Somali

Lithuanian

Ecclesiastes

3

1Wax kastaaba waxay leeyihiin wakhti u khaas ah, wax kasta oo samada ka hooseeyaaba waxay leeyihiin wakhti go'an.
1Viskam yra laikas, metas kiekvienam įvykiui po dangumi.
2Waxaa jira wakhti la dhasho, iyo wakhti la dhinto; wakhti wax la beero, iyo wakhti wixii la beeray la gurto;
2Yra laikas gimti ir mirti; laikas sodinti ir rauti, kas pasodinta.
3wakhti wax la dilo, iyo wakhti wax la bogsiiyo; wakhti wax la dumiyo, iyo wakhti wax la dhiso;
3Yra laikas žudyti ir gydyti; laikas griauti ir statyti.
4wakhti la ooyo iyo wakhti la qoslo; wakhti la baroorto, iyo wakhti la cayaaro;
4Yra laikas verkti ir juoktis; laikas gedėti ir šokti.
5wakhti dhagaxyo la xooro, iyo wakhti dhagaxyo la soo ururiyo; wakhti laysku duubo, iyo wakhti iskuduubidda la daayo;
5Yra laikas mėtyti akmenis ir juos vėl surinkti; laikas apkabinti ir susilaikyti nuo apkabinimo.
6wakhti wax la doondoono, iyo wakhti wax la lumiyo; wakhti wax la sii haysto iyo wakhti wax la xooro;
6Yra laikas įgyti ir prarasti; laikas laikyti ir išmesti.
7wakhti wax la jeexjeexo, iyo wakhti wax la tolo; wakhti la aamuso iyo wakhti la hadlo;
7Yra laikas perplėšti ir susiūti; laikas tylėti ir kalbėti.
8wakhti wax la jeclaado iyo wakhti wax la necbaado; wakhti dagaaleed, iyo wakhti nabdeed.
8Yra laikas mylėti ir nekęsti; laikas karui ir taikai.
9Kii shaqeeyaa bal maxaa faa'iido ah oo uu ka helaa hawshiisa uu ku hawshoodo?
9Kokią naudą turi tas, kuris dirba, iš savo triūso?
10Dhibaatadii Ilaah binu-aadmiga u siiyey inay ku hawshoodaan ayaan arkay.
10Aš regėjau užduotį, kurią Dievas davė žmonių vaikams.
11Wax kastuu ka dhigay inay wakhtigooda quruxsanaadaan, oo haddana daa'imnimadii ayuu qalbigooda ku beeray, hase ahaatee binu-aadmigu ma uu garto shuqulkii Ilaah sameeyey tan iyo bilowgii ilaa ugudambaysta.
11Jis skirtu laiku viską puikiai padarė. Jis įdėjo amžinybę žmogui į širdį, kad nė vienas žmogus nesuvoktų Dievo darbų nuo pradžios iki galo.
12Waan ogahay inaan binu-aadmigu lahayn wax uga wanaagsan inay iska farxaan oo ay cimrigooda oo dhan wanaag sameeyaan mooyaane.
12Aš supratau, kad žmonėms nėra nieko geresnio, kaip linksmintis ir daryti gera savo gyvenime.
13Oo weliba waa hibo Ilaah in nin kastaaba wax cuno oo wax cabbo, oo uu wanaag ku istareexo intuu hawshoodo oo dhan.
13Tai yra Dievo dovana, kad žmogus valgo, geria ir džiaugiasi savo darbo gėrybėmis.
14Waxaan ogahay in wax kasta oo Ilaah sameeyaaba ay weligood sii raagayaan. Waxba laguma dari karo, waxbana lagama dhimi karo. Oo Ilaah wuxuu saas u yeelay in dadku ka cabsado.
14Aš žinau, kad visa, ką Dievas daro, yra amžina,­nieko negalima nei pridėti, nei atimti. Dievas daro tai, kad žmonės Jo bijotų.
15Waxa haatan jiraa horeba way u jireen, oo waxa jiri doonaana horeba way u jireen, oo Ilaahna wuxuu doondoonaa wixii hore u dhaafay.
15Kas buvo, tas ir yra, o kas bus, jau yra buvę. Dievas pašaukia praeitį.
16Weliba waxaan kaloo qorraxda hoosteeda ku arkay in meeshii garsooridda ay caddaaladdarro ku jirto, oo meeshii xaqnimadana ay xumaanu ku jirto.
16Aš mačiau po saule: teismo vietoje­nedorybė, teisingumo vietoje­neteisybė.
17Waxaan qalbigayga iska idhi, Ilaah baa u kala garsoori doona kan xaqa ah iyo kan sharka ah, waayo, wax kasta iyo shuqul kastaaba halkaasay wakhti ku leeyihiin.
17Tariau savo širdyje: “Dievas teis teisųjį ir nedorėlį, nes Jis paskyrė laiką kiekvienam įvykiui ir darbui”.
18Waxaan qalbigayga iska idhi, Waxaa Ilaah doonaya inuu binu-aadmiga u tijaabiyo inay ogaadaan inay xayawaan yihiin.
18Aš galvojau savo širdyje apie žmones: “Dievas bando juos ir leidžia jiems suprasti, kad jie patys iš savęs tėra gyvuliai”.
19Waayo, wixii binu-aadmiga ku dhacaaba xayawaankana way ku dhacaan, oo xataa isku wax baa ku dhaca, oo sidii midkood u dhinto ayaa kan kalena u dhinta, oo weliba dhammaantood waxay leeyihiin isku neef, oo dadku xayawaanka waxba ma dheera, waayo, wax kastaaba waa wax aan waxba tarayn.
19Žmonėms atsitinka kaip ir gyvuliams: kaip vieni miršta, taip ir kiti, ir visi vienodai kvėpuoja. Žmogus nėra pranašesnis už gyvulius; viskas yra tuštybė.
20Kulli isku meel bay tagaan, oo kulligood ciiddaa laga abuuray, oo kulligoodna ciidday ku wada noqon doonaan.
20Visi eina į vieną vietą; visi yra iš dulkių ir vėl pavirs dulkėmis.
21Waayo, bal yaa yaqaan in dadka naftiisu ay kor tagto iyo in xayawaanka naftiisu ay dhulka hoos u tagto iyo in kale?Haddaba sidaas daraaddeed waxaan ogaaday inaan dadka wax u dhaama la arag in nin kasta shuqulladiisa ku farxo mooyaane, waayo, taasu waa qaybtiisii, maxaa yeelay, bal yaa isaga dib u soo celinaya inuu arko waxa dabadiis ahaan doona?
21Kas žino žmogaus dvasią, kuri kyla aukštyn, ir gyvulių kvapą, kuris eina žemyn, į žemę?
22Haddaba sidaas daraaddeed waxaan ogaaday inaan dadka wax u dhaama la arag in nin kasta shuqulladiisa ku farxo mooyaane, waayo, taasu waa qaybtiisii, maxaa yeelay, bal yaa isaga dib u soo celinaya inuu arko waxa dabadiis ahaan doona?
22Aš supratau, kad žmogui nėra nieko geresnio, kaip džiaugtis savo darbais, nes tai yra jo dalia. Nes kas gi jam parodys, kas bus po jo?