Somali

Lithuanian

Exodus

11

1Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Weli belaayo kale ayaan Fircoon iyo Masar ku soo dejin doonaa; oo dabadeedna wuu idin sii dayn doonaa inaad halkan ka tagtaan, oo markuu idin sii daayo, giddigiin ayuu halkan idinka sii wada eryi doonaa.
1Viešpats tarė Mozei: “Dar vieną bausmę užleisiu faraonui ir Egiptui. Po to jis išleis jus, netgi varyte išvarys!
2Haddaba dadka dhegihiisa maqashii, oo nin waluba ha weyddiisto deriskiisa, naag walubana ha weyddiisato deriskeeda alaab lacag ah iyo alaab dahab ah.
2Kalbėk žmonėms, kad kiekvienas vyras iš savo kaimyno ir kiekviena moteris iš savo kaimynės paprašytų sidabrinių ir auksinių daiktų”.
3Rabbiguna Masriyiintii ayuu dadkii raalli uga dhigay. Oo weliba ninkii Muuse ahaa wuxuu dalka Masar ku ahaa mid aad u weyn xagga Fircoon addoommadiisa iyo xagga dadkaba.
3Viešpats palankiai nuteikė izraelitams egiptiečius. Be to, Mozė buvo labai žymus vyras Egipto šalyje, faraono tarnų ir tautos akyse.
4Muusena wuxuu yidhi, Waxaa Rabbigu leeyahay, Habeenbadhka baan dalka Masar ku dhex soconayaa,
4Tada Mozė kalbėjo: “Taip sako Viešpats: ‘Apie vidurnaktį Aš pereisiu Egiptą.
5oo curadyada dalka Masar jooga oo dhammu way wada dhiman doonaan, curadka Fircoon oo ku fadhiya carshigiisa, ilaa la gaadho curadka gabadha addoonta ah oo ka dambaysa dhagaxshiidka, iyo curadyada xoolaha oo dhan.
5Tada mirs visi pirmagimiai, pradedant faraono, sėdinčio soste, pirmagimiu, ir baigiant pirmagimiu vergės, esančios prie girnų, ir visi gyvulių pirmagimiai.
6Oo waxaa dalka Masar oo dhan jiri doonta oohin weyn, taas oo kale aan hore loo arag, hadda kaddibna aan la arki doonin marnaba.
6Visoje Egipto šalyje kils verksmas, kokio nėra buvę ir kokio daugiau nebus.
7Laakiinse reer binu Israa'iil dad iyo duunyo toona xataa eeyna afka u kala qaadi maayo, si aad u ogaataan in Rabbigu kala duway Masriyiinta iyo reer binu Israa'iil.
7Bet prieš nė vieną izraelitą, ar jo gyvulį nė šuo nesulos, kad žinotumėte, jog Viešpats daro skirtumą tarp egiptiečių ir izraelitų’.
8Oo addoommadaadan oo dhammu anigay ii iman doonaan, oo anigay ii sujuudi doonaan, iyagoo leh, Iska bax, adiga iyo dadka kula socda oo dhammuba; oo markaas dabadeed ayaan bixi doonaa. Oo wuxuu Fircoon kaga tegey cadho aad u kulul.
8Tada tavo tarnai ateis ir, nusilenkę prieš mane, sakys: ‘Išeik tu ir visi tavo žinioje esantys žmonės!’ Ir tada aš išeisiu”. Mozė išėjo iš faraono degdamas pykčiu.
9Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon hadalkaaga dhegaysan maayo, inay cajaa'ibyadaydu dalka Masar ku sii bataan aawadeed.Muuse iyo Haaruunna cajaa'ibyadan oo dhan waxay ku sameeyeen Fircoon hortiisa; Rabbiguna waa sii qallafiyey qalbigii Fircoon oo isna ma uusan sii dayn reer binu Israa'iil inay dalkiisa ka baxaan.
9Tada Viešpats tarė Mozei: “Faraonas jūsų neklausys, kad Aš galėčiau padaryti daugiau stebuklų Egipte”.
10Muuse iyo Haaruunna cajaa'ibyadan oo dhan waxay ku sameeyeen Fircoon hortiisa; Rabbiguna waa sii qallafiyey qalbigii Fircoon oo isna ma uusan sii dayn reer binu Israa'iil inay dalkiisa ka baxaan.
10Mozė ir Aaronas padarė visus šituos stebuklus faraonui matant. Tačiau Viešpats taip užkietino faraono širdį, kad jis neišleido izraelitų iš savo šalies.