Somali

Lithuanian

Daniel

9

1Sannaddii kowaad oo Daariyus kii ahaa ina Ahashwerus oo reer Maaday, oo boqorka looga dhigay boqortooyadii reer Kaldayiin,
1Darijaus, Ahasvero sūnaus, kilusio iš medų palikuonių, kuris tapo chaldėjų karaliumi,
2sannaddii kowaad oo boqornimadiisa ayaan anigoo Daanyeel ahu kitaabbadii ka gartay intay ahaayeen sannadihii Ilaah kala hadlay Nebi Yeremyaah, oo ku saabsanaa wakhtiga la dhammaystirayo baabbi'inta wax la baabbi'inayo Yeruusaalem, waxayna ahaayeen toddobaatan sannadood.
2pirmaisiais karaliavimo metais aš, Danielius, supratau pagal knygas metų skaičių, apie kurį Viešpaties žodis buvo duotas pranašui Jeremijui, kad Jeruzalė bus apleista septyniasdešimt metų.
3Oo waxaan wejigayga u jeediyey Sayidka Ilaah ah inaan ku doondoono tukasho iyo baryootan, anoo sooman, oo joonyado guntan, oo dambas ku fadhiya.
3Aš nukreipiau savo veidą į Viešpatį Dievą malda ir maldavimais su pasninku, ašutine ir pelenuose.
4Oo Rabbiga ah Ilaahayga ayaan baryay, oo wax baan u qirtay, oo aan idhi, Sayidow, waxaad tahay Ilaaha weyn oo laga cabsado, oo axdi xajiya, oo u naxariista kuwa isaga jecel oo amarradiisa dhawra;
4Meldžiau Viešpatį, savo Dievą: “Viešpatie, didis ir baimę keliantis Dieve! Tu laikaisi sandoros ir esi gailestingas tiems, kurie Tave myli ir laikosi Tavo įsakymų.
5waannu dembaabnay, oo wax baannu si qalloocan u samaynay, oo shar baannu falnay, oo waannu caasiyownay, oo xataa waannu ka baydhnay amarradaadii iyo xukummadaadii,
5Mes nusidėjome ir nusikaltome, nedorai elgėmės, maištavome, atmetėme Tavo potvarkius ir nuostatus.
6oo ma aannu dhegaysan nebiyadii addoommadaada ahaa, oo magacaaga kula hadlay boqorradayada iyo amiirradayada, iyo awowayaashayo, iyo dadka waddanka deggan oo dhan.
6Mes neklausėme Tavo tarnų pranašų, kurie kalbėjo Tavo vardu mūsų karaliams, kunigaikščiams, tėvams ir visai tautai.
7Sayidow, xaqnimada adigaa iska leh, laakiinse annagu waxaannu leennahay qasnaan iyo ceeb sida maanta annagoo ah dadka reer Yahuudah, iyo kuwa ku dhaqma Yeruusaalem, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, iyo kuwa dhow iyo kuwa fog oo aad dalalka kale u kaxaysay xadgudubkii ay kugu xadgudbeen aawadiis.
7Tu, Viešpatie, esi teisus, o mums­Judo ir Jeruzalės gyventojams ir visiems izraelitams visose šalyse, po kurias juos išsklaidei dėl jų nusikaltimų­gėda, kaip šiandien matome.
8Sayidow, waxaannu leennahay qasnaan iyo ceeb, annaga iyo boqorradayada iyo amiirradayada, iyo awowayaashayaba, maxaa yeelay, waannu kugu dembaabnay.
8Viešpatie, mums, mūsų karaliams, kunigaikščiams ir mūsų tėvams gėda, nes mes nusidėjome Tau.
9Sayidka Ilaahayaga ahu wuxuu leeyahay naxariis iyo dembidhaaf, waayo, waannu ku caasiyownay;
9Viešpatie, mūsų Dieve, Tu esi gailestingas ir atlaidus, nors mes sukilome prieš Tave.
10mana aannu addeecin codkii Rabbiga Ilaahayaga ah, iyo inaannu ku soconno sharciyadiisa ay na hor dhigeen nebiyadii ahaa addoommadiisa.
10Mes nepaklusome Viešpaties, savo Dievo balsui, kad elgtumėmės pagal Jo įsakymus, kuriuos Jis mums davė per savo tarnus pranašus.
11Haah, reer binu Israa'iil oo dhammu sharcigaagii way ku xadgudbeen, oo xataa way ka baydheen, si aanay u addeecin codkaaga, sidaas daraaddeed ayaa cadhada lanoogu riday, iyo weliba dhaarta ku qoran sharciga Muuse, oo ahaa addoonkii Ilaah; waayo, waannu kugu dembaabnay.
11Visas Izraelis sulaužė Tavo įstatymą ir nusisuko, kad neklausytų Tavo balso. Tada išsiliejo ant mūsų Tavo prakeikimas, kaip parašyta Dievo tarno Mozės įstatyme, nes mes Jam nusikaltome.
12Hadalladiisii uu kaga hadlay annaga iyo xaakinnadayada na xukumi jiray wuxuu ku adkeeyey xumaan weyn oo uu nagu soo dejiyey; waayo, samada hoosteeda oo dhan laguma samayn waxa Yeruusaalem lagu sameeyey oo kale.
12Jis įvykdė savo žodį, pasakytą prieš mus ir mūsų teisėjus, kad Jis užleis didelę nelaimę. Nes niekur po dangumi nėra to buvę, kas įvyko Jeruzalėje.
13Sida ku qoran sharciga Muuse, xumaantan oo dhammu annagay nagu dhacday, welise Rabbiga Ilaahayaga ah raallinimo kama aannu baryin, si aannu uga soo jeesanno dembiyadayada, oo aannu runtaada uga fikirno.
13Kaip parašyta Mozės įstatyme, visos tos nelaimės užgriuvo mus. Bet mes nemaldavome Viešpaties, savo Dievo, kad galėtume nusigręžti nuo savo nedorybių ir suprasti Tavo tiesą.
14Haddaba sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaanta u fiiriyey, oo uu noogu soo dejiyey, waayo, Ilaaha Rabbigayaga ahu wax alla wuxuu sameeyo oo dhan waa ku xaq, oo annana ma aannu addeecin codkiisii.
14Todėl Viešpats budėjo prie nelaimės, kad ją mums užvestų. Viešpats, mūsų Dievas, yra teisus visuose savo darbuose, nes mes nepaklusome Jo balsui.
15Haddaba Ilaahayaga ahow, oo dadkiisa gacanta xoogga leh Masar kaga soo bixiyayow, oo maanta ammaan isu soo jiidayow, waannu dembaabnay, oo wax shar ah baannu falnay.
15Viešpatie, mūsų Dieve, kuris galinga ranka išvedei savo tautą iš Egipto krašto ir padarei savo vardą žinomą iki šios dienos, mes nusidėjome ir nedorai elgėmės.
16Sayidow, waan ku baryayaaye xaqnimadaada oo dhan aawadeed, Dhirifkaaga iyo cadhadaaduba ha ka leexdeen magaaladaada Yeruusaalem, oo ah buurtaada quduuska ah; waayo, dembiyadayada iyo xumaantii awowayaashayo aawadood ayaa Yeruusaalem iyo dadkaagiiba kuwo ceebaysan ugu noqdeen inta nagu wareegsan oo dhan.
16Viešpatie, dėl Tavo teisumo tenusigręžia Tavo rūstybė nuo Jeruzalės, Tavo šventojo kalno. Nes dėl mūsų nuodėmių ir mūsų tėvų nedorybių Jeruzalė ir Tavo tauta tapo panieka visiems, aplink mus gyvenantiems.
17Haddaba Ilaahayow, bal maqal tukashadayda iyo baryadayda anoo ah addoonkaaga, oo aawadaa, Sayidow, uga dhig in wejigaagu ka hor iftiimo meeshaada quduuskaa oo kharribantay.
17Dabar, mūsų Dieve, išklausyk savo tarno maldą bei maldavimą, leisk savo veidui nušvisti virš sugriautos savo šventyklos.
18Ilaahayow, dhegahaaga soo jeedi oo i maqal; oo indhahaaga kala qaad, oo bal arag baabba'ayaga, iyo magaaladii magacaaga loogu yeedhayba, waayo, annagu kugu baryi mayno xaqnimo aannu leennahay, laakiinse naxariistaada ayaannu kugu baryaynaa.
18Mano Dieve, palenk savo ausį ir išgirsk, atverk akis ir pažvelk į mūsų dykvietes ir į miestą, kuris pavadintas Tavo vardu. Mes maldaujame ne dėl savo teisumo, bet dėl didelio Tavo gailestingumo.
19Sayidow, na maqal; Sayidow, na cafi; Sayidow, na dhegayso oo yeel; ha raagin; aawadaa baan kugu baryaynaa Ilaahayow, maxaa yeelay magaaladaada iyo dadkaagaba waxaa loogu yeedhay magacaaga.
19Viešpatie, išgirsk! Viešpatie, atleisk! Viešpatie, išklausyk ir veik! Nedelsk dėl savęs paties, mano Dieve. Juk Tavo vardu pavadintas Tavo miestas ir Tavo tauta”.
20Oo intii aan hadlayay, oo aan tukanayay, oo aan dembigayga iyo dembigii dadkayga reer binu Israa'iil qiranayay, oo aan Rabbiga Ilaahayga ah u baryayay buurta quduuska ah oo Ilaahay,
20Kai aš meldžiausi ir išpažinau savo bei Izraelio tautos nuodėmę, maldaudamas Viešpatį dėl mano Dievo šventojo kalno,
21intii aan ducaysanayay ayaa ninkii Jibriil ahaa, oo aan markii hore riyada ku arkay, degdeg iigu soo duulay, wakhtigii qurbaankii fiidkii la bixiyey, oo i taabtay.
21man dar besimeldžiant, vakarinės aukos metu, greitai atskridęs, prie manęs prisilietė Gabrielius, kurį anksčiau buvau matęs regėjime.
22Markaasuu wax i baray, oo ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, haatan waxaan u soo baxay inaan kaa dhigo mid wax aad u yaqaan.
22Jis pamokė mane, kalbėjo man ir tarė: “Danieliau, aš atėjau duoti tau nuovokos bei supratimo.
23Markaad baryootankaagii bilowday ayaa amarku soo baxay, oo waxaan u imid inaan kuu sheego; waayo, aad baa laguu jecel yahay, haddaba sidaas daraaddeed xaalka ka fiirso, oo riyada garo.
23Tavo maldos pradžioje buvo duotas paliepimas ir aš atėjau tau pranešti, nes tu labai mylimas. Įsidėmėk žodį ir suprask regėjimą.
24Toddobaatan toddobaad baa loo qabtay dadkaaga iyo magaaladaada quduuska ah, in xadgudubka la joojiyo, oo dembiyada la dhammeeyo, oo xumaanta laga heshiiyo, oo la keeno xaqnimo weligeed ah, iyo in la shaabadeeyo waxyaalo lays tuso iyo waxyaalo la sii sheego, iyo in la subko kan ugu quduusan.
24Septyniasdešimt savaičių skirta tavo tautai ir tavo šventam miestui, kad užbaigtų nusikaltimą, padarytų galą nuodėmėms, atliktų sutaikinimą už nedorybes, įvestų amžiną teisumą, užantspauduotų regėjimus bei pranašystes bei pateptų patį švenčiausiąjį.
25Haddaba ogow oo garo in tan iyo markii amarku soo baxay in Yeruusaalem la soo celiyo oo la dhiso ilaa uu yimaado kan subkan oo ah amiirka waxaa ahaan doona toddoba toddobaad, iyo laba iyo lixdan toddobaad; haddana wakhtiyada cidhiidhiga ah waa la dhisi doonaa oo waxaa loo yeeli doonaa jidad iyo derbi.
25Žinok ir suprask: nuo tada, kai bus duotas įsakymas atstatyti Jeruzalę, iki pateptojo kunigaikščio pasirodymo praeis septynios savaitės ir šešiasdešimt dvi savaitės. Ji bus atstatyta su aikštėmis ir sienomis, nors ir sunkiu metu.
26Oo laba iyo lixdanka toddobaad dabadood ayaa kan subkan la gooyn doonaa waxbana ma haysan doono, oo dadka amiirka iman doona ayaa baabbi'in doona magaalada iyo meesha quduuska ah oo dhammaadkiisuna wuxuu ahaan doona mid daad leh, oo xataa ilaa ugu dambaysta waxaa jiri doona dagaal; baabba'na waa la goostay.Oo toddobaad ayuu kuwo badan axdi kula dhigan doonaa: markaasuu toddobaadka badhtankiisa joojin doonaa allabariga iyo qurbaankaba; oo dushiisa waxaa ku iman doona mid wax baabbi'iya ilaa dhammaadkii la goostay lagu dejiyo kan wax baabbi'iya.
26Praėjus šešiasdešimt dviem savaitėm, pateptasis bus nužudytas, bet ne dėl savęs. Vieno kunigaikščio pulkai sunaikins miestą ir šventyklą. Tada ateis galas lyg potvynis ir iki karo pabaigos bus baisių sunaikinimų.
27Oo toddobaad ayuu kuwo badan axdi kula dhigan doonaa: markaasuu toddobaadka badhtankiisa joojin doonaa allabariga iyo qurbaankaba; oo dushiisa waxaa ku iman doona mid wax baabbi'iya ilaa dhammaadkii la goostay lagu dejiyo kan wax baabbi'iya.
27Jis sudarys sandorą su daugeliu vienai savaitei. Savaitės viduryje sustabdys aukų aukojimą ir ištuštins šventyklą, kad galėtų pripildyti ją bjaurysčių, kol sunaikintojui ateis numatytas galas”.