1Sidaas daraaddeed Daa'uud halkaas wuu ka tegey oo wuxuu u baxsaday xagga bohoshii Cadullaam, oo markii walaalihiis iyo reerkii aabbihiis oo dhammu ay taas maqleen ayay halkaas isagii ugu tageen.
1Dovydas, išėjęs iš ten, pabėgo į Adulamo olą. Tai išgirdę, jo broliai ir visi tėvo namai atėjo pas jį.
2Oo mid kasta oo cidhiidhi ku jira, iyo mid kasta oo deyn qaba, iyo mid kasta oo aan raalli ahaynba isagay isu soo urursadeen, oo isna wuxuu u noqday madax u taliya, oo waxaa isaga la joogay in ku dhow afar boqol oo nin.
2Žmonės, kurie buvo prislėgti, prasiskolinę ir nepatenkinti, rinkosi pas Dovydą; jis tapo jų viršininku. Su juo buvo apie keturis šimtus vyrų.
3Markaasaa Daa'uud halkaas ka tegey oo Misfaahdii reer Moo'aab u kacay; oo wuxuu boqorkii reer Moo'aab ku yidhi, Waan ku baryayaaye, aabbahay iyo hooyaday ha soo baxeen oo ha kula joogeen, ilaa aan ogaado waxa Ilaah ii samaynayo.
3Iš ten Dovydas nuėjo į Moabo Micpą. Ir jis sakė Moabo karaliui: “Prašau, leisk mano tėvui ir motinai apsistoti pas jus, kol sužinosiu, ką Dievas darys su manimi”.
4Oo wuxuu iyagii hor keenay boqorkii reer Moo'aab, oo isagay la joogeen intii Daa'uud dhufayska ku jiray oo dhan.
4Jis paliko tėvus pas Moabo karalių; jie gyveno pas jį, kol Dovydas buvo tvirtovėje.
5Markaasaa Nebi Gaad wuxuu Daa'uud ku yidhi, Dhufayska ha ku sii jirine bax oo waxaad tagtaa dalka Yahuudah. Markaasaa Daa'uud tegey, oo wuxuu yimid kayntii Xaared.
5Pranašas Gadas tarė Dovydui: “Nepasilik kalnų tvirtovėje. Keliauk į Judo žemę”. Dovydas išėjo ir atėjo į Hereto mišką.
6Markaasaa Saa'uul wuxuu maqlay in Daa'uud iyo raggii la jirayba la soo arkay; oo Saa'uulna wuxuu joogay Gibecaah, isagoo hoos fadhiya geed Raamaah ku yaal, oo warankiisiina gacanta ugu jiro, addoommadiisii oo dhammuna hareero taagan yihiin.
6Saulius sužinojo, kad pasirodė Dovydas ir jo būrys. Tuo metu Saulius sėdėjo Gibėjos aukštumoje po medžiu, laikydamas ietį rankoje; visi jo tarnai stovėjo aplink jį.
7Kolkaasaa Saa'uul wuxuu ku yidhi addoommadiisii hareerahiisa taagnaa, Bal maqla hadda, kuwiinnan reer Benyaamiinow, wiilka Yesay miyuu midkiin kastaba siinayaa beero iyo beero canab ah, oo miyuu kulligiin idinka wada dhigi doonaa kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya?
7Jis tarė savo tarnams: “Benjaminai, klausykite. Ar Jesės sūnus duos jums visiems laukų bei vynuogynų ir jus padarys tūkstantininkais ir šimtininkais,
8Ma saasaad kulligiin iigu heshiiseen, oo uu midkiinna iigu soo sheegi waayay markii wiilkaygu axdi la dhiganayay wiilka Yesay, oo uu midkiinna ii nixi waayay, wuuna iigu soo sheegi waayay in wiilkaygu igu kiciyey addoonkayga inuu i gaado sida maanta oo kale?
8kad jūs visi susimokėte prieš mane ir nebuvo nė vieno, kuris praneštų man, kad mano sūnus yra susitaręs su Jesės sūnumi? Tarp jūsų nėra nė vieno, kuris būtų manęs gailėjęsis ir man pranešęs, kad mano sūnus sukurstė mano tarną tykoti manęs, kaip šiandien matome”.
9Markaasaa waxaa jawaabay Do'eeggii reer Edom oo ag taagnaa Saa'uul addoommadiisa, oo wuxuu yidhi, Waxaan arkay wiilkii Yesay oo Nob ku soo socda oo u yimid Axiimeleg ina Axiituub.
9Tada edomitas Doegas, stovėjęs su Sauliaus tarnais, tarė: “Aš mačiau Jesės sūnų Nobe pas Ahitubo sūnų Ahimelechą,
10Oo isna Rabbiguu wax u weyddiiyey, oo saadna wuu siiyey, oo seeftii Goli'adkii reer Falastiinna wuu siiyey.
10kuris atsiklausė Viešpaties dėl jo, davė jam maisto ir filistino Galijoto kardą”.
11Kolkaasaa boqorku u cid diray in loo yeedho wadaadkii Axiimeleg ee ahaa ina Axiituub, isagii iyo reerkii aabbihiis oo dhanba, kuwaas oo ahaa wadaaddadii Nob joogay; oo iyana kulligood boqorkii bay u yimaadeen.
11Saulius pakvietė Ahitubo sūnų kunigą Ahimelechą ir visus jo tėvo namus, kunigus, buvusius Nobe. Jie visi atėjo pas Saulių.
12Markaasaa Saa'uul ku yidhi, Bal hadda maqal, ina Axiituubow. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Sayidkaygiiyow, waa i kan.
12Saulius tarė: “Paklausyk, Ahitubo sūnau”. Tas atsiliepė: “Aš čia, mano valdove”.
13Kolkaasaa Saa'uul ku yidhi, Maxaad iigu heshiiseen, adiga iyo ina Yesay, oo maxaad u siisay kibista iyo seefta, oo Ilaahna wax ugu weyddiisay si uu iigu kaco inuu i gaado sida maanta oo kale?
13“Kodėl tu ir Jesės sūnus susitarėte prieš mane? Tu davei jam duonos, kardą ir klausei Dievą dėl jo, kad jis tykotų manęs, kaip šiandien matome”.
14Markaasaa Axiimeleg wuxuu boqorkii ugu jawaabay, Bal yaa addoommadaada ka mid ah oo sida Daa'uud aamin u ah, kaasoo boqorku soddog u yahay, oo weliba shirkaaga ka qayb gala, oo reerkaagana sharaf ku leh?
14Ahimelechas tarė karaliui: “Kuris iš tavo tarnų yra toks ištikimas, kaip Dovydas, karaliaus žentas, einąs ten, kur tu liepi, ir gerbiamas tavo namuose?
15Anigu ma maantaan bilaabay inaan isaga Ilaah wax u weyddiiyo? Taasu ha iga fogaato. Anigu waxan oo dhan waxba kama ogi wax yar iyo wax badan toona, haddaba, boqorow, anigoo addoonkaaga ah iyo reerka aabbahay oo dhanba waxba ha na saarin.
15Argi aš tik tada pradėjau klausti Dievą dėl jo? Tebūna tai toli nuo manęs. Nekaltink, karaliau, savo tarno ir mano tėvo namų, nes tavo tarnas nežinojo apie tai nei daug, nei mažai”.
16Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Axiimelegow, hubaal waad dhimanaysaa adiga iyo reerka aabbahaa oo dhammuba.
16Karalius tarė: “Tu, Ahimelechai, ir visi tavo tėvo namai neišvengsite mirties”.
17Dabadeedna boqorkii wuxuu waardiyayaashii hareerihiisa taagnaa ku yidhi, Ku jeesta oo wadaaddada Rabbiga laaya, maxaa yeelay, gacantoodu Daa'uud bay la jirtaa, oo iyagoo og inuu baxsaday ayayan ii soo sheegin, laakiinse boqorka addoommadiisii way diideen inay gacantooda ku fidiyaan oo laayaan wadaaddadii Rabbiga.
17Karalius įsakė savo sargybai: “Nužudykite Viešpaties kunigus, nes jie yra su Dovydu; jie žinojo, kad jis pabėgo, bet man nepranešė”. Bet karaliaus tarnai nenorėjo žudyti Viešpaties kunigų.
18Markaasaa boqorkii Do'eeg ku yidhi, Adigu ku jeeso oo wadaaddada laa. Do'eeggii reer Edomna wuu ku jeestay oo wadaaddadii laayay, oo maalintaas wuxuu laayay shan iyo siddeetan qof oo wada qaba eefod dhar wanaagsan laga sameeyey.
18Tada karalius tarė Doegui: “Eik tu ir nužudyk kunigus”. Tą dieną edomitas Doegas puolė ir nužudė aštuoniasdešimt penkis vyrus, nešiojusius lininį efodą.
19Oo magaaladii wadaaddada oo Nob ahaydna wixii joogay ayuu seef ku laayay. Rag iyo dumarba, iyo carruur iyo caanonuugba, iyo dibi iyo dameerro iyo idoba wuxuu ku wada laayay seef.
19Nobe jis kardu išžudė vyrus, moteris, vaikus, kūdikius, taip pat jaučius, asilus ir avis.
20Oo waxaa ka baxsaday oo Daa'uud ka daba cararay mid ka mid ah wiilashii Axiimeleg ina Axiituub, magiciisana la odhan jiray Aabyaataar.
20Ištrūko tik Abjataras, Ahitubo sūnaus Ahimelecho sūnus, ir pabėgo pas Dovydą.
21Markaasaa Aabyaataar wuxuu Daa'uud u sheegay in Saa'uul laayay wadaaddadii Rabbiga.
21Abjataras pranešė Dovydui, kad Saulius išžudė Viešpaties kunigus.
22Kolkaasaa Daa'uud Aabyaataar ku yidhi, Maalintii Do'eeggii reer Edom halkaas joogay, waan garanayay inuu Saa'uul u sheegi doono. Dadkii reerka aabbahaa oo dhan anigaa dhimashada u soo jiiday.Haddaba aniga ila joog oo ha cabsan, maxaa yeelay, kii naftayda doona ayaa naftaadana doonaya, waayo, ammaan waad igula joogi doontaa.
22Dovydas tarė Abjatarui: “Pamatęs ten stovintį edomitą Doegą, aš žinojau, kad jis tikrai praneš Sauliui. Aš kaltas, kad žuvo tavo tėvo giminės.
23Haddaba aniga ila joog oo ha cabsan, maxaa yeelay, kii naftayda doona ayaa naftaadana doonaya, waayo, ammaan waad igula joogi doontaa.
23Pasilik pas mane, nebijok. Kas ieško mano gyvybės, ieško ir tavo. Bet su manimi tu esi saugus”.