Somali

Lithuanian

Deuteronomy

11

1Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad jeclaataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waa inaad had iyo goor dhawrtaan waxa loo dhawri lahaa, iyo qaynuunnadiisa, iyo xukummadiisa iyo amarradiisaba.
1“Mylėk Viešpatį, savo Dievą, visada vykdyk Jo įsakymus, įstatymus, nuostatus bei paliepimus.
2Oo bal idinku maanta ogaada, waayo, la hadli maayo carruurtiinnii aan aqoon oo aan arkin Rabbiga Ilaahiinna ah edbintiisa, iyo weynaantiisa, iyo gacantiisa xoogga badan, iyo cududdiisa fidsan,
2Kalbu ne jūsų vaikams, kurie nematė ir nepažino Viešpaties, jūsų Dievo, drausmės ir Jo didybės, ir Jo ištiestos galingos rankos,
3iyo calaamooyinkiisa, iyo shuqulladiisii uu ku dhex sameeyey Masar oo uu ku sameeyey boqorkii Masar oo Fircoon ahaa iyo dalkiisii oo dhan,
3Jo ženklų ir darbų, padarytų faraonui, Egipto karaliui, ir visam jo kraštui,
4iyo wixii uu ku sameeyey ciidankii Masar, iyo fardahoodii, iyo gaadhifardoodkoodii, iyo siduu iyaga ugu qarqiyey biyihii Badda Cas markay idin eryadeen, iyo siduu Rabbigu iyagii u baabbi'iyey ilamaa maantadan la joogo,
4visai egiptiečių kariuomenei, žirgams ir kovos vežimams, kai juos užliejo Raudonosios jūros vanduo, besivejant jus, ir Viešpats juos sunaikino,
5iyo wixii uu idinku sameeyey, markaad cidladii joogtay jeeraad meeshan timaadeen,
5ir kaip Jis jums padėjo dykumoje, iki atėjote į šitą vietą,
6iyo wixii uu reer binu Israa'iil oo dhan dhexdooda kaga sameeyey Daataan iyo Abiiraam oo ahaa ilma Elii'aab oo ahaa reer Ruubeen, iyo sidii ciiddu afkeeda u kala qaadday oo ay u liqday iyagii, iyo reerahoodii, iyo teendhooyinkoodii, iyo wax alla wixii noolaa oo iyaga raacay,
6ir ką Jis padarė Rubeno sūnaus Eliabo dviem sūnums Datanui ir Abiramui, kuriuos atsivėrusi žemė prarijo su šeimomis, palapinėmis ir visu jų lobiu.
7laakiinse idinka indhihiinnu way arkeen shuqulkii weynaa oo Rabbigu sameeyey oo dhan.
7Jūsų akys matė visus didingus Viešpaties darbus, kuriuos Jis padarė.
8Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan amarkan aan maanta idinku amrayo oo dhan si aad u xoogaysataan oo aad u gashaan oo u hantidaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan,
8Vykdykite visus Jo paliepimus, kuriuos jums šiandien skelbiu, kad būtumėte tvirti užimti ir paveldėti žemę, į kurią einate,
9iyo in cimrigiinnu ku dheeraado dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin inuu siinayo iyaga iyo farcankooda, kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.
9ir kad ilgai gyventumėte žemėje, plūstančioje pienu ir medumi, kurią Viešpats su priesaika pažadėjo jūsų tėvams ir jų palikuonims.
10Maxaa yeelay, dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan ma aha sidii dalkii Masar oo aad ka soo baxdeen ee aad abuurkiinna ku abuurteen oo aad cagihiinna ku waraabiseen sidii beer khudaareed,
10Žemė, kurios paveldėti einate, yra ne tokia kaip Egipto žemė, iš kurios išėjote, kurioje pasėtą sėklą laistėte savo rankomis atneštu vandeniu kaip daržą.
11laakiinse dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan waa dal leh buuro iyo dooxooyin, oo wuxuu biyaha ka cabbaa roobka samada,
11Žemė, į kurią einate, yra kalnų ir slėnių šalis, kurią laisto dangaus lietus,
12oo waa dal Rabbiga Ilaahiinna ahu uu xannaaneeyo, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah indhihiisa ayaa fiiriya tan iyo sannadda bilowgeeda iyo xataa sannadda dabaadigeeda.
12Viešpats, jūsų Dievas, visada aprūpina ją, Jo akys stebi ją ištisus metus.
13Oo haddaad aad u dhegaysataan amarrada aan maanta idinku amrayo oo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan oo aad isaga ugu adeegtaan qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan,
13Jei klausysite mano įsakymų, kuriuos šiandien jums duodu, mylėsite Viešpatį, savo Dievą, ir Jam tarnausite visa širdimi ir visa siela,
14de markaas dalkiinna roobka waxaan siin doonaa xilligiisa kaas oo ah roobka hore iyo roobka dambe, inaad soo urursataan hadhuudhkiinna, iyo khamrigiinna, iyo saliiddiinna.
14Jis duos žemei lietaus reikiamu metu: ankstyvąjį lietų ir vėlyvąjį lietų; suvalysi javus, vynuoges ir aliejų.
15Oo berrimmadiinnana waxaan ka buuxin doonaa doog ay xoolihiinnu daaqaan, oo idinkuna wax baad cuni doontaan, waadna dhergi doontaan.
15Jis duos tavo gyvuliams žolės laukuose; ir tu valgysi, ir pasisotinsi.
16Haddaba digtoonaada, waaba intaasoo uu qalbigiinnu idin khiyaaneeyaa, oo aad gees u leexataan oo ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,
16Saugokitės, kad jūsų širdys nebūtų apgautos, nenuklyskite, netarnaukite svetimiems dievams ir jų negarbinkite.
17oo markaas cadhada Rabbigu idinku kululaataa, oo uu samada idinka xidhaa, si aad roob u weydaan, oo uu dhulku midho soo bixin waayo, oo aad haddiiba uga baabba'daan dalka wanaagsan oo Rabbigu idin siinayo.
17Nes tada užsirūstinęs Viešpats uždarys dangų, kad nebebūtų lietaus, ir žemė neduos derliaus, ir jūs greitai pražūsite toje geroje žemėje, kurią Viešpats jums duoda.
18Haddaba erayadaydan waa inaad gelisaan qalbigiinna iyo naftiinna, oo waa inaad calaamad ahaan gacanta ugu xidhataan, waxayna idiin ahaan doonaan wax indhihiinna dhexdooda ka laalaada.
18Įsidėkite šiuos žodžius į savo širdį ir sielą, nešiokite juos kaip ženklą ant rankų ir ant kaktos.
19Oo waa inaad iyaga carruurtiinna bartaan, idinkoo ku sheekaysta markaad gurigiinna dhex fadhidaan, iyo markaad jidka martaan, iyo markaad jiiftaan, iyo markaad sara joogtaanba.
19Mokykite jų savo vaikus, kalbėkite apie juos, sėdėdami namuose, eidami keliu, guldami ir keldamiesi.
20Oo waa inaad iyaga ku qortaan tiirarka albaabka gurigiinna iyo irdihiinnaba,
20Užrašykite juos ant savo namų durų staktų ir ant vartų,
21in cimrigiinna iyo cimriga carruurtiinnuba uu dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin ugu dheeraado sida cimriga samooyinka dhulka ka sarreeya.
21kad jūs ir jūsų vaikai gyventų krašte, kurį Viešpats jūsų tėvams prisiekė duoti, kol dangus bus virš žemės.
22Maxaa yeelay, haddaad aad u xajisaan kulli amarkan aan idinku amrayo oo dhan inaad yeeshaan, kaasoo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad jidadkiisa oo dhan ku socotaan, oo aad isaga ku hadhaan,
22Jei uoliai laikysitės šių paliepimų, juos vykdysite, mylėsite Viešpatį, savo Dievą, vaikščiosite Jo keliais ir glausitės prie Jo,
23markaasuu Rabbigu hortiinna ka wada eryi doonaa quruumahaas oo dhan, oo waxaad hantiyi doontaan quruumo idinka badan oo idinka xoog weyn.
23Viešpats išvys visas šitas tautas pirma jūsų. Jūs nugalėsite jas, nors jos už jus didesnės ir galingesnės.
24Oo meel kasta oo aad cagta dhigtaanba idinkaa iska yeelan doona, tan iyo cidlada iyo ilaa Lubnaan iyo ilaa webiga, kaasoo ah Webi Yufraad, iyo xataa ilaa badda galbeed.
24Kiekviena vieta, kur jūsų koja atsistos, bus jūsų. Nuo dykumų ir Libano, nuo didžiosios Eufrato upės iki Vakarų jūros tęsis jūsų sienos.
25Oo ninnaba ma awoodi doono inuu idin hor istaago, oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu dalkii aad cag marin doontaan oo dhan saari doonaa cabsidiinna iyo naxdintiinna, siduu idiin sheegay.
25Nė vienas neatsilaikys prieš jus; Viešpats, jūsų Dievas, sukels baimę ir išgąstį visuose kraštuose, į kuriuos tik įžengsite, kaip jums pažadėjo.
26Bal eega, maanta waxaan idin hor dhigayaa barako iyo habaar,
26Štai aš padedu prieš jus šiandien palaiminimą ir prakeikimą.
27barakada waxaad helaysaan haddaad dhegaysataan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan maanta idinku amrayo,
27Palaiminimą­jei klausysite Viešpaties, savo Dievo, įsakymų, kuriuos šiandien jums skelbiu;
28habaarkuna wuxuu idinku dhacayaa haddaydnan dhegaysan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah, laakiin aad gees uga leexataan jidka aan maanta idinku amrayo, oo aad ilaahyo kale oo aydnan aqoon raacdaan.
28prakeikimą­jei neklausysite Viešpaties, savo Dievo įsakymų, nukrypsite nuo kelio, kurį šiandien jums rodau, ir seksite svetimus dievus, kurių nepažįstate.
29Oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan, barakada waa inaad kaga dhawaaqdaan Buur Gerisiim, habaarkana waa inaad kaga dhawaaqdaan Buur Ceebaal.
29Kai Viešpats, jūsų Dievas, įves jus į žemę, kurią dabar einate užimti, paskelbkite palaiminimą nuo Garizimo, o prakeikimą­ nuo Ebalo kalno,
30War sow iyagu kama shisheeyaan Webi Urdun xagga jidka dambe oo qorrax-u-dhaca, oo ah dalka reer Kancaanka Caraabaah deggan, oo ka soo hor jeedda Gilgaal, oo ku dhinac yaal geedaha Moreh?
30kurie yra vakarinėje Jordano pusėje, kanaaniečių žemėje, ties Gilgalu, slėnyje prie Morės ąžuolo.
31Waayo, waxaad ka gudubtaan Webi Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, waadna hantiyi doontaan oo dhex degi doontaan.Oo waa inaad dhawrtaan oo wada yeeshaan qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idin hor dhigayo oo dhan.
31Jūs pereisite per Jordaną užimti žemes, kurias Viešpats, jūsų Dievas, jums duos, ir jūs užimsite jas ir apsigyvensite jose.
32Oo waa inaad dhawrtaan oo wada yeeshaan qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idin hor dhigayo oo dhan.
32Vykdykite įsakymus ir paliepimus, kuriuos šiandien skelbiu jums”.