Somali

Hebrew: Modern

Nahum

3

1Waxaa iska hoogtay magaalada dhiigga! Waayo, dhammaanteed waxaa ka buuxa been iyo dhac, oo boobkuna iyada kama dhammaado.
1הוי עיר דמים כלה כחש פרק מלאה לא ימיש טרף׃
2Oo waxaa ka buuxa dhawaaqa karbaashka, iyo dhawaaqa giraangiraha qablamaya, iyo fardo qoobqaadaya, iyo gaadhifardoodyo boodboodaya,
2קול שוט וקול רעש אופן וסוס דהר ומרכבה מרקדה׃
3iyo fardooley hor u socda, iyo seef dhalaalaysa, iyo waran birbirqaya, iyo dad badan oo la laayay, iyo bakhti faro badan oo iskor tuulsan, oo meydadkuna innaba dhammaad ma leh, oo waa lagu turunturoodaan meydadkooda,
3פרש מעלה ולהב חרב וברק חנית ורב חלל וכבד פגר ואין קצה לגויה יכשלו בגויתם׃
4maxaa yeelay, waa dhillanimadii faraha badnayd oo ay fashay dhilladii aad loo jeclaa oo ah sayidaddii sixirrada, oo quruumo ku iibisa dhillanimadeeda, oo reerona ku iibisa sixirradeeda.
4מרב זנוני זונה טובת חן בעלת כשפים המכרת גוים בזנוניה ומשפחות בכשפיה׃
5Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, col baan kula ahay, oo gogaradahaagana waan kaa feydi doonaa oo wejigaan kuu saari doonaa, oo waxaan quruumaha tusi doonaa cawradaada, boqortooyooyinkana ceebtaada.
5הנני אליך נאם יהוה צבאות וגליתי שוליך על פניך והראיתי גוים מערך וממלכות קלונך׃
6Oo wasakh baan korkaaga ku tuuri doonaa, oo ceeb baan ku saari doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa wax lagu dhaygago.
6והשלכתי עליך שקצים ונבלתיך ושמתיך כראי׃
7Oo waxay noqon doontaa in kuwa ku fiiriya oo dhammu ay kaa cararaan oo ay yidhaahdaan, Nineweh waa la baabbi'iyey, bal yaa iyada u barooran doona? Xaggee baanse kuwa u tacsiyeeya uga doonaa?
7והיה כל ראיך ידוד ממך ואמר שדדה נינוה מי ינוד לה מאין אבקש מנחמים לך׃
8Bal adigu miyaad ka wanaagsan tahay Noo Aamoon, taasoo webiyada dhexdooda ku jirtay, oo ay biyuhu ku hareeraysnaayeen, oo dhufayskeedu u badda ahaa, derbigeeduna u badda ahaa?
8התיטבי מנא אמון הישבה ביארים מים סביב לה אשר חיל ים מים חומתה׃
9Itoobiya iyo Masar waxay ahaayeen xooggeeda aan dhammaadka lahayn, oo reer Fuud iyo reer Luubiimna waxay ahaayeen kuwii u hiilin jiray.
9כוש עצמה ומצרים ואין קצה פוט ולובים היו בעזרתך׃
10Habase yeeshee iyadii waa la kaxaystay oo maxaabiis ahaan baa loo watay, oo dhallaankeediina dhulkaa lagaga tuuray jidadka rukummadooda oo dhan, oo nimankeedii sharafta lahaa saami baa loo ritay, oo raggeedii waaweynaa oo dhanna silsilado baa lagu xidhay.
10גם היא לגלה הלכה בשבי גם עלליה ירטשו בראש כל חוצות ועל נכבדיה ידו גורל וכל גדוליה רתקו בזקים׃
11Oo weliba adigu waad sakhraami doontaa oo waad qarsoonaan doontaa, adiguna cadowga aawadiis dufays baad doondooni doontaa.
11גם את תשכרי תהי נעלמה גם את תבקשי מעוז מאויב׃
12Qalcadahaaga oo dhammu waxay noqon doonaan sida geedo berde ah oo midho hore u bislaaday ku yaalliin, oo haddii la ruxruxo waxay ku soo daatan kan wax cuna afkiisa.
12כל מבצריך תאנים עם בכורים אם ינועו ונפלו על פי אוכל׃
13Bal eeg, dadkaaga ku dhex jooga waa dumar, oo irdaha dalkaaguna waa u bannaan yihiin cadaawayaashaada, oo qataaradaadiina dab baa baabbi'iyey.
13הנה עמך נשים בקרבך לאיביך פתוח נפתחו שערי ארצך אכלה אש בריחיך׃
14Biyo u soo dhaanso hareeraynta aawadeed, oo qalcadahaagana adkee. Dhoobada dhex gal, oo dhigada ku joogjoogso, oo xoog u yeel meesha lebenka lagu dubo.
14מי מצור שאבי לך חזקי מבצריך באי בטיט ורמסי בחמר החזיקי מלבן׃
15Halkaasaa dab kugu laasan doona, oo seef baa ku baabbi'in doonta, oo waxay kuu dhammayn doontaa sida koronkorro, bal isu badi sidii koronkorro oo kale, oo sidii ayax oo kale isu badi.
15שם תאכלך אש תכריתך חרב תאכלך כילק התכבד כילק התכבדי כארבה׃
16Baayacmushtariyaashaadii waxaad ka sii badisay xiddigaha samada, koronkorraduse intay wax cunto bay iska duushaa.
16הרבית רכליך מכוכבי השמים ילק פשט ויעף׃
17Kuwaaga taajka lahu waa sidii ayax oo kale, oo karraaniyaashaaduna waa sidii kobojaan raxan ah, kaasoo maalintii qabow xaydaanka dhex dega, laakiinse kolkii qorraxdu soo baxdo way iska cararaan, oo meeshay joogaan lama yaqaan.
17מנזריך כארבה וטפסריך כגוב גבי החונים בגדרות ביום קרה שמש זרחה ונודד ולא נודע מקומו אים׃
18Boqorkii Ashuurow, adhijirradaadii lulo baa haysa, geesiyaashaadii way nasanayaan, dadkaagii wuxuu ku kala firidhsan yahay buuraha dushooda, oo wax iyaga soo ururiyana lama arko.Nabarkaagu bogsan maayo, dhaawacaaguna aad buu u xun yahay, oo kuwa warkaaga maqla oo dhammuba way kugu sacab tumaan, waayo, bal waa kuma kan aanay xumaantaadu had iyo goorba gaadhin?
18נמו רעיך מלך אשור ישכנו אדיריך נפשו עמך על ההרים ואין מקבץ׃
19Nabarkaagu bogsan maayo, dhaawacaaguna aad buu u xun yahay, oo kuwa warkaaga maqla oo dhammuba way kugu sacab tumaan, waayo, bal waa kuma kan aanay xumaantaadu had iyo goorba gaadhin?
19אין כהה לשברך נחלה מכתך כל שמעי שמעך תקעו כף עליך כי על מי לא עברה רעתך תמיד׃