Somali

Lithuanian

1 Chronicles

29

1Markaasaa Boqor Daa'uud shirkii oo dhan ku yidhi, Wiilkayga Sulaymaan oo Ilaahu keligiis doortay, weli wuu yar yahay, waana tabar daranyahay, oo shuqulkuna waa weyn yahay, waayo, guriga nin loo dhisi maayo, laakiinse waxaa loo dhisayaa Rabbiga Ilaaha ah.
1Karalius Dovydas tarė izraelitams: “Mano sūnus Saliamonas, kurį Dievas išsirinko, dar jaunas ir nepatyręs, o darbas­didelis, nes rūmai ne žmogui, bet Viešpačiui Dievui.
2Haddaba xooggaygii oo dhan ayaan gurigii Ilaahayga u diyaarshay dahabka laga sameeyo alaabta dahabka, iyo lacagta laga sameeyo alaabta lacagta ah, iyo naxaasta laga sameeyo alaabta naxaasta ah, iyo birta laga sameeyo alaabta birta ah, iyo qoriga laga sameeyo alaabta qoriga ah, iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyada la dejiyo oo wax lagu qurxiyo oo midabyo kala cayncayn ah, iyo cayn kasta oo dhagaxyo qaaliya ah, iyo dhagaxyo badan oo marmar ah.
2Iš visų jėgų paruošiau aukso Dievo namų auksiniams reikmenims, sidabro­sidabriniams, vario­variniams, geležies­geležiniams, medžio­mediniams; taip pat onikso ir spalvotų akmenų mozaikai, įvairių brangių akmenų ir gausybę marmuro.
3Oo weliba anigu aad baan u jeclahay guriga Ilaahayga, oo taas daraaddeed waxaan guriga Ilaahayga siinayaa khasnad mulkigayga ah oo dahab iyo lacag ah, taasoo aan ku jirin wixii aan u diyaariyey gurigii quduuska ah,
3Be to, Dievo namams aš pridedu iš savo nuosavybės aukso ir sidabro:
4waxa weeye saddex kun oo talanti oo dahab ah oo weliba ah dahabkii Oofir, iyo toddoba kun oo talanti oo ah lacag la safeeyey, in lagu dahaadho guryaha derbiyadoodii oo dhan,
4tris tūkstančius talentų Ofyro aukso, septynis tūkstančius talentų valyto sidabro sienoms aptraukti,
5iyo in dahab laga sameeyo alaab dahab ah, iyo in lacag laga sameeyo alaab lacag ah, iyo shuqul kasta oo ay kuwa sancada yaqaan gacmahooda ku qabtaan. Haddaba yaa raalli ka ah oo maantadan nafsaddiisa Rabbiga u bixinaya?
5aukso auksiniams ir sidabro sidabriniams dirbiniams, kuriuos padarys meistrai. Kas iš jūsų šiandien laisva valia norėtų aukoti Viešpačiui?”
6Markaas amiirradii reeraha iyo amiirradii qabiilooyinka reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyey, iyo kuwii boqol boqol u taliyey, iyo taliyayaashii boqorka hawshiisa xukumi jirayba waxay bixiyeen wax ay raalli ka yihiin.
6Izraelio giminių ir šeimų vadai, tūkstantininkai, šimtininkai bei karaliaus darbų vyriausieji prievaizdai aukojo dosniai
7Oo adeegidda guriga Ilaah daraaddeed waxay u bixiyeen shan kun oo talanti iyo toban kun oo dirham oo dahab ah, iyo toban kun oo talanti oo lacag ah, iyo siddeed iyo toban kun oo talanti oo naxaas ah, iyo boqol kun oo talanti oo bir ah.
7ir davė Dievo namų statybai penkis tūkstančius talentų aukso ir dešimt tūkstančių auksinių monetų; dešimt tūkstančių talentų sidabro, aštuoniolika tūkstančių talentų vario ir šimtą tūkstančių talentų geležies.
8Oo kuwii dhagxanta qaaliga ah laga helayna waxay siiyeen khasnaddii guriga Rabbiga, waxaana loo dhiibay gacantii Yexii'eel oo ahaa reer Gershoon.
8Kas turėjo brangių akmenų, atidavė juos Viešpaties namų iždui, geršono Jehielio globon.
9Markaasaa dadkii aad ugu farxay raallinimadii ay raalligooda wax ku bixiyeen aawadeed, maxaa yeelay, iyagu qalbi qumman ayay Rabbiga wax ugu bixiyeen iyagoo raalli ka ah, oo Boqor Daa'uudna farxad weyn buu farxay.
9Tauta džiaugėsi, nes jie aukojo Viešpačiui dosniai ir tobula širdimi, ir karalius Dovydas tuo taip pat labai džiaugėsi.
10Haddaba sidaas daraaddeed ayaa Daa'uud Rabbiga ku ammaanay shirkii oo dhan hortiisa, oo yidhi, Rabbiyow, awowgayo Israa'iil Ilaahiisiiyow, weligaa iyo weligaaba ammaanu ha kuu ahaato.
10Dovydas garbino Viešpatį susirinkusiųjų akivaizdoje ir tarė: “Garbė Tau per amžius, Viešpatie, mūsų tėvo Izraelio Dieve!
11Rabbiyow, weynaanta, iyo xoogga, iyo ammaanta, iyo guusha, iyo haybaddaba adigaa iska leh, waayo, waxa samada ku jira oo dhan iyo waxa dhulka saaranba adigaa iska leh. Rabbiyow, boqortooyada adigaa iska leh, oo adiga waxaa laguu sarraysiiyaa sidii madax wax kasta ka sarreeya.
11Tavo, Viešpatie, yra didybė ir galybė, ir pergalė, ir šlovė, ir išaukštinimas, nes Tau priklauso visa danguje ir žemėje. Viešpatie, Tavo yra karalystė ir Tu esi valdovas virš visko.
12Oo maal iyo sharafuba xaggaagay ka yimaadaan, oo wax kasta adigaa u taliya, oo gacantaadana waxaa ku jira xoog iyo itaal, oo gacantaada weeye midda wax weynayn karta oo qof kastaba xoog siin karta.
12Iš Tavęs ateina turtai ir garbė, Tu viskam karaliauji. Tavo rankoje yra jėga ir galybė, Tu gali išaukštinti ir suteikti stiprybės.
13Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaahayagiiyow, waannu kugu mahad naqaynaa, oo magacaaga haybadda badanna waannu ammaanaynaa.
13Mūsų Dieve, mes dėkojame Tau ir giriame Tavo šlovingą vardą.
14Laakiinse bal anigu yaan ahay, dadkayguse waa ayo, inaan annagu awoodno inaan sidan wax u bixinno annagoo raalli ka ah? Waayo, wax kastaaba xaggaagay ka yimaadeen, oo annana waxaagii baan wax ka siinnay.
14Kas esu aš ir kas mano tauta, kad mes galėtume taip dosniai aukoti Tau? Juk iš Tavęs ateina viskas, o mes tik atiduodame, ką gavome iš Tavęs.
15Waayo, annagu hortaada waxaannu ku nahay shisheeyayaal sodcaal ah, sidii awowayaashayo oo dhammu ay ahaan jireen, oo cimrigayaga aan dhulka joognaana waa sida hoos oo kale, oo wax la filayaana ma jiro.
15Mes esame svetimi ir ateiviai Tavo akivaizdoje, kaip buvo ir mūsų tėvai. Mūsų dienos žemėje kaip šešėlis ir nė vienas nepasiliekame.
16Rabbiyow Ilaahayagiiyow, kaydkan aannu u diyaarinnay inaan guri ugu dhisno magacaaga quduuska ah dhammaantiis wuxuu ka yimid gacantaada oo kulligiisna adigaa iska leh.
16Viešpatie, mūsų Dieve, visa, ką mes šiandien aukojame Tavo namams, Tavo šventajam vardui, ateina iš Tavęs ir yra Tavo!
17Weliba waan ogahay, Ilaahayow, inaad qalbiga imtixaantid, oo aad qummanaanta ku faraxdid. Oo aniguna iyadoo qalbigaygu qumman yahay ayaan waxyaalahan oo dhan bixiyey anigoo raalli ah, oo haddana farxad baan ku arkay dadkaaga halkan jooga oo wax bixinaya iyagoo raalli ah.
17Mano Dieve, žinau, kad Tu ištiri žmonių širdis ir mėgsti nuoširdumą. Aš visa tai paaukojau iš tyros širdies ir matau, kad čia esanti tauta aukoja Tau su džiaugsmu ir noriai.
18Rabbiyow, awowayaashayo Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil Ilaahoodiiyow, weligaaba saas ka yeel malayaasha fikirrada qalbiga dadkaaga, oo qalbigoodana xaggaaga u soo toosi.
18Viešpatie, mūsų tėvų Abraomo, Izaoko ir Jokūbo Dieve, išlaikyk savo tautos širdžių nusistatymą tokį, koks jis šiandien, kad jie liktų Tau ištikimi.
19Oo wiilkayga Sulaymaanna waxaad siisaa qalbi qumman oo uu ku dhawro amarradaada iyo markhaatigaaga iyo qaynuunnadaada, inuu waxyaalahan oo dhan sameeyo, iyo inuu dhiso gurigii aan wax u sii diyaarshay.
19O mano sūnui Saliamonui duok tobulą širdį, kad jis laikytųsi Tavo įsakymų, nuostatų bei paliepimų ir pastatytų šventyklą, kuriai paruošiau reikalingų medžiagų”.
20Markaasaa Daa'uud wuxuu shirkii oo dhan ku yidhi, Haddaba Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana. Kolkaasay shirkii oo dhammu ammaaneen Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood, oo intay madaxa foororiyeen ayay u sujuudeen Rabbiga iyo boqorkaba.
20Tuomet Dovydas tarė susirinkusiems: “Garbinkite Viešpatį, savo Dievą”. Susirinkusieji parpuolė ant žemės prieš Viešpatį bei karalių ir garbino Viešpatį, savo tėvų Dievą.
21Oo subaxdii maalintaas ka dambaysay ayay Rabbiga u bixiyeen allabaryo iyo qurbaanno la gubo oo ah kun dibi, iyo kun wan, iyo kun baraar ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, iyo allabaryo tiro badan oo reer binu Israa'iil oo dhan loo bixiyey.
21Kitą dieną jie aukojo Viešpačiui deginamąsias aukas: tūkstantį jaučių, tūkstantį avinų, tūkstantį ėriukų su priklausančiomis geriamosiomis ir padėkos aukomis, kad maisto užtektų visiems izraelitams.
22Oo maalintaas iyagoo aad u faraxsan ayay Rabbiga hortiisa wax ku cuneen oo wax ku cabbeen. Oo Sulaymaan ina Daa'uud ayay mar labaad boqreen, oo isaga Rabbiga ugu subkeen inuu madax ahaado, Saadooqna inuu wadaad ahaado.
22Tą dieną jie valgė ir gėrė Viešpaties akivaizdoje su pakilia nuotaika ir antrą kartą paskelbė karaliumi Dovydo sūnų Saliamoną; jie patepė jį kunigaikščiu Viešpačiui, o Cadoką­kunigu.
23Markaasaa Sulaymaan carshigii Rabbiga ku fadhiistay isagoo jagadii aabbihiis Daa'uud boqor ka ah, wuuna barwaaqoobay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna isagay addeeceen.
23Saliamonas atsisėdo Viešpaties soste kaip karalius savo tėvo Dovydo vieton; jam sekėsi, ir visas Izraelis jo klausė.
24Oo amiirradii oo dhan iyo raggii xoogga badnaa iyo Boqor Daa'uud wiilashiisii kale oo dhammuba Boqor Sulaymaan ayay addeeceen oo ka wada dambeeyeen.
24Visi kunigaikščiai, karžygiai ir visi karaliaus Dovydo sūnūs pakluso karaliui Saliamonui.
25Oo Rabbiguna Sulaymaan aad iyo aad buu ugu weyneeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda, oo wuxuu isaga siiyey boqortooyo haybad leh oo ayan lahaan jirin boqorradii reer binu Israa'iil oo isaga ka horreeyey oo dhammu.
25Viešpats padarė Saliamoną labai didį viso Izraelio akyse ir jam suteikė tokią karališką didybę, kokios neturėjo joks Izraelio karalius iki jo.
26Haddaba Daa'uud ina Yesay wuxuu boqor u ahaan jiray reer binu Israa'iil oo dhan.
26Taip Jesės sūnus Dovydas karaliavo Izraeliui.
27Oo wakhtigii uu reer binu Israa'iil boqor u ahaana wuxuu ahaa afartan sannadood; toddoba sannadood ayuu Xebroon boqor ka ahaa, saddex iyo soddon sannadoodna wuxuu boqor ka ahaa Yeruusaalem.
27Jis karaliavo Izraeliui keturiasdešimt metų; Hebrone jis karaliavo septynerius metus, o Jeruzalėje­trisdešimt trejus metus.
28Oo wuxuu dhintay isagoo oday ah oo ka dhergay cimri, iyo maal, iyo sharafba, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Sulaymaan.
28Jis mirė sulaukęs žilos senatvės, turtingas ir gerbiamas; jo sūnus Saliamonas užėmė jo vietą.
29Haddaba Boqor Daa'uud falimihiisii, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin taariikhdii Samuu'eel oo wax arke ahaa, iyo taariikhdii Nebi Naataan, iyo taariikhdii Gaad oo isna wax arke ahaa.Oo waxaa halkaas ku qoran kulli wakhtiyadii ay soo mareen boqortooyadiisii iyo xooggiisii, iyo wakhtiyadii ay isaga iyo reer binu Israa'iil, iyo boqortooyooyinkii waddammada oo dhammuba soo mareen.
29Karaliaus Dovydo darbai nuo pradžios iki galo yra užrašyti regėtojo Samuelio, pranašo Natano ir regėtojo Gado knygose.
30Oo waxaa halkaas ku qoran kulli wakhtiyadii ay soo mareen boqortooyadiisii iyo xooggiisii, iyo wakhtiyadii ay isaga iyo reer binu Israa'iil, iyo boqortooyooyinkii waddammada oo dhammuba soo mareen.
30Ten aprašyta jo viešpatavimas, galybė ir visa, kas atsitiko jam ir Izraeliui bei kitoms karalystėms.