1Haddaba waxaa dhacay, markii Abolloos Korintos joogay, in Bawlos oo soo dhex maray waddanka sare yimid Efesos, oo halkaas wuxuu kula kulmay kuwo xer ah.
1Apolui būnant Korinte, Paulius, perėjęs aukštutines sritis, atvyko į Efezą. Užtikęs ten kelis mokinius,
2Markaasuu ku yidhi iyagii, Ruuxa Quduuska ah ma hesheen markaad rumaysateen? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Maya, maba aannu maqlin in Ruuxa Quduuska ahi jiro iyo in kale.
2paklausė: “Ar įtikėję gavote Šventąją Dvasią?” Jie atsakė: “Mes nė girdėti negirdėjome, kad yra Šventoji Dvasia”.
3Markaasuu ku yidhi, Haddaba maxaa laydinku baabtiisay? Oo waxay ku yidhaahdeen, Baabtiiskii Yooxanaa.
3Jis klausė toliau: “Kokiu tad krikštu jūs buvote pakrikštyti?” Jie atsakė: “Jono krikštu”.
4Bawlosna wuxuu ku yidhi, Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay baabtiiska toobadda, isagoo dadkii ku leh, Waa inaad rumaysataan kan iga daba iman doona, isagoo ula jeeda Ciise.
4Tada Paulius tarė: “Jonas krikštijo atgailos krikštu, ragindamas žmones tikėti Tą, kuris ateis po jo, būtent Kristų Jėzų”.
5Oo markay waxaas maqleen, waxaa iyagii lagu baabtiisay Rabbi Ciise magiciisa.
5Tai išgirdę, jie buvo pakrikštyti Viešpaties Jėzaus vardu.
6Markii Bawlos gacmaha dul saarayna ayaa Ruuxa Quduuska ahu ku soo degay iyagii; markaasay afaf kale ku hadleen oo ay wax sii sheegeen;
6Kai Paulius jiems uždėjo rankas, ant jų nužengė Šventoji Dvasia ir jie ėmė kalbėti kalbomis ir pranašauti.
7nimankii oo dhanna waxay ahaayeen abbaaraha laba iyo toban.
7Iš viso jų buvo apie dvylika vyrų.
8Haddaba sunagogga ayuu galay, oo meeshaas ayuu saddex bilood geesinimo kaga dhex hadlay, isagoo dadka la doodaya oo u soo jeedinaya waxyaalo ku saabsan boqortooyada Ilaah.
8Paulius nuėjo į sinagogą ir ten per tris mėnesius drąsiai kalbėjo, įtikinėdamas ir aiškindamas apie Dievo karalystę.
9Laakiin qaarkood markay madax adkaadeen oo caasiyoobeen, iyagoo xumaan kaga hadlaya Jidka dadkii badnaa hortooda, ayuu iyagii ka tegey oo xertii ka soo soocay, oo maalin walba ayuu dad kula doodi jiray iskoolka Turannos.
9Kai kurie užkietėjo ir netikėjo, piktžodžiaudami tam Keliui daugumos akyse, tad Paulius pasitraukė nuo jų, atskyrė mokinius ir kasdien juos mokė Tirano mokykloje.
10Taasuna laba sannadood ay socotay, si dadkii Aasiya degganaa, oo Yuhuud iyo Gariigba lahaa, ay u wada maqleen ereyga Rabbiga.
10Tai truko dvejus metus, ir visi Azijos gyventojai, tiek žydai, tiek graikai, išgirdo Viešpaties Jėzaus žodį.
11Ilaahna wuxuu gacmaha Bawlos ku sameeyey cajaa'ibyo khaas ah,
11Pauliaus rankomis Dievas darė ypatingų stebuklų.
12sidaas aawadeedna waxaa jidhkiisa kuwii bukay looga keenay marooyin yaryar ama macawiso, markaasaa cudurradii iyagii daayeen, jinniyadiina waa ka baxeen.
12Žmonės net dėdavo ligoniams jo kūną lietusias skepetėles bei prijuostes, ir nuo jų pasitraukdavo ligos, išeidavo piktosios dvasios.
13Laakiin kuwo Yuhuudda wareegi jirtay ka mid ah oo jinniyosaarayaal ah baa waxay ku talo jireen inay kuwii jinniyada qabay ka dul yidhaahdaan magaca Rabbi Ciise, iyagoo leh, Waxaan idinku dhaarinayaa Ciisaha Bawlos dadka ku wacdiyo.
13Panašiai ir kai kurie keliaujantys žydų egzorcistai mėgino turėjusiems piktųjų dvasių prišaukti Viešpaties Jėzaus vardą, sakydami: “Mes jus saikdiname Jėzaus vardu, kurį skelbia Paulius”.
14Waxaa jiray oo sidaas sameeyey toddoba wiil oo Iskeba dhalay, kaasoo ahaa wadaad sare oo Yuhuudi ah.
14Taip darė vieno žydų vyresniojo kunigo Skėvo septyni sūnūs.
15Markaasaa jinnigii u jawaabay oo ku yidhi iyagii, Ciise ayaan garanayaa, Bawlosna waan aqaan, idinkuse yaad tihiin?
15Bet piktoji dvasia jiems atsakė: “Pažįstu Jėzų ir žinau Paulių. O kas jūs esate?”
16Haddaba ninkii jinniga qabay baa ku booday iyagii, wuuna ka xoog badiyey kulligood, oo ka adkaaday, sidaas darteed ayay gurigaas ka carareen, iyagoo qaawan oo dhaawacan.
16Ir žmogus, turįs piktąją dvasią, užpuolė juos ir nugalėjo su tokia jėga, kad jie nuogi ir sužaloti išbėgo iš anų namų.
17Markaasaa waxaa taas wada ogaaday Yuhuuddii iyo Gariigtii oo dhan oo Efesos joogtay; baqdinna waa wada gashay dhammaantood, magaca Rabbi Ciisena waa la weyneeyey.
17Apie tai sužinojo visi žydai ir graikai, gyvenantys Efeze. Visus apėmė baimė, o Viešpaties Jėzaus vardas buvo išaukštintas.
18Markaasaa qaar badan oo rumaystay yimaadeen iyagoo qiranaya oo caddaysanaya falimahooda.
18Daug įtikėjusiųjų atėję išpažindavo ir pasisakydavo, ką buvo darę.
19Kuwii sixir fali jirayna qaarkood intay kitaabbadoodii ururiyeen ayay dadka hortooda ku wada gubeen; wayna tiriyeen qiimadooda, oo waxay arkeen inay ahayd konton kun oo gogo' oo lacag ah.
19Daugelis, užsiiminėjusių magija, sunešė savo knygas ir visų akyse sudegino. Apskaičiuota, kad jos buvo vertos penkiasdešimties tūkstančių sidabro drachmų.
20Sidaasaa ereygii Rabbigu xoog ugu batay oo u adkaaday.
20Šitaip galingai Viešpaties žodis plito ir ėmė viršų.
21Haddaba markii waxyaalahaasu dhammaadeen ayaa Bawlos ruuxiisa kula talo jiray inuu Yeruusaalem tago markuu Makedoniya iyo Akhaya sii dhex maray dabadeed, isagoo leh, Markaan meeshaas tago dabadeed, waa inaan Roomana arko.
21Atlikęs tuos darbus, Paulius dvasioje nusprendė keliauti per Makedoniją ir Achają į Jeruzalę. “Pabuvęs ten,sakė jis,turiu pamatyti ir Romą”.
22Markaasuu wuxuu Makedoniya u diray laba ka mid ah kuwii isaga u adeegi jiray oo ahaa Timoteyos iyo Erastos, isaga qudhiisuse wuxuu ku hadhay Aasiya intii muddo ah.
22Jis nusiuntė į Makedoniją du savo pagalbininkus, Timotiejų ir Erastą, o pats kurį laiką pasiliko Azijoje.
23Haddaba waxaa wakhtigaas kacday rabshad aan yarayn oo ku saabsan Jidka.
23Tuo metu kilo nemažas sąmyšis dėl Kelio.
24Maxaa yeelay, ninkoo Deemeetriyos la odhan jiray oo lacagtume ahaa, oo macbudyo yaryar oo Di'ana lacag ka samayn jiray, wuxuu sancaawiyadii u keeni jiray faa'iido aan yarayn;
24Vienas sidabrakalys, vardu Demetrijas, gaminęs sidabrines Artemidės šventyklos miniatiūras ir duodavęs gerai uždirbti amatininkams,
25kuwaasoo uu isla soo ururiyey raggii la shuqul ahaa isagoo ku leh, Niman yahow, waad og tihiin inaynu shuqulkan ka helno hodantinimadeenna.
25susivadino juos bei kitus to amato darbininkus ir kalbėjo: “Vyrai, jūs žinote, kad šiuo amatu remiasi mūsų gerovė.
26Waxaad arkaysaan oo aad maqlaysaan in Bawloskanu sasabay oo jeediyey dad badan, oo aan kuwii Efesos oo keliya ahayn, laakiin kuwii joogay Aasiya badidood, isagoo leh, Ilaahyo gacmo lagu sameeyo, ilaahyo ma aha.
26Bet jūs matote ir girdite, kad tas Paulius ne tik Efeze, bet ir beveik visoje Azijoje įtikino ir nukreipė į šalį daug žmonių, tvirtindamas, esą tai ne dievai, kurie pagaminami žmonių rankomis.
27Khatar uma aha shuqulkeenna oo keliya in la quudhsado, laakiin waxay khatar u tahay oo kale in macbudka ilaahadda weyn oo Di'ana la fududaysto, weynaanteedana laga baabbi'iyo, taasoo Aasiya oo dhan iyo duniduba ay wada caabudaan.
27Gresia pavojus, kad ne tik nusmuks mūsų amatas, bet kad bus paniekinta didžiosios deivės Artemidės šventykla ir žlugs didybė tos, kurią garbina visa Azija ir visas pasaulis”.
28Oo markay taas maqleen, aad bay u cadhoodeen, wayna dhawaaqeen iyagoo leh, Waxaa weyn Di'anada reer Efesos.
28Tai išgirdę, jie labai įniršo ir ėmė šaukti: “Didi efeziečių Artemidė!”
29Magaaladii oo dhammuna waa wada qasnayd; waxayna qabsadeen Gayos iyo Aristarkhos oo ahaa niman reer Makedoniya oo la socdaali jiray Bawlos, markaasay iyagoo isku wada qalbi ah te'atradii ku yaaceen.
29Sąmyšis apėmė visą miestą, ir jie, pagriebę Pauliaus palydovus, makedoniečius Gajų ir Aristarchą, visi kaip vienas pasileido bėgti į teatrą.
30Kolkii Bawlos damcay inuu dadkii dhex galo, xertii uma ay oggolaan isagii.
30Pauliui panorus įsimaišyti į minią, mokiniai jo neleido.
31Haddaba qaar ka mid ah madaxda Aasiya oo saaxiibbo u ahaa isagii ayaa u soo cid diray, oo waxay ka baryeen inuusan isku biimayn te'atradii.
31Taip pat ir keli jo bičiuliai, Azijos valdininkai, per kitus prašė, kad jis neitų į teatrą.
32Haddaba qaar wax bay ku qayliyeen, qaar kalena wax kalay ku qayliyeen, maxaa yeelay, ururkii waa qasnaa, badidooduna ma ay garanayn waxay isugu yimaadeen.
32O ten vieni rėkavo vienaip, kitikitaip. Susirinkimas buvo toks pakrikęs, jog daugumas net nežinojo, kuriam galui susirinkta.
33Markaasay Aleksanderos ka soo saareen dadkii badnaa isagoo ay Yuhuuddii hore u soo tuurayaan. Markaasaa Aleksanderos gacan taagay, oo wuxuu damci lahaa inuu af isku daafaco dadka hortiisa.
33Iš minios ištempė Aleksandrą, kurį žydai stūmė į priekį. Aleksandras, pamojęs ranka, norėjo pasiaiškinti miniai.
34Laakiin kolkay garteen inuu Yuhuudi yahay ayay dhammaan intii laba saacadood ah isku cod ku qayliyeen iyagoo leh, Waxaa weyn Di'anada reer Efesos.
34Bet, pažinę jį esant žydą, visi vienu balsu ėmė rėkti ir kokias dvi valandas šūkavo: “Didi efeziečių Artemidė!”
35Markuu karaanigii magaaladu aamusiiyey dadkii badnaa, ayuu ku yidhi, Nimankiinan reer Efesosow, ninkee baan oqoon in magaalada Efesos ay tahay ta ilaalisa macbudka Di'anada weyn iyo sanamkii Yubiter ka soo dhacay?
35Galiausiai miesto raštininkas, nuraminęs minią, pasakė: “Efezo vyrai! Kur rasi žmogų, kuris nežinotų, jog efeziečių miestas garbina didžiąją deivę Artemidę ir iš dangaus nukritusią jos statulą?!
36Waxyaalahaasu waa wax aan la dafiri karin, sidaas daraaddeed waxaa idinku waajib ah inaad xasilloonaataan oo aydnaan samayn wax qamaam ah.
36Šito niekas negali paneigti. Taigi nusiraminkite ir nieko galvotrūkčiais nedarykite.
37Waayo, waxaad halkan keenteen nimankan iyagoo aan ahayn kuwo macbudyo dhaca ama kuwo caaya ilaahaddeenna.
37Jūs atitempėte čionai šiuos vyrus, kurie nėra nei šventyklos vagys, nei piktžodžiautojai mūsų deivei.
38Sidaas daraaddeed haddii Deemeetriyos iyo kuwa la shuqul ah ay nin wax ku haystaan, maxkamadahu waa furan yihiin, xaakinnona waa jiraan; haddaba ha isdacweeyaan.
38Jei Demetrijas ir jo bendrai amatininkai turi prieš ką nors skundą, tai tam yra teismo dienos ir prokonsulai, tegul sau bylinėjasi.
39Laakiin haddii aad doonaysaan wax ku saabsan axwaal kale, waxaa lagu gar gooyn doonaa ururkii sharciga.
39O jeigu jūs turite kokį kitą apsvarstytiną reikalą, tai jį bus galima išspręsti teisėtame susirinkime.
40Haddaba waxaa khatar inoo ah in laynagu ashtakeeyo rabshaddii maanta aawadeed, iyadoo aan sababu u jirin; taasoo aynaan kari doonin inaynu wax ka sheegno buuqan.Oo goortuu waxyaalahaas ku hadlay dabadeed ayuu ururkii kala diray.
40Šiaip jau yra pavojus būti apkaltintiems maištu dėl to, kas šiandien čia dėjosi, nes nėra jokio pagrindo, kuriuo galėtume pateisinti šį sambrūzdį”. Tai pasakęs, jis paleido susirinkimą.
41Oo goortuu waxyaalahaas ku hadlay dabadeed ayuu ururkii kala diray.