1Wadaaddada reer Laawi iyo xataa qabiilka reer Laawi oo dhan waa inayan reer binu Israa'iil qayb iyo dhaxal toona la yeelan, laakiinse waa inay cunaan qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo iyo isaga dhaxalkiisa.
1“Kunigai ir visa Levio giminė neturės dalies ir paveldėjimo kaip visi izraelitai. Aukos Viešpačiui bus jų dalis.
2Oo iyagu waa inayan walaalahood dhaxal ku dhex yeelan. Dhaxalkooda waxaa ah Rabbiga siduu u sheegay.
2Jie nepaveldės dalies tarp savo brolių. Viešpats bus jų dalis, kaip Jis jiems pasakė.
3Oo dadka allabariga bixiya waxaa ku waajib ah inay wadaadka siiyaan, hadday dibi bixiyaan iyo hadday wan bixiyaanba, garabka iyo labada daan iyo caloosha.
3Kunigams priklauso iš tautos tokia aukos dalis: aukojant jautį ar aviną, kunigui tenka petys, abu žandikauliai ir skrandis,
4Oo isaga waa inaad siisaan waxa ugu horreeya hadhuudhkiinna iyo khamrigiinna, iyo saliiddiinna, iyo dhogorta ugu horraysa idihiinna.
4taip pat pirmienos javų, vyno, aliejaus ir avių vilnų.
5Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa isaga ka dhex doortay qabiilooyinkiinna oo dhan inuu isagu istaago oo ku adeego magaca Rabbiga, isaga iyo carruurtiisuba weligood.
5Iš visų tavo giminių Viešpats, tavo Dievas, išsirinko Levio giminę tarnauti Jam per amžius.
6Oo haddii mid reer Laawi ahu uu ka soo baxo magaalooyinkiinna middood, taasoo ah meeshuu dalka Israa'iil ka degganaa, oo isagoo aad u doonaya uu yimaado meesha Rabbigu uu dooranayo,
6Jei levitas, gyvenęs tavo apylinkėje, ateitų savo noru į Viešpaties pasirinktą vietą,
7markaas waa inuu ku adeegaa magaca Rabbiga Ilaahiisa ah siday wada yeelaan walaalihiisa reer Laawi oo Rabbiga hortiisa taagan oo dhammu.
7jis tarnaus Viešpačiui, savo Dievui, kaip visi jo broliai levitai, kurie ten būna Viešpaties akivaizdoje.
8Oo iyagu waa inay cunaan qayb isle'eg, oo aanay ku jirin waxa laga helo xoolaha aabbahood oo la iibiyo.
8Jis gaus tokią pat dalį kaip ir kiti, neskaitant to, ką gavo pardavęs tėviškę.
9Oo markaad gashaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo waa inaydaan baran inaad samaysaan waxyaalaha karaahiyo ah oo ay quruumahaasu sameeyaan.
9Kai įeisi į žemę, kurią Viešpats, tavo Dievas, tau duos, neišmok daryti tų tautų bjaurysčių.
10Oo dhexdiinna waa inaan laga helin mid wiilkiisa ama gabadhiisa dab dhex mariya, ama mid faal ku isticmaala, ama mid xiddigaha ku faaliya, ama qumay, ama mid wax fala,
10Nebus tarp jūsų tokių, kurie leistų savo sūnų ar dukterį per ugnį, nei ateities spėjėjų, nei ženklų aiškintojų, nei kerėtojų, nei burtininkų,
11ama falanfallow, ama mid qof ruuxaan leh la hadla, ama sixirow, ama mid kuwa dhintay la hadla.
11nei žavėtojų, nei mirusiųjų dvasių iššaukėjų, nei žynių, nei raganių.
12Waayo, ku alla kii waxyaalahaas sameeyaa waa u karaahiyo Rabbiga, oo waxyaalahan karaahiyada ah daraaddood ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga hortiinna uga eryayaa.
12Visi, kurie taip daro, yra pasibjaurėjimas Viešpačiui, ir už tokias bjaurystes Jis išnaikins tas tautas, prieš tau užimant kraštą.
13Waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah dhammaan u qummanaataan.
13Būk tobulas prieš Viešpatį, savo Dievą.
14Maxaa yeelay, quruumahaas aad hantiyi doontaan waxay dhegaystaan kuwa xiddigaha ku faaliya iyo faalshowyada kale, laakiinse idinka Rabbiga Ilaahiinna ahu idiinma uu oggolaan inaad saasoo kale yeeshaan.
14Tautos, kurių žemę paveldėsi, klauso ženklų aiškintojų ir žynių patarimų, o tau Viešpats, tavo Dievas, ne taip skyrė.
15Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu dhexdiinna idiinka kicin doonaa nebi sidayda oo kale oo walaalihiinna ka mid ah, oo idinku waa inaad isaga dhegaysataan,
15Viešpats, tavo Dievas, pakels pranašą iš tavo brolių kaip manejo klausykite!
16sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah uga doonayseen maalintii shirka markaad Xoreeb joogteen oo aad tidhaahdeen, Rabbiga Ilaahayaga ah codkiisa yaannan mar dambe maqlin, oo dabkan weynna yaannan mar dambe arkin, si aannan u dhiman.
16Kai prašei Viešpaties, savo Dievo, prie Horebo, sakydamas: ‘Nebenoriu daugiau girdėti Viešpaties, savo Dievo, balso ir matyti šios baisios ugnies, kad nemirčiau’,
17Oo markaas Rabbigu wuxuu igu yidhi, Wixii ay ku hadleen si wanaagsan bay u yidhaahdeen.
17Viešpats man tarė: ‘Jie teisingai kalbėjo.
18Waxaan iyaga walaalahood uga dhex kicin doonaa nebi sidaada oo kale ah, oo markaasaan afkiisa gelin doonaa erayadayda, oo isna wuxuu iyaga kula hadli doonaa wax alla waxaan isaga ku amri doono oo dhan.
18Aš pakelsiu iš jų brolių pranašą, panašų į tave, ir įdėsiu savo žodžius į jo lūpas. Jis kalbės jiems, ką jam įsakysiu.
19Oo waxay noqon doontaa in ku alla kii aan maqlin erayadayda uu magacayga ku sheegi doono, isagaan weyddiin doonaa.
19Kas nenorės paklusti mano žodžiams, kuriuos jis kalbės mano vardu, iš to išieškosiu.
20Laakiinse nebigii wax aanan ku amrin leh oo si kibir ah magacayga ugu hadla, ama kii ilaahyo kale magacood ku hadlaa, nebigaasu waa inuu dhintaa.
20Pranašas, kuris drįstų kalbėti mano vardu, ko Aš jam neliepiau, ar svetimų dievų vardu, bus baudžiamas mirtimi’.
21Oo haddaad qalbigiinna iska tidhaahdaan, Sidee baannu u garanaynaa eraygii aan Rabbigu ku hadlin?Markii nebi ku hadlo magaca Rabbiga, haddii wixii uu ku hadlay ayan ahaan oo ayan noqon, waxaas ayaa ah waxa aanu Rabbigu ku hadlin. Nebigu si kibir ah buu u hadlay ee waa inaydaan ka cabsan innaba.
21Jei sakytum: ‘Kaip mums pažinti žodį, kurį Viešpats kalbėjo?’
22Markii nebi ku hadlo magaca Rabbiga, haddii wixii uu ku hadlay ayan ahaan oo ayan noqon, waxaas ayaa ah waxa aanu Rabbigu ku hadlin. Nebigu si kibir ah buu u hadlay ee waa inaydaan ka cabsan innaba.
22Ženklas bus toks: jei pranašas paskelbtų ką nors iš anksto Viešpaties vardu ir tai neįvyktų, tam Viešpats nekalbėjo, bet pranašas kalbėjo iš savo pasipūtimo, ir todėl jo nebijok”.