נאף נאפה בלבו׃
29Haddii ishaada midig ku xumayso, iska bixi oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada lagu tuuri lahaa.
29ואם תכשילך עין ימינך נקר אותה והשלך ממך כי טוב לך אשר יאבד אחד מאבריך מרדת כל גופך אל גיהנם׃
30Gacantaada midig hadday ku xumayso, iska jar oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada geli lahaa.
30ואם ידך הימנית תכשילך קצץ אותה והשלך ממך כי טוב לך אשר יאבד אחד מאבריך מרדת כל גופך אל גיהנם׃
31Waxaana la yidhi, Ku alla kii naagtiisa furaa, warqaddii furniinka ha siiyo.
31ונאמר איש אשר ישלח את אשתו ונתן לה ספר כריתות׃
32Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo naagtiisa furaa sababta sinada aawadeed maahee, wuxuu ka dhigayaa inay sinaysato, oo kii guursadaa tii la furayna waa sinaystaa.
32אבל אני אמר לכם המשלח את אשתו בלתי על דבר זנות עשה אתה נאפת והלקח את הגרושה לו לאשה נאף הוא׃
33Weliba waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad nidarradaada jebin, laakiin waa inaad Rabbiga u yeeshaa nidarradaada.
33עוד שמעתם כי נאמר לקדמונים לא תשבע לשקר ושלם ליהוה שבעותיך׃
34Laakiin waxaan idinku leeyahay, Ha dhaaraninaba; jannada ha ku dhaaranina, waayo, waa carshigii Ilaah.
34אבל אני אמר לכם לא תשבעו כל שבועה לא בשמים כי כסא אלהים המה׃
35Dhulkana ha ku dhaaranina, waayo, waa meeshuu cagihiisa dhigo; Yeruusaalemna ha ku dhaaranina, waayo, waa magaaladii Boqorkii weynaa.
35ולא בארץ כי הדום רגליו היא ולא בירושלים כי היא קרית מלך רב׃
36Madaxaagana ha ku dhaaran, waayo, tin keliya kama dhigi kartid caddaan ama madow.
36]73-63[ אף בראשך אל תשבע כי אין ביכלתך להפך שער אחד ללבן או לשחר אך יהי דברין הן הן לא לא והיותר מאלה מן הרע הוא׃
37Laakiin hadalkiinnu ha ahaado, Haah, haah, maya, maya; wixii intaas ka badan sharkuu ka yimaadaa.
37]73-63[׃
38Waad maqasheen in la yidhi, Il il ha loo rido, iligna ilig ha loo rido.
38שמעתם כי נאמר עין תחת עין שן תחת שן׃
39Laakiin waxaan idinku leeyahay, Sharka ha hor istaagina, laakiin ku alla kii dhabanka midig kaa dharbaaxa, kan kalena u jeedi,
39אבל אני אמר לכם אל תתקוממו לרע אך המכה אותך על הלפי הימנית הטה לו גם את האחרת׃
40oo kii doonaya inuu ku ashtakeeyo oo khamiiskaaga kaa qaato, maradaadana u daa,
40ואשר יחפץ לריב עמך ולקחת את כתנתך תן לו גם את חמעיל׃
41oo ku alla kii kugu qasba inaad mayl la socotid, laba la soco.
41והאנס אותך ללכת עמו דרך מיל לך אתו שנים׃
42Kii wax kaa barya, sii, oo kii doonaya inuu wax kaa amaahdo ha ka sii jeesan.
42השאל מאתך תן לו והבא ללות ממך אל תשב פניו׃
43Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid,
43שמעתם כי נאמר ואהבת לרעך ושנאת את איבך׃
44laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya,
44אבל אני אמר לכם אהבו את איביכם ברכו את מקקליכם היטיבו לשנאיכם והתפללו בעד מכאיביכם ורדפיכם׃
45si aad u ahaataan wiilashii Aabbihiinna jannada ku jira, waayo, qorraxdiisa wuxuu u soo bixiya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan, roobna wuu u di'iyaa kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahaynba.
45למען תהיו בנים לאביכם שבשמים אשר הוא מזריח שמשו לרעים ולטובים וממטיר על הצדיקים וגם על הרשעים׃
46Waayo, haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, abaalkee baad leedihiin? Cashuurqaadayaashu miyaanay sidaas oo kale samayn?
46כי אם תאהבו את אהביכם מה הוא שכרכם הלא גם המכסים יעשו זאת׃
47Haddaad salaantaan walaalihiin oo keliya, maxaa dheeraad ah oo aad samaysaan? Dadka kale miyaanay sidaas oo kale samayn?Saas aawadeed u samaada sida Aabbihiinna jannadu u san yahay.
47ואם תשאלו לשלום אחיכם בלבד מה יתרון לכם הלא גם המכסים יעשו זאת׃
48Saas aawadeed u samaada sida Aabbihiinna jannadu u san yahay.
48לכן היו שלמים כאשר אביכם שבשמים שלם הוא׃