Somali

Lithuanian

Acts

15

1Niman Yahuudiya ka yimid ayaa walaalihii wax baray iyagoo leh, Haddaan caadada Muuse laydinku gudin, badbaadi kari maysaan.
1Kai kurie, atvykę iš Judėjos, ėmė mokyti brolius: “Jei nesiduosite apipjaustomi pagal Mozės paprotį, negalėsite būti išgelbėti”.
2Oo markii Bawlos iyo Barnabas wax aan yarayn kula murmeen oo ku su'aaleen iyaga, ayaa walaalihii waxay doorteen Bawlos iyo Barnabas iyo kuwo kale oo iyaga ka mid ah inay Yeruusaalem aadaan oo ay u tagaan rasuulladii iyo waayeelladii inay su'aashan kala hadlaan.
2Kilo nemažas vaidas ir ginčas tarp jų ir Pauliaus bei Barnabo. Buvo nutarta, kad Paulius, Barnabas ir kai kurie kiti iš anų nuvyktų dėl šio klausimo į Jeruzalę pas apaštalus ir vyresniuosius.
3Sidaas daraaddeed iyagoo kiniisaddu soo sagootiday, waxay sii dhex mareen Foynike iyo Samaariya, iyagoo ka warramaya sidii dadkii aan Yuhuudda ahayn u soo jeesteen; waxayna aad uga farxiyeen walaalihii oo dhan.
3Bažnyčios aprūpinti, jie iškeliavo per Finikiją ir Samariją, pasakodami apie pagonių atsivertimą, ir tuo padarė didelį džiaugsmą visiems broliams.
4Oo markay Yeruusaalem yimaadeen, ayaa kiniisaddii iyo rasuulladii iyo waayeelladiiba soo dhoweeyeen, markaasay waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan.
4Atvykę į Jeruzalę, jie buvo priimti bažnyčios, apaštalų bei vyresniųjų ir pranešė jiems, ką Dievas kartu su jais nuveikė.
5Laakiin waxaa kacay kuwo dariiqadii Farrisiinta ahaa oo rumaysnaa, kuwaasoo leh, Waa in la gudo iyaga, oo lagu amro inay sharciga Muuse xajiyaan.
5Tuomet pakilo kai kurie įtikėjusieji iš fariziejų partijos ir tarė: “Juos reikia apipjaustyti ir įsakyti, kad laikytųsi Mozės Įstatymo”.
6Haddaba rasuulladii iyo waayeelladii baa ururay inay xaajadan ka tashadaan.
6Apaštalai ir vyresnieji susirinko šio klausimo apsvarstyti.
7Oo kolkay wax badan su'aaleenna, Butros baa istaagay oo ku yidhi iyagii,
7Įsiliepsnojus ilgam ginčui, Petras pakilo ir kreipėsi į juos: “Vyrai broliai, jūs žinote, kad Dievas jau nuo senų dienų išsirinko mane iš jūsų, kad pagonys iš mano lūpų išgirstų Evangelijos žodį ir įtikėtų.
8Oo Ilaaha qalbiga garta ayaa u markhaati furay iyaga, wuxuuna iyaga siiyey Ruuxa Quduuska ah siduu innagana inoo siiyey;
8Ir Dievas, kuris pažįsta žmonių širdis, paliudijo jų naudai, duodamas jiems Šventąją Dvasią kaip ir mums.
9oo inama kala soocin innaga iyo iyaga, laakiin qalbiyadooda rumaysad buu ku nadiifiyey.
9Jis nepadarė skirtumo tarp mūsų ir jų, tikėjimu nuskaistindamas jų širdis.
10Haddaba maxaad Ilaah u jirrabaysaan inaad harqood qoorta xerta saartaan, kaasoo innaga iyo awowayaasheen aynaan qaadi karin?
10Tad kodėl gundote Dievą ir kraunate ant mokinių sprando jungą, kurio nei mūsų tėvai, nei mes patys negalėjome panešti?
11Laakiin waxaan rumaysan nahay inaynu ku badbaadi doonno nimcadii Rabbi Ciise siday ugu badbaadi doonaan.
11Juk mes tikime, kad Viešpaties Jėzaus Kristaus malone būsime išgelbėti kaip ir jie”.
12Dadkii badnaa oo dhammu way wada aamuseen; wayna dhegaysteen Barnabas iyo Bawlos markay uga warramayeen intay ahaayeen calaamooyinkii iyo yaababkii Ilaah gacantooda ku sameeyey dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda.
12Tada visas susirinkimas nutilo ir ėmė klausytis Barnabo bei Pauliaus pasakojimo, kokių ženklų ir stebuklų per juos Dievas padarė tarp pagonių.
13Kolkay aamuseen dabadeed ayaa Yacquub u jawaabay, isagoo leh,
13Kai jie nutilo, atsiliepė Jokūbas ir tarė: “Vyrai broliai, paklausykite manęs!
14Walaalayaalow, i dhegaysta, Simecoon waa ka warramay sidii Ilaah markii ugu horraysay u soo booqday dadka aan Yuhuudda ahayn inuu dad uga soo bixiyo iyaga magiciisa aawadiis.
14Simonas papasakojo, kaip Dievas pirmą kartą aplankė pagonis, kad išsirinktų iš jų savo vardui žmones.
15Taasuna waxay raacsan tahay hadalladii nebiyada; siday ugu qoran tahay,
15Čia dera pranašų žodžiai, kaip parašyta:
16Waxyaalahaas dabadeed waan soo noqon doonaa, Oo mar labaad ayaan dhisi doonaa taambuuggii Daa'uud oo dhacay; Oo mar labaad ayaan dhisi doonaa jajabkiisa, Waanan taagi doonaa;
16‘Paskui sugrįšiu ir vėl atstatysiu sugriuvusią Dovydo palapinę. Aš prikelsiu ją iš griuvėsių ir vėl ją išskleisiu,
17Si nimankii hadhay ay Rabbiga u doondoonaan, Iyo quruumaha oo dhan oo magacayga loogu yeedho,
17kad ieškotų Viešpaties ir visi kiti žmonės, visi pagonys, kuriems skelbiamas mano vardas,­sako Viešpats, visa tai darantis’.
18Taas waxaa yidhi Rabbiga waxyaalahaas muujiyey tan iyo bilowgii dunida.
18Nuo amžių Dievui žinomi visi Jo darbai.
19Sidaas daraaddeed taladaydu waxay tahay inaynaan dhibin kuwa ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn oo Ilaah u jeestay;
19Todėl aš manau, kad į Dievą atsivertusių pagonių nereikia apsunkinti,
20laakiin inaynu u qorno iyagii inay ka fogaadaan wasakhnimada sanamyada, iyo sinada, iyo waxa la ceejiyo, iyo dhiigga.
20o tik jiems parašyti, jog susilaikytų nuo susiteršimo stabais, nuo ištvirkavimo, pasmaugtų gyvulių mėsos ir kraujo.
21Maxaa yeelay, tan iyo qarniyadii hore waxaa Muuse magaalo walba ku leeyahay kuwa dadka ku wacdiya waxa isaga ku saabsan, oo sabti walba sunagogyadaa laga akhriyaa.
21Juk Mozė kiekviename mieste nuo senų laikų turi savo skelbėjų ir kas sabatą yra skaitomas sinagogose”.
22Kolkaasay la wanaagsanaatay rasuulladii iyo waayeelladii iyo kiniisaddii oo dhan inay iska dhex doortaan niman ay Antiyokh ula diraan Bawlos iyo Barnabas, kuwaas oo ahaa Yuudas oo la odhan jiray Barsabaas iyo Silas oo ahaa niman madax ah walaalaha dhexdooda.
22Tada apaštalai ir vyresnieji kartu su visa bažnyčia nutarė pasiųsti į Antiochiją iš savųjų išrinktus vyrus kartu su Pauliumi ir Barnabu: Judą, vadinamą Barsabu, ir Silą, kurie buvo vadovaujantys tarp brolių.
23Markaasay qoreen oo iyagii la direen warqad leh, Annagoo ah rasuullada iyo walaalaha waayeellada ah waxaannu soo salaamaynaa walaalaha ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn oo jooga Antiyokh iyo Suuriya iyo Kilikiya.
23Jiems įteikė tokį raštą: “Apaštalai, vyresnieji ir broliai siunčia sveikinimą broliams, kilusiems iš pagonių Antiochijoje, Sirijoje bei Kilikijoje.
24Waxaannu maqallay in kuwo annaga naga tegey hadallo idinku dhibeen, nafihiinnana rogayeen, kuwaasoo aannan u amrin;
24Sužinoję, kad kai kurie iš mūsų nuvykę savo kalbomis sukėlė jums nerimo ir sujaukė jūsų sielas, liepdami apsipjaustyti ir laikytis Įstatymo,
25sidaas daraaddeed waxaa nala wanaagsanaatay, annagoo isku qalbi noqonnay, inaannu soo dooranno niman aannu idiinla soo dirno gacaliyayaashayadii Barnabas iyo Bawlos,
25mes susirinkę vieningai nusprendėme pasiųsti pas jus išrinktus vyrus su mūsų mylimaisiais Barnabu ir Pauliumi,
26kuwaasoo ah niman naftooda u biimeeyey magicii Rabbigeenna Ciise Masiix aawadiis.
26kurie už mūsų Viešpatį Jėzų Kristų yra guldę savo galvas.
27Sidaas aawadeed waxaannu soo dirnay Yuudas iyo Silas kuwaasoo iyaguna afka idiinka sheegi doona waxyaalahaas oo kale.
27Taigi siunčiame su jais Judą ir Silą, kurie jums tą patį praneš žodžiu.
28Waxaa la wanaagsanaatay Ruuxa Quduuska ah iyo annagaba inaannan idin saarin culaab ka weyn waxyaalahan waajibka ah.
28Šventajai Dvasiai ir mums pasirodė teisinga neužkrauti jums daugiau naštų, išskyrus tai, kas būtina:
29Waa inaad ka fogaataan waxa sanamyada loo sadqeeyo, iyo dhiig, iyo waxa la ceejiyo, iyo sinada. Kuwaas haddaad iska dhawrtaan si wanaagsan baad yeeli doontaan. Nabadgelyo.
29susilaikyti nuo aukų stabams, kraujo, pasmaugtų gyvulių mėsos ir ištvirkavimo. Jūs gerai elgsitės, saugodamiesi šitų dalykų. Likite sveiki!”
30Sidaas daraaddeed, kolkii la diray ayay waxay yimaadeen Antiyokh; oo markay dadkii badnaa isu ururiyeen dabadeed waxay u dhiibeen warqaddii.
30Išsiųstieji, atvykę į Antiochiją, sukvietė bendruomenę ir įteikė laišką.
31Markay akhriyeenna ayay waanadii ku farxeen.
31Skaitydami šie džiaugėsi paguoda.
32Yuudas iyo Silas, iyagoo qudhooduna nebiyo ahaa, ayay hadallo badan walaalihii ku waaniyeen oo ku xoogeeyeen.
32Judas ir Silas, būdami pranašai, gausiais žodžiais skatino ir stiprino brolius.
33Oo markay muddo joogeen dabadeed ayaa walaalihii nabad ugu direen kuwii iyagii u soo diray.
33Pabuvę ten kurį laiką, jie buvo brolių išleisti ramybėje pas apaštalus.
34Laakiin waxaa Silas la wanaagsanaatay inuu meeshaas sii joogo.
34Bet Silas nusprendė ten pasilikti.
35Laakiin Bawlos iyo Barnabas ayaa Antiyokh sii joogay, oo waxay kuwo badan oo kale la barayeen oo kula wacdiyeyeen ereyga Rabbiga.
35Paulius su Barnabu taip pat pasiliko Antiochijoje, kartu su daugeliu kitų mokydami ir pamokslaudami Viešpaties žodį.
36Maalmo dabadeed Bawlos ayaa wuxuu Barnabas ku yidhi, Hadda aynu ku noqonno oo booqanno walaalaha jooga magaalo kasta oo aynu ereyga Rabbiga ku wacdinnay inaan soo aragno siday yihiin.
36Po kiek laiko Paulius tarė Barnabui: “Grįžkime, aplankykime brolius visuose miestuose, kur skelbėme Viešpaties žodį, ir pažiūrėkime, kaip jiems sekasi”.
37Barnabas wuxuu doonayay inay kaxaystaan Yooxanaa oo la odhan jiray Markos.
37Barnabas norėjo pasiimti kartu ir Joną, vadinamą Morkumi,
38Laakiin Bawlos waxaa la wanaagsanaatay inayan kaxaysan isaga kaasoo iyaga kaga tegey Bamfuliya oo aan shuqulkii iyaga u raacin.
38bet Paulius manė būsiant geriau neimti tokio, kuris Pamfilijoje buvo nuo jų pasitraukęs ir nesidarbavo su jais.
39Waxaa dhacay khilaaf weyn; sidaas daraaddeed way kala tageen, markaasaa Barnabas kaxaystay Markos, oo wuxuu u dhoofay Qubrus;
39Kilo toks smarkus ginčas, kad jie vienas nuo kito atsiskyrė. Barnabas, pasiėmęs Morkų, išplaukė į Kiprą,
40laakiin Bawlos wuxuu doortay Silas, markaasuu baxay isagoo ay walaalihii ku ammaana gelinayaan nimcadii Ilaah.Oo wuxuu dhex maray Suuriya iyo Kilikiya isagoo kiniisadihii xoogaynaya.
40o Paulius, pasirinkęs Silą, iškeliavo, brolių patikėtas Viešpaties malonei.
41Oo wuxuu dhex maray Suuriya iyo Kilikiya isagoo kiniisadihii xoogaynaya.
41Jis leidosi per Siriją ir Kilikiją, stiprindamas bažnyčias.