1Markaasaa Boqor Beelshaasar wuxuu diyaafad weyn u sameeyey kun nin oo saraakiishiisii ah, markaasuu khamri ku hor cabbay kunkii nin.
1Karalius Belšacaras iškėlė didelę puotą tūkstančiui savo didžiūnų ir jų akivaizdoje gėrė vyną.
2Beelshaasar markuu dhadhamiyey khamrigii ayuu amray in la keeno weelashii dahabka iyo lacagta ahaa, oo aabbihiis Nebukadnesar ka soo qaaday macbudkii Yeruusaalem ku yiil, in boqorka iyo saraakiishiisa, iyo naagihiisii, iyo naagihiisii addoommaha ahaa ay wax ku cabbaan.
2Belšacaras, paragavęs vyno, įsakė atnešti auksinius ir sidabrinius indus, kuriuos jo tėvas Nebukadnecaras buvo atgabenęs iš Jeruzalės šventyklos, kad iš jų gertų karalius, jo kunigaikščiai, žmonos ir sugulovės.
3Markaasay keeneen weelashii dahabka ahaa oo laga soo qaaday macbudkii guriga Ilaah ahaa ee Yeruusaalem ku yiil; oo boqorkii iyo saraakiishiisii, iyo naagihiisii iyo naagihiisii addoommaha ahaa ay wax ku cabbeen.
3Tada atnešė auksinius ir sidabrinius indus, kurie buvo atgabenti iš Jeruzalės šventyklos, Dievo namų. Iš jų gėrė karalius, jo kunigaikščiai, žmonos ir sugulovės.
4Khamri bay cabbeen, oo waxay ammaaneen ilaahyadii dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta iyo qoryaha, iyo dhagaxa ahaa.
4Jie gėrė vyną ir gyrė savo auksinius, sidabrinius, varinius, geležinius, medinius ir akmeninius dievus.
5Isla saacaddaas waxaa soo baxay nin gacantiis faraheed, oo waxay wax ku qoreen nuuraddii derbiga ka soo hor jeeday laambadda, oo gurigii boqorka, boqorkiina wuu arkay gacantii inteedii wax qortay.
5Tą pačią valandą pasirodė žmogaus rankos pirštai ir rašė ties žvakide ant karaliaus rūmų sienos. Karalius matė rašančią ranką.
6Markaasaa boqorka wejigiisii beddelmay, fikirradiisiina wuu la welwelay; xubnihii dhexdiisuna way debceen, lowyihiisiina way isku dhacdhaceen.
6Jo veidas pasikeitė, jį apėmė neramios mintys, sąnariai suglebo ir keliai drebėjo.
7Markaasaa boqorkii kor u qayliyey oo yidhi, Ii keena xiddigiyayaasha iyo kuwa reer Kaldayiin ah iyo kuwa wax sheega. Boqorkiina waa la hadlay raggii xigmadda lahaa ee Baabuloon oo ku yidhi, Ku alla kii fartan akhriya, oo fasirkeeda ii caddeeya, waxaa loo gelinayaa dhar guduudan, qoortana waxaa loo sudhayaa silsilad dahab ah, oo wuxuu noqon doonaa taliyaha saddexaad oo boqortooyada.
7Karalius, garsiai šaukdamas, liepė atvesti žynius, chaldėjus ir astrologus. Jiems susirinkus, karalius kalbėjo Babilono išminčiams: “Kas perskaitys šitą raštą ir man jį išaiškins, tas bus apvilktas purpuru, jam bus užkabinta auksinė grandinė ir jis bus paskelbtas trečiu valdovu karalystėje!”
8Markaasaa waxaa soo galay boqorka raggiisii xigmadda lahaa oo dhan, laakiin fartii way akhriyi kari waayeen, boqorkiina fasirkii way u caddayn kari waayeen.
8Tačiau visi išminčiai negalėjo nei rašto perskaityti, nei jo išaiškinti karaliui.
9Markaasaa Boqor Beelshaasar aad iyo aad u argaggaxay, wejigiisiina waa beddelmay, saraakiishiisiina way welweleen.
9Tuomet karalius Belšacaras labai sunerimo, jo veidas pabalo, o didžiūnai buvo apstulbę.
10Markaasaa boqorka iyo saraakiishiisii hadalkoodii aawadiis ayaa boqoraddii u soo gashay gurigii diyaafadda; kolkaasay boqoraddii hadashay oo tidhi, Boqorow, weligaaba noolow; fikirradaadu yay kaa argaggixin, wejigaaguna yuusan beddelmin.
10Išgirdusi karaliaus ir didžiūnų žodžius, karalienė įėjo į puotos salę, ir tarė: “Karaliau, gyvuok per amžius! Teneapima tavęs neramios mintys ir tavo veidas tenepasikeičia!
11Nin ruuxii ilaahyada quduuska ahu ku jiro ayaa boqortooyadaada jooga, oo jeerkii aabbahaa ayaa waxaa laga helay nuur iyo waxgarasho iyo xigmad u eg xigmaddii ilaahyada; oo Boqor Nebukadnesar oo ahaa aabbahaa, boqorow, wuxuu isaga ka dhigay madaxdii saaxiriinta, iyo xiddigiyayaasha, iyo kuwa reer Kaldayiin ah, iyo kuwa wax sheega;
11Tavo karalystėje yra vyras, kuris turi šventųjų dievų dvasią. Tavo tėvo dienomis šviesa, supratimas ir išmintis, panaši į dievų išmintį, buvo jame. Karalius Nebukadnecaras, tavo tėvas, paskyrė jį ženklų aiškintojų, žynių, chaldėjų ir astrologų viršininku,
12maxaa yeelay, waxaa laga helay ruux aad u wanaagsan, iyo aqoon, iyo waxgarasho, riyooyinkana wuu fasiri jiray, waxa daahanna wuu muujin jiray, shakigana wuu saari jiray, oo kaasu waa Daanyeel, kii boqorku u bixiyey Beelteshaasar. Haddaba Daanyeel ha loo yeedho, oo isna fasirka wuu caddayn doonaa.
12kadangi jis turėjo nepaprastą dvasią, supratimą ir protą, galintį išaiškinti sapnus, atspėti mįsles ir atidengti paslaptis. Tai Danielius, kuriam karalius davė Beltšacaro vardą. Taigi pašauk Danielių, ir jis tau išaiškins”.
13Markaasaa Daanyeel la soo hor taagay boqorka. Boqorkiina waa la hadlay oo Daanyeel ku yidhi, Ma waxaad tahay Daanyeelkii ka mid ahaa kuwii Yahuudah laga soo dhacay, oo boqorkii aabbahay ahaa Yahuudah ka keenay?
13Kai Danielių atvedė pas karalių, karalius tarė: “Ar tu tas Danielius iš Judo tremtinių, kuriuos karalius, mano tėvas, atvedė iš Judėjos?
14Waxaa la iiga kaa sheegay inuu ruuxa ilaahyadu kugu jiro, oo lagaa dhex helay nuur iyo waxgarasho iyo xigmad aad iyo aad u wanaagsan.
14Aš girdėjau apie tave, kad šventųjų dievų dvasia yra tavyje ir taip pat šviesa, supratimas bei nepaprasta išmintis.
15Haddaba raggii xigmadda lahaa iyo xiddigiyayaashii baa lay soo hor taagay inay fartan akhriyaan, oo ay ii caddeeyaan fasirkeeda, laakiin way kari waayeen inay ii caddeeyaan waxaas fasirkiisa.
15Buvo pakviesti išminčiai ir žyniai, kad perskaitytų šitą raštą ir jį išaiškintų, bet jie nesugebėjo išaiškinti tų žodžių prasmės.
16Laakiinse waxaa la iiga kaa sheegay inaad wax fasiri kartid, shakigana saari kartid; haddaba haddaad farta akhriyi kartid oo aad fasirkeeda caddayn kartid, waxaa lagu xidhi doonaa dhar guduudan, waxaad qoortana ku qabi doontaa silsilad dahab ah, oo waxaad noqon doontaa taliyaha saddexaad oo boqortooyada.
16Aš girdėjau apie tave, kad tu gali išaiškinti paslaptis. Jei perskaitysi raštą ir pasakysi jo reikšmę, būsi apvilktas purpuru, gausi auksinę grandinę ir būsi trečias valdovas karalystėje!”
17Markaasaa Daanyeel jawaabay oo yidhi isagoo boqorkii hor taagan, Boqorow, hadiyadahaaga iska hayso, abaalgudyadaadana ku kale sii; habase yeeshee farta waan kuu akhriyi doonaa, fasirkana waan kuu caddayn doonaa.
17Danielius atsakė karaliui: “Dovanos telieka pas tave arba duok jas kitam! Tačiau aš perskaitysiu raštą karaliui ir jį išaiškinsiu.
18Boqorow, Ilaaha ugu Sarreeyaa wuxuu aabbahaa Nebukadnesar siiyey boqortooyada, iyo weynaan, iyo ammaan, iyo derejo,
18O karaliau! Aukščiausiasis Dievas davė tavo tėvui Nebukadnecarui karalystę, didybę, garbę ir šlovę.
19oo weynaantii uu siiyey aawadeed ayay dadyowgii iyo quruumihii iyo kuwii kala afka ahaa oo dhammu la gariireen oo ka cabsadeen. Kuu doonayay wuu dilay, kuu doonayayna wuu reebay; oo kuu doonayay wuu sarraysiiyey, kuu doonayayna wuu hoosaysiiyey.
19Dėl didybės, kuri jam buvo duota, visų kalbų tautos ir giminės drebėjo ir bijojo jo. Ką norėjo, jis nužudė, ką norėjo, paliko gyvą; ką norėjo, jis išaukštino, ką norėjo, pažemino.
20Laakiinse markuu dhulka kor isaga qaaday oo ruuxiisii kibir la qallafsanaaday ayaa carshigii boqornimadiisa laga dejiyey, ammaantiisiina waa laga qaaday.
20O kai jo širdis pasiaukštino ir dvasia sukietėjo nuo išdidumo, jis buvo nustumtas nuo karališko sosto ir neteko savo šlovės.
21Markaasaa binu-aadmiga laga eryay, qalbigiisiina waxaa laga dhigay sida kan dugaagga, wuxuuna la joogay dameeraha duurka, oo wuxuu doogga u daaqay sida dibida, jidhkiisana waxaa qoyay dharab samada ka soo dhacay ilaa uu ka ogaaday in Ilaaha ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu madax uga dhigo ku alla kii uu doonayo.
21Iš žmonių jis buvo pašalintas, jo širdis pasidarė kaip žvėries, su laukiniais asilais jis gyveno, valgė žolę kaip jautis, jo kūną vilgė dangaus rasa, kol jis pažino, kad aukščiausiasis Dievas viešpatauja žmonių karalystėje ir paskiria valdovu tą, kurį Jis nori.
22Beelshaasarow, adigoo wiilkiisii ah, ma aadan is-hoosaysiin in kastoo aad waxyaalahan oo dhan ogayd;
22O tu, jo sūnau Belšacarai, nenusižeminai širdimi, nors visa tai žinojai.
23laakiinse waad iska sarraysiisay Sayidka samada; oo waxaa lagu hor keenay weelashii gurigiisa, markaasaa adiga iyo saraakiishaada, iyo naagahaaga, iyo naagahaaga addoommaha ahu aad khamri ku cabteen; oo waxaad ammaantay ilaahyada lacagta iyo dahabka ah, iyo kuwa naxaasta, iyo birta, iyo qoryaha, iyo dhagaxa ah, oo aan waxba arkin, waxna maqlin, waxna ogayn: oo Ilaaha neeftaadu gacantiisa ku jirto, oo jidadkaaga oo dhan lehna ma aadan ammaanin;
23Tu pasipūtei prieš dangaus Viešpatį, įsakei atnešti Jo namų indus ir tu bei tavo didžiūnai, tavo žmonos ir sugulovės gėrė iš jų vyną, ir tu gyrei sidabrinius, auksinius, varinius, geležinius, medinius ir akmeninius dievus, kurie negali nei matyti, nei girdėti, nei suprasti. O Dievo, kurio rankoje yra tavo gyvybė ir kurio žinioje yra visi tavo keliai, tu nešlovinai.
24dabadeed gacanta isaga xaggiisaa laga soo diray, oo waxay qortay fartan.
24Todėl Jis siuntė ranką, ir šitas raštas buvo užrašytas.
25Oo waa tan fartii la qoray, MENE, MENE, TEQEL, UUFARSIIN.
25Štai kas parašyta: ‘Mene, mene, tekel, uparsin’.
26Waa kan waxaas fasirkiisii: MENE: Waxay ka dhigan tahay, Ilaah waa tiriyey boqortooyadaada, wuuna dhammeeyey.
26Tokia jų reikšmė: ‘Mene’Dievas suskaičiavo tavo karalystės dienas ir jas užbaigė;
27TEQELna waxaa weeye, Kafadaha waa lagugu miisaamay oo wax baa kaa dhinnaaday.
27‘Tekel’esi pasvertas svarstyklėmis ir rastas per lengvas;
28FERESna waxaa weeye, Boqortooyadaadii waa la qaybiyey, oo waxaa la siiyey reer Maaday iyo reer Faaris.
28‘Peres’tavo karalystė padalyta ir atiduota medams ir persams!”
29Markaasaa Beelshaasar amar bixiyey, oo waxay Daanyeel u xidheen dhar guduudan, qoortana waxaa loo geliyey silsilad dahab ah, markaasaa la naadiyey inuu noqonayo taliyaha saddexaad oo boqortooyada.
29Belšacaras įsakė apvilkti Danielių purpuru, užkabinti auksinę grandinę ir paskelbė, kad jis bus trečias valdovas karalystėje.
30Habeenkaasaa la dilay Beelshaasar boqorkii reer Kaldayiin.Oo Daariyus oo ahaa reer Maaday oo laba iyo lixdan jir ahaa, ayaa boqortooyadii qabsaday.
30Tą pačią naktį karalius Belšacaras, chaldėjų karalius, buvo nužudytas,
31Oo Daariyus oo ahaa reer Maaday oo laba iyo lixdan jir ahaa, ayaa boqortooyadii qabsaday.
31ir Darijus, medas, pradėjo valdyti, būdamas šešiasdešimt dvejų metų.