1Oo markaasaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ka sodcaaleen cidlada Siin la yidhaahdo, oo waxay u socdeen sidii Rabbigu ku amray, kolkaasay waxay degeen meel la yidhaahdo Refiidiim; oo dadkuna ma ay haysan biyo ay cabbaan.
1Visi izraelitai keliavo toliau iš Sino dykumos sustodami, kai Viešpats įsakydavo. Jie pasistatė stovyklą Refidime. Čia jie nerado geriamo vandens
2Sidaas daraaddeed dadkii waxay la dirireen Muuse, oo waxay ku yidhaahdeen, War biyo aannu cabno na sii. Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Bal maxaad aniga iila diriraysaan? Oo maxaad Rabbiga u jirrabaysaan?
2ir priekaištavo Mozei, sakydami: “Duok mums vandens atsigerti!” Mozė jiems atsakė: “Ko burnojate prieš mane? Kodėl gundote Viešpatį?”
3Markaasay dadkii meeshaas biyo ugu harraadeen; kolkaasaa dadkii intay Muuse u gunuuseen ayay waxay ku yidhaahdeen, War maxaad Masar nooga soo kaxaysay? Ma inaad annaga iyo carruurtayada, iyo xoolahayaga harraad noogu disha baa?
3Žmonės, ištroškę vandens, murmėjo prieš Mozę: “Kodėl mus išvedei iš Egipto, kad mus, mūsų vaikus ir gyvulius numarintum troškuliu?”
4Kolkaasaa Muuse Rabbiga u qayshaday oo ku yidhi, Bal maxaan dadkan ku sameeyaa? Waayo, waxay ku dhow yihiin inay i dhagxiyaan.
4Tada Mozė šaukėsi Viešpaties: “Ką man daryti su šita tauta? Nedaug trūksta, kad jie užmuštų mane akmenimis”.
5Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal dadka ka hor mar, oo waxaad kaxaysataa waayeellada reer binu Israa'iil, ushaadii aad webiga ku dhufatayna gacanta ku qabso oo tag.
5Viešpats atsakė Mozei: “Išeik prieš tautą kartu su Izraelio vyresniaisiais; laikyk rankoje lazdą, kuria sudavei į upę, ir eik.
6Oo bal ogow, halkaas ayaan hortaada isku dul taagi doonaa dhagaxa weyn oo Xoreeb yaal, kolkaas waa inaad dhagaxa ushaada ku dhufataa, oo waxaa halkaas ka iman doona biyo ay dadku cabbaan. Kolkaasaa Muuse sidaas ku sameeyey waayeelladii reer binu Israa'iil hortooda.
6Aš stovėsiu prieš tave ant uolos Horebe. Tu suduosi lazda į uolą, iš jos ištekės vanduo ir žmonės galės atsigerti”. Mozė taip ir padarė Izraelio vyresniųjų akyse.
7Markaasuu meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Masaah iyo Meriibaah, dirirtii ay reer binu Israa'iil dirireen aawadeed, iyo jirrabaaddii ay Rabbiga jirrabeen aawadeed, oo ay yidhaahdeen, War, Rabbigu ma na dhex joogaa mise nama dhex joogo?
7Jis praminė tą vietą Masa ir Meriba dėl to, kad izraelitai priekaištavo ir gundė Viešpatį, sakydami: “Ar yra Viešpats tarp mūsų?”
8Markaasaa waxaa yimid reer Camaaleq, oo wuxuu reer binu Israa'iil kula diriray Refiidiim.
8Tada atėjo amalekiečiai ir kariavo su Izraeliu Refidime.
9Markaasaa Muuse wuxuu Yashuuca ku yidhi, Rag inoo dooro, oo la bax, oo reer Camaaleq la dirir. Berrito waxaan istaagi doonaa buurta dusheeda, anigoo gacanta ku haysta ushii Ilaah.
9Mozė įsakė Jozuei: “Pasirink vyrų ir eik kariauti prieš amalekiečius! Rytoj aš atsistosiu ant kalvos viršūnės ir laikysiu Dievo lazdą rankoje”.
10Kolkaasaa Yashuuca yeelay sidii Muuse ku yidhi, oo wuxuu la diriray reer Camaaleq. Markaasaa Muuse iyo Haaruun iyo Xuur waxay koreen ilaa buurta dusheedii.
10Jozuė padarė, kaip jam Mozė buvo įsakęs, ir kovojo prieš amalekiečius. Mozė, Aaronas ir Hūras užlipo ant kalvos viršūnės.
11Oo markii Muuse gacanta kor u taagayba, waxaa adkaaday reer binu Israa'iil; markuu gacanta dejiyeyna, waxaa adkaaday reer Camaaleq.
11Kol Mozė laikydavo pakėlęs savo rankas, laimėdavo izraelitai; kai tik jas nuleisdavo, laimėdavo amalekiečiai.
12Laakiinse Muuse gacmihiisu way cuslaayeen; kolkaasay waxay soo qaadeen dhagax, oo Muuse u saldhigeen, isna kolkaasuu ku fadhiistay; Haaruun iyo Xuurna gacmihiisii bay sare u hayeen, intuu midba dhinac ka maray, oo gacmihiisiina way xoogeeyeen ilaa ay qorraxdii dhacday.
12Mozės rankos pavargo; jie tad paėmė akmenį, ir jis atsisėdo ant jo. Aaronas ir Hūras laikė jo rankas, vienas iš vienos, kitas iš kitos pusės; taip jo rankos buvo pakeltos iki saulės nusileidimo.
13Oo Yashuucana seef afkeed buu ku jebiyey reer Camaaleq iyo dadkiisiiba.
13Tuo būdu Jozuė nugalėjo Amaleką ir jo tautą savo kardu.
14Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxan buug ku qor si loo xusuusto, oo Yashuuca dhegihiisa maqashii, waayo, xusuusta reer Camaaleq lagu xusuusan jiray ayaan inta samada ka hoosaysa oo dhan ka baabbi'inayaa.
14Viešpats liepė Mozei: “Įrašyk tai į knygą atminimui ir perskaityk Jozuei girdint, kad Aš išnaikinsiu atminimą apie amalekiečius iš po dangaus”.
15Markaasaa Muuse wuxuu dhisay meel allabari, oo magaceedii wuxuu u bixiyey Yehowah Nisii,oo wuxuu yidhi, Rabbigu waa dhaartay, oo Rabbigu wuu la dagaallami doonaa reer Camaaleq ka ab ka ab.
15Mozė pastatė aukurą ir jį pavadino “Viešpats yra mano vėliava”.
16oo wuxuu yidhi, Rabbigu waa dhaartay, oo Rabbigu wuu la dagaallami doonaa reer Camaaleq ka ab ka ab.
16Nes jis sakė: “Viešpats prisiekė ir Jis kariaus prieš amalekiečius per kartų kartas”.