Somali

Lithuanian

2 Chronicles

15

1Markaasaa Ruuxii Ilaah wuxuu ku soo degay Casaryaah oo ahaa ina Codeed,
1Dievo Dvasia nužengė ant Odedo sūnaus Azarijo.
2oo intuu u soo baxay inuu Aasaa ka hor tago ayuu ku yidhi, Aasaa, iyo dadkii Yahuudah iyo Benyaamiin oo dhammow, i maqla. Rabbigu wuu idinla jiraa intaad isaga la jirtaan, oo haddaad isaga doondoontaanna waad heli doontaan, laakiinse haddaad isaga ka tagtaan, isna wuu idinka tegi doonaa.
2Jis išėjo pasitikti Asos ir jam tarė: “Karaliau Asa, visas Judai ir Benjaminai, paklausykite manęs! Viešpats yra su jumis, kai jūs esate su Juo, ir jei Jo ieškosite, surasite Jį. Bet jei Jį apleisite, Jis jus apleis.
3Haddaba intii wakhti dheer ah dadka Israa'iil ma ay haysan Ilaaha runta ah, iyo wadaad iyaga wax bara, iyo sharci toona,
3Ilgą laiką Izraelis gyveno be tikro Dievo, be pamokančio kunigo ir be įstatymo.
4laakiinse markay cidhiidhi galeen ayay u soo jeesteen oo doondooneen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, wayna heleen.
4Bet kai jie savo varge atsigręžė į Viešpatį, Izraelio Dievą, ir ieškojo Jo, Jis leidosi jų surandamas.
5Oo waayahaas oo dhanna nabadu uma jirin kii dibadda u baxa iyo kii gudaha soo gala toona, laakiinse dadka dalalka deggan oo dhan waxaa kor saarnaa dhibaatooyin waaweyn.
5Anais laikais nebuvo saugu įeinančiam ir išeinančiam, nes didelis sumišimas visose šalyse vargino gyventojus.
6Oo iyagii way kala burbureen, oo quruumuba quruun bay ka gees noqotay, magaalona magaalay ka gees noqotay, waayo, Ilaah baa ku dhibay cidhiidhi oo dhan.
6Tauta naikino tautą ir miestas miestą, nes Dievas padarė sumaištį tarp jų visomis nelaimėmis.
7Laakiinse idinku xoogaysta oo gacmihiinnu yay debcin, waayo, shuqulkiinna waa laydiinka abaal gudi doonaa.
7O jūs būkite stiprūs ir tenepailsta jūsų rankos. Jums bus atlyginta už jūsų darbus”.
8Oo Aasaana markuu maqlay erayadaas iyo waxsheegiddii Nebi Codeed ayuu sii dhiirranaaday, oo dalka Yahuudah iyo kan Benyaamiin oo dhan iyo magaalooyinkii uu ka qabsaday dalka buuraha leh oo reer Efrayim wuu ka wada fogeeyey karaahiyadii, oo weliba wuxuu cusboonaysiiyey meeshii allabariga ee Rabbiga oo ku hor tiil balbalada Rabbiga.
8Asa, išgirdęs šituos pranašystės žodžius, įsidrąsino ir pašalino pasibjaurėtinus stabus iš Judo ir Benjamino krašto ir iš miestų, kuriuos jis paėmė Efraimo aukštumose. Jis atnaujino Viešpaties aukurą prie Viešpaties šventyklos.
9Markaasuu soo wada shiriyey dadkii Yahuudah iyo dadkii Benyaamiin iyo kuwii iyaga la degganaa oo ka yimid reer Efrayim iyo reer Manaseh iyo reer Simecoonba, waayo, isagay ku soo darmeen iyagoo tiro badan, markay arkeen in Rabbiga Ilaahiisa ahu uu isaga la jiro.
9Jis surinko visus Judo ir Benjamino gyventojus bei ateivius, kurie apsigyveno pas juos, iš Efraimo, Manaso ir Simeono; daugelis iš Izraelio perbėgo pas Asą, pamatę, kad Viešpats, jo Dievas, yra su juo.
10Sidaas daraaddeed waxay ku soo urureen Yeruusaalem sannaddii shan iyo tobnaad oo boqortooyadii Aasaa bisheedii saddexaad.
10Jie susirinko į Jeruzalę penkioliktais Asos karaliavimo metais trečią mėnesį.
11Oo maalintaas waxay Rabbiga ugu allabaryeen toddoba boqol oo dibi iyo toddoba kun oo neef oo ido ah oo ka mid ah dhicii ay keeneen.
11Tą dieną jie aukojo Viešpačiui iš paimto grobio septynis šimtus jaučių ir septynis tūkstančius avių.
12Oo waxay axdi ku galeen inay Rabbiga Ilaaha awowayaashooda ah ku doondoonaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan,
12Jie padarė sandorą, kad ieškos Viešpaties, savo tėvų Dievo, visa širdimi ir visa siela.
13iyo in la dilo ku alla kii aan doondoonin Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, hadduu yar yahay iyo hadduu weyn yahay, ama hadduu nin yahay iyo hadday naag tahayba.
13Kas neieškos Viešpaties, Izraelio Dievo, bus baudžiamas mirtimi, nepaisant ar jis mažas, ar didelis, ar vyras, ar moteris.
14Oo waxay Rabbiga ugu dhaarteen cod weyn iyo qaylo iyo turumbooyin iyo buunan.
14Jie prisiekė Viešpačiui garsiu balsu su šauksmais, trimitams ir ragams aidint.
15Oo dadkii Yahuudah oo dhammu way ku reyreeyeen dhaartii, maxaa yeelay, qalbigooda oo dhan ayay ku dhaarteen, oo waxay isaga ku doondooneen xiisahooda oo dhan, wayna heleen, oo Rabbiguna hareerahooda oo dhan wuu ka nasiyey.
15Visas Judas džiaugėsi priesaika, nes jie prisiekė iš visų savo širdžių ir ieškojo Jo su dideliu troškimu. Ir Jis leidosi jų surandamas, ir Viešpats jiems suteikė ramybę iš visų pusių.
16Oo weliba Macakaah oo ahayd Boqor Aasaa hooyadiis boqoradnimadii wuu ka dejiyey, maxaa yeelay, waxay sanam karaahiya ah u samaysay geed Asheeraah, oo Aasaa sanamkeedii wuu jebiyey oo wuxuu ka dhigay boodh, wuxuuna ku gubay durdurka Qidroon agtiisa.
16Karalius Asa pašalino iš karalienės vietos net savo motiną Maaką, nes ji buvo padariusi stabą giraitėje. Asa sukapojo tą stabą ir sutrupinęs sudegino Kedrono slėnyje.
17Laakiinse meelihii sarsare dalka Israa'iil lagama baabbi'in, habase yeeshee Aasaa qalbigiisu wuu qummanaa cimrigiisii oo dhan.
17Bet aukštumos nebuvo sunaikintos Izraelyje. Tačiau Asos širdis buvo tobula per visas jo dienas.
18Oo gurigii Ilaah wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis quduuska ka dhigay iyo alaabtii uu isaga qudhiisu quduuska ka dhigay, waxayna ahayd lacag iyo dahab iyo weelal.Oo dagaal dambena ma jirin ilaa sannaddii shan iyo soddonaad ee Aasaa boqornimadiisii.
18Jis atnešė į Dievo namus savo tėvo ir savo paskirtas dovanas: sidabrą, auksą ir indus.
19Oo dagaal dambena ma jirin ilaa sannaddii shan iyo soddonaad ee Aasaa boqornimadiisii.
19Karo nebuvo iki trisdešimt penktų Asos karaliavimo metų.