1Oo meesha allabariga waa inaad ka samaysaa qori qudhac ah, dhererkeedu shan dhudhun ha ahaado, ballaadhkeeduna shan dhudhun; oo meesha allabarigu afar geesood ha ahaado, oo sarajooggeeduna saddex dhudhun ha ahaado.
1“Padirbdinsi iš akacijos medžio keturkampį aukurą, penkių uolekčių ilgio, tiek pat pločio ir trijų uolekčių aukščio.
2Oo afarteeda rukun waxaad u yeeshaa afar gees; oo geesaheedu waa inay isku waslad la ahaadaan; oo waa inaad naxaas ku dahaadhaa.
2Keturiuose kampuose padarysi ragus ir visa tai aptrauksi variu.
3Oo waa inaad u samaysaa weelal dambaska lagaga guro, iyo majarafadaheeda, iyo maddiibadaheeda, iyo mudacyadeeda, iyo dabqaadayaasheeda, oo alaabteeda oo dhan waxaad ka samaysaa naxaas.
3Padarysi aukurui puodus pelenams supilti, semtuvėlius, dubenis, šakutes ir indus anglims; visus šiuos indus pagaminsi iš vario.
4Oo waa inaad shabag naxaas ah u yeeshaa; oo shabagga dushiisa waa inaad u yeeshaa afar siddo oo naxaas ah oo ku taal afarta gees.
4Padirbdinsi iš vario nupintas groteles, prie kurių keturiuose kampuose bus keturios varinės grandys.
5Oo waxaad hoos dhigtaa qarka ku wareegsan meesha allabariga, inuu shabaggu gaadho meesha allabariga kalabadhkeeda.
5Jas pritvirtinsi aplinkui aukurą, kad grotelės siektų nuo apačios iki pusės.
6Oo meesha allabariga waa inaad u yeeshaa ulo qudhac ah oo lagu qaado, oo waxaad ku dahaadhaa naxaas.
6Padirbdinsi iš akacijos medžio aukurui kartis, kurias aptrauksi variu;
7Oo ulaheeda waa in siddooyinka laga geliyaa, oo uluhu waa inay meesha allabariga labada dhinac kaga jiraan ha lagu qaadee.
7jas įkiši į grandis, kurios bus abiejuose šonuose aukurui nešti.
8Oo waxaad iyada ka samaysaa looxyo, sida sanduuq madhan oo kale, oo sidii buurta lagugu tusay ha u sameeyeen.
8Aukurą padarysi tuščiavidurį, kaip tau buvo parodyta kalne.
9Oo waa inaad samaysaa barxadda taambuugga; oo barxadda dhinaceeda koonfureed waxaad ka lalmisaa daah maro wanaagsan ah oo dhererkiisu yahay boqol dhudhun,
9Ir padarysi palapinei kiemą. Pietų pusėje bus užkabos iš plonos suktų siūlų drobės, kurių ilgis bus šimtas uolekčių.
10oo tiirarkiisuna waa inay ahaadaan labaatan, iyo labaatan saldhig oo naxaas ah, oo tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalaha laysugu wada xidhaa waa inay lacag ahaadaan.
10Padarysi dvidešimt stulpų ir tiek pat varinių pakojų. Stulpai turės sidabrinius kablius ir skersinius.
11Oo sidaas oo kale waa inaad dhinaca woqooyina ka lalmisaa daah ah boqol dhudhun, oo tiirarkiisuna ha ahaadeen labaatan, iyo labaatan saldhig oo naxaas ah, oo tiirarka qabsatooyinkooda iyo waxyaalaha laysugu wada xidhaana lacag ha ahaadeen.
11Taip pat ir šiaurės pusėje bus užkabos šimto uolekčių ilgio, dvidešimt stulpų ir tiek pat varinių pakojų. Stulpai turės sidabrinius kablius ir skersinius.
12Oo barxadda dhinaca galbeed ballaadhkeeda waxaad ka lalmisaa daah konton dhudhun ah, oo tiirarkiisu ha ahaadeen toban, saldhigyadooduna toban.
12Kiemo vakarinės pusės užkabos bus penkiasdešimties uolekčių ilgio, dešimt stulpų ir tiek pat pakojų.
13Oo barxadda dhinaca bari ballaadhkeedu waa inuu konton dhudhun ahaado.
13Kiemo plotis rytų pusėje bus penkiasdešimt uolekčių.
14Oo iridda dhinaceeda waxaad ka lalmisaa daah shan iyo toban dhudhun ah; tiirarkiisuna waa inay ahaadaan saddex, saldhigyadooduna saddex.
14Viename įėjimo šone bus užkaba penkiolikos uolekčių ilgio su trimis stulpais ir tiek pat pakojų.
15Oo dhinaca kalena waxaad ka lalmisaa daah shan iyo toban dhudhun ah, tiirarkiisuna waa inay ahaadaan saddex, saldhigyadooduna saddex.
15Taip pat kitame šone bus užkaba penkiolikos uolekčių, trys stulpai ir tiek pat pakojų.
16Oo barxadda iriddeeda waxaad u yeeshaa daah labaatan dhudhun ah, oo ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac laga sameeyey, tiirarkiisu ha ahaadeen afar, saldhigyadooduna afar.
16Kiemo įėjimą dengs dvidešimties uolekčių išsiuvinėta užkaba iš mėlynų, raudonų, violetinių ir plonų suktų siūlų. Jame bus keturi stulpai su tiek pat pakojų.
17Oo tiirarka barxadda ku wareegsan oo dhan waa in lacag laysugu wada xidhaa; oo qabsatooyinkooduna waa inay lacag ahaadaan, saldhigyadooduna waa inay naxaas ahaadaan.
17Visi kiemo stulpai bus aptraukti variu, turės sidabrinius kablius ir varinius pakojus.
18Barxadda dhererkeedu waa inuu ahaado boqol dhudhun, oo ballaadhkeeduna waa inuu meel walba u ahaadaa konton dhudhun, sarajooggeeduna waa inuu ahaado shan dhudhun, kana samee maro wanaagsan oo saldhigyadooduna ha ahaadeen naxaas.
18Kiemo ilgis bus šimtas uolekčių, plotis penkiasdešimt uolekčių ir aukštis penkios uolektys. Jo užkabas padarysi iš plonos suktų siūlų drobės, o pakojusiš vario.
19Oo alaabta taambuugga lagaga adeego oo dhan, iyo musmaarradiisa oo dhan, iyo barxadda musmaarradeeda oo dhammu waa inay naxaas wada ahaadaan.
19Visus palapinės indus įvairiems reikalams ir visus kuolelius palapinei bei kiemui padarysi iš vario.
20Oo waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay kuu keenaan saliid saafi ah oo saytuun laga tumay oo laambadda lagu shido, si ay laambaddu had iyo goor u baxdo.Taambuugga shirka gudihiisa oo ku yaal ilxidhka dibaddiisa, kuna hor yaalla maragga, fiidka ilaa subaxda waa inay Haaruun iyo wiilashiisu Rabbiga hortiisa ku diyaariyaan laambadda; oo wuxuu reer binu Israa'iil u noqon doonaa qaynuun weligiis u jira ka ab ka ab.
20Įsakyk Izraelio vaikams, kad atneštų tyriausio alyvmedžių aliejaus, išspausto piestoje, kad lempa visada degtų
21Taambuugga shirka gudihiisa oo ku yaal ilxidhka dibaddiisa, kuna hor yaalla maragga, fiidka ilaa subaxda waa inay Haaruun iyo wiilashiisu Rabbiga hortiisa ku diyaariyaan laambadda; oo wuxuu reer binu Israa'iil u noqon doonaa qaynuun weligiis u jira ka ab ka ab.
21Susitikimo palapinėje šiapus uždangos, kuri pakabinta prieš Švenčiausiąją. Aaronas ir jo sūnūs ją prižiūrės, kad ji degtų per naktį ligi ryto Viešpaties akivaizdoje. Tai yra amžina Izraelio vaikų pareiga kartų kartoms”.