1Waxaa iska hoogtay magaalada caasiyowday oo nijaasowday oo wax dulunta!
1הוי מראה ונגאלה העיר היונה׃
2Iyadu codkii ma ay addeecin, oo edbintiina ma ay aqbalin, oo Rabbiga iskuma ay hallayn, oo Ilaahna kuma ay soo dhowaan.
2לא שמעה בקול לא לקחה מוסר ביהוה לא בטחה אל אלהיה לא קרבה׃
3Amiirradeeda iyada dhex jooga waa sida libaaxyo ciyaya, xaakinnadeeduna waa sida yeey habeennimo oo aan waxba tan iyo aroortii reebin.
3שריה בקרבה אריות שאגים שפטיה זאבי ערב לא גרמו לבקר׃
4Nebiyadeedu waa kuwo fudud oo khiyaano badan, oo wadaaddadeediina meeshii quduuska ahayd ayay nijaaseeyeen, oo sharcigiina si xun bay u dhaafeen.
4נביאיה פחזים אנשי בגדות כהניה חללו קדש חמסו תורה׃
5Rabbiga dhexdeeda jooga waa xaq, oo innaba xumaan ma samayn doono, oo caddaaladdiisana aroor kastaba wuu soo saaraa, oo marnaba kama baaqdo, laakiinse caddaaladlaawuhu isma ceebsan yaqaan.
5יהוה צדיק בקרבה לא יעשה עולה בבקר בבקר משפטו יתן לאור לא נעדר ולא יודע עול בשת׃
6Anigu quruumo ayaan baabbi'iyey, oo qalcadahoodiina waa baabba', oo jidadkoodiina cidla baan ka dhigay si aan ciduna u marin, oo magaalooyinkoodiina waa la dumiyey, si aan qofna u joogin oo aan cid keliyuhuna u degganaan.
6הכרתי גוים נשמו פנותם החרבתי חוצותם מבלי עובר נצדו עריהם מבלי איש מאין יושב׃
7Waxaan idhi, Sida xaqiiqada ah waad iga cabsan doontaa, oo edbin baad aqbali doontaa. Markaas hoygeedu uma uu baabbe'een sidii aan iyada u goostay. Laakiinse aroor horay keceen oo falimahoodii oo dhan way xumeeyeen.
7אמרתי אך תיראי אותי תקחי מוסר ולא יכרת מעונה כל אשר פקדתי עליה אכן השכימו השחיתו כל עלילותם׃
8Haddaba i suga, ayaa Rabbigu leeyahay, ilaa maalinta aan ugaadhsade u soo kici doono, waayo, waxaan ku talojiraa inaan quruumaha isu soo ururiyo oo aan boqortooyooyinka isu soo shiriyo, si aan korkooda ugu shubo dhirifkayga iyo xataa xanaaqayga kulul oo dhan, waayo, dhulka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradayda.
8לכן חכו לי נאם יהוה ליום קומי לעד כי משפטי לאסף גוים לקבצי ממלכות לשפך עליהם זעמי כל חרון אפי כי באש קנאתי תאכל כל הארץ׃
9Waayo, markaas ayaan dadyowga siin doonaa af daahir ah, si ay kulligood magaca Rabbiga ugu yeedhaan, oo ay isaga ugu adeegaan isku niyad keliya.
9כי אז אהפך אל עמים שפה ברורה לקרא כלם בשם יהוה לעבדו שכם אחד׃
10Kuwa i barya oo ah dadkayga firidhsan waxay webiyaasha Itoobiya shishadooda ka keeni doonaan qurbaankayga.
10מעבר לנהרי כוש עתרי בת פוצי יובלון מנחתי׃
11Wakhtigaas uma aad ceeboobi doontid falimahaaga oo dhan, kuwaas oo aad igaga xadgudubtay, waayo, markaas waxaan dhexdaada ka bixin doonaa kuwaaga kibray oo isfaaninaya, oo adna mar dambe ku madax weynaan maysid buurtayda quduuska ah.
11ביום ההוא לא תבושי מכל עלילתיך אשר פשעת בי כי אז אסיר מקרבך עליזי גאותך ולא תוספי לגבהה עוד בהר קדשי׃
12Laakiinse dhexdaada waxaan uga tegi doonaa dad dhibaataysan oo masaakiin ah, oo iyana magaca Rabbiga ayay isku hallayn doonaan.
12והשארתי בקרבך עם עני ודל וחסו בשם יהוה׃
13Kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay xumaan ma samayn doonaan, beenna ma sheegi doonaan, oo afkoodana innaba carrab khiyaano badan lagama heli doono, waayo, iyagu wax bay quudan doonaan oo way iska jiifsan doonaan, oo waxba iyaga ma cabsiin doonaan.
13שארית ישראל לא יעשו עולה ולא ידברו כזב ולא ימצא בפיהם לשון תרמית כי המה ירעו ורבצו ואין מחריד׃
14Magaalada Siyoonay, gabay, reer binu Israa'iilow, qayliya, Magaalada Yeruusaalemay, farax oo qalbiga oo dhan ku reyree.
14רני בת ציון הריעו ישראל שמחי ועלזי בכל לב בת ירושלם׃
15Rabbigu wuxuu qaaday xukummadaadii, oo cadowgaagiina wuu tuuray. Boqorkii reer binu Israa'iil oo Rabbiga ah ayaa dhexdaada jooga, oo mar dambe shar ka baqi maysid.
15הסיר יהוה משפטיך פנה איבך מלך ישראל יהוה בקרבך לא תיראי רע עוד׃
16Wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu odhan doonaa, Ha cabsan, Siyoonay, yaan gacmahaagu debcin.
16ביום ההוא יאמר לירושלם אל תיראי ציון אל ירפו ידיך׃
17Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa dhexdaada jooga, isagu waa mid xoog badan oo ku badbaadin doona. Farxad buu kuugu rayrayn doonaa, oo wuxuu ku nasan doonaa jacaylkiisa, oo gabay buu kuugu farxi doonaa.
17יהוה אלהיך בקרבך גבור יושיע ישיש עליך בשמחה יחריש באהבתו יגיל עליך ברנה׃
18Waxaan soo ururin doonaa kuwaagii laga masaafuriyey oo haatan u murugaysan shirka quduuska ah, kuwaasoo culaabta kor saaranu ay cay ahayd.
18נוגי ממועד אספתי ממך היו משאת עליה חרפה׃
19Bal eeg, wakhtigaas anigaa la macaamiloon doona kuwa ku dhiba oo dhan, oo waan badbaadin doonaa kuwa dhutiya, oo kuwii la eryayna waan soo ururin doonaa, oo kuwii ceebtoodu ay wada gaadhay dhulka oo dhan ayaan u yeeli doonaa ammaan iyo magac.Oo wakhtigaas waan idin soo gelin doonaa gudaha, oo wakhtigaas waan idin soo ururin doonaa, waayo, dadyowga dunida jooga oo dhan waxaan idiinku dhex yeeli doonaa magac iyo ammaan, markaan maxaabiistiinnii oo dhan hortiinna ku soo celiyo, ayaa Rabbigu leeyahay.
19הנני עשה את כל מעניך בעת ההיא והושעתי את הצלעה והנדחה אקבץ ושמתים לתהלה ולשם בכל הארץ בשתם׃
20Oo wakhtigaas waan idin soo gelin doonaa gudaha, oo wakhtigaas waan idin soo ururin doonaa, waayo, dadyowga dunida jooga oo dhan waxaan idiinku dhex yeeli doonaa magac iyo ammaan, markaan maxaabiistiinnii oo dhan hortiinna ku soo celiyo, ayaa Rabbigu leeyahay.
20בעת ההיא אביא אתכם ובעת קבצי אתכם כי אתן אתכם לשם ולתהלה בכל עמי הארץ בשובי את שבותיכם לעיניכם אמר יהוה׃