Somali

Lithuanian

Ecclesiastes

8

1Yaa ninka xigmadda leh la mid ah? Yaase wax micnihiisa yaqaan? Nin xigmaddiisu wejigiisay dhalaalisaa, oo adaygga wejigiisuna wuu beddelmaa.
1Kas yra toks išmintingas, kad galėtų viską išaiškinti? Išmintis nušviečia žmogaus veidą ir sušvelnina jo bruožus.
2Waxaan kugula talinayaa inaad boqorka amarkiisa dhawrtid, dhaartii Ilaah ee aad ku dhaaratay aawadeed.
2Klausyk karaliaus įsakymų dėl Dievui duotos priesaikos.
3Ha ku degdegin inaad hortiisa ka tagtid, wax shar ahna ha ku sii adkaan, waayo, isagu wuxuu sameeyaa wax alla wuxuu ku farxo.
3Neskubėk išeiti iš jo akivaizdos. Nedalyvauk nedorame darbe, nes jis gali daryti, ką nori.
4Waayo, boqorka hadalkiisu xoog buu leeyahay, oo yaase isaga ku odhan kara, War maxaad samaynaysaa?
4Karaliaus žodis yra galingas; kas gali jam sakyti: “Ką tu darai?”
5Ku alla kii amarka dhawra innaba waxyeello ma gaadhi doonto, oo ninka xigmadda leh qalbigiisuna wakhtiga iyo garsooriddaba wuu gartaa.
5Klausydamas jo įsakymų, nepatirsi pikta. Išmintingas žmogus žino, kada ir kaip elgtis.
6Maxaa yeelay, xaal kastaaba wuxuu leeyahay wakhti iyo garsoorid, in kastoo nin dhibaatadiisu iyadoo weyn ay saaran tahay.
6Kiekvienam dalykui yra laikas ir sprendimas, tačiau žmogui tai didelis vargas,
7Maxaa yeelay, isagu garan maayo waxa ahaan doona, waayo, bal yaa isaga u sheegi kara siday u ahaan doonaan?
7nes nė vienas nežino, kas bus ir kada tai įvyks?
8Ninna amar uma leh inuu nafta ceshado, oo maalinta dhimashadana amar uma leh. Oo wakhtiga dagaalkaasna fasax ma leh, oo sharnimaduna ma samatabbixin doonto kuwa iyada leh.
8Nė vienas žmogus neturi galios sulaikyti dvasią nei pakeisti mirties laiko. Negali būti atleistas nuo šitos kovos, ir nedorybė neišgelbės to, kuris jai atsidavęs.
9Waxaas oo dhan ayaan arkay, oo qalbigaygana waan u soo jeediyey shuqul kasta oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Waxaa jira wakhti nin mid kale u taliyo oo uu wax yeelo.
9Aš viską stebėjau, kreipiau dėmesį į kiekvieną dalyką pasaulyje. Kartais žmogus gali valdyti kitą žmogų ir pats sau kenkti.
10Oo haddana waxaan arkay sharrowyadii oo la aasay, kuwaas oo iman jiray oo ka bixi jiray meeshii quduuska ahayd, oo magaaladii ay waxaas ku dhex sameeyeenna waa laga illoobay. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.
10Aš mačiau nedorėlius laidojant; jie eidavo į šventyklą, tačiau buvo pamiršti mieste, kuriame taip elgėsi. Tai irgi yra tuštybė.
11Shuqulka sharka ah xukunkiisa dhaqso looma oofiyo, oo sidaas daraaddeed binu-aadmiga qalbigiisu inuu shar sameeyo aad buu u damcaa.
11Kadangi nuosprendis už piktus darbus ne tuojau įvykdomas, todėl žmonių širdys yra visiškai atsidavę daryti pikta.
12In kastoo dembile boqol jeer shar sameeyo, oo cimrigiisuna aad u sii raago, haddana hubaal waxaan ogahay in kuwa Ilaah ka cabsada oo hortiisa ka baqaa ay nabdoonaan doonaan.
12Nors nusidėjėlis ir šimtą kartų nusikaltęs ilgai gyventų, tačiau aš žinau, kad tie, kurie bijo Dievo, tikrai patirs gera.
13Laakiinse sharrowgu ma nabdoonaan doono, oo cimrigiisuna sii ma raagi doono sida hooska baabba'u uusan u raagin, maxaa yeelay, isagu Ilaah hortiisa kama cabsado.
13Bet nedorėliui nebus gerai ir netruks ilgai jo dienos, kurios tėra šešėlis, nes jis nebijo Dievo.
14Waxaa jira wax aan waxba tarayn oo dhulka lagu sameeyo, waana inay jiraan kuwa xaqa ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwa sharka ah, oo haddana ay jiraan kuwa sharka ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwa xaqa ah. Oo waxaan idhi, Taasuna waa wax aan waxba tarayn.
14Žemėje kartais teisusis gauna, ką nedorėlis yra nusipelnęs, o nedorėlis gauna, ką yra nusipelnęs teisusis. Aš sakiau, kad tai taip pat tuštybė.
15Markaasaan farax u bogay, maxaa yeelay binu-aadmigu inta qorraxda ka hoosaysa kuma haysto wax uga wanaagsan inuu wax cuno, oo wax cabbo, oo uu iska farxo, waayo, taasaa isaga raacaysa intuu hawshoodo cimrigiisa Ilaah qorraxda hoosteeda ku siiyo.
15Tada aš gyriau linksmybę, nes žmogui nėra nieko geresnio po saule, kaip valgyti, gerti ir būti patenkintam. Tai pasiliks su juo jo darbuose per visas dienas, kurias Dievas jam davė po saule.
16Markaan qalbigayga u soo jeedshay inaan xigmad garto, iyo inaan arko hawsha dhulka lagu sameeyo (waayo, waxaa jira mid aan habeen iyo maalin toona indhihiisa hurdo saarin),markaasaan shuqulka Ilaah oo dhan fiiriyey, oo gartay inaan binu-aadmigu karin inuu soo wada ogaado shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, maxaa yeelay, in kastoo laysku dhibo in la soo ogaado, haddana taas innaba lama soo heli karo, oo weliba xataa haddii nin xigmad lahu uu u maleeyo inuu soo ogaado, haddana soo ma uu ogaan kari doono.
16Kai aš stengiausi suprasti išmintį ir tai, kas vyksta žemėje, kodėl žmonės nei dieną, nei naktį nesudeda akių,
17markaasaan shuqulka Ilaah oo dhan fiiriyey, oo gartay inaan binu-aadmigu karin inuu soo wada ogaado shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, maxaa yeelay, in kastoo laysku dhibo in la soo ogaado, haddana taas innaba lama soo heli karo, oo weliba xataa haddii nin xigmad lahu uu u maleeyo inuu soo ogaado, haddana soo ma uu ogaan kari doono.
17aš pamačiau visus Dievo darbus ir supratau, kad žmogus negali suvokti, kas vyksta po saule. Kaip žmogus besistengtų tyrinėdamas, jis nesuvoks to; net išmintingasis, kuris tariasi žinąs, to nesupras.