1Haddaba markii la goostay inaannu Itaaliya u dhoofo ayaa Bawlos iyo dhawr kale oo maxaabiis ah waxaa loo dhiibay boqol-u-taliye magiciisa Yulyos la odhan jiray oo ka tirsanaa ciidankii boqorka.
1Kai buvo nuspręsta, kad mes turime išplaukti į Italiją, Paulių ir kelis kitus kalinius perdavė Augusto kohortos šimtininkui Julijui.
2Oo waxaannu fuulnay doonni Adramuteyon ka timid oo u dhoofaysay meelaha xeebta Aasiya ku yaal, markaasaannu dhoofnay oo waxaa nala socday nin Aristarkhos la odhan jiray oo reer Makedoniya ahaa oo Tesaloniika ka yimid.
2Mes įlipome į Adramitijos laivą, kuris turėjo plaukti Azijos pakrantėmis, ir leidomės į kelionę. Su mumis buvo makedonietis Aristarchas iš Tesalonikos.
3Oo maalintii dambe waxaannu nimid Siidoon; markaasaa Yulyos u naxariistay Bawlos oo fasax u siiyey inuu saaxiibbadiis u tago oo uu dhaqaalo ka helo.
3Kitą dieną atplaukėme į Sidoną. Julijus kilniai elgėsi su Pauliumi ir leido jam aplankyti bičiulius, kad galėtų pasidžiaugti jų globa.
4Oo haddana halkaas waannu ka dhoofnay, oo waxaannu ka hoos marnay Qubrus, maxaa yeelay, dabayshu waa na haysay.
4Išvykę iš ten, plaukėme Kipro užuovėja, nes pūtė priešingi vėjai.
5Oo markii aannu ka gudubnay badda u dhow Kilikiya iyo Bamfuliya, waxaannu nimid Mura oo ku taal Lukiya.
5Perplaukę jūrą ties Kilikija ir Pamfilija, atvykome į Lykijos miestą Myrą.
6Oo halkaas boqol-u-taliyihii wuxuu ka helay doonni Iskanderiya ka timid oo u dhoofaysa Itaaliya; markaasuu na fuushiiyey.
6Tenai šimtininkas surado Aleksandrijos laivą, kuris plaukė į Italiją, ir persodino mus į jį.
7Oo kolkii aannu maalmo badan aayar soconaynay, waxaannu dhib ku nimid Kinidos horteeda, oo dabayshii ayaa noo diiday inaan hore u sii soconno, kolkaasaannu ka hoos marnay Kereetee oo ka hor jeedda Salmoonee.
7Daug dienų plaukėme palengva ir vargais negalais atsiradome ties Knidu. Kadangi vėjas kliudė, plaukėme Kretos priedangoje, link Salmonės.
8Oo markii aannu dhib ku dhaafnay, waxaannu nimid meel magaceeda la yidhaahdo Marsooyin Wanaagsan oo u dhow magaalada Lasaya.
8Šiaip ne taip ją aplenkę, atvykome į vietovę, kuri vadinosi Dailioji Prieplauka, netoli Lasėjos miesto.
9Markii wakhti badanu dhammaaday, oo haatan dhoofku halis ahaa, maxaa yeelay, Soonkii goor horaa la soo dhaafay, ayaa Bawlos waaniyey iyagii,
9Prabėgo daug laiko, ir laivyba tapo pavojinga, nes jau buvo pasibaigęs rudens pasninko metas. Paulius juos įspėjo,
10oo wuxuu ku yidhi, Niman yahow, waxay ila tahay in dhoofkanu lahaan doono waxyeello iyo khasaaro badan, umana ahaan doonaan shixnadda iyo doonnida oo keliya, laakiin xataa nafaheennu khatar bay ku sugan yihiin.
10sakydamas: “Vyrai, numatau, jog šis plaukimas bus grėsmingas ir pražūtingas ne tik kroviniams bei laivui, bet ir mūsų gyvybėms”.
11Laakiin boqol-u-taliyihii wuxuu dhegaystay hadalkii naakhudihii iyo ninkii doonnida lahaa intuu dhegaysan lahaa waxyaalihii Bawlos yidhi.
11Tačiau šimtininkas labiau tikėjo vairininku ir laivo savininku negu tuo, ką kalbėjo Paulius.
12Oo marsadaasu ma ay ahayn mid ku wanaagsan in wakhtiga qabowga la joogo, sidaas daraaddeed ayaa dadkii intiisii badnayd waxay ku talisay in halkaas laga sii dhoofo, haddii si uun lagu gaadhi karo Foynikis oo halkaas wakhtiga qabowga la joogo, taasoo ah marso Kereetee ku taal oo u jeedda woqooyi-bari iyo koonfur-bari.
12Kadangi uostas buvo netinkamas žiemoti, dauguma nusprendė iš ten plaukti toliau, kaip nors pasiekti Feniksą, Kretos uostą, atvirą į pietvakarius ir šiaurės vakarus, ir ten žiemoti.
13Oo kolkii dabayshii koonfureed tartiib u socotay ayay waxay u maleeyeen inay qastigoodii heleen, kolkaasay barroosinkii qaadeen, oo waxay ag mareen Kereetee.
13Kai ėmė pūsti lengvas pietų vėjas, jie tikėjosi įvykdyti savo sumanymą ir, pakėlę inkarą, leidosi pirmyn palei Kretos krantus.
14Laakiin wakhti aan dheerayn dabadeed ayaa waxaa ka soo kacay duufaan weyn oo magiciisa la yidhaahdo Yurokludoon;
14Bet netrukus nuo salos pusės pakilo viesulas, vadinamas Šiauriaryčiu.
15oo markii doonnidii la qabsaday oo ay wejiga siin kari weyday dabaysha, ayaannu iska dhiibnay, kolkaasay na kaxaysatay.
15Jis pagavo laivą, nepajėgusį jam priešintis, ir mes turėjome jį leisti pavėjui.
16Oo waxaannu ku orodnay gasiirad yar oo Kalawda la yidhaahdo dugsigeed, oo annagoo aad u dhibtoonnay ayaan waxaan awood u helnay inaan huurigii aad u xidhno;
16Kai mus nešė pro salelę, vardu Klaudą, mes tik vargais negalais išsaugojome gelbėjimo valtį.
17Oo kolkii ay kor u soo bixiyeen ayay waxay ku isticmaaleen xadhko wax tara oo doonnidiina way adkeeyeen, oo iyagoo ka cabsanaya inay Surtis oo bacaad ah ku dhacaan, ayay waxay dejiyeen shiraaqii, oo sidaasaa loo kaxaystay.
17Kai ji buvo užkelta, jūreiviai ėmė stiprinti laivąapjuosė jį virvėmis. Bijodami pakliūti ant Sirtės seklumų, jie nuleido bures ir taip plaukė toliau.
18Oo sidii aannu duufaankii aad ugu hawshoonaynay, ayay maalintii dambe shixnaddii badda ku tuureen.
18Mus baisiai vargino audra. Todėl rytojaus dieną teko išmesti į jūrą dalį krovinio.
19Oo maalintii saddexaadna waxay gacmahoodii ku tuureen alaabtii doonnida.
19Trečią dieną savo rankomis išmetėme kai kuriuos laivo įrengimus.
20Oo markii intii maalmo badan ah ayan qorraxdii iyo xiddigihii toona ifin, oo duufaan aan yaraynuna uu nagu dhacayay, ayaa rajadii aannu badbaado ku rajaynaynay oo dhan nalaga qaaday.
20Ilgą laiką nematydami nei saulės, nei žvaigždžių, smarkios audros blaškomi, galiausiai praradome bet kokią viltį išsigelbėti.
21Oo kolkii ay wakhti dheer cuntola'aan sii joogeen ayaa Bawlos dhexdooda istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Niman yahow, waxaa idinku habboonayd inaad i maqashaan oo aydaan Kereetee ka soo dhoofin oo helin waxyeelladan iyo khasaaradan toona.
21Žmonės jau ilgą laiką nieko nevalgė. Paulius, atsistojęs tarp jų, tarė: “Vyrai! Reikėjo paklausyti manęs ir neplaukti nuo Kretos į jūrą. Būtų išvengta šių pavojų ir nuostolių.
22Haddaba waxaan idinku waaninayaa inaad kalsoonaataan; waayo, midkiinna nafta waayi maayo, laakiin waxaa keliyahoo dumaya doonnida.
22Tačiau ir dabar raginu laikytis drąsiai. Niekas iš jūsų nežus, vien tik laivas.
23Waayo, xalayto ayaa waxaa i soo ag istaagtay malaa'igtii Ilaaha i leh oo aan weliba u adeego.
23Šią naktį mane aplankė angelas Dievo, kuriam aš priklausau ir tarnauju,
24Waxay igu tidhi, Bawlosow, ha cabsan; waayo, waa inaad Kaysar hortiisa istaagtaa; oo weliba bal eeg, Ilaah wuxuu adiga ku wada siiyey kuwa kula socda oo dhan.
24ir pasakė: ‘Nebijok, Pauliau! Tu privalai stoti prieš ciesorių. Ir štai Dievas tau dovanoja visus, plaukiančius su tavimi’.
25Haddaba, niman yahow, kalsoonaada, waayo, anigu Ilaah waan rumaysanahay inay noqon doonto sidii la ii sheegay.
25Tad, vyrai, drąsiau! Aš tikiu Dievu, kad taip ir įvyks, kaip man pasakyta.
26Habase yeeshee waa inaynu ku dhacno gasiirad.
26Mus išmes į kokią nors salą”.
27Laakiin intii badda Adriya hore iyo gadaal nalagu kaxeeyey, kolkii habeenkii afar iyo tobnaad la gaadhay, goor habeenbadhkii ku dhow, ayaa baxriyiintii waxay u maleeyeen inay dhul ku soo dhowaanayeen;
27Kai buvome svaidomi Adrijos jūroje keturioliktą naktį, apie vidurnaktį jūreiviams pasirodė, kad artėjame prie kažkokios sausumos.
28kolkaasay moolkii badda qiyaas ka qaadeen, oo waxay heleen inuu yahay labaatan baac, oo haddana kolkay in yar socdeen ayay mar kale qiyaas qaadeen, oo waxay heleen inuu yahay shan iyo toban baac.
28Jie išmetė grimzlę ir nustatė dvidešimties sieksnių gylį; po kiek laiko išmatavo dar kartą ir berado penkiolika.
29Waxay ka cabsadeen inaannu ku dhacno meelo dhagaxyo leh, markaasay waxay doonnida xaggeeda dambe ka tuureen afar barroosin, oo waxay aad u jeclaysteen in maalin noqoto.
29Bijodami užšokti ant povandeninių uolų, jie išmetė iš paskuigalio keturis inkarus ir laukė aušros.
30Oo baxriyiintii ayaa waxay damceen inay doonnida ka baxsadaan, oo waxay badda qarsoodi ugu dejiyeen huurigii sidii iyagoo barroosinno ka tuuraya doonnidii xaggeeda hore.
30Jūreiviai mėgino pabėgti iš laivo. Jie nuleido į jūrą gelbėjimo valtį, neva norėdami išmesti inkarus laivo priešakyje.
31Markaasaa Bawlos boqol-u-taliyihii iyo askartii ku yidhi, Kuwanu haddayan doonnida sii joogin, idinku badbaadi kari maysaan.
31Paulius tarė šimtininkui ir kareiviams: “Jeigu šitie nepasiliks laive, jūs neišsigelbėsite”.
32Markaasaa askartii xadhkaha huuriga ka jareen oo ay huurigii sii daayeen inuu dhaco.
32Tada kareiviai nukapojo valties virves ir leido jai nukristi į jūrą.
33Oo intii waagu soo beryayay, ayaa Bawlos wuxuu dadkii oo dhan ka baryay inay wax cunaan, oo wuxuu yidhi, Maanta waa maalintii afar iyo tobnaad intii aad sugayseen oo aad iska soomanaydeen, oo aydnaan waxba qaadan.
33Prieš rytą Paulius paragino visus valgyti, sakydamas: “Šiandien jau keturiolikta diena, kai jūs laukiate nevalgę, nieko burnoje neturėję.
34Haddaba waxaan idinka baryayaa inaad cunto qaadataan, waayo, taasu waa caafimaadkiinna aawadiis; maxaa yeelay, midkiinna tin keliyahu ka go'i maayo madaxiisa.
34Todėl aš jus prašau valgyti. To reikia jūsų išsigelbėjimui. Nė vienam iš jūsų nenukris nė plaukas nuo galvos!”
35Oo markii uu saas yidhi, ayuu wuxuu soo qaatay kibis, oo dadkii oo dhan hortooda ayuu Ilaah ugu mahad naqay, oo intuu kala jebiyey ayuu bilaabay inuu wax cuno.
35Tai pasakęs, jis paėmė duonos, visų akivaizdoje padėkojo Dievui, sulaužė ir pradėjo valgyti.
36Markaasay wada dhiirranaadeen dhammaantood, oo iyagiina wax bay cuneen.
36Tada visi pralinksmėjo ir ėmėsi valgio.
37Oo intayadii doonnidii ku jirtay oo dhammu waxaannu ahayn laba boqol iyo lix iyo toddobaatan qof.
37Laive iš viso buvome du šimtai septyniasdešimt šeši žmonės.
38Oo markii ay cuntada ka dhergeen, ayay doonnidii fududeeyeen, oo sarreenkiina waxay ku tuureen badda.
38Pavalgę jie palengvino laivą, išmesdami jūron javus.
39Oo markii waagii beryay, ayay dhulkii garan waayeen; laakiin waxay arkeen marso xeeb leh, oo waxay doonayeen inay doonnidii halkaas ku kaxeeyaan hadday karaan.
39Rytui išaušus, jūreiviai negalėjo pažinti žemės, tiktai pastebėjo nedidelę įlanką lėkštais krantais, į kurią, jei bus įmanoma, jie nutarė pasukti laivą.
40Markaasay barroosinnadii badda ku xooreen oo badda ku sii daayeen, oo isla markaasba waxay fureen xadhkihii shukaanaha ku xidhnaa, oo intay shiraaqii dabaysha u sii daayeen, ayay xeebta ku hagaageen.
40Nupjovė inkarus, paliko juos jūroje, atleido vairo diržus ir, iškėlę prieš vėją priekinę burę, leidosi į krantą.
41Laakiin waxay ku dhaceen meel laba badood isaga darmadaan, markaasaa doonnidii dhulka ku dhufatay; oo dhankeedii hore ayaa meel ku liimbaaday oo waxay noqotay wax aan la dhaqdhaqaajin karin, laakiin dhankii dambe wuxuu bilaabay inuu ku burburo mawjadihii xooggooda.
41Atsidūrę prie seklumos, jie užšokdino ant jos laivą. Priekis liko tvirtai įsmigęs, o paskuigalis ėmė irti nuo smarkios bangų mūšos.
42Markaasaa askartii waxay ku taliyeen inay maxaabiista laayaan, si aan midkoodna intuu dabaasho uga baxsan.
42Kareiviai sumanė išžudyti kalinius, kad kuris išplaukęs nepaspruktų.
43Laakiin boqol-u-taliyihii oo doonayay inuu badbaadiyo Bawlos, ayaa qastigoodii ka joojiyey; oo wuxuu amray in kuwa dabaalan karaa ay doonnida iska tuuraan, oo ay marka hore dhulka tagaan;oo inta kalena qaar ha ku dabaasho looxaan, qaarna waxyaalo kale oo ay doonnida ka sii qaataan. Oo sidaas daraaddeed waxay noqotay inay dhammaantood dhulkii u baxsadeen iyagoo nabdoon.
43Bet šimtininkas, gelbėdamas Paulių, sutrukdė jų sumanymą. Jis įsakė, kad mokantys plaukti pirmi šoktų į jūrą ir plauktų į krantą,
44oo inta kalena qaar ha ku dabaasho looxaan, qaarna waxyaalo kale oo ay doonnida ka sii qaataan. Oo sidaas daraaddeed waxay noqotay inay dhammaantood dhulkii u baxsadeen iyagoo nabdoon.
44o kiti tai padarytų kas ant lentų, kas ant laivo nuolaužų. Šitaip visi išsigelbėjo ir pasiekė žemę.