Somali

Lithuanian

Esther

6

1Habeenkaasna boqorkii wuu seexan kari waayay, kolkaasuu amray in loo keeno buuggii taariikhda wakhtigaas, oo waxaa lagu akhriyey boqorka hortiisa.
1Tą naktį karalius negalėjo miegoti. Jis įsakė atnešti metraščių knygą ir jam skaityti iš jos.
2Oo waxaa laga dhex helay oo ku qornaa in Mordekay sheegay Bigtaan iyo Teresh oo ahaa boqorka labadiisii midiidin oo ka mid ahaa kuwii iridda dhawri jiray, kuwaas oo doonay inay Boqor Ahashwerus dilaan.
2Rado parašyta, kaip Mordechajas pranešė apie eunuchų Bigtano ir Terešo, ėjusių sargybą prie vartų, sąmokslą nužudyti karalių Ahasverą.
3Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Taas aawadeed maxaa maamuus iyo derejo ah oo Mordekay loo sameeyey? Kolkaasaa addoommadii boqorka u adeegi jiray waxay isagii ku yidhaahdeen, Waxba looma samayn.
3Karalius paklausė: “Koks pagerbimas ir atlyginimas buvo duotas Mordechajui už tai?” Karaliaus tarnai, kurie jam patarnavo, atsakė: “Jokio atlyginimo”.
4Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Yaa barxadda jooga? Haddaba Haamaan ayaa yimid guriga boqorka barxaddiisa dibadda ah inuu boqorka kala hadlo in Mordekay lagu deldelo qorigii deldelaadda oo uu isaga u diyaariyey.
4Karalius klausė: “Kas yra kieme?” Tuo laiku Hamanas buvo įėjęs į karaliaus namų išorinį kiemą kalbėti su karaliumi dėl Mordekajo pakorimo ant kartuvių, kurios jau buvo pastatytos.
5Markaasaa boqorka addoommadiisii waxay isaga ku yidhaahdeen, Bal eeg, Haamaan baa taagan barxadda. Kolkaasaa boqorkii yidhi, Ha soo galo.
5Karaliaus tarnai jam atsakė: “Hamanas stovi kieme”. Karalius liepė pakviesti Hamaną.
6Markaasuu Haamaan soo galay, oo boqorkii wuxuu ku yidhi, Ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso maxaa loo yeelaa? Haddaba Haamaan wuxuu qalbigiisa iska yidhi, Bal yaa boqorku ku farxi lahaa inuu maamuuso in ka badan intuu i maamuuso?
6Jam įėjus, karalius klausė: “Ką reikėtų padaryti vyrui, kurį karalius nori pagerbti?” Hamanas galvojo: “Ką gi kitą karalius norėtų pagerbti, jei ne mane?”
7Oo Haamaan wuxuu boqorkii ku yidhi, Ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso
7Hamanas atsakė: “Vyrą, kurį karalius norėtų pagerbti,
8ha loo keeno dharkii boqornimada oo boqorku xidhan jiray, iyo faraska boqorku fuulo, oo madaxana ha loo saaro taajka boqorka,
8reikia aprengti karaliaus rūbais, užsodinti ant karaliaus jojamojo žirgo ir uždėti ant galvos karaliaus karūną.
9oo dharka iyo faraska gacanta ha loo geliyo boqorka amiirradiisa sharafta leh midkood, in loo lebbiso ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso. Oo isaga inta faras la fuushiiyo, jidka magaalada dhexdeeda ha la mariyo, oo hortiisa ha laga naadiyo, Ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso sidaasaa loo yeelaa.
9Rūbus ir žirgą tegul jam paduoda vienas iš karaliaus kilmingiausiųjų kunigaikščių; jis teatveda karaliaus pagerbtąjį, užsodina jį ant žirgo ir, vesdamas žirgą miesto aikšte, tegul skelbia: ‘Taip padaroma tam vyrui, kurį karalius nori pagerbti!’ ”
10Markaasaa boqorkii wuxuu Haamaan ku yidhi, Haddaba soo dhaqso, oo waxaad soo qaaddaa dharkii iyo faraskii aad sheegtay, oo wixii aad sheegtay oo dhan u samee Mordekay oo ah Yuhuudiga fadhiya boqorka iriddiisa; oo wixii aad sheegtay oo dhan yaan waxba ka dhinnaan.
10Tada karalius įsakė Hamanui: “Skubėk, imk rūbus, žirgą ir padaryk visa, ką sakei, žydui Mordechajui, kuris sėdi prie karaliaus vartų. Žiūrėk, kad viskas būtų įvykdyta”.
11Kolkaasaa Haamaan wuxuu soo qaaday dharkii iyo faraskii oo wuxuu u lebbisay Mordekay, oo isagoo faraskii fuushan ayuu mariyey jidka magaalada, oo wuxuu hortiisa ka naadiyey, Sidaasaa loo yeelaa ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso.
11Hamanas paėmė rūbus ir žirgą, aprengė Mordechajų, vedė jį ant žirgo miesto aikšte ir skelbė: “Taip padaroma tam vyrui, kurį karalius nori pagerbti!”
12Haddaba Mordekay wuxuu mar kale ku soo noqday boqorka iriddiisii. Laakiinse Haamaan isagoo murugaysan oo hagoogan ayuu gurigiisii dhaqso u tegey.
12Mordechajas grįžo prie karaliaus vartų, o Hamanas nuskubėjo į savo namus nuliūdęs ir užsidengęs galvą.
13Markaasaa Haamaan wuxuu naagtiisii Seresh iyo saaxiibbadiis oo dhan uga sheekeeyey wixii isaga ku dhacay oo dhan. Kolkaasaa raggiisii xigmadda lahaa iyo naagtiisii Seresh waxay ku yidhaahdeen, Mordekay oo aad bilowday inaad hortiisa ku dhacdo, hadduu yahay farcanka Yuhuudda, ka adkaan maysid, laakiinse hubaal hortiisaad ku dhici doontaa.Oo weliba intay isagii la sii hadlayeen waxaa yimid boqorka midiidinnadiisii, oo u soo dhaqsaday inay haddiiba Haamaan keenaan martiqaadkii Esteer diyaarisay.
13Hamanas papasakojo savo žmonai Zerešai ir draugams visa, kas įvyko. Jo patarėjai ir žmona kalbėjo: “Jei Mordechajas, prieš kurį turėjai nusižeminti, yra žydų tautybės, tu nelaimėsi, bet tikrai krisi”.
14Oo weliba intay isagii la sii hadlayeen waxaa yimid boqorka midiidinnadiisii, oo u soo dhaqsaday inay haddiiba Haamaan keenaan martiqaadkii Esteer diyaarisay.
14Jiems dar tebekalbant, atėjo karaliaus eunuchai ir skubėjo nuvesti Hamaną į Esteros paruoštas vaišes.