1Oo iyana sanduuqii Ilaah gudahay soo geliyeen, oo dhex dhigeen teendhadii Daa'uud u dhisay, oo waxay Ilaah hortiisa ku bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.
1Taip jie atnešė Dievo skrynią ir, padėję ją į palapinę, kurią Dovydas jai paruošė, aukojo deginamąsias bei padėkos aukas Dievo akivaizdoje.
2Oo Daa'uudna markuu dhammeeyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaannadii nabaadiinada ee uu bixinayay ayuu dadkii ugu duceeyey magicii Rabbiga.
2Dovydas, baigęs aukoti deginamąsias ir padėkos aukas, palaimino tautą Viešpaties vardu
3Oo markaasuu reer binu Israa'iil oo dhan, nin iyo naagba, mid kasta siiyey xabbad kibis ah, iyo cad hilib ah, iyo fud sabiib ah.
3ir išdalino visiems izraelitams, vyrams bei moterims, kiekvienam po duonos kepalą, mėsos gabalą ir vynuogių pyragaitį.
4Oo kuwii reer Laawi qaarkoodna wuxuu u doortay inay ka adeegaan sanduuqa Rabbiga hortiisa, iyo inay xusuustaan oo ku mahad naqaan oo ammaanaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,
4Dalį levitų Dovydas paskyrė tarnauti prieš Viešpaties skrynią, kad garbintų, dėkotų ir šlovintų Viešpatį, Izraelio Dievą.
5kuwaasoo ahaa Aasaaf oo kii kowaad ahaa, iyo Sekaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yecii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Matityaah, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo haysan jiray shareerado iyo kataarado, oo Aasaafna wuxuu aad uga dhawaajin jiray suxuun laysku garaaco.
5Asafą paskyrė vyriausiuoju, po joZachariją, Jejelį, Šemiramotą, Jehielį, Matitiją, Eliabą, Benają, Obed Edomą; Jejelį paskyrė groti arfomis ir psalteriais, o Asafas skambino cimbolais.
6Oo Benaayaah iyo Yaxasii'eel oo wadaaddo ahaana turumbooyin ayay had iyo goorba ku haysan jireen sanduuqii axdiga Ilaah hortiisa.
6Kunigą Benają ir Jahazielį paskyrė nuolat trimituoti prie Dievo Sandoros skrynios.
7Oo maalintaas ayaa Daa'uud markii ugu horraysay ku amray inay Aasaaf iyo walaalihiis Rabbiga ku mahad naqaan.
7Tą dieną Dovydas pirmą kartą pamokė Asafą su broliais dėkoti Viešpačiui šia giesme:
8Rabbiga ku mahad naqa, oo magiciisa ku barya, Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.
8“Dėkokite Viešpačiui, šaukitės Jo vardo. Skelbkite tautose Jo darbus.
9Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.
9Giedokite Jam, skambinkite Jam. Garsinkite visus Jo stebuklus.
10Ku faana magiciisa quduuska ah, Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.
10Didžiuokitės Jo šventu vardu. Tegul džiaugiasi širdis tų, kurie ieško Viešpaties.
11Rabbiga iyo xooggiisa doondoona, Oo weligiinba wejigiisa doondoona.
11Ieškokite Viešpaties ir Jo jėgos. Ieškokite nuolat Jo veido.
12Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey, Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,
12Atsiminkite Jo nuostabius darbus, kuriuos Jis yra padaręs, Jo stebuklus ir Jo lūpų tartus sprendimus.
13Kuwiinna farcanka addoonkiisii Israa'iilow, Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow.
13Jūs, Jo tarno Izraelio palikuonys, Jokūbo vaikai, Jo išrinktieji.
14Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah, Xukummadiisiina waxay ku jiraan dhulka oo dhan.
14Jis yra Viešpats, mūsų Dievas, visoje žemėje galioja Jo sprendimai.
15Bal idinku weligiin xusuusta axdigiisa, Kaasoo ah hadalkiisii uu dadkii kun qarni ku amray;
15Atsiminkite per amžius Jo sandorą, žodį, kurį Jis įsakė tūkstančiui kartų,
16Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,
16sandorą, kurią Jis padarė su Abraomu, ir priesaiką, duotą Izaokui.
17Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub, Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,
17Jis patvirtino ją Jokūbui įstatymu ir Izraeliui amžina sandora,
18Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna,
18sakydamas: ‘Aš tau duosiu Kanaano šalį, tavo paveldėjimo dalį’.
19Markaad dad tiro yar ahaydeen, Oo aad aad u yaraydeen, qariibna dalka ku ahaydeen.
19Jie buvo negausūs skaičiumi, tik ateiviai joje.
20Oo iyaguna quruunba quruun bay uga baxeen. Oo intay boqortooyo ka tageen ayay dad kale u gudbeen.
20Jie keliavo iš tautos į tautą, iš vienos karalystės į kitą.
21Isagu ninna uma oggolaanin inuu wax yeelo, Haah, oo daraaddood ayuu boqorro u canaantay,
21Jis niekam neleido jų skriausti, sudrausdavo karalius dėl jų:
22Oo wuxuu ku yidhi, Ha taabanina kuwayga subkan, Oo nebiyadaydana waxba ha yeelina.
22‘Nelieskite mano pateptųjų ir mano pranašams nedarykite pikto’.
23Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya, Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.
23Visos šalys, giedokite Viešpačiui, kiekvieną dieną skelbkite Jo išgelbėjimą,
24Ammaantiisana quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulladiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.
24apsakykite pagonims Jo garbę ir Jo stebuklus visoms tautoms.
25Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano, Isaga waa in laga cabsado in ka sii badan ilaahyada oo dhan.
25Didis yra Viešpats ir didžiai girtinas, bijotinas labiausiai iš visų dievų.
26Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo, Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.
26Visi tautų dievai yra stabai, bet Viešpats sukūrė dangų.
27Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin, Xoog iyo farxaduna meeshiisay ku jiraan.
27Šlovė ir garbė Jo akivaizdoje, galia ir džiaugsmas su Juo.
28Dadka qolooyinkiisow, Rabbiga ammaana, Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog.
28Pripažinkite Viešpačiui, tautų giminės, pripažinkite Viešpačiui garbę ir galybę!
29Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay, Qurbaan u keena, oo hortiisa kaalaya, Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada,
29Atiduokite Viešpačiui šlovę, priderančią Jo vardui, atneškite auką ir ateikite pas Jį. Garbinkite Viešpatį šventumo grožyje.
30Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira. Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.
30Visa žemė tesudreba prieš Jį! Tvirtai stovi pasaulis.
31Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo, Oo quruumaha dhexdooda ha laga yidhaahdo, Rabbigu waa boqor.
31Tesilinksmina dangūs ir tedžiūgauja žemė. Tegul skamba tautose: ‘Viešpats karaliauja!’
32Badda iyo waxa ka buuxaba ha guuxeen, Berriga iyo waxa ku jira oo dhammuna ha farxeen,
32Tegul jūra šniokščia ir visa, kas joje! Tegul linksminasi laukai ir visa, kas juose!
33Oo markaasay dhirta duurka Rabbiga hortiisa ku gabyi doonaan farxad daraaddeed, Waayo, isagu waa u imanayaa inuu dhulka xukumo.
33Tada miško medžiai giedos Viešpaties akivaizdoje, nes Jis ateina žemės teisti.
34Rabbiga ku mahad naqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna way sii waartaa weligeedba.
34Dėkokite Viešpačiui, nes Jis geras ir Jo gailestingumas amžinas.
35Oo waxaad tidhaahdaan, Ilaaha badbaadadayadow, Na badbaadi, Oo na soo wada ururi oo quruumahana naga samatabbixi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahad naqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.
35Sakykite: ‘Išvaduok mus, Dieve, mūsų gelbėtojau! Surink mus ir išlaisvink iš pagonių, kad dėkotume Tavo šventam vardui ir girtumėmės Tavo šlove’.
36Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Tan iyo weligiis iyo weligiisba. Markaasaa dadkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Aamiin, oo Rabbigay ammaaneen.
36Garbė Viešpačiui, Izraelio Dievui, per amžių amžius”. Visa tauta tarė: “Amen”, ir šlovino Viešpatį.
37Kolkaasuu halkaas sanduuqii axdiga Rabbiga hortiisa kaga tegey Aasaaf iyo walaalihiis inay had iyo goor ka adeegaan sanduuqa hortiisa sidii maalin walba shuqulkeeda loo doonayay,
37Taigi jis paliko Asafą ir jo brolius nuolat tarnauti priešais Viešpaties Sandoros skrynią, atliekant kasdienę tarnystę,
38isaga iyo Cobeed Edoom oo ay la jiraan siddeed iyo lixdan nin oo walaalahood ah, oo weliba Cobeed Edoom oo ahaa ina Yeduutuun iyo Xosaahna wuxuu uga tegey inay ahaadaan iridjoogayaal.
38taip pat Obed Edomą bei jo brolius, šešiasdešimt aštuonis; Obed Edomas, Jedutūno sūnus ir Hosa buvo vartininkai.
39Oo wadaadkii Saadooq iyo wadaaddadii walaalihiis ahaana wuxuu kaga hor tegey taambuuggii Rabbiga oo ku yiil meeshii sare oo Gibecoon,
39Kunigą Cadoką ir jo brolius kunigus paskyrė prie Viešpaties palapinės Gibeono aukštumoje
40in had iyo goor subax iyo habeenba meeshii qurbaanka la gubo ay Rabbiga ugu dul bixiyaan qurbaanno la gubo kuwaasoo ahaa sidii dhammaan waxa ku qoran sharciga Rabbiga, oo uu reer binu Israa'iil ku amray.
40nuolat, rytą ir vakare, aukoti Viešpačiui deginamąsias aukas ant deginamųjų aukų aukuro ir daryti visa, kas parašyta Viešpaties įstatyme, kurį Jis davė Izraeliui.
41Oo wuxuu kaloo la reebay Heemaan iyo Yeduutuun iyo kuwii kaloo la doortay oo loo magacaabay inay Rabbiga ku mahad naqaan, maxaa yeelay, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
41Hemaną, Jedutūną ir kitus, pašauktus vardais, paskyrė dėkoti Viešpačiui, nes Jo gailestingumas amžinas.
42Oo waxaa iyaga la jiray Heemaan iyo Yeduutuun oo haystay turumbooyin iyo suxuun laysku garaaco oo ay leeyihiin kuwa aad wax uga dhawaajiya, iyo alaabtii lagu qaadi jiray gabayadii Ilaah, oo ilma Yeduutuunna wuxuu kaga tegey inay iridda joogaan.Markaasaa dadkii oo dhan qof waluba gurigiisii tegey, oo Daa'uudna wuxuu u noqday inuu reerkiisii u duceeyo aawadeed.
42Hemanas ir Jedutūnas turėjo trimitus, cimbolus ir kitus instrumentus giesmėms pritarti. Jedutūno sūnūs buvo paskirti vartininkais.
43Markaasaa dadkii oo dhan qof waluba gurigiisii tegey, oo Daa'uudna wuxuu u noqday inuu reerkiisii u duceeyo aawadeed.
43Po to visi išsiskirstė į savo namus; Dovydas sugrįžo palaiminti savo namiškių.