1Oo kolkii maalintii Bentekoste la gaadhay, meel bay kulligood wada joogeen.
1Atėjus Sekminių dienai, visi mokiniai vieningai buvo vienoje vietoje.
2Oo waxaa filanla'aan samada ka yimid sanqadh sida dabayl xoog leh oo aad u dhacaysa, oo waxay buuxisay gurigii ay fadhiyeen oo dhan.
2Staiga iš dangaus pasigirdo ūžesys, tarsi pūstų smarkus vėjas. Jis pripildė visą namą, kur jie sėdėjo.
3Markaasaa carrabbo u kala qaybsamaya sida dab oo kale iyaga u muuqday oo ku dul fadhiistay midkood kasta.
3Jiems pasirodė tarsi ugnies liežuviai, kurie pasidaliję nusileido ant kiekvieno iš jų.
4Kolkaasaa waxaa kulligood ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo waxay bilaabeen inay afaf kale ku hadlaan sidii Ruuxu iyaga u siiyey hadalka.
4Visi pasidarė pilni Šventosios Dvasios ir pradėjo kalbėti kitomis kalbomis, kaip Dvasia jiems davė prabilti.
5Markaas waxaa Yeruusaalem joogay Yuhuud oo ahaayeen niman cibaado leh oo ka yimid quruun kasta oo samada hoosteeda joogta.
5Jeruzalėje gyveno žydų ir dievobaimingų žmonių iš visų tautų po dangumi.
6Oo markii sanqadhaas la maqlay, dadkii badnaa ayaa isu yimid, wayna yaabeen, maxaa yeelay, nin kastaa wuxuu maqlay iyagoo afkiisa ku hadlaya.
6Kilus tam ūžesiui, subėgo daugybė žmonių. Jie buvo priblokšti, kiekvienas girdėdamas savo kalba juos kalbant.
7Oo dhammaantood way wada nexeen oo yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, kuwan hadlaya oo dhammu miyaanay reer Galili ahayn?
7Lyg nesavi ir nustebę, jie vienas kitam kalbėjo: “Argi štai šitie kalbantys nėra galilėjiečiai?
8Sidee baa midkeen waluba u maqlaa iyagoo ku hadlaya afkeenna aynu ku dhalannay?
8Tai kaipgi mes kiekvienas juos girdime savo gimtąja kalba?!
9Innagoo ah reer Bartiya iyo Mediya iyo Ceelaam, iyo kuwa deggan Mesobotamiya, iyo Yahuudiya iyo Kabbadokiya, iyo Bontos iyo Aasiya,
9Mes, partai, medai, elamitai, Mesopotamijos, Judėjos ir Kapadokijos, Ponto ir Azijos,
10iyo Farugiya iyo Bamfuliya, iyo Masar iyo meelaha Liibiya oo Kuranaya ku wareegsan, iyo ajanabiyo Rooma ka yimid oo ah Yuhuud iyo kuwa raacsan labadaba,
10Frygijos ir Pamfilijos, Egipto bei Libijos pakraščio ties Kirėne gyventojai, ateiviai romiečiai, žydai ir prozelitai,
11iyo reer Kereetee iyo Carabta, waxaynu maqlaynaa iyagoo ku hadlaya afafkeenna oo ka hadlaya Ilaah waxyaalihiisa waaweyn.
11kretiečiai ir arabai,girdime juos skelbiant didingus Dievo darbus mūsų kalbomis”.
12Markaasay wada yaabeen oo shakiyeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Tani micneheedu waa maxay?
12Visi labai stebėjosi ir, nieko nesuprasdami, klausinėjo: “Ką tai reiškia?”
13Qaar kalena waa ku qosleen oo waxay yidhaahdeen, Kuwan waxaa ka buuxa khamri cusub.
13O kiti šaipydamiesi kalbėjo: “Jie prisigėrė jauno vyno”.
14Laakiin Butros intuu koob-iyo-tobankii isla taagay, ayuu sare u qaaday codkiisa oo ku yidhi iyaga, Niman yahow reer Yahuudiya iyo dhammaantiinan Yeruusaalem degganow, tan ogaada oo hadalladayda dhegaysta.
14Tada stojo Petras su vienuolika ir, pakėlęs balsą, prabilo į juos: “Jūs, vyrai judėjiečiai bei visi Jeruzalės gyventojai, tebūnie jums žinoma,įsidėmėkite mano žodžius!
15Waayo, kuwanu ma sakhraansana sidaad u malaynaysaan inay sakhraansan yihiin; maxaa yeelay, tanu waa saacaddii saddexaad ee maalmeed.
15Šitie nėra, kaip jūs manote, prisigėrę,juk dabar vos trečia dienos valanda,
16Laakiin waxanu waa wixii lagaga dhex hadlay nebi Yoo'eel,
16bet čia išsipildė, kas buvo pasakyta per pranašą Joelį:
17Ilaah baa yidhi, Maalmaha ugu dambaysta waxyaalahanu waa noqon doonaan, Ruuxayga ayaan ku shubi doonaa dad oo dhan; Oo wiilashiinna iyo hablihiinnu wax bay sii sheegi doonaan, Raggiinna dhallinyarada ahuna wax bay arki doonaan, Odayaashiinnuna riyooyin bay ku riyoon doonaan;
17‘Paskutinėmis dienomis,sako Dievas,Aš išliesiu savo Dvasios kiekvienam kūnui, ir jūsų sūnūs bei dukterys pranašaus, jūsų jaunuoliai matys regėjimus, o senieji sapnuos sapnus.
18Haah, oo maalmahaas addoommadayda, rag iyo dumarba, Ruuxaygaan ku shubi doonaa, iyaguna wax bay sii sheegi doonaan.
18Ir savo tarnams bei tarnaitėms tomis dienomis Aš išliesiu savo Dvasios, ir jie pranašaus.
19Oo waxaan samada sare ka muujin doonaa yaabab, Dhulka hoosena waxaan ka muujin doonaa calaamooyin, Kuwaas oo ah dhiig iyo dab iyo uumiskii qiiqa.
19Aš darysiu stebuklų aukštai danguje ir apačioje, žemėje, parodysiu ženklų: kraujo, ugnies bei rūkstančių dūmų.
20Qorraxdu waxay u beddelmi doontaa gudcur, Dayaxuna wuxuu u beddelmi doonaa dhiig, Intaanay iman maalinta Rabbigu, Taas oo ah maalin weyn oo caan ah.
20Saulė pavirs tamsybe, o mėnuliskrauju, prieš ateinant didingai ir šlovingai Viešpaties dienai.
21Oo waxay noqon doontaa in ku alla kii magaca Rabbiga ku dhawaaqaa, uu badbaadi doono.
21Ir kiekvienas, kuris šauksis Viešpaties vardo, bus išgelbėtas’.
22Rag yahow reer binu Israa'iil, hadalladan maqla; Ciisihii reer Naasared oo ahaa nin Ilaah idiinku caddeeyey shuqullo xoog leh iyo yaabab iyo calaamooyin oo Ilaah ku sameeyey isaga gacantiisa idinka dhexdiinna, sidaad idinka qudhiinnuba u og tihiin,
22Izraelio vyrai! Klausykite šitų žodžių: Jėzų iš Nazaretovyrą, Dievo jums patvirtintą galingais darbais, stebuklais ir ženklais, kuriuos per Jį nuveikė Dievas tarp jūsų,kaip ir patys žinote,
23markii isaga lagu gacangeliyey taladii Ilaah goostay oo uu hore u ogaa, gacanta sharcilaawayaasha ayaad ku qabateen, waadna ku qodobteen iskutallaabta oo disheen.
23Jį, išankstiniu Dievo sprendimu bei numatymu atiduotą, jūs piktadarių rankomis nužudėte, prikaldami prie kryžiaus.
24Isaga Ilaah baa sara kiciyey, oo ka furfuray xanuunkii dhimashada, maxaa yeelay, dhimashadu ma xajin karin.
24Dievas Jį prikėlė, išvaduodamas iš mirties skausmų, nes buvo neįmanoma, kad Jis liktų jos galioje.
25Waayo, Daa'uud baa isaga ka hadlay, oo yidhi, Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku arki jiray, Maxaa yeelay, midigtayduu joogaa si aan la ii dhaqaajin.
25Juk Dovydas apie Jį sako: ‘Aš visuomet matau Viešpatį priešais save. Jis mano dešinėje, kad Aš nesusvyruočiau.
26Taas aawadeed qalbigaygu waa farxay, carrabkayguna waa reyreeyey; Weliba jidhkaygu rajuu ku nasan doonaa.
26Todėl džiūgavo mano širdis, krykštavo mano lūpos, ir mano kūnas ilsėsis viltyje,
27Maxaa yeelay, naftayda Haadees kuma dayn doontid, Kaaga Quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.
27nes Tu nepaliksi mano sielos pragare ir neduosi savo Šventajam matyti supuvimo.
28Waxaad i tustay jidadka nolosha, Hortaadana farxad baad iga buuxin doontaa.
28Tu man atvėrei gyvenimo kelius ir pripildysi mane džiaugsmu prieš savo veidą’.
29Walaalayaalow, waxaan si bayaan ah idiinku sheegi karaa in awowe Daa'uud dhintay, lana aasay, xabaashiisuna ilaa maanta waa inagu dhex taal.
29Vyrai broliai! Noriu jums drąsiai pasakyti apie patriarchą Dovydą. Jis mirė, buvo palaidotas, ir jo kapas tebėra pas mus iki šios dienos.
30Haddaba isagoo nebi ahaa oo ogaa in Ilaah dhaar ugu dhaartay isaga inuu dhashiisa midkood carshigiisa ku fadhiisin doono,
30Būdamas pranašas ir žinodamas, jog Dievas jam prisiekdamas pažadėjo, kad iš jo palikuonių pagal kūną pakils Kristus užimti jo sosto,
31wuxuu hore u arkay oo ka hadlay Masiixa sarakiciddiisa inaan isaga Haadees lagu dayn, jidhkiisuna qudhun arag.
31Dovydas tai numatė ir kalbėjo apie Kristaus prisikėlimą, kad ‘Jo siela neliks pragare ir Jo kūnas nematys supuvimo’.
32Ciisahan Ilaah baa sara kiciyey, annagoo dhammuna markhaatiyaal baan ka wada nahay.
32Tą Jėzų Dievas prikėlė, ir mes visi esame šito liudytojai.
33Haddaba isagoo Ilaah midigtiisa sare loogu qaaday, oo Aabbaha ka helay ballankii Ruuxa Quduuska ahaa, ayuu soo shubay waxan oo aad arkaysaan oo maqlaysaan.
33Dievo dešinės išaukštintas, Jis gavo iš Tėvo Šventosios Dvasios pažadą ir išliejo tai, ką dabar matote ir girdite.
34Maxaa yeelay, Daa'uud samooyinka kor uma aadin; laakiin isaga qudhiisaa leh, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso
34Juk Dovydas neįžengė į dangų. Jis pats kalba: ‘Viešpats tarė mano Viešpačiui: sėskis mano dešinėje,
35Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.
35kol Aš patiesiu Tavo priešus, tarsi pakojį po Tavo kojų’.
36Reer binu Israa'iil oo dhammu aad ha u ogaadeen in Ilaah ka dhigay Rabbi iyo Masiixba Ciisahan aad iskutallaabta ku qodobteen.
36Tad tvirtai žinokite, visi Izraelio namai: Dievas padarė Viešpačiu ir Kristumi tą Jėzų, kurį jūs nukryžiavote”.
37Markay taas maqleen ayaa qalbiga laga wareemay, markaasay ku yidhaahdeen Butros iyo rasuulladii kale, Walaalayaalow, maxaannu falnaa?
37Tie žodžiai vėrė jiems širdį, ir jie klausė Petrą bei kitus apaštalus: “Ką mums daryti, vyrai broliai?”
38Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, Toobad keena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah.
38Petras jiems tarė: “Atgailaukite, ir kiekvienas tepasikrikštija Jėzaus Kristaus vardu, kad būtų atleistos jūsų nuodėmės, ir jūs gausite Šventosios Dvasios dovaną.
39Maxaa yeelay, ballanka waxaa leh idinka iyo carruurtiinna iyo kuwa fog oo dhan in alla intii Rabbiga Ilaaheenna ahu u yeedho.
39Juk jums skirtas pažadas, taip pat ir jūsų vaikams ir visiems toli esantiems, kuriuos tik pasišauks Viešpats, mūsų Dievas”.
40Hadallo kaloo badan ayuu markhaati ahaan ugu waaniyey isagoo leh, Naftiinna ka badbaadiya qarnigan qalloocan.
40Dar daugeliu kitų žodžių jis liudijo ir ragino juos, sakydamas: “Gelbėkitės iš šios iškrypusios kartos!”
41Markaasaa kuwii hadalkiisii aqbalay la baabtiisay, oo waxaa maalintaas lagu daray iyaga abbaaraha saddex kun oo qof.
41Kurie mielai priėmė jo žodį, buvo pakrikštyti, ir tą dieną prisidėjo prie jų apie tris tūkstančius sielų.
42Oo waxay ku sii adkaysteen rasuulladu waxay bari jireen iyo xidhiidhka ka dhexeeyey iyaga, iyo kibista jebinteeda iyo tukasho.
42Jie ištvermingai laikėsi apaštalų mokymo, bendravimo, duonos laužymo ir maldų.
43Oo naf kasta cabsi baa gashay; oo rasuulladii waxay sameeyeen yaabab iyo calaamooyin badan.
43Baimė apėmė kiekvieną, nes per apaštalus vyko daug stebuklų ir ženklų.
44Oo kuwii rumaystay oo dhammu waa wada jireen, wax walubana waa ka wada dhexeeyeen;
44Visi tikintieji laikėsi drauge ir turėjo visa bendra.
45oo intay iibiyeen waxyaalahoodii iyo alaabtoodiiba ayay dhammaan u wada qaybiyeen sidii nin kasta baahidiisu ahayd.
45Nuosavybę bei turtą jie parduodavo ir, ką gavę, padalydavo visiems, kiek kam reikėdavo.
46Oo maalin walba iyagoo isku wada qalbi ah ayay macbudka ku jiri jireen, oo kibistana guryahooday ku jejebin jireen, cuntadoodana farxad iyo qalbi daacad ah ayay ku cuni jireen.Ilaah bay ammaani jireen, oo dadka oo dhammuna waa u bogay iyaga. Ilaahna maalin walba kuwa badbaadaya ayuu ku dari jiray.
46Jie kasdien vieningai rinkdavosi šventykloje, o savo namuose tai vienur, tai kitur laužydavo duoną, vaišindavosi su džiugia ir tauria širdimi,
47Ilaah bay ammaani jireen, oo dadka oo dhammuna waa u bogay iyaga. Ilaahna maalin walba kuwa badbaadaya ayuu ku dari jiray.
47šlovindami Dievą, ir turėjo malonę visų žmonių akyse. O Viešpats kasdien gausino bažnyčią išgelbėtaisiais.